Cibraaniyiintii 9:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, markii Muuse amar kasta kula hadlay dadka oo dhan sida sharcigu leeyahay, wuxuu qaaday dhiiggii weylalka iyo orgiyada, iyo biyo, iyo dhogor guduudan, iyo geed husob la yidhaahdo, oo wuxuu ku rusheeyey kitaabka qudhiisa iyo dadka oo dhanba,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 19:6 : 6 Oo markaas waa in wadaadku soo qaadaa qoryo ah geed kedar la yidhaahdo, iyo husob, iyo wax guduud ah, oo waa inuu ku dhex tuuro dabka qaalintu ku gubanayso.
  • Cib 9:12 : 12 Mar buu wada galay meeshii quduuska ahayd, isagoo aan orgiyo iyo weylal dhiiggoodii wadin, laakiin wuxuu waday dhiiggiisa, sidaasuu furasho weligeed ah inoogu helay.
  • 1 But 1:2 : 2 oo lagu doortay aqoontii Ilaaha Aabbaha ahu hore u sii ogaa, oo quduus lagaga dhigay Ruuxa, xagga addeecidda iyo rushaynta dhiiggii Ciise Masiix. Nimco iyo nabadu ha idiin bateen.
  • Tir 19:18 : 18 oo markaas waa in qof daahir ahu geed husob ah soo qaadaa, oo uu biyaha daraa, oo kolkaas ha ku rusheeyo teendhada, iyo weelasha oo dhan, iyo dadkii halkaas joogay, iyo kii taabtay lafta, ama qofka la dilay, ama meydka, ama qabriga.
  • Sab 51:7 : 7 Haddaba geed husob ah igu daahiri, oo anna nadiif baan ahaan doonaa, I maydh, oo anna baraf cad waan ka sii caddaan doonaa.
  • Ish 52:15 : 15 ayuu isaguna quruumo badan uga yaabin doonaa, oo boqorraduna waxay afkooda u xidhi doonaan isaga aawadiis, waayo, waxay arki doonaan wax aan weligood loo sheegin, oo waxay ka fiirsan doonaan wax ayan weligood maqal.
  • Yex 36:25 : 25 Oo markaasaan biyo nadiif ah idinku kor rushayn doonaa, oo idinna nadiif baad ahaan doontaan, oo waxaan idinka nadiifin doonaa wasakhdiinnii oo dhan iyo sanamyadiinnii oo dhanba.
  • Mat 27:28 : 28 Dharkiisii ayay ka qaadeen oo waxay u geliyeen dhar guduudan.
  • Mark 15:17 : 17 Waxay u geliyeen dhar guduudan, oo taaj ayay qodxan uga texeen, oo madaxiisay saareen.
  • Mark 15:20 : 20 Goortay ku majaajiloodeen dabadeed ayay dharkii guduudnaa ka qaadeen oo dharkiisii bay u geliyeen, markaasay wadeen in iskutallaabta lagu qodbo.
  • Yoox 19:2 : 2 askartiina taaj ayay qodxan uga taxeen, oo madaxiisay saareen, oo waxay u geliyeen dhar guduudan.
  • Yoox 19:5 : 5 Ciise haddaba ayaa dibadda u soo baxay isagoo sita taajkii qodxanta ahaa iyo dharkii guduudnaa, oo Bilaatos ayaa ku yidhi iyaga, Bal eega ninka.
  • Bax 12:22 : 22 Waxaad qaadataan xidhmo geed husob ah, oo waxaad dartaan dhiigga ku jira xeedhada, oo albaabka fayaaraddiisa sare iyo labada dhinac oo fayaaradda ah ku taabsiiya dhiiga ku jira xeedhada; oo midkiinna ilaa waagu ka beryo yuusan albaabka gurigiisa dibadda uga bixin.
  • Bax 24:5-9 : 5 Kolkaasuu wuxuu diray raggii dhallinyarada ahaa oo reer binu Israa'iil, oo waxay Rabbiga u bixiyeen allabaryo la gubo iyo qurbaanno nabaadiino oo dibiyo ah. 6 Markaasaa Muuse wuxuu qaaday dhiiggii badhkiis oo wuxuu ku shubay xeedhooyin; oo dhiiggii badhkiisna wuxuu ku rusheeyey meeshii allabariga. 7 Markaasuu wuxuu qaaday kitaabkii axdiga, oo wuuna akhriyey iyadoo ay dadkii maqlayaan, oo waxay yidhaahdeen, Kulli wixii Rabbigu ku hadlay waannu yeeli doonnaa oo waannu addeeci doonnaa. 8 Markaasaa Muuse wuxuu qaaday dhiiggii, oo dadkii ku rusheeyey, oo wuxuu ku yidhi, Bal eega dhiiggii axdiga oo Rabbigu idinla dhigtay oo ku saabsan hadalladan oo dhan. 9 Kolkaasaa waxaa kor u fuulay Muuse, iyo Haaruun, iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo toddobaatan oday oo reer binu Israa'iil ah. 10 Markaasay waxay arkeen Ilaahii reer binu Israa'iil; oo waxaa cagihiisa ka hooseeyey sallax dhagax safayr ah oo sida samada u daahirsan. 11 Oo odayaashii reer binu Israa'iilna far ma uu saarin, oo Ilaah bay arkeen, waxna way cuneen oo cabbeen.
  • Laaw 1:2-3 : 2 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Markii nin idinka mid ahu uu Rabbiga qurbaan u bixinayo, qurbaankiinna waxaad ka bixisaan xoolaha, kuwaasoo ah lo'da iyo idaha. 3 ¶ Oo haddii qurbaankiisu yahay qurbaan la gubo oo lo' ah, waa inuu bixiyaa neef lab oo aan iin lahayn, oo waa inuu ku bixiyaa teendhada shirka iriddeeda, si isaga Rabbiga hortiisa loogu aqbalo.
  • Laaw 1:10 : 10 ¶ Oo haddii qurbaankiisu yahay neef adhi ah, ha ahaado wan ama orgi oo qurbaan la gubo loo keenay, ha bixiyo neef lab oo aan iin lahayn.
  • Laaw 3:6 : 6 ¶ Oo haddii qurbaankiisu yahay allabari qurbaanno nabaadiino ah oo uu adhiga ka bixinayo, lab iyo dhaddig miduu yahayba, waa inuu bixiyaa neef aan iin lahayn.
  • Laaw 14:4-7 : 4 markaas wadaadku waa inuu amraa in kan la daahirinayo aawadiis loo keeno laba shimbirrood oo noolnool oo daahir ah, iyo qori kedar ah, iyo wax casaan ah, iyo geed husob la yidhaahdo. 5 Oo wadaadku waa inuu amraa in shimbirraha middood lagu dhex gowraco weel dhoobo ah oo biyo socda korkooda ah. 6 Oo shimbirta nool iyo qoriga kedarka ah, iyo waxa casaanta ah iyo geedka husobka ahba waa inuu soo qaadaa oo iyaga iyo shimbirta noolba waa inuu dhex geliyaa dhiigga shimbirtii biyaha socda lagu kor gowracay. 7 Oo wadaadkuna kan baraska laga daahirinayo toddoba jeer waa inuu dhiigga ku saydhaa oo waa inuu yidhaahdaa, Kanu waa daahir. Oo shimbirta noolna berrin bannaan ha ku sii daayo.
  • Laaw 14:49-52 : 49 Oo isna si uu guriga u daahiriyo aawadeed waa inuu qaadaa laba shimbirrood, iyo qori kedar ah, iyo wax casaan ah, iyo geed husob la yidhaahdo. 50 Oo shimbirraha middood waa inuu ku dhex gowracaa weel dhoobo ah oo biyo socda korkooda ah. 51 Oo isagu markaas waa inuu soo qaadaa qoriga kedarka ah, iyo geedka husobka ah, iyo waxa casaanta ah iyo shimbirta nool, oo iyaga waa inuu dhex geliyaa dhiigga shimbirtii la gowracay iyo biyaha socdaba, oo markaas waa inuu toddoba jeer guriga ku saydhsaydhaa. 52 Oo waa inuu guriga ku daahiriyaa dhiigga shimbirta, iyo biyaha socda, iyo shimbirta nool, iyo qoriga kedarka ah, iyo geedka husobka ah, iyo waxa casaanta ah.
  • Laaw 16:14-18 : 14 Oo isagu waa inuu qaadaa dhiiggii dibiga qaarkiis, oo fartiisa ha kula saydhsaydho daboolka dhankiisa bari, oo daboolka hortiisana waa inuu dhiigga fartiisa kula saydhsaydhaa toddoba jeer. 15 Markaas waa inuu gowracaa orgigii dadka loogu bixinayo qurbaan dembi, oo uu dhiiggiisana ilxidhka soo geliyaa, oo orgiga dhiiggiisana waa inuu ku sameeyaa siduu ku sameeyey dhiiggii dibiga oo kale, oo uu ku saydhsaydhaa daboolka dushiisa iyo hortiisaba. 16 Oo isagu waa inuu meesha quduuska ah daraaddeed kafaaraggud ugu sameeyaa dadka reer binu Israa'iil waxyaalahooda nijaasta ah iyo xadgudubyadooda oo ah xataa dembiyadooda oo dhan aawadood, oo sidaasoo kalena waa inuu u sameeyaa teendhada shirka oo iyaga la deggan waxyaalahooda nijaasta ah dhexdooda. 17 Oo waa inaan ninna teendhada shirka joogin markii uu isagu u galo inuu kafaaraggud ku sameeyo meesha quduuska ah gudaheeda ilaa uu ka soo baxo, isagoo kafaaraggud u sameeyey nafsaddiisa, iyo reerkiisa, iyo shirka reer binu Israa'iil oo dhan. 18 Oo waa inuu meesha allabariga ee Rabbiga hortiisa taal u baxaa, oo uu kafaaraggud u sameeyaa, oo uu soo qaadaa dhiigga dibiga qaarkiis, iyo dhiigga orgiga qaarkiis, oo uu mariyaa meesha allabariga geesaheeda.
  • Cib 10:4 : 4 Waayo, ma suurtowdo in dibiyo iyo orgiyo dhiiggoodu dembiyo qaado.
  • Cib 12:24 : 24 iyo Ciise oo ah dhexdhexaadiyaha axdiga cusub, iyo dhiigga rushaynta oo u hadla si ka wanaagsan kii Haabiil.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Cib 9:20-23
    4 aayado
    83%

    20isagoo leh, Kanu waa dhiiggii axdiga oo Ilaah idinku amray.

    21Sidaas oo kalena taambuugga iyo weelasha lagu adeego oo dhan ayuu ku rusheeyey dhiiggii.

    22Inta badan wax walba waxaa lagu nadiifiyaa dhiig sida sharcigu leeyahay, oo dhiigdaadinla'aan dembidhaaf ma jiro.

    23¶ Haddaba lagamamaarmaan bay ahayd in u-ekaanta waxyaalaha jannooyinka ku jira kuwan lagu nadiifiyo; laakiin waxyaalaha jannada qudhooda waa in lagu nadiifiyo allabaryo kuwan ka wanaagsan.

  • 18Haddaba xataa axdigii hore laguma gelin dhiigla'aan.

  • Bax 24:6-8
    3 aayado
    81%

    6Markaasaa Muuse wuxuu qaaday dhiiggii badhkiis oo wuxuu ku shubay xeedhooyin; oo dhiiggii badhkiisna wuxuu ku rusheeyey meeshii allabariga.

    7Markaasuu wuxuu qaaday kitaabkii axdiga, oo wuuna akhriyey iyadoo ay dadkii maqlayaan, oo waxay yidhaahdeen, Kulli wixii Rabbigu ku hadlay waannu yeeli doonnaa oo waannu addeeci doonnaa.

    8Markaasaa Muuse wuxuu qaaday dhiiggii, oo dadkii ku rusheeyey, oo wuxuu ku yidhi, Bal eega dhiiggii axdiga oo Rabbigu idinla dhigtay oo ku saabsan hadalladan oo dhan.

  • 79%

    18Oo waa inuu meesha allabariga ee Rabbiga hortiisa taal u baxaa, oo uu kafaaraggud u sameeyaa, oo uu soo qaadaa dhiigga dibiga qaarkiis, iyo dhiigga orgiga qaarkiis, oo uu mariyaa meesha allabariga geesaheeda.

    19Oo waa inuu toddoba jeer dhiigga fartiisa kula saydhaa meesha allabariga, oo waa inuu daahiriyaa, oo quduus ka dhigaa waxyaalaha nijaasta ah ee reer binu Israa'iil.

  • Tir 19:17-19
    3 aayado
    79%

    17Oo nijaasta aawadeed waa in loo qaadaa dambaska qurbaankii dembiga oo la gubay, oo biyo socda waa in weel lagula shubaa,

    18oo markaas waa in qof daahir ahu geed husob ah soo qaadaa, oo uu biyaha daraa, oo kolkaas ha ku rusheeyo teendhada, iyo weelasha oo dhan, iyo dadkii halkaas joogay, iyo kii taabtay lafta, ama qofka la dilay, ama meydka, ama qabriga.

    19Oo qofka daahirka ahu waa inuu maalinta saddexaad iyo maalinta toddobaad ku rusheeyaa kii nijaas ah, oo maalinta toddobaad waa inuu isaga daahiriyaa, markaas dharkiisana ha maydho, jidhkiisana biyo ha ku maydho, oo markaas fiidkii daahir buu ahaan doonaa.

  • Cib 9:12-13
    2 aayado
    79%

    12Mar buu wada galay meeshii quduuska ahayd, isagoo aan orgiyo iyo weylal dhiiggoodii wadin, laakiin wuxuu waday dhiiggiisa, sidaasuu furasho weligeed ah inoogu helay.

    13Waayo, haddii orgiyo iyo dibiyo dhiiggooda, iyo qaalin dambaskeeda lagu rusheeyo kuwa nijaasoobay, ay quduus ka dhigaan in jidhka la nadiifiyo,

  • Tir 19:4-6
    3 aayado
    77%

    4Oo markaas wadaadka Elecaasaar ahu waa inuu dhiiggeeda farta ku qaadaa, oo uu dhiiggeeda toddoba jeer ku rusheeya xagga teendhada shirka horteeda.

    5Oo waa in qaalinta hortiisa lagu gubaa. Haraggeeda, iyo hilibkeeda, iyo dhiiggeeda, iyo uuskeedaba waa in la wada gubaa.

    6Oo markaas waa in wadaadku soo qaadaa qoryo ah geed kedar la yidhaahdo, iyo husob, iyo wax guduud ah, oo waa inuu ku dhex tuuro dabka qaalintu ku gubanayso.

  • 6oo markaas wadaadku fartiisa dhiigga ha geliyo, oo dhiigga toddoba jeer waa inuu Rabbiga ugu hor saydhaa ilxidhka meesha quduuska ah.

  • 19Oo isna wankii wuu gowracay, markaasaa Muuse dhiiggii ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga.

  • Laaw 4:17-18
    2 aayado
    76%

    17oo markaas wadaadku fartiisa dhiigga ha geliyo, oo toddoba jeer waa inuu Rabbiga ugu hor saydhaa ilxidhka.

    18Oo isagu waa inuu dhiigga qaarkiis mariyaa geesaha meesha allabariga oo Rabbiga hortiisa taal oo teendhada shirka ku dhex taal, oo dibiga dhiiggiisa oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga ee qurbaanka la gubo, taasoo iridda teendhada shirka taal.

  • 15Markaasuu dibigii gowracay, oo Muuse wuxuu soo qaaday dhiiggii, oo farta ku mariyey geesihii meesha allabariga, oo meesha allabarigana sidaasuu ku daahiriyey, kolkaasuu dhiigga ku ag shubay salkii meesha allabariga, quduus buuna ka dhigay, si uu kafaaraggud ugu sameeyo.

  • 74%

    14Oo isagu waa inuu qaadaa dhiiggii dibiga qaarkiis, oo fartiisa ha kula saydhsaydho daboolka dhankiisa bari, oo daboolka hortiisana waa inuu dhiigga fartiisa kula saydhsaydhaa toddoba jeer.

    15Markaas waa inuu gowracaa orgigii dadka loogu bixinayo qurbaan dembi, oo uu dhiiggiisana ilxidhka soo geliyaa, oo orgiga dhiiggiisana waa inuu ku sameeyaa siduu ku sameeyey dhiiggii dibiga oo kale, oo uu ku saydhsaydhaa daboolka dushiisa iyo hortiisaba.

  • Laaw 8:23-24
    2 aayado
    74%

    23Markaasuu wankii gowracay, oo Muuse wuxuu soo qaaday dhiiggii oo wuxuu mariyey Haaruun caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midig.

    24Oo haddana wuxuu keenay Haaruun wiilashiisii, kolkaasaa Muuse dhiiggii mariyey caaradda dhegahooda midig, iyo suulka gacantooda midig, iyo suulka cagtooda midig, oo Muusena wuxuu dhiiggii ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga.

  • 16Markaasay meeshoodii istaageen sidii loogu amray sharcigii Muuse oo ahaa ninkii Ilaah, oo wadaaddadu waxay saydhsaydhi jireen dhiiggii ay ka guddoomeen gacantii reer Laawi.

  • 74%

    51Oo isagu markaas waa inuu soo qaadaa qoriga kedarka ah, iyo geedka husobka ah, iyo waxa casaanta ah iyo shimbirta nool, oo iyaga waa inuu dhex geliyaa dhiigga shimbirtii la gowracay iyo biyaha socdaba, oo markaas waa inuu toddoba jeer guriga ku saydhsaydhaa.

    52Oo waa inuu guriga ku daahiriyaa dhiigga shimbirta, iyo biyaha socda, iyo shimbirta nool, iyo qoriga kedarka ah, iyo geedka husobka ah, iyo waxa casaanta ah.

  • 14Markaasaa Muuse buurtii ka degay, oo wuxuu u tegey dadkii, kolkaasuu dadkii quduus ka dhigay, oo ay dharkoodii dhaqeen.

  • Tir 19:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    2Kanu waa qaynuunkii sharciga Rabbigu idinku amray oo uu idinku yidhi, Reer binu Israa'iil la hadla, oo waxaad ku tidhaahdaan, Noo keena qaalin lo'aad oo cas oo aan bar iyo iin lahayn oo aan weligeed harqood la saarin.

  • 9Oo wiilashii Haaruun ayaa isagii u keeneen dhiiggii, oo isna fartiisii ayuu dhiiggii daray oo wuxuu mariyey geesihii meesha allabariga, oo dhiigga intiisii kalena wuxuu ku ag shubay salkii meesha allabariga.

  • 30Markaasaa Muuse qaaday saliiddii lagu subkado qaarkeed iyo dhiiggii meesha allabariga ku kor yiil, oo wuxuu ku kor saydhsaydhay Haaruun, iyo dharkiisii, iyo wiilashiisii, iyo dharkii wiilashiisa, oo wuxuu quduus ka dhigay Haaruun iyo dharkiisii iyo wiilashiisii iyo dharkii wiilashiisaba.

  • 6Oo shimbirta nool iyo qoriga kedarka ah, iyo waxa casaanta ah iyo geedka husobka ahba waa inuu soo qaadaa oo iyaga iyo shimbirta noolba waa inuu dhex geliyaa dhiigga shimbirtii biyaha socda lagu kor gowracay.

  • 22Markaasay dibidii gowraceen oo intay wadaaddadii dhiiggii soo qaadeen ayay meesha allabariga ku rusheeyeen, oo haddana waxay gowraceen wanankii, oo dhiiggoodiina way ku rusheeyeen meesha allabariga, baraarkiina way gowraceen, oo dhiiggoodiina meesha allabariga ayay ku rusheeyeen.

  • Bax 29:20-21
    2 aayado
    72%

    20Oo markaas waa inaad wanka gowracdaa, oo dhiiggiisa intaad qaadatid waxaad marisaa dhegta midig oo Haaruun caaraddeeda, iyo dhegta midig oo wiilashiisa caaraddeeda, iyo suulka gacantooda midig, iyo suulka cagtooda midig, oo haddana waxaad dhiigga ku dul rushaysaa meesha allabariga.

    21Oo waxaad qaaddaa dhiigga meesha allabariga ku dul yaal, iyo saliidda lagu subkado, oo waxaad ku rushaysaa Haaruun, iyo dharkiisa, iyo wiilashiisa, iyo dharkii wiilashiisa isaga la jooga; oo waa in quduus laga dhigaa isaga, iyo dharkiisa, iyo wiilashiisa, iyo dharkii wiilashiisa isaga la jooga.

  • 12Oo waxaad qaaddaa dibiga dhiiggiisa, oo fartaada ku mari meesha allabariga geesaheeda; oo dhiigga oo dhan waxaad ku qubtaa meesha allabariga hoosteeda.

  • 11Oo qaarkeedna wuxuu toddoba jeer ku saydhsaydhay meeshii allabariga, oo wuxuu subkay meeshii allabariga iyo weelasheedii oo dhan iyo berkeddii weysada iyo salkeedii, si uu dhammaantood quduus uga dhigo.

  • 34Oo kaasu qaynuun weligiis ah buu idiin ahaan doonaa inaad reer binu Israa'iil sannaddiiba mar kafaaraggud ugu samaysaan dembiyadooda oo dhan. Oo isna wuxuu sameeyey sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 27Oo wax alla wixii hilibkiisa taabtaana quduus bay ahaan doonaan, oo dhiiggiisana haddii dhar lagu saydho, wixii uu kaga saydhmay waa inaad ku maydhaa meel quduus ah.

  • 18Oo weliba wuxuu gowracay dibigii iyo wankii ahaa allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo dadka aawadiis loo bixinayay; oo markaasay wiilashii Haaruun isagii u keeneen dhiiggii, oo isna wuxuu ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga.

  • 20Oo waa inaad dhiiggiisa wax ka qaaddaa, oo waa inaad marisaa meesha allabariga afarteeda gees iyo qarka afartiisa rukun iyo darafkiisa ku wareegsan, oo sidaas waa inaad u nadiifisaa oo ugu kafaaragguddaa.

  • 9Oo markaas nin daahir ahu ha soo ururiyo qaalinta dambaskeedii, oo meel xerada dibaddeeda oo nadiif ah ha dhigo, oo shirka reer binu Israa'iil ha lagu dhigo biyaha nijaasta daahiriya; waayo, iyadu waa dembi qurbaankiis.

  • 30Oo wadaadku waa inuu dhiigga qaarkiis fartiisa ku qaadaa oo uu mariyaa geesaha meesha allabariga qurbaanka la gubo, oo dhiigga oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga.

  • 16Oo markaas waa inaad wanka gowracdaa, oo dhiiggiisa intaad qaadatid waxaad ku dul rushaysaa meesha allabariga.

  • 7Laakiin kan labaad waxaa sannaddiiba mar gala wadaadka sare oo keliya, isagoo aan dhiigla'aan gelaynin. Oo dhiiggaas wuxuu u bixiyaa naftiisa iyo dembiyada dadku aqoonla'aanta ku sameeyo.

  • 9Oo qurbaanka dembiga dhiiggiisa qaarkiis waa inuu ku rusheeyaa meesha allabariga dhinaceeda, oo dhiigga intiisa kalena ha lagaga miiro salka meesha allabariga, waayo, taasu waa qurbaan dembi.