Hosheeca 9:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaan gartay in dadka Israa'iil ay la mid ahaayeen canab cidlada ku dhex yaal, oo waxaan arkay in awowayaashiin ahaayeen sidii berdaha xilliga hore bislaada, laakiinse iyagu waxay yimaadeen Bacal Fecoor, oo waxay gooni isugu sooceen waxaas ceebta miidhan ah, oo waxay u karaahiyoobeen sidii wixii ay jeclaayeen oo kale.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 11:13 : 13 Dadka Yahuudah ahow, ilaahyadiinnu waxay tiro le'eg yihiin magaalooyinkiinna, oo jidadka Yeruusaalem intay tiro le'eg yihiin oo kale ayaad meelo allabaryo u qotomiseen waxaas ceebta miidhan ah, waana meelo allabaryo oo aad foox ugu shiddaan Bacal.
  • Hos 4:14 : 14 Anigu ma aan ciqaabi doono gabdhihiinna markay dhilloobaan amase aroosadihiinna markay sinaystaan, waayo, ragga qudhooduba waxay raacaan dhillooyin, oo waxay allabari la bixiyaan sharmuutooyin, oo dadkii aan wax garanaynna waa la wada afgembiyi doonaa.
  • Yex 20:8 : 8 Laakiinse way igu caasiyoobeen, oo inay i maqlaan ayay diideen. Ninkoodna waxyaalihii karaahiyada ahaa ee indhihiisa iskama xoorin, oo sanamyadii Masarna kama ay tegin. Markaasaan idhi, Cadhadaydaan ku kor shubi doonaa, si aan iyaga dalka Masar dhexdiisa xanaaqayga ugu dhammaystiro.
  • Hos 2:15 : 15 Oo waxaan iyada halkaas ka siin doonaa beeraheedii canabka ahaa, oo dooxada Caakoorna waxaan uga dhigi doonaa albaab rajo, oo iyana halkaasay ku jawaabi doontaa, sidii waagii ay dhallintayarayd oo kale, iyo sidii maalintii ay dalkii Masar ka soo baxday.
  • Yer 2:2-3 : 2 Tag oo Yeruusaalem dhegaha kaga qayli, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan xusuusnahay roonaantii yaraantaada iyo jacaylkii doonanaantaada, markaad igu raaci jirtay cidladii ahayd dal aan waxba lagu beerin. 3 Reer binu Israa'iil wuxuu Rabbiga u ahaa quduus, iyo midhihii ugu horreeyey ee beergooyskiisii, oo kuwii isaga cunay oo dhammu eed bay lahaayeen, oo masiibo baa iyaga ku soo degtay, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Tir 25:1-9 : 1 ¶ Oo reer binu Israa'iilna waxay iska degeen Shitiim, markaasay dadkii bilaabeen inay ka dhillaystaan gabdhihii reer Moo'aab, 2 waayo, dadkii bay ugu yeedheen allabaryadii ilaahyadooda, markaasay dadkii wax cuneen, oo waxay u sujuudeen ilaahyadoodii. 3 Oo reer binu Israa'iil waxay isku dareen Bacal Fecoor. Markaasaa Rabbiga cadhadiisii aad ugu kululaatay reer binu Israa'iil. 4 Kolkaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Dadka madaxdiisa oo dhan soo wado oo maalin cad ku deldel Rabbiga hortiisa in cadhadii kululayd oo Rabbigu ay ka soo noqoto reer binu Israa'iil. 5 Kolkaasaa Muuse wuxuu xaakinnadii reer binu Israa'iil ku yidhi, Idinka mid waluba ha dilo nimankiisii Bacal Fecoor isku daray. 6 Oo bal eeg, mid reer binu Israa'iil ah ayaa walaalihiis ula yimid naag reer Midyaan ah Muuse hortiisa iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan hortooda iyagoo ku ooyaya iriddii teendhadii shirka horteeda. 7 Oo Fiinexaas ina Elecaasaar oo ahaa wadaadkii Haaruun wiilkiisii markuu taas arkay ayuu shirka dhexdiisii ka kacay oo wuxuu gacanta ku qaatay waran. 8 Oo teendhadii ayuu uga daba galay ninkii reer binu Israa'iil, oo ninkii reer binu Israa'iil iyo naagtii labadiiba calooshuu ka wareemay. Markaasaa belaayadii laga joojiyey reer binu Israa'iil. 9 Oo intii belaayadii u dhimatay waxay ahaayeen afar iyo labaatan kun. 10 ¶ Kolkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, 11 Waxaa cadhadaydii reer binu Israa'iil ka celiyey Fiinexaas ina Elecaasaar oo ah wiilkii wadaadka Haaruun ah, waayo, dhexdooda ayuu iiga qiirooday, oo sidaas daraaddeed anigu qiiradaydii kuma aan baabbi'in reer binu Israa'iil. 12 Haddaba sidaas daraaddeed waxaad tidhaahdaa, Bal eeg, anigu waxaan isaga la dhiganayaa axdigaygii nabadda. 13 Oo isaga iyo farcankiisa ka dambeeyaba buu u ahaan doonaa axdiga wadaadnimo weligeed ah, maxaa yeelay, Ilaahiis buu qiiro u qabay, oo reer binu Israa'iil ayuu u kafaaro guday. 14 Haddaba ninkii reer binu Israa'iil oo la dilay, oo naagtii reer Midyaan lala dilay, magiciisu wuxuu ahaa Simrii ina Saaluu oo amiir u ahaa qoladiisa reer Simecoon. 15 Oo naagtii reer Midyaan oo la dilay magaceedu wuxuu ahaa Kaasbii ina Suur, oo aabbeheed wuxuu madax u ahaa qolo ka mid ah reer Midyaan. 16 ¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 17 Reer Midyaan dhib oo laa iyaga, 18 waayo, waxay idinku dhibeen khiyaanadooda ay idinku khiyaaneeyeen xagga xaalkii Fecoor iyo xaalkii Kaasbii oo ahayd gabadhii amiirka reer Midyaan oo walaashood ahayd, taasoo maalintii belaayada la dilay xaalkii Fecoor aawadiis.
  • Sab 106:28-29 : 28 Oo weliba waxay isku dareen Bacal Fecoor, Oo waxay cuneen allabarigii kuwii dhintay. 29 Sidaasay isaga shuqulladoodii ugaga xanaajiyeen, Markaasay belaayadu ka dhex dillacday.
  • Miik 7:1 : 1 ¶ Anaa iska hoogay! Waayo, waxaan ahay sidii marka la soo ururiyo midhaha beergoosadka, iyo sida xaabxaabka canabka. Ma jiro rucub la cuna. Naftaydu waxay doonaysaa berdaha hore u bislaaday.
  • Room 6:21 : 21 Haddaba wakhtigaas maxaad midho ku haysateen waxyaalaha aad haatan ka xishoonaysaan? Waayo, waxyaalahaas ugu dambaystoodu waa dhimashada.
  • Ish 28:4 : 4 oo ubaxa engegay oo quruxdooda weyn oo ku yaal madaxa dooxada barwaaqaysanna wuxuu noqon doonaa sida berdaha beergoosadka hortiis bislaada, oo ku alla kii fiiriyaaba markuu arko iska cuno intuu gacantiisa ku jiro.
  • Bax 19:4-6 : 4 Idinku waad aragteen wixii aan ku sameeyey Masriyiintii, iyo sidii aan idiinku soo qaaday gorgorro baalashood, oo aan idiin soo kaxaystay. 5 Haddaba sidaas daraaddeed, haddaad daacad ahaan ii addeecaysaan, oo aad axdigayga dhawraysaan, de markaas waxaad ahaan doontaan dad hanti iiga ah dadyowga oo dhan, waayo, dhulka oo dhan anigaa iska leh; 6 oo waxaad ii ahaan doontaan boqortooyo wada wadaaddo ah, iyo quruun quduus ah. Kuwanu waa erayada aad reer binu Israa'iil kula hadli doonto.
  • Tir 13:23-24 : 23 Oo haddana waxay yimaadeen dooxadii Eshkol, oo halkaasay ka goosteen laan rucub canab ahu ku yaal, oo waxay ku qaadeen ul laba nin u dhexaysa, waxayna keeneen midho rummaan iyo berde ah. 24 Oo meeshaas magaceeda waxaa la odhan jiray Eshkol, rucubkii canabka ahaa oo ay reer binu Israa'iil halkaas ka goosteen aawadiis.
  • Tir 15:39 : 39 Oo wuxuu idiin noqonayaa faraq aad fiirsataan oo aad Rabbiga amarradiisii oo dhan ku xusuusataan inaad samaysaan, si aydaan u raacin qalbigiinna iyo indhihiinna aad daacadnimola'aan ku raaci jirteen,
  • Sharc 4:3 : 3 Indhihiinnaad ku aragteen wixii Rabbigu sameeyey Bacal Fecoor aawadiis, maxaa yeelay, nimankii Bacal Fecoor raacay oo dhan Rabbiga Ilaahiinna ahu dhexdiinna wuu ka wada baabbi'iyey.
  • Sharc 32:10 : 10 Wuxuu isaga ka dhex helay dhul lamadegaan ah, Iyo cidlada baabba'a ah oo ay dugaaggu ka dhex ciyaan. Hareerihiisuu isku wareejiyey, wuuna xannaaneeyey, Oo wuxuu isaga u dhawray sida ishiisa inankeeda,
  • Sharc 32:17 : 17 Waxay wax u sadaqeeyeen jinniyo aan Ilaah ahayn, Iyo ilaahyo ayan iyagu aqoon Oo ah kuwo cusub oo dhowaan soo baxay, Oo awowayaashiin ayan ka cabsan jirin.
  • Xaak 6:32 : 32 Sidaas daraaddeed wuxuu maalintaas Gidcoon u bixiyey Yerubbacal, oo wuxuu yidhi, Bacal ha la dagaallamo isaga, maxaa yeelay, wuxuu ka dumiyey meeshiisii allabariga.
  • 1 Boq 16:31 : 31 Markaas sidii iyadoo la sahlan isaga inuu sameeyo dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad, wuxuu guursaday Yesebeel oo ahayd ina Etbacal boqorkii reer Siidoon, wuuna tegey oo u adeegay oo caabuday Bacal.
  • Sab 81:12 : 12 Sidaas daraaddeed waxaan u daayay inay ku socdaan madaxadayggooda. Si ay taladooda ugu socdaan.
  • Yer 5:31 : 31 Nebiyadii waxay sii sheegaan wax been ah, oo wadaaddadiina waxay wax ku xukumaan iyaga taladooda, oo dadkaygiina saasay jecel yihiin, laakiinse bal maxaad ugudambaysta samayn doontaan?
  • Yer 31:2 : 2 Rabbigu wuxuu leeyahay, Markaan u soo kacay inaan isaga nasiyo ayay dadkii seefta ka baxsaday naxariis ka heleen cidladii, waana reer binu Israa'iil.
  • Hos 11:1 : 1 ¶ Markii Israa'iil ilmo yar ahaa waan jeclaan jiray, oo wiilkaygii Israa'iil waxaan uga yeedhay dalka Masar.
  • Aam 4:5 : 5 Oo allabari mahadnaqid ah ka bixiya wixii la khamiiriyey, oo waxaad ku dhawaaqdaan oo naadisaan qurbaanno ikhtiyaar loo keeno, waayo, saasaad jeceshihiin, dadka Israa'iilow, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 9Iyagu aad bay isu kharribeen sidii wakhtigii Gibecaah. Isagaa soo xusuusan doona xumaantooda oo wuxuu soo ciqaabi doonaa dembiyadooda.

  • 1¶ Dadka Israa'iil waa geed canab ah oo barwaaqaysan, kaasoo midhihiisa soo bixiya, oo sida midhihiisu u bateen ayuu meelihiisa allabariga u badiyey, oo sida dalkiisu u barwaaqaysan yahay ayay u samaysteen tiirar qurqurxoon.

  • Hos 10:9-10
    2 aayado
    74%

    9Dadka Israa'iilow, tan iyo wakhtigii Gibecaah waad dembaabayseen. Halkaasay istaagaan si aan dagaalkii lala dagaallamay carruurta dembigu Gibecaah u gaadhin.

    10Markaan damco ayaan iyaga edbin doonaa, oo dadyowga ayaa isugu soo wada ururi doona iyaga, markii loo xidho labadoodii xadgudub aawadood.

  • 10Dadka Israa'iil waxaan ku dhex arkay wax aad iyo aad u xun. Reer Efrayim waxaa laga dhex helay sino, dadka Israa'iilna way nijaasoobeen.

  • 7¶ Oo reer binu Israa'iilna waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, oo Rabbiga Ilaahooda ahna way illoobeen, wayna u adeegeen Bacaliimkii iyo geedihii Asheeraah.

  • 3Oo reer binu Israa'iil waxay isku dareen Bacal Fecoor. Markaasaa Rabbiga cadhadiisii aad ugu kululaatay reer binu Israa'iil.

  • Hos 11:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Markii Israa'iil ilmo yar ahaa waan jeclaan jiray, oo wiilkaygii Israa'iil waxaan uga yeedhay dalka Masar.

    2Sidii loogu yeedhay ayay iyagii uga fogaadeen. Waxay allabari u bixiyeen Bacaliim, oo foox bay u shideen sanamyo xardhan.

  • 3Reer binu Israa'iil wuxuu Rabbiga u ahaa quduus, iyo midhihii ugu horreeyey ee beergooyskiisii, oo kuwii isaga cunay oo dhammu eed bay lahaayeen, oo masiibo baa iyaga ku soo degtay, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 16Bal eeg, taladii Balcaam aawadeed kuwanu waxay reer Israa'iil ka dhigeen inay Rabbiga kaga xadgudbaan xaalkii Fecoor, oo sidaas daraaddeed belaayadaa uga dhex dhacday shirkii Rabbiga.

  • 11¶ Oo reer binu Israa'iil waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, oo waxay u adeegeen Bacaliimka.

  • 1¶ Oo reer binu Israa'iilna waxay iska degeen Shitiim, markaasay dadkii bilaabeen inay ka dhillaystaan gabdhihii reer Moo'aab,

  • 7Oo waxaan idin keenay waddan barwaaqo badan, inaad midhihiisa iyo wanaaggiisa cuntaan, laakiinse markaad soo gasheen ayaad dalkaygii nijaasayseen, oo dhaxalkaygiina waxaad ka dhigteen wax karaahiyo ah.

  • 6¶ Weliba wakhtigii Boqor Yoosiyaah Rabbigu wuxuu kaloo igu yidhi, War miyaad aragtay waxa boqortooyadii Israa'iil ee dib u noqotay ay samaysay? Iyadu waxay tagtay buur kasta oo dheer dusheed iyo geed kasta oo doog ah hoostiis, oo halkaasay ku dhillowday.

  • 14laakiinse waxay iska daba galeen caasinimadii qalbigooda, iyo Bacaliim oo ay awowayaashood iyaga bareen,

  • 7Sidee baan kuu saamixi karaa? Carruurtaadii way iga tageen, oo waxay ku dhaarteen kuwa aan ilaahyo ahayn, oo markaan dherdhergiyey dabadeed ayay sinaysteen, oo iyagoo guutooyin ah ayay guryihii dhillooyinka ku soo urureen.

  • Hos 5:3-4
    2 aayado
    71%

    3Anigu waan aqaan reer Efrayim, dadka Israa'iilna igama qarsoona, waayo, haatan reer Efrayimow, waad sinaysateen, dadka Israa'iilna way nijaasoobeen.

    4Falimahoodu u oggolaan maayaan inay Ilaahoodii ku soo noqdaan, waayo, damaca sinadu waa ku dhex jiraa, oo Rabbiga ma ay yaqaaniin.

  • 10Dhexdaada ayay cawradii aabbahood ku soo bannaan dhigaan, oo dhexdaada ayay tan xaylka qabta ku ceebeeyaan.

  • Hos 9:15-17
    3 aayado
    71%

    15Xumaantoodii oo dhammu waxay ku jirtaa Gilgaal, waayo, iyaga halkaas baan ku necbaaday. Haddaba xumaanta falimahooda aawadeed ayaan iyaga uga eryi doonaa gurigayga. Mar dambe ma aan jeclaan doono, waayo, amiirradooda oo dhammu waa caasiyiin.

    16Reer Efrayim wax baa lagu dhuftay, xididkoodiina waa qallalay, oo innaba midho ma ay dhali doonaan! Oo xataa in kastoo ay wax dhalaan, haddana waan wada layn doonaa midhaha ay jecel yihiin oo maxalkooda.

    17Ilaahay waa xoori doonaa, maxaa yeelay, codkiisii ma ay dhegaysan, oo waxay quruumaha dhexdooda ku ahaan doonaan kuwa warwareega.

  • 1¶ Dadka Israa'iilow, farxad ha ku rayraynina sida dadyowga, waayo, waxaad ka tagteen Ilaahiinnii sida naag ninkeeda ka dhillowday, oo waxaad aad u jeclaateen inaad caashaq lacag ku kiraysataan goob kasta oo hadhuudh.

  • 11Oo weliba reer Efrayimna sharaftoodu waxay u haadi doontaa sidii shimbir oo kale, oo innaba dhalasho, iyo uuraysi, iyo wallacid ma jiri doonaan.

  • Yer 2:20-21
    2 aayado
    70%

    20Waayo, waa hore ayaad harqoodkaagii jebisay, oo waxaad kala gooysay silsiladihii kugu xidhnaa, oo waxaad tidhi, Anigu kuu adeegi maayo, oo buur kasta oo dheer korkeed iyo geed kasta oo doog ah hoostiis ayaad ku jiifsatay sida dhillo oo kale.

    21Laakiin waxaan kuu beeray canab wacan, oo kulligiis abuur wanaagsan ah, haddaba sidee baad ugu beddelantay inaad igu noqotid canab ba'ay oo qalaad?

  • 10Markaasay reer binu Israa'iil Rabbiga u qayshadeen, oo yidhaahdeen, Waannu kugu dembaabnay, maxaa yeelay, waxaannu ka tagnay Ilaahayo, oo Bacaliimkii baannu u adeegnay.

  • 6¶ Markaasaa reer binu Israa'iil waxay haddana sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, oo waxay u adeegeen Bacaliim, iyo Cashtarod, iyo ilaahyadii Suuriya, iyo ilaahyadii Siidoon, iyo ilaahyadii Moo'aab, iyo ilaahyadii reer Cammoon, iyo ilaahyadii reer Falastiin, oo Rabbiga way ka tageen, umana ay adeegin.

  • 5Waayo, hooyadood waa dhillowday, oo tii iyaga uuraysatay waxay samaysay wax ceeb weyn ah, waayo, waxay tidhi, Anigu waan daba gelayaa kuwa i caashaqa ee i siiya kibistayda iyo biyahayga, iyo suufkayga, iyo waxayga linenka ah, iyo saliiddayda, iyo cabniinkayga.

  • 18Cabniinkoodii waa dhanaanaaday. Had iyo goorba way sinaystaan. Taliyayaashooduna aad bay ceebta u jecel, yihiin.

  • 10Oo buur kasta oo dheer korkeeda iyo geed kastoo dheer oo doog ah hoostiisaba waxay qotonsan jireen tiirar iyo geedihii Asheeraah.

  • 3Indhihiinnaad ku aragteen wixii Rabbigu sameeyey Bacal Fecoor aawadiis, maxaa yeelay, nimankii Bacal Fecoor raacay oo dhan Rabbiga Ilaahiinna ahu dhexdiinna wuu ka wada baabbi'iyey.

  • 10Waxay dib ugu noqdeen xumaatooyinkii awowayaashoodii diiday inay erayadayda maqlaan, oo waxay daba galeen ilaahyo kale inay iyaga u adeegaan aawadeed. Dadka dalka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba way jebiyeen axdigaygii aan awowayaashood la dhigtay.

  • 13Rabbigu wuxuu leeyahay, Waan wada baabbi'in doonaa. Geedcanabka midho kuma oolli doonaan, oo geedberdahana midho kuma oolli doonaan, oo caleentuna way wada dhadi doontaa, oo waxyaalihii aan siiyey oo dhammu way ka wada dhammaan doonaan.

  • 25¶ Oo iyagu waxay ku xadgudbeen Ilaahii awowayaashood, oo sidii naag ninkeedii ka dhillowday ayay raaceen ilaahyadii dadkii dalka degganaa, oo Ilaah hortooda ku baabbi'iyey.

  • 9Oo waxay noqotay inuu dalkii ku nijaasoobay fudaydkii dhillanimadeeda, oo iyana way ka sinaysatay dhagxan iyo geedo.

  • 7Sidii ay u tarmeen si le'eg ayay igu dembaabeen, haddaba sharaftoodii ayaan ceeb u beddeli doonaa.

  • Yer 3:20-21
    2 aayado
    69%

    20Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, sida xaqiiqada ah naag khaa'inad ahu siday ninkeeda uga tagto oo kale ayaad idinkuna khiyaano igula macaamilooteen.

    21Cod baa ka yeedhaya meelaha dhaadheer dushooda, waana oohin iyo baryootankii dadka Israa'iil, waayo, jidkooday qalloociyeen, oo waxay iska illoobeen Rabbigii Ilaahooda ahaa.

  • 2Bal maan cidlada ku lahaado hoy ay socotooyinku ku dhaxaan, si aan dadkayga uga tago, oo aan iyaga uga fogaado! Waayo, iyagu dhammaantood waxay noqdeen dhillayo, iyo urur khaa'inno ah.

  • 5Rabbigu wuxuu leeyahay, Awowayaashiin maxaa xaqdarro ah oo ay iga heleen oo ay iiga fogaadeen, oo ay waxyaalaha aan waxtarka lahayn u raaceen, oo ay waxmatarayaal u noqdeen?

  • 26¶ Siduu tuug markii la qabto u ceeboobo oo kale ayay reer binu Israa'iil u ceeboobeen, iyaga, iyo boqorradooda, iyo amiirradooda, iyo wadaaddadooda, iyo nebiyadooduba,

  • 39Haddaba sidaasay shuqulladoodii ugu nijaasoobeen, Oo falimahoodii ayay ku caasiyoobeen sidii dhillo oo kale.

  • 8oo haddiiba way ka leexdeen jidkii aan ku amray, oo waxay samaysteen weyl dahab la shubay ah, wayna caabudeen, oo allabarina way u bixiyeen, oo waxayna yidhaahdeen, Reer binu Israa'iilow, kanu waa ilaahiinnii dalka Masar idinka soo waday.

  • 2inta ay carruurtoodu xusuusan yihiin meelahoodii allabariga iyo geedahoodii Asheeraah ee ku yiil geedaha cagaarka ah dhinacooda iyo kuraha dhaadheer dushooda.

  • 19Rabbiguna wuu arkay, oo wuu nacay, Maxaa yeelay, wiilashiisii iyo gabdhihiisii ayaa isaga ka xanaajiyey.

  • 20Waayo, markaan iyaga geeyo dalkii aan awowayaashood ugu dhaartay, dalkaasoo caano iyo malab la barwaaqaysan, oo ay wax cunaan oo wada dhergaan oo cayilaan, kolkaasay u jeesan doonaan ilaahyo kale, wayna u adeegi doonaan, anna way i quudhsan doonaan, axdigaygana way jebin doonaan.

  • 13Waxay allabari ku bixiyaan buuraha dhaladooda, oo foox bay ku shidaan kuraha korkooda iyo geedaha alloon iyo libneh iyo eelaah la yidhaahdo hoostooda, maxaa yeelay, waxay leeyihiin hoos wanaagsan, haddaba gabdhihiinnu way dhilloobaan oo aroosadihiinnuna way sinaystaan.

  • 18Oo xataa markay samaysteen weyl dahab la shubay ah, oo ay isku yidhaahdeen, Kanu waa Ilaahaagii kaa soo bixiyey dalkii Masar; oo ay aad kaaga dhirfiyeen,