Cibraaniyiintii 4:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Sidaas daraaddeed aynu cabsanno, inta ballan nasashadiisa lagu gelayaa jiro, inaan midkiinna u ekaan mid gaadhi waayay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Cib 12:15 : 15 Fiiro u yeesha si aan ninna u gaadhi waayin nimcada Ilaah, waaba intaasoo xidid qadhaadhi soo baxaa oo idin dhibaa, oo qaar badanu ku nijaasoobaane,
  • Cib 4:9 : 9 Sidaas daraaddeed waxaa dadka Ilaah u hadha nasasho.
  • Maah 28:14 : 14 Ninkii mar kasta cabsadaa waa barakaysan yahay, Laakiinse kii qalbigiisa sii adkeeyaa masiibuu ku dhici doonaa.
  • Room 3:3-4 : 3 Haddaba, maxaa jira, haddii qaar aanay rumaysad lahayn? Rumaysaddarradoodu miyey Ilaah aaminnimadiisa burin doontaa? 4 Ma suurtowdo! Ilaah runlow ha ahaado in kastoo nin waluba beenlow yahay, sida qoran, In xaq lagaaga dhigo hadalladaada, Oo aad libaantid markii lagu xukumo.
  • Cib 4:11 : 11 Haddaba aynu u dadaalno inaynu nasashadaas galno inaan ninna caasinimadaas oo kale ku dhicin.
  • Cib 4:3-5 : 3 Waayo, kuweenna rumaystay, nasashadaas waynu galnaa, siduu u yidhi, Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan ayaan waxaan ku dhaartay, Iyagu nasashadayda ma geli doonaan, in kastoo ay shuqulladii ka dhammaadeen aasaaska dunida. 4 Waayo, isagu meel buu maalintii toddobaad sidan ka yidhi, Maalintii toddobaad Ilaah baa shuqulladiisii oo dhan ka nastay. 5 Meeshatanna mar kale wuxuu yidhi, Iyagu nasashadayda ma geli doonaan.
  • Cib 13:7 : 7 ¶ Xusuusta hoggaamiyayaashiinna idiin sheegay ereyga Ilaah. Oo ka fiirsada waxa ka yimaada asluubtoodii, oo iimaankoodii ku dayda.
  • Cib 12:25 : 25 Digtoonaada si aydnaan u diidin kan hadlaya; waayo, haddayan baxsan kuwii diiday kii dhulka ku waaniyey, si ka badan innaguna ma baxsan doonno haddaynu ka jeesanno kan jannada ka hadlaya,
  • Room 3:23 : 23 Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah;
  • Room 11:20 : 20 Waa tahay. Rumaysaddarradoodii baa loo jebiyey, adna waxaad ku taagan tahay rumaysadkaaga. Ha iskibrin, laakiinse cabso;
  • 1 Kor 9:26-27 : 26 Haddaba anigu uma ordo qasdila'aan, uma feedhtamo sida mid dabaysha ku dhufanaya. 27 Laakiin jidhkaygaan dhibaa oo addoon ka dhigaa si markaan qaar kale injiilka ku wacdiyo aan qudhayda lay diidin.
  • 1 Kor 10:12 : 12 Sidaa daraaddeed kii u malaynaya inuu taagan yahay, ha iska eego inuusan dhicin.
  • 2 Tim 2:13 : 13 haddii aynu nahay aaminlaawayaal, isagu weli waa aamin; waayo, isagu isma burin karo.
  • Cib 2:1-3 : 1 ¶ Taa aawadeed waa inaynu aad u dhegaysanno waxaynu maqalnay waaba intaasoo ay inaga fakadaan. 2 Waayo, haddii hadalkii malaa'iguhu ku hadleen xaqiiq ahaa, oo kii kasta oo xadgudub iyo caasinimo sameeyey uu helay abaalgud xaq ah, 3 sidee baynu u baxsan doonnaa haddaynu dayacno badbaadintan weyn oo Rabbigu kolkii hore ku hadlay oo kuwii maqlayna inoo xaqiiqeeyeen?
  • Cib 3:11 : 11 Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan ayaan waxaan ku dhaartay, Iyagu nasashadayda ma geli doonaan.
  • Mat 7:21-23 : 21 ¶ Ma aha qof kasta oo igu yidhaahda, Rabbow, Rabbow, kuwa boqortooyadii jannada gelayaa, laakiin kii sameeya doonista Aabbahayga jannada ku jira, kaasaa gelaya. 22 Maalintaas qaar badan baa igu odhan doona, Rabbow, Rabbow, miyaannan magacaaga wax ku sii sheegin, oo miyaannan magacaaga jinniyo ku saarin, oo miyaannan magacaaga wax badan oo xoog leh ku samayn? 23 Markaasaan ku odhan doonaa, Weligay idinma aqoon, iga taga, dembifalayaalow.
  • Mat 7:26-27 : 26 Qof kasta oo ereyadaydan maqla oo aan yeelin, waxaa loo ekaysiinayaa nin doqon ah oo gurigiisa carrada ka dul dhisay. 27 Roobkii waa da'ay, daadkiina waa yimid, dabayshiina waa dhacday, wayna ku dhaceen gurigaas, wuuna dumay, dumiddiisuna waa weynayd.
  • Luuk 12:45-46 : 45 Laakiin haddii addoonkaas qalbigiisa ka yidhaahdo, Sayidkayga imaatinkiisii waa raagay, oo uu bilaabo inuu garaaco midiidinyada ragga iyo dumarka ahaa, iyo inuu wax cuno oo wax cabbo oo sakhraamo, 46 addoonkaas sayidkiisu wuxuu iman doonaa maalin aanu filayn oo saacad aanu ogayn, oo waa kala jeexi doonaa, oo wuxuu ka dhigi doonaa mid qayb la hela kuwa aan aaminka ahayn.
  • Luuk 13:25-30 : 25 Goortii ninkii guriga lahaa kaco oo albaabka xidho, oo aad bilowdaan inaad dibadda istaagtaan oo aad albaabka garaacdaan, idinkoo leh, Sayidow, naga fur; isaguna waa u jawaabi doonaa oo idinku odhan doonaa, Garan maayo meeshaad ka timaadeen. 26 Markaasaad bilaabi doontaan inaad tidhaahdaan, Hortaada ayaannu wax ku cuni jirnay oo ku cabbi jirnay, oo jidadkayaga ayaad wax ku bari jirtay. 27 Markaasuu odhan doonaa, Waxaan idinku leeyahay, Garan maayo meeshaad ka timaadeen; iga taga kulligiin oo xaqdarrada ka shaqeeya. 28 Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi goortaad boqortooyada Ilaah ku aragtaan Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo nebiyada oo dhan, oo idinkana dibadda laydiin tuuray. 29 Waxay ka iman doonaan bari iyo galbeed iyo woqooyi iyo koonfur, waxayna dhex fadhiisan doonaan boqortooyada Ilaah. 30 Ogaada, kuwa ugu dambeeya ayaa ugu horrayn doona, kuwa ugu horreeyaana way ugu dambayn doonaan.
  • Mat 24:48-25:3 : 48 Laakiin haddii addoonkaas sharka leh qalbigiisa ka yidhaahdo, Sayidkaygu waa raagay, 49 oo uu bilaabo inuu garaaco kuwii la shaqayn jiray, oo uu wax la cuno oo wax la cabbo kuwa sakhraanka ah, 50 addoonkaas sayidkiisu wuxuu iman doonaa maalin aanu filayn iyo saacad aanu ogayn, 51 oo waa kala jeexi doonaa oo wuxuu ka dhigi doonaa mid qayb la hela labawejiilayaasha. Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi. 1 ¶ Haddaba boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiin doonaa toban gabdhood oo bikrado ah, kuwa intay laambadahooda qaateen, u baxay inay ninka arooska ah ka hor tagaan. 2 Shantood waxay ahaayeen doqonno, shanna caqli bay lahaayeen. 3 Kuwii doqonnada ahaa laambadahoodii bay qaateen, laakiin saliid ma ay qaadan.
  • Yer 32:40 : 40 Oo waxaan iyaga la dhigan doonaa axdi weligiisba sii waaraya, si aanan marnaba uga sii jeesan inaan iyaga wanaag u sameeyo, oo qalbigooda ayaan cabsidayda gelin doonaa, si ayan iiga tegin aawadeed.
  • Tir 14:34 : 34 Oo maalmihii aad dalka ku soo basaasteen oo afartan maalmood ahaa, maalintiiba sannad ayaad dembiyadiinna u qaadanaysaan, oo idinku xumaantiinna waad qaadanaysaan xataa afartan sannadood, oo waxaad ogaan doontaan diidniintayda.
  • 1 Sam 2:30 : 30 Sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu waxaan idhi, Hubaal reerkaaga iyo reerka aabbahaaba hortayday ku socon doonaan weligood. Laakiinse haatan Rabbigu wuxuu leeyahay, Taasu ha iga fogaato, waayo, kuwa i murweeya waan murwayn doonaa, oo kuwa i quudhsadana waa la fududaysan doonaa.
  • Maah 14:16 : 16 Ninkii caqli lahu waa cabsadaa, oo sharka wuu ka noqdaa; Laakiinse nacasku waa ciishoodaa, wuuna isku kalsoon yahay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Cib 4:2-11
    10 aayado
    87%

    2Waayo, innagana war wanaagsan baa laynagu wacdiyey sidooda oo kale, laakiin hadalkay maqleen waxba uma uu tarin iyaga, maxaa yeelay, kuwii maqlay rumaysad kuma ay darin.

    3Waayo, kuweenna rumaystay, nasashadaas waynu galnaa, siduu u yidhi, Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan ayaan waxaan ku dhaartay, Iyagu nasashadayda ma geli doonaan, in kastoo ay shuqulladii ka dhammaadeen aasaaska dunida.

    4Waayo, isagu meel buu maalintii toddobaad sidan ka yidhi, Maalintii toddobaad Ilaah baa shuqulladiisii oo dhan ka nastay.

    5Meeshatanna mar kale wuxuu yidhi, Iyagu nasashadayda ma geli doonaan.

    6Haddaba waxaa hadhay qaar gelaya, oo kuwii kolkii hore warkii wanaagsanaa lagu wacdiyey way geli waayeen caasinimo aawadeed.

    7Taas daraaddeed haddana mar kale maalintoo buu gooni u dhigay, isagoo wakhti dheer dabadeed qorniinka Daa'uud ku leh, Maanta, sidii kolkii hore la yidhi, Maanta haddaad codkiisa maqashaan, Qalbiyadiinna ha adkaynina.

    8Waayo, haddii Yashuuca iyagii nasiyey, Ilaah markaas dabadeed kama uu hadleen maalin kale.

    9Sidaas daraaddeed waxaa dadka Ilaah u hadha nasasho.

    10Waayo, kii nasashadiisa galay, isaga qudhiisuna waa ka nastay shuqulladiisii sidii Ilaah kuwiisii uga nastay.

    11Haddaba aynu u dadaalno inaynu nasashadaas galno inaan ninna caasinimadaas oo kale ku dhicin.

  • Cib 3:11-15
    5 aayado
    77%

    11Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan ayaan waxaan ku dhaartay, Iyagu nasashadayda ma geli doonaan.

    12¶ Iska jira, walaalayaalow. Yaanu qalbi shar leh oo aan rumaysad lahayni midkiinna ku jirin, idinkoo Ilaaha nool ka dheeraanaya.

    13Laakiin maalin kasta iswaaniya, intii la odhanayo, Maanta, inuusan midkiinna ku engegin khiyaanada dembiga.

    14Waayo, waxaynu noqonnay kuwa Masiix ka qayb qaatay, haddaynu aad u xajinno bilowgii kalsoonaanteenna ilaa ugu dambaysta,

    15inta la leeyahay, Maanta haddaad codkiisa maqashaan, Qalbiyadiinna ha adkaynina sidii wakhtigii dhirifka.

  • Cib 3:18-19
    2 aayado
    76%

    18Oo yuu ku dhaartay inaanay nasashadiisa gelin, kuwii isaga addeeci waayay mooyaane?

    19Oo waxaynu aragnaa inaanay geli karin rumaysaddarro aawadeed.

  • Cib 2:1-3
    3 aayado
    75%

    1¶ Taa aawadeed waa inaynu aad u dhegaysanno waxaynu maqalnay waaba intaasoo ay inaga fakadaan.

    2Waayo, haddii hadalkii malaa'iguhu ku hadleen xaqiiq ahaa, oo kii kasta oo xadgudub iyo caasinimo sameeyey uu helay abaalgud xaq ah,

    3sidee baynu u baxsan doonnaa haddaynu dayacno badbaadintan weyn oo Rabbigu kolkii hore ku hadlay oo kuwii maqlayna inoo xaqiiqeeyeen?

  • 31Waa wax aad cabsi u leh in lagu dhaco gacmaha Ilaaha nool.

  • 12Sidaa daraaddeed kii u malaynaya inuu taagan yahay, ha iska eego inuusan dhicin.

  • Cib 12:14-15
    2 aayado
    72%

    14¶ Nabad kula dadaala dadka oo dhan, iyo quduusnaanta aan la'aanteed ninna Rabbiga arki doonin.

    15Fiiro u yeesha si aan ninna u gaadhi waayin nimcada Ilaah, waaba intaasoo xidid qadhaadhi soo baxaa oo idin dhibaa, oo qaar badanu ku nijaasoobaane,

  • 16Haddaba aynu carshiga nimcada dhiirranaan ugu soo dhowaanno si aynu naxariis u qaadanno oo aynu u helno nimco ina caawisa wakhtiga baahida.

  • 7Haddaba waa sidan waxa Ruuxa Quduuska ahi leeyahay, Maanta haddaad codkiisa maqashaan,

  • 1¶ Haddaba, gacaliyayaalow, innagoo ballamadan haysanna, aan iska safayno nijaas kasta oo jidhka iyo ruuxa ku jirta, innagoo quduusnimada kaamilayna oo Ilaah ka cabsanayna.

  • 11Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan waxaan ku dhaartay Inaanay nasashadayda gelin.

  • 28Sidaas daraaddeed innagoo helayna boqortooyo aan la gariirin karin, aynu mahadnaqno si aynu Ilaah uga farxinno innagoo cibaado iyo cabsi ugu adeegayna;

  • 9waayo, idinku weli ma aydaan gaadhin nasashada iyo dhaxalka uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siinayo.

  • Cib 6:11-12
    2 aayado
    70%

    11Oo annagu waxaannu jecel nahay in midkiin kastaa muujiyo dadaalkaas oo kale tan iyo hubaasha rajada ilaa ugu dambaysta,

    12inaydnaan caajisiin noqon laakiin aad noqotaan kuwo ku dayda kuwa rumaysadka iyo dulqaadashada ku dhaxla ballamada.

  • Cib 10:23-25
    3 aayado
    70%

    23Aynu aad u xajinno qirashada rajadeenna liicliicashola'aan, maxaa yeelay, kan inoo ballanqaaday waa aamin.

    24Oo midkeenba midka kale ha ka fikiro si aynu isugu guubaabinno kalgacayl iyo shuqullo wanaagsan.

    25Yeynan iska daynin isku ururkeenna sida ay tahay caadada dadka qaarkood, laakiin aan isdhiirrigelinno, khusuusan markaad aragtaan inay Maalintu soo dhowaanayso.

  • 14¶ Haddaba innagoo leh wadaad sare oo weyn, kan samooyinka sii dhex maray, kaas oo ah Ciisoo Wiilka Ilaah ah, aynu qirashadeenna xajinno.

  • Cib 11:39-40
    2 aayado
    70%

    39Kuwaas oo dhammu, iyagoo loo markhaati furay rumaysadkoodii daraaddiis, ayaanay helin wixii loo ballanqaaday;

    40waayo, Ilaah wuxuu hore u arkay wax ka wanaagsan oo inagu saabsan, inaan la'aanteen iyaga kaamil laga dhigin.

  • 11Waxaan ka baqayaa inaan waxtarla'aan idinkugu hawshooday.

  • 40Sidaas darteed iska jira inaanay idinku dhicin wixii nebiyadu sheegeen iyagoo leh,

  • 17Haddaad Aabbow ugu yeedhaan kan nin walbaba u xukuma eexashola'aan iyo sida shuqulkiisu yahay, cabsi Ilaah isku dhaafiya wakhtiga aad qariibka tihiin.

  • 27Laakiin waxaa u hadha filasho cabsi leh oo xukun, iyo dab kulul oo baabbi'in doona kuwa Ilaah ka geesta ah.

  • 6Sidaas daraaddeed innagoo ku kalsoon waxaynu nidhaahnaa, Rabbigu waa kaalmeeyahayga, oo anigu cabsan maayo; Bal maxaa dad igu samayn doonaa?

  • 24oo haddii aannan taas u samaynin feejignaan iyo sabab aawadood, annagoo leh, Waa dambe carruurtiinnu waxay la hadli doonaan carruurtayada, oo waxay ku odhan doonaan, Maxaa idinka galay Rabbiga Ilaaha u ah reer binu Israa'iil?

  • 6sidaas daraaddeed yeynan seexan sida kuwa kale yeelaan, laakiinse aan soo jeedno oo aan feeyignaanno.

  • 29Oo markaasaan idinku idhi, Ha cabsanina, hana ka baqina.

  • 36Waayo, waxaad dulqaadasho ugu baahan tihiin si aad u qaadataan wixii laydiin ballanqaaday markaad doonista Ilaah samaysaan dabadeed.

  • 25Digtoonaada si aydnaan u diidin kan hadlaya; waayo, haddayan baxsan kuwii diiday kii dhulka ku waaniyey, si ka badan innaguna ma baxsan doonno haddaynu ka jeesanno kan jannada ka hadlaya,

  • 8Iska jira si aydnaan u khasaarayn wixii aynu falnay, laakiinse si aad abaalgud dhan u heshaan.

  • 19¶ Taas daraaddeed, walaalayaalow, waxaynu haysannaa dhiirranaan inaynu meesha quduuska ah ku galno dhiigga Ciise,