13Sidii reer binu Israa'iil ay Beytel oo ay ku kalsoonaayeen ugu ceeboobeen, sidaas oo kale ayaa reer Moo'aabna Kemoosh ugu ceeboobi doonaa.
14Idinku sidee baad u odhan kartaan, Annagu waxaannu nahay dagaalyahan iyo rag u xoog badan dagaalka?
15Boqorka magiciisu yahay Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dalka Moo'aab cidla buu noqday, oo magaalooyinkiisiina way baabbe'een, oo kuwa barbaarradiisii u wanaagsanaana waxay hoos ugu dhaadheceen in la gowraco.
16Moo'aab masiibadiisii mar dhow bay imanaysaa, oo dhibtiisiina aad iyo aad bay u soo degdegaysaa.
17Kuwiinna hareerihiisa ku wareegsan oo magiciisa yaqaan oo dhammow, u baroorta, oo waxaad tidhaahdaan, Ushii xoogga iyo quruxda badnayd sidee bay u kala jabtay!