Yeremyaah 44:28

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo kuwa seefta ka baxsada ayaa dalka Masar ka noqon doona oo waxay geli doonaan dalkii Yahuudah, waxayna ahaan doonaan qaar tiro yar, oo kuwa dadka Yahuudah ka hadhay oo dalka Masar u galay inay halkaas joogaan oo dhan waxay wada ogaan doonaan erayadayda iyo kuwooda kuwii rumooba.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 44:14 : 14 Markaas dadka Yahuudah ee hadhay ee dalka Masar u tegey inay degaan midna kama baxsan doono ama kama hadhi doono si ay ugu noqdaan dalkii Yahuudah oo ay aad u jecel yihiin inay ku noqdaan oo ay halkaas degaan, waayo, kuwa baxsadaa mooyaane midkoodna kuma noqon doono.
  • Yer 44:25-26 : 25 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Idinka iyo naagihiinnuba afkiinnaad ku hadasheen oo gacmihiinnaad ku oofiseen, oo waxaad tidhaahdeen, Sida xaqiiqada ah annagu waannu oofin doonnaa nidarradayadii aannu u nidarnay inaannu foox boqoradda samada u shidno, iyo inaannu iyaga qurbaanno cabniin ah u daadinno, haddaba nidarradiinna oofiya, oo nidarradiinna wada sameeya. 26 Haddaba dadka Yahuudah oo dalka Masar degganow, bal erayga Rabbiga maqla. Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, magacayga weyn waan ku dhaartay inuusan qof dadka Yahuudah ahu mar dambe magacayga ku soo magacaabi doonin dalka Masar oo dhan, isagoo leh, Sayidka Rabbiga ahu waa nool yahay.
  • Ish 10:19 : 19 Oo geedaha duuddiisa ku hadhayna waxay noqon doonaan in yar oo ilma yaru tiradooda qori karo.
  • Ish 27:12-13 : 12 ¶ Oo wakhtigaas Rabbigu hadhuudhkiisuu ku tuman doonaa tan iyo Webi Yufraad iyo ilaa durdurka Masar, oo reer binu Israa'iilow, midba mid baa laydiin soo wada ururin doonaa. 13 ¶ Oo wakhtigaas buun weyn baa la yeedhin doonaa, oo kuwii halligaadda u diyaarsanaa iyo kuwii dalka Masar loo masaafuriyey waxay ka iman doonaan dalka Ashuur, oo Rabbigay buurta Yeruusaalem ku caabudi doonaan.
  • Sab 33:11 : 11 Laakiinse Rabbiga taladiisu weligeedba way adkaataa, Oo fikirrada qalbigiisuna waxay adkaadaan tan iyo ka ab ka ab.
  • Ish 46:10-11 : 10 Bilowga waxaan sheegaa ugudambaysta, oo wakhtiga hore waxaan sii sheegaa waxyaalo aan weli la samayn, anigoo leh, Taladaydu way hagaagi doontaa, oo waxaan jeclahay oo dhanna waan wada samayn doonaa. 11 Waxaan xagga bari uga yeedhayaa haad aad u gaajaysan oo ah ninka taladayda oofinaya oo aan waddan fog uga yeedhayo. Waan ku hadlay, oo weliba waan oofin doonaa. Waan u qasdiyey, oo weliba waan samayn doonaa.
  • Sak 1:6 : 6 Laakiinse erayadaydii iyo qaynuunnadaydii aan nebiyadii addoommadayda ahaa ku soo amray, sow ma gaadhin awowayaashiin? Oo iyana intay soo noqdeen ayay yidhaahdeen, Rabbiga ciidammadu siduu ku fikiray inuu nagu sameeyo, siday jidadkayagu ahaayeen, iyo siday falimahayagu ahaayeen ayuu nagu sameeyey.
  • Mat 24:35 : 35 Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse ereyadaydu ma idlaan doonaan.
  • Yer 44:29 : 29 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa calaamad idiin noqon doonta inaan meeshan idinku ciqaabi doona, si aad ku ogaataan in erayadaydu ay xaqiiqa ahaan idiinku rumoobi doonaan inaan masiibo idinku dejin doono.
  • Bar 3:37-38 : 37 Waa kee kan wax odhanaya oo ay noqdaan, Sayidkoo aan amrin? 38 Kan ugu sarreeya afkiisa sow kama soo baxaan belaayo iyo wanaagba?
  • Yer 44:16-17 : 16 Annagu innaba kaa dhegaysan mayno eraygii aad nagula hadashay oo aad magaca Rabbiga noogu sheegtay. 17 Laakiinse sida xaqiiqada ah waxaannu samayn doonnaa wax alla wixii afkayaga ka soo baxay, inaannu foox u shidno boqoradda samada, oo aannu iyada u daadinno qurbaanno cabniin ah, sidii annaga iyo awowayaashayo iyo boqorradayadii iyo amiirradayadiiba aannu ugu samayn jirnay magaalooyinkii dalka Yahuudah iyo jidadkii Yeruusaalemba, waayo, waagaas waxaannu haysannay cunto faro badan, oo waannu nabdoonayn, oo innaba masiibo ma aannu arki jirin.
  • Ish 28:16-18 : 16 sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, Siyoon dhagax baan aasaas uga dhigay, waana dhagax la tijaabiyey, waana dhagax geeseed oo qaali ah oo aasaas la hubo ah, oo kii isaga rumaystaana ma degdegi doono. 17 Oo caddaaladna waxaan ka dhigi doonaa xadhig qiyaaseed, xaqnimona waxaan ka dhigi doonaa xadhig miisaan leh, oo roobdhagaxyaaluhuna wuxuu xaaqi doonaa gabbaadka beenta, oo biyuhuna waxay qarqin doonaan meesha dhuumashada. 18 Oo axdigii aad geerida la dhigateenna waa la burin doonaa, oo heshiiskiinnii aad She'ool la lahaydeenna ma hagaagi doono, oo markii belaayada wax qarqinaysa ay dhacaysona way idinku tuman doontaa.
  • Ish 10:22 : 22 Israa'iilow, in kastoo dadkaagu u badan yahay sida cammuudda badda, qaar yar oo qudha ayaa soo noqon doona, oo baabba' la soo amray ayaa caddaalad la qarqi doona.
  • Ish 14:24-27 : 24 ¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu ku dhaartay oo yidhi, Sida xaqiiqada ah waxay noqon doontaa sidii aan ku fikiray, oo taladanuna waxay u hagaagi doontaa sidii aan u qasdiyey, 25 taasoo ah inaan kan reer Ashuur dalkayga ku jebin doono, buurahayga korkoodana isaga ku tuman doono, markaasaa harqoodkiisu iyaga ka fogaan doonaa, culayskiisuna garbahooda ka degi doonaa. 26 Kanu waa qasdigii loola qasdiyey dhulka oo dhan, oo tanuna waa gacantii lagu kor fidiyey quruumaha oo dhan. 27 Waayo, Rabbiga ciidammadu waxan wuu u qasdiyey, haddaba bal yaa burin doona? Oo gacantiisiina way soo fidsan tahay, yaa dib u celin doona?
  • Tir 14:28-29 : 28 Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaaye, hubaal sidaad dhegahayga ugu hadasheen ayaan idinku samaynayaa. 29 Meydadkiinnu waxay ku dhici doonaan cidladan, oo kulli kuwiinna la tiriyey sidii tiradiinnu ahayd oo ah intii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd oo aniga ii gunuusay,
  • Tir 14:41 : 41 Kolkaasaa Muuse yidhi, War Rabbiga amarkiisa maxaad ugu xadgudbaysaan, waayo, taasu faa'iido idiinma lahaan doonto?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yer 44:11-14
    4 aayado
    84%

    11Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal eega, wejigaygaan idinku soo jeedin doonaa inaan dadka Yahuudah oo dhan wada baabbi'iyo.

    12Oo waxaan qaadan doonaa kuwa dadka Yahuudah ka hadhay ee wejigooda ku qummaatiyey inay dalka Masar galaan oo ay halkaas degaan, oo kulligoodna way wada baabbi'i doonaan, oo waxay ku le'an doonaan dalka Masar. Waxaa baabba' ka dhigi doona seef iyo abaar, wayna wada dhiman doonaan, oo kan ugu yar ilaa kan ugu weyn waxay ku baabbi'i doonaan seef iyo abaar, oo waxay wada noqon doonaan wax aad loo karho, iyo wax laga yaabo, iyo inkaar iyo cay.

    13Waayo, kuwa dalka Masar deggan seef iyo abaar iyo belaayo ayaan ugu ciqaabi doonaa sidaan Yeruusaalem u ciqaabay oo kale.

    14Markaas dadka Yahuudah ee hadhay ee dalka Masar u tegey inay degaan midna kama baxsan doono ama kama hadhi doono si ay ugu noqdaan dalkii Yahuudah oo ay aad u jecel yihiin inay ku noqdaan oo ay halkaas degaan, waayo, kuwa baxsadaa mooyaane midkoodna kuma noqon doono.

  • Yer 44:26-27
    2 aayado
    82%

    26Haddaba dadka Yahuudah oo dalka Masar degganow, bal erayga Rabbiga maqla. Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, magacayga weyn waan ku dhaartay inuusan qof dadka Yahuudah ahu mar dambe magacayga ku soo magacaabi doonin dalka Masar oo dhan, isagoo leh, Sayidka Rabbiga ahu waa nool yahay.

    27Bal eega, iyagaan fiirinayaa inaan masiibo ku dejiyo, wanaagse u keeni maayo, oo dadka Yahuudah oo dalka Masar jooga oo dhan waxay ku wada baabbi'i doonaan seef iyo abaar, ilaa ay kulligood wada dhammaadaan.

  • Yer 44:29-30
    2 aayado
    81%

    29Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa calaamad idiin noqon doonta inaan meeshan idinku ciqaabi doona, si aad ku ogaataan in erayadaydu ay xaqiiqa ahaan idiinku rumoobi doonaan inaan masiibo idinku dejin doono.

    30Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Fircoon Xofrac oo ah boqorka Masar waxaan gelin doonaa gacanta cadaawayaashiisa, iyo gacanta kuwa naftiisa doondoonaya sidaan boqorkii dalka Yahuudah oo Sidqiyaah ahaa u geliyey gacantii Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon, kaasoo cadowgiisa ahaa oo naftiisa doondooni jiray.

  • Yer 42:14-19
    6 aayado
    78%

    14oo aad tidhaahdaan, Maya, laakiinse waxaannu tegaynaa dalka Masar, halkaasoo aannan dagaal arki doonin, amase aannan buunka dhawaaqiisa maqli doonin, oo aannan innaba kibis u gaajoon doonin, oo halkaasaannu degganaan doonnaa,

    15haddaba sidaas daraaddeed, kuwiinna dadka Yahuudah ka hadhayow, bal erayga Rabbiga maqla. Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Haddaad wejigiinna ku qummaatisaan inaad Masar gashaan, oo aad u tagtaan inaad halkaas degtaan,

    16markaas seefta aad ka cabsanaysaan ayaa dalka Masar idinku gaadhi doonta, oo abaarta aad ka baqaysaan ayaa dalka Masar idinku heli doonta, oo halkaasaad ku dhiman doontaan.

    17Oo saasay wada noqon doonaan dadkii wejigooda ku qummaatiyaa inay Masar galaan oo ay halkaas degaan. Waxay ku dhiman doonaan seef, iyo abaar, iyo belaayo, oo midkoodna kama hadhi doono, kamana baxsan doono masiibada aan korkooda ku soo dejin doono.

    18Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Sidii xanaaqaygii iyo cadhadaydii ay kuwii Yeruusaalem degganaa ugu dheceen oo kale ayaa cadhadaydu idiinku dhici doonta markaad dalka Masar gashaan, oo weliba waxaad wada noqon doontaan wax aad loo karho, iyo wax laga yaabo, iyo inkaar, iyo cay, oo meeshanna mar dambe ma aad arki doontaan innaba.

    19Kuwiinna dadka Yahuudah ka hadhayow, Rabbigu wuxuu idinku soo yidhi, Masar ha tegina. Haddaba bal si xaqiiqa ah u ogaada inaan maanta idiin digay.

  • 11Oo isagu wuu iman doonaa oo wax buu dalka Masar ku dhufan doonaa, oo kuwii dhimasho ku waajibtay dhimashuu siin doonaa, kuwii maxaabiisnimo ku waajibtayna maxaabiis ahaan buu u kaxaysan doonaa, oo kuwii seefu ku waajibtayna seef buu ku layn doonaa.

  • Yer 44:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah u yimid oo ku saabsanaa Yuhuuddii dalka Masar degganayd, kuwaasoo degganaa Migdol, iyo Taxfanxees, iyo Nof, iyo dalka Fatroos, oo wuxuu ku yidhi,

    2Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Waad aragteen masiibadii aan Yeruusaalem iyo magaalooyinkii reer Yahuudah oo dhan ku dejiyey, oo bal eega, maantadan iyagu waa cidla, oo ciduna halkaas ma dhex deggana,

  • 7Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Boqorka dalka Yahuudah oo ii soo kiin diray inuu wax i weyddiisto waxaad ku tidhaahdaan, Bal eeg, ciidanka Fircoon oo u soo baxay inuu ku caawiyo, waxay ku noqon doonaan dalkoodii Masar.

  • 6Oo dadka Masar deggan oo dhammu way wada ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, maxaa yeelay, iyagu waxay reer binu Israa'iil u ahaayeen ul cawsduur ah.

  • Yex 29:13-14
    2 aayado
    72%

    13Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markay afartan sannadood dhammaadaan ayaan Masriyiinta dadyowgii ay ku kala dhex firidhsanaayeen ka soo ururin doonaa.

    14Oo maxaabiista Masar baan soo celin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay dalkii Fatroos oo ah dalkii ay ku dhasheen ku noqdaan, oo waxay halkaas ku ahaan doonaan boqortooyo hoosaysa.

  • 19Sidaasaan Masar xukummo ugu soo dejin doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 8Laakiinse qaar baan reebi doonaa, si aad wuxoogaa seefta kaga baxsaday quruumaha dhexdooda u lahaataan, markaad waddammada ku kala dhex firdhi doontaan.

  • 15Markaan dalka Masar cidla iyo baabba' ka dhigo, oo uu waddanku waayo wixii uu ka buuxi jiray, oo markaan wada laayo waxa dhex deggan oo dhan ayay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • Yer 46:13-14
    2 aayado
    71%

    13¶ Kanu waa eraygii Rabbigu uu kula hadlay Nebi Yeremyaah, oo ku saabsanaa sida Nebukadresar oo boqorka Baabuloon ahu uu u iman doono, oo uu dalka Masar wax ugu dhufan doono.

    14¶ Masar ka dhex sheega, oo Migdol ka dhex naadiya, oo weliba ka dhex naadiya Nof iyo Taxfanxeesba, oo waxaad tidhaahdaan, Istaag oo isdiyaari, waayo, intii kugu wareegsanayd oo dhan seef baa baabbi'isay.

  • Yex 30:25-26
    2 aayado
    71%

    25Laakiinse gacmaha boqorka Baabuloon kor baan u qaadi doonaa, oo gacmaha Fircoonna hoos bay u dhici doonaan, oo markaan seeftayda gacanta boqorka Baabuloon u dhiibo, oo uu dalka Masar ku dul fidiyo, waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

    26Oo Masriyiinta waxaan ku kala eryi doonaa quruumaha dhexdooda, waddammadana waan ku kala dhex firdhin doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 17Oo dalka Yahuudahna cabsi buu Masar u noqon doonaa, oo mid kasta oo la xusuusiyaaba wuu ka cabsan doonaa, waana talada Rabbiga ciidammadu uu iyaga u goostay aawadeed.

  • 3Waayo, bal eeg, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iman doona wakhtigii aan maxaabiisnimadii ka soo celin doono dadkayga dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudahba, oo waxaan iyaga ku soo celin doonaa dalkii aan awowayaashood siiyey, oo iyana way hantiyi doonaan, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 22Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyaga waxaa loo qaadan doonaa Baabuloon, oo halkaasay oolli doonaan ilaa maalinta aan soo booqan doono, oo dabadeedna waan soo qaadi doonaa oo meeshan baan ku soo celin doonaa.

  • 16Laakiinse wuxoogaa yar oo iyaga ka mid ah ayaan ka caymin doonaa seefta, iyo abaarta, iyo belaayada si ay waxyaalahooda karaahiyada ah oo dhan uga dhex sheegaan quruumaha oo dhan meel alla meeshay tagaanba, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 8Markaan Masar dab ku dhejiyo oo ay caawimayaasheeda oo dhammu wada baabba'aan waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 31Waayo, Yeruusaalem waxaa ka soo bixi doona kuwa hadhi doona, oo Buur Siyoonna waxaa ka soo bixi doona kuwa baxsan doona. Oo qiirada Rabbiga ayaa taas samayn doonta.

  • 24¶ Oo weliba Yeremyaah wuxuu dadkii oo dhan iyo naagihii oo dhan ku yidhi, Dadka Yahuudah oo dalka Masar jooga oo dhammow, bal erayga Rabbiga maqla.

  • 2Oo markay kugu yidhaahdaan, Xaggee baannu tegaynaa? waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu idinku leeyahay, Kuwii dhimashadu waajib ku tahay xagga dhimashada ha tageen, kuwii seeftu xagga seefta, kuwii abaartu xagga abaarta, oo kuwii maxaabiisnimadu xagga maxaabiisnimada.

  • 28Kolkaasay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahooda ah, oo ka dhigay in iyaga maxaabiis ahaan quruumaha dhexdooda loogu kaxaysto, oo aan haddana dalkoodii ku soo dhex ururiyey, oo aanan innaba mar dambe midkoodna halkaas ku soo dayn doonin.

  • 4Oo xataa hadday cadaawayaashooda maxaabiis ahaan u hor socdaan, halkaasna seef baan ka amri doonaa, iyana way layn doontaa, oo waxaan indhahayga iyaga ugu taagi doonaa inaan belaayo ku sameeyo oo aanan wanaag u samayn.

  • 16Oo dadkiisa hadhay waxaa u jiri doona jid weyn oo ka yimaada xagga Ashuur, sidii uu reer binu Israa'iilba ugu jiray waagii ay dalkii Masar ka soo baxeen.

  • 26Oo waxaan ku ridi doonaa gacanta kuwa naftooda doondoonaya, iyo gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, iyo gacanta addoommadiisa, oo markaas dabadeedna waa loo degi doonaa sidii waayihii hore, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 11Isaga iyo dadkiisa la jira oo ah kuwa ugu nac weyn ee quruumaha ayaa loo keeni doonaa inay dalka baabbi'iyaan, oo seefahooda ayay Masar ula bixi doonaan oo waxay dalka ka buuxin doonaan kuwa la laayay.

  • 11Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan kula jiraa inaan ku badbaadsho, waayo, waan wada baabbi'in doonaa quruumihii aan kugu dhex firdhiyey oo dhan, laakiinse adiga ku wada baabbi'in maayo, caddaalad baanse kugu edbin doonaa, oo sinaba ciqaabidla'aan kuugu dayn maayo.

  • 9Oo dalka Masar wuxuu noqon doonaa cidla iyo baabba' oo iyagu waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, maxaa yeelay, isagu wuxuu yidhi, Webiga anigaa iska leh, oo anigaa samaystay.

  • 2oo u sii socda inay Masar galaan, iyagoo aan afkayga waxba weyddiisan, si ay xoogga Fircoon ugu xoogaystaan, oo ay hooska Masar isugu halleeyaan!

  • 32Waayo, Yeruusaalem waxaa ka soo bixi doona kuwa hadhi doona, oo Buur Siyoonna waxaa ka soo bixi doona kuwa baxsan doona, oo qiirada Rabbiga ciidammada ayaa taas samayn doonta.

  • 21Oo kuwiisa qaxay ee guutooyinkiisa oo dhammuba seef bay ku le'an doonaan, oo inta ka hadhaana waxay u kala firdhi doonaan qalbadaha oo dhan, oo markaasaad ogaan doontaan inaan aniga Rabbiga ahu waxan ku hadlay.

  • 5Laakiinse dadkii Yahuudah ee hadhay oo dhan oo ka soo noqday quruumihii loo kala kaxaystay oo dhan si ay dalkii Yahuudah u degganaadaan waxaa kexeeyey Yooxaanaan ina Qaaree'ax iyo saraakiisha ciidammada oo dhan.

  • 5Markaasaa Masriyiintu ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, markii aan gacantayda Masar ku kor fidiyo, oo aan reer binu Israa'iil ka dhex bixiyo iyaga.

  • 5Oo binu-aadmiga oo dhammuba waxay wada ogaan doonaan in aniga Rabbiga ahu aan seeftaydii galkeedii ka soo bixiyey, oo mar dambena dib uma ay noqon doonto.

  • 16Way soo noqdaan, laakiinse uma ay soo noqdaan kan sarreeya. Iyagu waa sida qaanso khiyaano badan oo kale. Amiirradooduna seef bay ku le'an doonaan cadhada carrabkooda daraaddeed. Tanu waxay dalka Masar ku noqon doontaa wax iyaga lagu quudhsado.