Ishacyaah 11:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo dadkiisa hadhay waxaa u jiri doona jid weyn oo ka yimaada xagga Ashuur, sidii uu reer binu Israa'iilba ugu jiray waagii ay dalkii Masar ka soo baxeen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 19:23 : 23 ¶ Oo wakhtigaas waxaa jiri doona jid weyn oo Masar ka baxa oo tan iyo Ashuur gaadha, oo kuwa reer Ashuur ah ayaa Masar geli doona, oo Masriyiintuna reer Ashuur bay Ilaah la caabudi doonaan.
  • Bax 14:26-29 : 26 ¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Badda gacanta ku kor fidi, inay biyuhu ku soo noqdaan Masriyiinta, iyo gaadhifardoodkooda, iyo fardooleydooda. 27 Markaasaa Muuse gacantii badda ku kor fidiyey, oo markii waagii beryay ayaa baddii xooggeedii hore ku soo noqotay, markaasaa Masriyiintiina ka carareen; kolkaasaa Rabbigu wuxuu Masriyiintii ku tuuray badda dhexdeedii. 28 Markaasaa biyihii isku soo noqdeen, oo waxay qariyeen gaadhifardoodkii, iyo fardooleydii, iyo xataa ciidankii Fircoon oo dhan oo badda dhexdeeda reer binu Israa'iil ku eryaday, oo xataa midna kama hadhin. 29 Laakiinse reer binu Israa'iil waxay ku socdeen dhul engegan oo badda dhexdeeda ah, biyihiina waxay iyagii u ahaayeen derbi xagga midigta iyo xagga bidixdaba.
  • Ish 11:11 : 11 ¶ Oo maalintaas ayuu Sayidku gacantiisa mar labaad u soo fidin doonaa inuu dadkiisa hadhay ka soo celiyo Ashuur iyo Masar, iyo Fatroos, iyo Kuush, iyo Ceelaam, iyo Shincaar, iyo Xamaad, iyo gasiiradaha baddaba.
  • Ish 35:8-9 : 8 Oo waxaa halkaas jiri doona jid weyn, oo waxaa jidka loo bixin doonaa Jidkii Quduusnimada, kuwa aan daahirsanaynuna ma mari doonaan, laakiinse waxaa leh kuwa isaga jidka la socda, oo xataa nacasyaduna kuma qaldami doonaan. 9 Oo halkaas libaax ma jiri doono, oo bahal dugaag ahuna ma mari doono, oo innaba iyaga halkaas lagama heli doono, laakiinse waxaa jidkaas mari doona kuwa la soo furtay. 10 Oo kuwii Rabbigu soo madaxfurtayna way soo noqon doonaan, oo iyagoo gabyaya oo weligoodba aad u faraxsan ayay Siyoon iman doonaan, oo waxay heli doonaan farxad iyo rayrayn, oo caloolxumo iyo taahiduna way iska dhammaan doonaan.
  • Ish 40:3-4 : 3 ¶ Waxaa yeedhaya mid qaylinaya codkiis oo leh, Jidkii Rabbiga cidlada dhexdiisa ka hagaajiya, oo lamadegaanka dhexdiisa jid weyn Ilaahayaga aawadiis uga toosiya. 4 Dooxo walba kor baa loo qaadi doonaa, oo qar iyo buur walbana waa la gaabin doonaa, waxa qalloocanna waa la toosin doonaa, oo meelaha xunxunna waxaa laga dhigi doonaa bannaan siman,
  • Ish 42:15-16 : 15 Waxaan baabbi'in doonaa buuro iyo kuro, oo geedaha yaryar oo dhanna waan wada qallajin doonaa, oo durdurradana waxaan ka dhigi doonaa gasiirado, oo balliyadana waan engejin doonaa. 16 Oo kuwa indhaha la'na waxaan soo marsiin doonaa jid ayan mar hore aqoon, oo waxaan ku hagi doonaa dhabbayaal ayan aqoon, oo gudcurkana waxaan hortooda kaga dhigi doonaa iftiin, oo meelaha qalloocanna waan u toosin doonaa. Waxyaalahaas baan samayn doonaa, oo innaba iyaga ma dayrin doono.
  • Ish 48:20-21 : 20 ¶ Idinku Baabuloon ka soo baxa, oo reer Kaldayiin ka soo carara, oo waxan hees ku naadiya oo sheega. Waxaad ka sheegtaan xataa dhulka darafkiisa, oo waxaad tidhaahdaan, Rabbigu wuxuu soo furtay addoommadiisii reer Yacquub. 21 Oo markuu lamadegaannada dhex marsiiyeyna ma ay oomin, oo dhagaxa ayuu biyo uga soo daayay, oo isagu dhagaxii ayuu kala dillaaciyey, oo markaasay biyihii ka soo butaaceen.
  • Ish 49:12 : 12 Bal eega, kuwanu waxay ka iman doonaan meel fog, oo bal ogaada, kuwanu waxay ka iman doonaan xagga woqooyi iyo xagga galbeed, oo kuwanuna waxay ka iman doonaan dalka reer Siiniim.
  • Ish 51:10 : 10 Miyaadan ahayn tii engejisay baddii ahayd biyihii moolka dheeraa? Sow ma aad tihid tii badda moolkeeda jidka ka samaysay in kuwa la soo furtay ay ku gudbaan?
  • Ish 57:14 : 14 ¶ Oo isna wuxuu odhan doonaa, Dhisa, dhisa, oo jidka hagaajiya, oo jidka dadkayga waxa lagu turunturoodo ka wareejiya.
  • Ish 62:10 : 10 ¶ Dhex mara, irdaha dhex mara, oo dadka jidkiisa hagaajiya. Jidka weyn dhisa, dhisa. Dhagaxyada ka wareejiya, oo dadyowga calan u taaga.
  • Ish 63:12-13 : 12 kii dhudhunkiisa ammaanta badan gacanta midigta ee Muuse raacsiiyey, oo biyaha hortooda ku kala qaybiyey, inuu magac weligiis ah samaysto? 13 Meeh kii moolka dhexdiisa ku soo hor kacay sidii faras cidlada dhex maraya si ayan u turunturoon?
  • Ish 27:13 : 13 ¶ Oo wakhtigaas buun weyn baa la yeedhin doonaa, oo kuwii halligaadda u diyaarsanaa iyo kuwii dalka Masar loo masaafuriyey waxay ka iman doonaan dalka Ashuur, oo Rabbigay buurta Yeruusaalem ku caabudi doonaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 11:10-12
    3 aayado
    82%

    10¶ Oo maalintaas xididka Yesay ayaa dadyowga calan u ahaan doona. Isagay quruumuhu doondooni doonaan, oo rugtiisuna ammaan bay ahaan doontaa.

    11¶ Oo maalintaas ayuu Sayidku gacantiisa mar labaad u soo fidin doonaa inuu dadkiisa hadhay ka soo celiyo Ashuur iyo Masar, iyo Fatroos, iyo Kuush, iyo Ceelaam, iyo Shincaar, iyo Xamaad, iyo gasiiradaha baddaba.

    12Oo calan ayuu quruumaha u taagi doonaa, wuxuuna soo shirin doonaa masaafurisyadii dadka Israa'iil, oo wuxuu isu soo ururin doonaa oo dhulka afartiisa daraf ka soo kaxayn doonaa kuwa kala firdhay oo dadka Yahuudah.

  • Ish 19:23-25
    3 aayado
    81%

    23¶ Oo wakhtigaas waxaa jiri doona jid weyn oo Masar ka baxa oo tan iyo Ashuur gaadha, oo kuwa reer Ashuur ah ayaa Masar geli doona, oo Masriyiintuna reer Ashuur bay Ilaah la caabudi doonaan.

    24¶ Oo wakhtigaas dalka Israa'iil wuxuu saddex ku noqon doonaa Masar iyo Ashuur, oo dhulka dhexdiisana barako buu ku ahaan doonaa,

    25waayo, Rabbiga ciidammadu wuu barakeeyey, isagoo leh, Barako waxaa leh Masar oo ah dadkayga, iyo Ashuur oo ah shuqulkii gacmahayga, iyo Israa'iil oo ah dhaxalkayga.

  • Sak 10:10-11
    2 aayado
    79%

    10Mar kalaan ka soo bixin doonaa dalkii Masar, Ashuurna waan ka soo ururin doonaa, oo waxaan iyaga keeni doonaa dalka Gilecaad iyo Lubnaan, oo weliba meel looma heli doono.

    11Oo isagu wuxuu dhex mari doonaa badda dhibaatada, oo wax buu ku dhufan doonaa hirarka badda, oo Webi Niil moolkiisuna waa engegi doonaa, oo kibirka Ashuurna waa la soo dejin doonaa, oo usha boqortooyada Masarna way iska baabbi'i doontaa.

  • 15Oo Rabbigu wuxuu dhammaantiis wada baabbi'in doonaa carrabka badda Masar, oo gacantiisa oo dabayl xoog leh wadata ayuu ku kor ruxi doonaa Webiga, oo intuu wax ku dhufto ayuu toddoba faraq u kala qaybin doonaa, oo wuxuu ka dhigi doonaa in dadku kabo kaga gudbaan.

  • Ish 27:12-13
    2 aayado
    76%

    12¶ Oo wakhtigaas Rabbigu hadhuudhkiisuu ku tuman doonaa tan iyo Webi Yufraad iyo ilaa durdurka Masar, oo reer binu Israa'iilow, midba mid baa laydiin soo wada ururin doonaa.

    13¶ Oo wakhtigaas buun weyn baa la yeedhin doonaa, oo kuwii halligaadda u diyaarsanaa iyo kuwii dalka Masar loo masaafuriyey waxay ka iman doonaan dalka Ashuur, oo Rabbigay buurta Yeruusaalem ku caabudi doonaan.

  • 12Wakhtigaas waxaa laydiinka iman doonaa tan iyo dalka Ashuur iyo ilaa magaalooyinka Masar, iyo tan iyo Masar iyo ilaa Webi Yufraad, iyo tan iyo bad ilaa baddeeda kale, iyo buur iyo ilaa buurteeda kale.

  • 11Oo buurahayga oo dhan waxaan ka dhigi doonaa waddo, oo jidadkayga weynna kor baa loo wada qaadi doonaa.

  • 6Oo kuwa xeebta degganu waxay wakhtigaas odhan doonaan, Bal eega wixii ku dhacay kuwii aan isku hallaynaynay oo aan caawimaad ugu cararaynay inay boqorka Ashuur naga samatabbixiyaan Oo bal annagu sidee baannu u baxsanaynaa?

  • Miik 5:6-7
    2 aayado
    74%

    6¶ Oo dalka Ashuur seef baa lagu dumin doonaa, oo dalka reer Nimrod waa laga dumin doonaa irdaha laga galo, oo isagu wuxuu inaga samatabbixin doonaa kan reer Ashuur markuu dalkeenna soo galo iyo markuu soohdinteenna dhex maro.

    7Oo kuwa reer Yacquub ka hadhayna waxay dadyow badan ku dhex ahaan doonaan sidii sayax xagga Rabbiga ka yimid, iyo sidii shuxshux caws ku kor da'ay, kaasoo aan ninna dhawrin, oo aan binu-aadmiga sugin.

  • Ish 7:17-19
    3 aayado
    73%

    17Adiga, iyo dadkaaga iyo reerka aabbahaaba waxaa Rabbigu ku soo dejin doonaa wakhti aan idiin iman tan iyo waa reer Efrayim ay dalka Yahuudah ka tageen, oo kaasuna waa kii boqorka Ashuur.

    18¶ Oo weliba maalintaas Rabbigu wuxuu u soo foodhyi doonaa diqsiyada jooga webiyada Masar darafka ugu shisheeya, iyo shinnida joogta dalka Ashuur.

    19Oo iyana way iman doonaan, oo kulligood waxay ku degi doonaan dooxooyinka cidlada, iyo godadka dhagaxyada, iyo geedaha qodxanta leh oo dhan, iyo meelaha daaqsinta ah oo dhan.

  • 5Iyagu kuma noqon doonaan dalkii Masar, laakiinse waxaa boqor u noqon doona kii reer Ashuur, maxaa yeelay, iyagu way diideen inay noqdaan.

  • 31Waayo, Yeruusaalem waxaa ka soo bixi doona kuwa hadhi doona, oo Buur Siyoonna waxaa ka soo bixi doona kuwa baxsan doona. Oo qiirada Rabbiga ayaa taas samayn doonta.

  • 27¶ Oo Isayos wuxuu ku qayliyey wax Israa'iil ku saabsan isagoo leh, In kastoo tirada reer binu Israa'iil noqoto sida cammuudda badda, intii hadhay waa badbaadi doontaa,

  • 26Oo Rabbiga ciidammaduna wuxuu iyaga ku ciqaabi doonaa karbaash u gala sida layntii reer Midyaan oo ka dhacday dhagixii weynaa ee Xoreeb agtiisa, oo sida ushiisu u kor ahayd badda ayuu kor ugu qaadi doonaa sidii Masar loogu qaaday oo kale.

  • 26¶ Oo isna meel fog ayuu calan uga taagi doonaa quruumaha, oo wuxuu iyaga uga foodhyi doonaa dhulka dhammaadkiisa, oo bal eega, dhaqsay u iman doonaan.

  • 23ilaa uu Rabbigu dadkii Israa'iil hortiisa ka fogeeyey, siduu kaga hadli jiray addoommadiisii nebiyada ahaa oo dhan. Oo sidaas daraaddeed dadkii Israa'iil waa laga kaxaystay dalkoodii, oo waxaa lala tegey dalka Ashuur, halkaasoo ay ilaa maantadan joogaan.

  • 2Rabbigu wuxuu leeyahay, Markaan u soo kacay inaan isaga nasiyo ayay dadkii seefta ka baxsaday naxariis ka heleen cidladii, waana reer binu Israa'iil.

  • Ish 10:20-22
    3 aayado
    72%

    20¶ Oo waxay maalintaas noqon doontaa in kuwa dadka Israa'iil ka hadhay iyo intii dadka Yacquub ka baxsatayba ayan mar dambe ku tiirsan kii iyaga wax ku dhuftay, laakiinse waxay si run ah ugu tiirsan doonaan Rabbiga ah Kan Quduuska ah oo dadka Israa'iil.

    21Qaar hadhay baa soo noqon doona, xataa qaar hadhay oo dadka Yacquub waxay u soo noqon doonaan Ilaaha xoogga badan.

    22Israa'iilow, in kastoo dadkaagu u badan yahay sida cammuudda badda, qaar yar oo qudha ayaa soo noqon doona, oo baabba' la soo amray ayaa caddaalad la qarqi doona.

  • 25taasoo ah inaan kan reer Ashuur dalkayga ku jebin doono, buurahayga korkoodana isaga ku tuman doono, markaasaa harqoodkiisu iyaga ka fogaan doonaa, culayskiisuna garbahooda ka degi doonaa.

  • 7haddaba sidaas daraaddeed Sayidku wuxuu ku soo dayn doonaa biyaha Webiga ee xoogga iyo badnaanta leh, kuwaasoo ah boqorka Ashuur iyo sharaftiisa oo dhan, oo isna faraqyadiisa oo dhan wuu soo buuxin doonaa, oo qararkiisa oo dhanna wuu buuxdhaafin doonaa,

  • 13¶ Oo isagu gacantiisuu u fidin doonaa xagga woqooyi, oo dalka Ashuur wuu wada baabbi'in doonaa, oo Ninewehna cidla buu ka dhigi doonaa iyo lamadegaan engegan.

  • 14Oo sida deero la eryay iyo sida ido aan ciduna soo ururin ayaa midkood kastaaba dadkiisa ku noqon doonaa, oo mid kastaaba dalkiisa u carari doonaa.

  • 11Waxay iyagoo gariiraya u iman doonaan sidii shimbir Masar ka soo baxday, iyo sidii qoolley ka soo baxday dalka Ashuur, oo anigu waxaan iyaga ka dhigi doonaa inay guryahooda iska degganaadaan, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 16Sidaas waxaa leh Rabbiga badda dhexdeeda jid ka sameeya, oo biyaha xoogga badan dhexdoodana dhabbe ka hagaajiya,

  • 32Waayo, Yeruusaalem waxaa ka soo bixi doona kuwa hadhi doona, oo Buur Siyoonna waxaa ka soo bixi doona kuwa baxsan doona, oo qiirada Rabbiga ciidammada ayaa taas samayn doonta.

  • 24¶ Haddaba sidaa daraaddeed Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dadkayga Siyoon degganow, kan reer Ashuur ha ka baqin. Ushiisuu kugu dhufan doonaa, oo hangoolkiisuu kuu qaadan doonaa sida Masriyiintu sameeyeen oo kale,

  • 14¶ Oo isna wuxuu odhan doonaa, Dhisa, dhisa, oo jidka hagaajiya, oo jidka dadkayga waxa lagu turunturoodo ka wareejiya.

  • 7Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer Yacquub aawadiis farxad ugu heesa, oo waxaad u dhawaaqdaan kan madaxa quruumaha ah aawadiis. Naadiya, oo ammaana, oo waxaad tidhaahdaan, Rabbiyow, dadkaaga ah kuwa reer binu Israa'iil ka hadhay badbaadi.

  • 8Oo markaas kan reer Ashuur wuxuu ku le'an doonaa seef aan binu-aadmi ka iman, oo seefta aan xagga dadka ka iman ayaa dili doonta, oo seeftuu ka carari doonaa, oo barbaarradiisuna addoommo bay noqon doonaan.

  • 3Hortooda dab baa wax laasanaya, oo dabadoodana olol baa wax gubaya. Dhulka iyaga ka horreeya waa sida Beer Ceeden, oo kan iyaga ka dambeeyana waa sidii cidla baabba' ah oo kale, oo wax iyaga ka baxsadayna innaba ma jiraan.

  • 11Isaga iyo dadkiisa la jira oo ah kuwa ugu nac weyn ee quruumaha ayaa loo keeni doonaa inay dalka baabbi'iyaan, oo seefahooda ayay Masar ula bixi doonaan oo waxay dalka ka buuxin doonaan kuwa la laayay.

  • 16si ay dalkoodii uga dhigaan cidla laga yaabo iyo wax had iyo goorba lagu foodhyo. Mid kasta oo ag maraaba wuu yaabi doonaa, oo madaxuu luli doonaa.

  • 3Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Qalcaddu reer Efrayim way ka baabbi'i doontaa, oo boqortooyaduna Dimishaq way ka dhammaan doontaa, oo kuwa Suuriya ka hadhi doonaana waxay noqon doonaan sida sharaftii dadkii Israa'iil.

  • 28Oo kuwa seefta ka baxsada ayaa dalka Masar ka noqon doona oo waxay geli doonaan dalkii Yahuudah, waxayna ahaan doonaan qaar tiro yar, oo kuwa dadka Yahuudah ka hadhay oo dalka Masar u galay inay halkaas joogaan oo dhan waxay wada ogaan doonaan erayadayda iyo kuwooda kuwii rumooba.

  • 22Laakiinse bal ogaada, waxaa dhexdeeda ku hadhi doona kuwa la soo bixin doono, oo wiilal iyo gabdhoba leh. Oo bal ogaada, idinkay idiin soo bixi doonaan, oo waxaad arki doontaan jidkooda iyo falimahoodaba, oo belaayada aan Yeruusaalem ku soo daayay, kuwaasoo ah xataa waxyaalaha aan iyada ku soo dejiyey oo dhan waa laydiinka qalbi qabowjin doonaa.

  • 8Laakiinse qaar baan reebi doonaa, si aad wuxoogaa seefta kaga baxsaday quruumaha dhexdooda u lahaataan, markaad waddammada ku kala dhex firdhi doontaan.

  • 13Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markay afartan sannadood dhammaadaan ayaan Masriyiinta dadyowgii ay ku kala dhex firidhsanaayeen ka soo ururin doonaa.

  • 11Oo isagu wuu iman doonaa oo wax buu dalka Masar ku dhufan doonaa, oo kuwii dhimasho ku waajibtay dhimashuu siin doonaa, kuwii maxaabiisnimo ku waajibtayna maxaabiis ahaan buu u kaxaysan doonaa, oo kuwii seefu ku waajibtayna seef buu ku layn doonaa.

  • 8Tan daraaddeed miyaan dhulku la gariiri doonin, oo mid kasta oo degganuna miyuusan barooran doonin? Haah, oo dhammaantiis wuxuu u kici doonaa sida Webiga, oo wuu rogrogman doonaa, dabadeedna wuxuu u degi doonaa sida Webiga Masar.