Ishacyaah 16:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Waxaannu maqalnay kibirkii Moo'aab oo uu aad u kibray, iyo xataa madaxweynaantiisa, iyo kibirkiisa, iyo cadhadiisa, faankiisuna waa wax aan waxba tarayn.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Aam 2:1 : 1 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay reer Moo'aab sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu waxay gubeen lafihii boqorka reer Edom ilaa ay nuurad noqdeen.
  • Coba 1:3-4 : 3 Kuwiinna qararka dillaacyadooda ku hoyda oo hoygoodu meesha sare ku yaal, waxaa idin khiyaanay kibirka qalbigiinna, oo waxaad qalbiga iska tidhaahdaan, Bal yaa dhulka nagu soo ridi kara? 4 In kastood meel kore fuushaan sida gorgorka, iyo in kastoo buulkiinna laga dhiso xiddigaha dhexdooda, halkaas waan idinka soo dejin doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Yer 48:29-30 : 29 Waxaannu maqalnay kibirkii Moo'aab oo uu aad u kibray, iyo xataa kor-isu-qaadiddiisa, iyo kibirkiisa, iyo madaxweynaantiisa, iyo qabweynaanta qalbigiisaba. 30 Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan ogahay inaan cadhadiisu waxba ahayn oo faankiisuna innaba waxba tarayn.
  • Yer 48:42 : 42 Oo Moo'aab waa la baabbi'in doonaa si uusan innaba quruun u sii ahaan, maxaa yeelay, Rabbiguu iska sii weyneeyey.
  • Yer 50:36 : 36 Oo faanlowyadana seef baa u diyaar ah, wayna nacasoobi doonaan, oo raggeeda xoogga badanna seef baa u diyaar ah, wayna argaggixi doonaan.
  • Saf 2:8-9 : 8 ¶ Anigu waan maqlay caydii reer Moo'aab iyo canaantii reer Cammoon oo ay dadkayga ku caayeen, iyo inay iska sii weyneeyeen soohdintooda. 9 Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartay oo sida xaqiiqada ah Moo'aab waxay noqon doontaa sida Sodom oo kale, oo reer Cammoonna waxay noqon doonaan sida Gomora oo kale, oo waxay ahaan doonaan meel maraboob ka baxo, iyo godad cusbo, iyo meel had iyo goor cidla ah. Kuwa dadkayga ka hadhay ayaa dhici doona oo inta quruuntayda ka hadhay ayaa dhaxli doonta. 10 Kibirkoodii aawadiis ayay waxan u heli doonaan, maxaa yeelay, waxay caayeen oo iska weynaysiiyeen dadkii Rabbiga ciidammada.
  • 1 But 5:5 : 5 Sidaasoo kalena dhallinyaraday, odayaasha ka dambeeya, oo kulligiinba is-hoosaysiiya, in midkiinba midka kale u adeego, maxaa yeelay, Ilaah waa hor joogsadaa kuwa kibra, laakiinse kuwa is-hoosaysiiya ayuu nimco siiyaa.
  • Ish 2:11 : 11 ¶ Binu-aadmiga indhihiisa kibray waa la hoosaysiin doonaa, oo dadka madaxweynaantiisana hoos baa loo soo dejin doonaa, oo Rabbiga keliya ayaa maalintaas la sarraysiin doonaa.
  • Ish 28:15 : 15 Idinku waxaad tidhaahdeen, Axdi baan geerida la dhigannay, oo She'oolna heshiis baannu la nahay, oo markii belaayada wax qarqinaysa ay dhacayso na soo gaadhi mayso, waayo, been baannu gabbaad ka dhigannay, oo waxaannu ku hoos dhuumannay daacadla'aan,
  • Ish 28:18 : 18 Oo axdigii aad geerida la dhigateenna waa la burin doonaa, oo heshiiskiinnii aad She'ool la lahaydeenna ma hagaagi doono, oo markii belaayada wax qarqinaysa ay dhacaysona way idinku tuman doontaa.
  • Ish 44:25 : 25 Anigu waxaan ahay kan calaamadaha beenlowyada wax aan waxba ahayn ka dhiga, oo kuwa wax falana nacasyo ka dhiga, oo kuwa caqliga lehna dib u celiya, oo aqoontoodana nacasnimo ka dhiga,
  • Yer 48:26 : 26 Isaga sakhraamiya, waayo, Rabbiguu iska sii weyneeyey, oo Moo'aab wuxuu ku dhex galgalan doonaa mantaggiisa, oo weliba wuxuu noqon doonaa wax lagu qoslo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yer 48:29-31
    3 aayado
    88%

    29Waxaannu maqalnay kibirkii Moo'aab oo uu aad u kibray, iyo xataa kor-isu-qaadiddiisa, iyo kibirkiisa, iyo madaxweynaantiisa, iyo qabweynaanta qalbigiisaba.

    30Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan ogahay inaan cadhadiisu waxba ahayn oo faankiisuna innaba waxba tarayn.

    31Sidaas daraaddeed Moo'aab waan u barooran doonaa, oo waxaan u qaylin doonaa reer Moo'aab oo dhan daraaddood, waana loo barooran doonaa dadka Qiir Xeres.

  • Yer 48:42-43
    2 aayado
    78%

    42Oo Moo'aab waa la baabbi'in doonaa si uusan innaba quruun u sii ahaan, maxaa yeelay, Rabbiguu iska sii weyneeyey.

    43Rabbigu wuxuu leeyahay, Kan Moo'aab degganow, waxaa ku hor yaal cabsi, iyo yamays, iyo dabin.

  • Ish 16:11-14
    4 aayado
    77%

    11Haddaba sidaas daraaddeed qalbigaygu wuxuu sida kiraar oo kale ugu barooranayaa Moo'aab aawadeed, oo calooshayduna Qiir Xaresed aawadeed.

    12Oo markii Moo'aab iskeeno oo uu meesha sare ku daalo, oo uu meeshiisa quduuska ah u yimaado si uu ugu tukado, innaba ma guulaysan doono.

    13¶ Kanu waa eraygii uu Rabbigu waagii hore reer Moo'aab kaga hadlay.

    14Laakiinse haatan Rabbigu wuu hadlay oo wuxuu yidhi, Muddo saddex sannadood ah sida shaqaale sannaddiis ayaa sharafta reer Moo'aab lagu quudhsan doonaa, isaga iyo dadkiisa faraha badan, oo kuwa hadhi doonaana waxay ahaan doonaan in yar oo aan tabar lahayn.

  • Saf 2:8-10
    3 aayado
    77%

    8¶ Anigu waan maqlay caydii reer Moo'aab iyo canaantii reer Cammoon oo ay dadkayga ku caayeen, iyo inay iska sii weyneeyeen soohdintooda.

    9Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartay oo sida xaqiiqada ah Moo'aab waxay noqon doontaa sida Sodom oo kale, oo reer Cammoonna waxay noqon doonaan sida Gomora oo kale, oo waxay ahaan doonaan meel maraboob ka baxo, iyo godad cusbo, iyo meel had iyo goor cidla ah. Kuwa dadkayga ka hadhay ayaa dhici doona oo inta quruuntayda ka hadhay ayaa dhaxli doonta.

    10Kibirkoodii aawadiis ayay waxan u heli doonaan, maxaa yeelay, waxay caayeen oo iska weynaysiiyeen dadkii Rabbiga ciidammada.

  • 7Sidaas daraaddeed reer Moo'aab waxay u ooyi doonaan dalka Moo'aab, oo mid kastaaba waa ooyi doonaa. Oo waxaad aad ugu barooran doontaan aasaaska Qiir Xaresed oo aad wax loogu dhuftay.

  • Yer 48:25-26
    2 aayado
    75%

    25Rabbigu wuxuu leeyahay, Dalka Moo'aab geeskiisii waa la gooyay oo gacantiisiina waa jabtay.

    26Isaga sakhraamiya, waayo, Rabbiguu iska sii weyneeyey, oo Moo'aab wuxuu ku dhex galgalan doonaa mantaggiisa, oo weliba wuxuu noqon doonaa wax lagu qoslo.

  • Yer 48:13-17
    5 aayado
    75%

    13Sidii reer binu Israa'iil ay Beytel oo ay ku kalsoonaayeen ugu ceeboobeen, sidaas oo kale ayaa reer Moo'aabna Kemoosh ugu ceeboobi doonaa.

    14Idinku sidee baad u odhan kartaan, Annagu waxaannu nahay dagaalyahan iyo rag u xoog badan dagaalka?

    15Boqorka magiciisu yahay Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dalka Moo'aab cidla buu noqday, oo magaalooyinkiisiina way baabbe'een, oo kuwa barbaarradiisii u wanaagsanaana waxay hoos ugu dhaadheceen in la gowraco.

    16Moo'aab masiibadiisii mar dhow bay imanaysaa, oo dhibtiisiina aad iyo aad bay u soo degdegaysaa.

    17Kuwiinna hareerihiisa ku wareegsan oo magiciisa yaqaan oo dhammow, u baroorta, oo waxaad tidhaahdaan, Ushii xoogga iyo quruxda badnayd sidee bay u kala jabtay!

  • Yer 48:1-5
    5 aayado
    73%

    1¶ Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu reer Moo'aab ka leeyahay, Waxaa iska hoogtay Neboo! Waayo, iyadu way baabba'day. Qiryaatayim waa la ceebeeyey oo waa la qabsaday, Misgaabna waa la ceebeeyey, waana la dumiyey.

    2Dalka Moo'aab ammaan dambe ma leh. Xeshboon baa shar loogu hindisay, oo waxaa la yidhaahdaa, Kaalaya oo aynu baabbi'innee si ayan quruun u sii ahaan. Madmeenay, adigana waa lagu baabbi'in doonaa, oo seef baa ku eryan doonta.

    3Oo waxaa Xoronayim laga maqli doonaa oohin qayladeed, kharribaad iyo baabba' weyn aawadood.

    4Dalka Moo'aab waa la wada baabbi'iyey, oo dhallaankiisiina qaylo bay maqashiiyeen.

    5Waayo, jiirtii Luxiid waxaa lala fuuli doonaa oohin aan kala joogsanayn, waayo, dhaadhaca Xoronayim waxay ka maqleen tiiraanyadii oohinta baabbi'idda.

  • Yer 48:38-39
    2 aayado
    73%

    38Rabbigu wuxuu leeyahay, Guryaha Moo'aab dushooda, iyo jidadkiisa dhexdooda waxaa meel kasta jira baroorasho, waayo, Moo'aab waxaan u burburiyey sidii weel aan la doonaynin oo kale.

    39Sidee buu u dumay! Sidee baa reer Moo'aab dhabarka ceeb ula sii jeediyey! Markaasuu reer Moo'aab kuwa hareerihiisa ku wareegsan oo dhan u noqon doonaa wax lagu qoslo oo lagu naxo.

  • 20Moo'aab waa la ceebeeyey, waayo, wuu baabba'ay. Haddaba ooya oo qayliya, oo Arnoon ka sheega in Moo'aab baabba'ay.

  • Ish 15:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Kanu waa warka culus ee Moo'aab ku saabsan. Caartii Moo'aab habeen qudha baa lagu dumiyey oo baabba'shay; Qiirtii Moo'aab habeen qudha baa lagu dumiyey oo baabba'shay.

    2Waxaa kor loogu baxay Bayid iyo Diboon oo meelaha sare ku yaal in lagu ooyo, reer Moo'aab waxay u baroortaan Neboo iyo Meedebaa, madaxyadooda oo dhan waa la xiiray oo gadh kastana waa la jaray.

  • 8Waayo, qayladii waxay gaadhay soohdimaha Moo'aab ku wareegsan, baroortoodii waxay gaadhay tan iyo Eglayim, oo baroortoodiina waxay gaadhay tan iyo Bi'ir Eelim.

  • 36Oo sidaas daraaddeed dalka Moo'aab aawadiis qalbigaygu waa u dhawaaqaa sida biibiile oo kale, oo dadka Qiir Xeres aawadoodna qalbigaygu sida biibiile oo kale waa u dhawaaqaa, saas aawadeed maalkii badnaa ee ay heleen waa ka wada baabba'ay.

  • Aam 2:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay reer Moo'aab sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu waxay gubeen lafihii boqorka reer Edom ilaa ay nuurad noqdeen.

    2Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa dalka Moo'aab, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Qiryood, oo reer Moo'aab waxay ku dhiman doonaan buuq iyo qaylo iyo buun dhawaaqiis.

  • 18Kibirku wuxuu hor socdaa baabba', Oo madaxweynaanuna waxay hor socotaa dhicid.

  • 11Dalka Moo'aab wuu iska istareexsanaa tan iyo yaraantiisii, oo sida khamri deggan ayuu iskaga dul fadhiyey gufarkiisii, oo weelna weel kale lagagama shubin, oo maxaabbiisahaanna marna looma kaxaysan, sidaas daraaddeed dhadhankiisii wuu ku sii hadhay isaga, oo udgoonkiisiina innaba ma beddelmin.

  • Ish 15:4-5
    2 aayado
    70%

    4Oo Xeshboon iyo Elecaaleehba way qayliyaan, oo codkoodana waxaa laga maqlaa tan iyo Yahas, sidaas daraaddeed ragga hubka leh ee Moo'aab aad bay u qayliyaan, oo cabsi bay la gariiraan.

    5Qalbigaygu wuxuu u ooyaa reer Moo'aab, kuwoodii qaxay waxay u cararaan tan iyo Socar iyo ilaa Ceglad Shelishiyaah, waayo, oohin bay la fuulaan jiirta Luxiid, oo jidka Xororayimna waxay kor ugu qaadaan qaylo baabba'eed.

  • 9Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaas oo kale ayaan u bi'in doonaa kibirka dadka Yahuudah, iyo kibirka weyn oo Yeruusaalemba.

  • 3Hadal dambe oo saas u kibir badan ha ku hadlina; Afkiinna yaanu kibir ka soo bixin; Waayo, Rabbigu waa Ilaah wax walba yaqaan, Falimahana isagaa miisaama.

  • 13Waxaad ku rayraysaan wax aan waxtar lahayn, oo waxaad tidhaahdaan, Miyaannan geeso kula soo yeelan xooggayaga?

  • 15¶ Maqla, oo dheg u dhiga, hana kibrina, waayo, Rabbigu wuu hadlay.

  • 11oo anigu xukun baan reer Moo'aab ku soo dejin doonaa, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 3Oo reer Moo'aab dadka bay ka cabsadeen, maxaa yeelay, iyagu aad bay u badnaayeen, oo reer Moo'aab aad iyo aad bay u welweleen reer binu Israa'iil aawadood.

  • 10Waayo, Rabbiga gacantiisu waxay saarnaan doontaa buurtan, oo Moo'aabna meeshiisaa lagula tuman doonaa sida cawska meesha digada lagula tunto.

  • Yex 25:8-9
    2 aayado
    69%

    8¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Moo'aab iyo Seciir waxay leeyihiin, Dadka dalka Yahuudah quruumaha oo dhan bay la mid yihiin.

    9Sidaas daraaddeed bal ogaada, anigu dalka Moo'aab dhinac baan ka faruuri doonaa xagga magaalooyinkiisa, waana magaalooyinka soohdintiisa ku yaal, kuwaas oo ah dalka ammaantiisa, oo ah Beytyeshimood, iyo Bacal Mecoon, iyo Qiryatayim,

  • 4Kuwa Moo'aab ee masaafurisyada ah ha kula joogeen, oo waxaad gabbaad uga noqotaa kan iyaga dhacaya, waayo, kii wax dulmi jiray wuu dhammaaday, dhiciddiina way joogsatay, kuwii dadka cadaadin jirayna dalkaa laga baabbi'iyey.

  • 3Kuwiinna qararka dillaacyadooda ku hoyda oo hoygoodu meesha sare ku yaal, waxaa idin khiyaanay kibirka qalbigiinna, oo waxaad qalbiga iska tidhaahdaan, Bal yaa dhulka nagu soo ridi kara?

  • 5Waxaa dadka Israa'iil ku marag fura kibirkooda, haddaba dadka Israa'iil iyo reer Efrayimba waxay ku turunturoon doonaan xumaantooda, dadka Yahuudahna way la turunturoon doonaan iyaga.