Ishacyaah 30:32
Oo darbad kasta oo usha loo diyaariyeyba, kaasoo Rabbigu saari doono, waxaa la jiri doona daf iyo kataarado, oo wuxuu kula diriri doonaa dagaallo gariir badan.
Oo darbad kasta oo usha loo diyaariyeyba, kaasoo Rabbigu saari doono, waxaa la jiri doona daf iyo kataarado, oo wuxuu kula diriri doonaa dagaallo gariir badan.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
28Oo neeftiisuna waa sida durdur wax qarqinaya, oo xataa tan iyo qoorta gaadhaya, inuu quruumaha ku kala shaandheeyo shaandho halaag ah, oo dadka afkiisana waxaa ku jiri doona xakame qalda.
29Idinku waad gabyi doontaan sida habeen iid quduus ah la sameeyo, oo qalbigaad ka farxi doontaan sida marka biibiile loola sii socdo buurta Rabbiga in Kan dhagaxa u ah reer binu Israa'iil loo tago.
30Oo Rabbiguna wuxuu ka dhigi doonaa in codkiisa haybadda badan la maqlo, oo wuxuu muujin doonaa soodejinta gacantiisa, oo ay la jiraan dhirifkii cadhadiisa, iyo dab wax gubaya ololkiis, iyo roob weyn oo kedis ah, iyo duufaan, iyo roobdhagaxyaale.
31Waayo, kan reer Ashuur oo wax ushiisa ku dhufan jiray waxaa burburin doona codka Rabbiga,
24¶ Haddaba sidaa daraaddeed Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dadkayga Siyoon degganow, kan reer Ashuur ha ka baqin. Ushiisuu kugu dhufan doonaa, oo hangoolkiisuu kuu qaadan doonaa sida Masriyiintu sameeyeen oo kale,
25laakiin, weli wakhti yar baa hadhay, dabadeedna dhirifkaygu wuu idlaan doonaa, oo cadhadayduna way ku dhammaan doontaa baabba'ooda.
26Oo Rabbiga ciidammaduna wuxuu iyaga ku ciqaabi doonaa karbaash u gala sida layntii reer Midyaan oo ka dhacday dhagixii weynaa ee Xoreeb agtiisa, oo sida ushiisu u kor ahayd badda ayuu kor ugu qaadi doonaa sidii Masar loogu qaaday oo kale.
4Waxay ku dhex foororsan doonaan maxaabiista, oo waxay ku dhex dhici doonaan kuwa la layn doono. Hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisii weli way fidsan tahay.
5¶ Hoog waxaa leh ka reer Ashuur oo ah ushii cadhadayda iyo hangoolka dhirifkaygu gacanta ugu jiro.
6Isagaan u diri doonaa inuu quruun cibaadalaawayaal ah ku kaco, oo waxaan ku amri doonaa amar ka gees ah dadka aan u cadhooday, inuu maalkooda dhaco, oo uu maxaabiis kexeeyo, oo uu iyaga ugu tunto sida dhoobada jidadka dhex taal.
15Miyuu faasku ka faanaa kan isaga wax ku gooya? Minshaartuna miyey iska sii weynaysaa kan iyada ku shaqeeya? Waa sida haddii ulu iska gilgisho kuwa iyada kor u qaada, amase sida hangool kor u qaada kan aan qori ahayn?
8Oo markaas kan reer Ashuur wuxuu ku le'an doonaa seef aan binu-aadmi ka iman, oo seefta aan xagga dadka ka iman ayaa dili doonta, oo seeftuu ka carari doonaa, oo barbaarradiisuna addoommo bay noqon doonaan.
9Oo cabsi ayuu qalcaddiisa kala sii gudbi doonaa, oo amiirradiisuna cabsi aawadeed bay calanka uga carari doonaan, saas waxaa leh Rabbiga dabkiisu Siyoon ku jiro oo foornadiisuna ay Yeruusaalem taallo.
5Rabbigu wuxuu jebiyey hangoolkii kuwa sharka leh, iyo ushii taliyayaasha.
6Kii isagoo cadhaysan dadka ku dhufan jiray darbado joogta ah, oo quruumaha u talin jiray isagoo xanaaqsan waa la silciyaa iyadoo aan ciduna ka hor joogsan.
11Oo isagu wuxuu dhex mari doonaa badda dhibaatada, oo wax buu ku dhufan doonaa hirarka badda, oo Webi Niil moolkiisuna waa engegi doonaa, oo kibirka Ashuurna waa la soo dejin doonaa, oo usha boqortooyada Masarna way iska baabbi'i doontaa.
25taasoo ah inaan kan reer Ashuur dalkayga ku jebin doono, buurahayga korkoodana isaga ku tuman doono, markaasaa harqoodkiisu iyaga ka fogaan doonaa, culayskiisuna garbahooda ka degi doonaa.
26Kanu waa qasdigii loola qasdiyey dhulka oo dhan, oo tanuna waa gacantii lagu kor fidiyey quruumaha oo dhan.
20¶ Adigu waxaad ii tahay dubbahaygii iyo hubkaygii dagaalka, oo adigaan quruumaha kugu burburin doonaa, oo adigaan boqortooyooyin kugu baabbi'in doonaa.
2Bal eega, Sayidku wuxuu leeyahay mid itaal weyn oo xoog badan. Sida roobdhagaxyaale ah, iyo duufaan wax burburinaya, iyo sida daad biyo xoog badan oo wax qarqinaya ayaa gacantiisu dhulka wax ugu xoori doontaa.
7Bal ogow, jinni baan gelin doonaa, oo belef buu maqli doonaa, markaasuu ku noqon doonaa dalkiisii, oo waxaan ka dhigi doonaa in isaga seef lagu dilo, isagoo dalkiisii jooga.
32Maantadan wuxuu soo joogsan doonaa Nob, oo wuxuu gacantiisa ku ruxayaa buurta magaalada Siyoon oo ah kurta Yeruusaalem.
3Oo raggiisa xoogga badan gaashaankoodiina waa la caseeyey, oo ragga dagaalyahanka ahuna waxay xidhaan dhar guduudan, oo maalintii isdiyaarintiisana gaadhifardoodyadu waa bir widhwidha, oo warmihiina waa loo ruxay si cabsi badan.
4Waayo, Rabbigu wuxuu igu leeyahay, Sida aar libaax iyo libaax yar oo raq ku kor guuxa, oo markii adhijirro badan loogu yeedho aan codkooda ka baqin ama aan qayladooda ka cabsan ayaa Rabbiga ciidammadu u soo degi doonaa inuu Buur Siyoon iyo kurteeda korkood ku diriro.
1¶ Ciidammadoy, hadda waa inaad isa soo urursataan. Isagu waa inoo hareereeyey. Xaakinka dalka Israa'iil ul bay dhabanka kaga dhufan doonaan.
12¶ Sidaas daraaddeed markii Sayidku shuqulkiisa oo dhan ku dhammaystiro Buur Siyoon iyo Yeruusaalem, wuxuu odhan doonaa, Boqorka Ashuur ayaan u ciqaabi doonaa midhaha qalbigiisa isla weyn iyo faanka indhihiisa kibrayba.
7Bal ogow, ruux baan gelin doonaa, oo belef buu maqli doonaa, markaasuu ku noqon doonaa dalkiisii, oo waxaan ka dhigi doonaa in seef lagu dilo, isagoo dalkiisii jooga.
22Sanqadhiisu waa sida abeeso sii gurguuranaysa, waayo, iyagu ciidan bay kula soo socon doonaan, oo faasas bay kula soo duuli doonaan sida kuwa qoryo jaraya.
8Isaga waxaa la jira binu-aadmi, laakiinse innaga waxaa inala jira oo ina caawiya oo dagaalladeenna inoo dirira Rabbiga Ilaaheenna ah. Oo dadkiina waxay isku halleeyeen erayadii Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah.
6¶ Oo dalka Ashuur seef baa lagu dumin doonaa, oo dalka reer Nimrod waa laga dumin doonaa irdaha laga galo, oo isagu wuxuu inaga samatabbixin doonaa kan reer Ashuur markuu dalkeenna soo galo iyo markuu soohdinteenna dhex maro.
33Waayo, Tofed waa horaa la sii diyaarshay, oo waxaa loo sii hagaajiyey boqorka, oo aad buu u sii qoday oo uu sii ballaadhiyey, oo waxaa ka tuullan dab iyo qoryo faro badan, oo waxaa shidaysa neeftii Rabbiga oo la moodo sida durdur baaruud ah.
31Rabbigu wuxuu leeyahay, Dhawaaq baa gaadhi doona tan iyo dhulka darafkiisa, maxaa yeelay, Rabbigu dacwad buu la leeyahay quruumaha, oo wuxuu la muddacayaa binu-aadmiga oo dhan, oo kuwa sharka ahna seef buu u gacangelin doonaa.
4Waayo, harqoodkii ku cuslaa, iyo hangoolkii garbaha lagaga dhufan jiray, iyo ushii kii dulmi jiray, ayaad jebisay sidii waagii reer Midyaan.
5Waayo, ninka hubka leh ee buuqa ku dhex jira hubkiisa oo dhan iyo dharka dhiigga miidhanna waa la gubi doonaa oo waxaa laga dhigi doonaa wax dabka lagu shido.
3Oo halkaas wuxuu ku jejebiyey fallaadhihii qaansada, Iyo gaashaankii, iyo seeftii, iyo dagaalkiiba. (Selaah)
3Markaasaa Rabbigu soo bixi doonaa, oo quruumahaas buu la diriri doonaa, siduu u diriray maalintii dagaalka.
32oo meelihii webiga laga gudbi jirayna la wada xidhay, oo cawsduurkiina dab lagu gubay, oo raggii dagaalkuna ay wada cabsadeen.
6Isagu quruumaha dhexdooda ayuu wax ku xukumi doonaa, Oo meel walba wuxuu ka buuxin doonaa meydad, Oo waddammo badan ayuu madaxda ka dili doonaa.
11Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa kugu soo degi doonta seeftii boqorka Baabuloon.
30Canaano dugaagga cawsduurka ku dhex jira, Iyo dibida tirada badan, iyo weylaha dadka Oo ku tumanaya lacagta gogo'a ah, Isagu wuu kala firdhiyey dadyowga dagaalka jecel.
4Oo isaguna quruumuhuu u kala garsoori doonaa, oo dad badan ayuu canaanan doonaa, oo iyana waxay seefahooda ka tuman doonaan marashiyo, warmahoodana manjooyin, oo quruunina quruun kale seef uma qaadan doonto, oo innaba mar dambe dagaal ma ay baran doonaan.
23Korkiisa waxaa ka sanqadha gabooye, Iyo waran birbirqaya iyo hoto.
32Markaas xadgudubkooda waxaan kaga abaalmarin doonaa ul, Xumaantoodana jeedal.
32Haddaba Rabbigu saasuu uga hadlay boqorka Ashuur oo yidhi, Isagu magaaladan iman maayo, fallaadhna ku soo gani maayo, horteedana gaashaan la iman maayo, taallo ciid ahna ag tuuli maayo.
34Oo jiqda duuddana bir buu ku jari doonaa, oo Lubnaanna waxay ku dhici doontaa mid xoog badan gacantiis.
14Oo isna wuxuu u burburin doonaa sida weelka dheryasameeyahu u burburo oo kale, isagoo burburinaya oo aan u tudhayn, oo sidaas aawadeed burburkiisa lagama dhex heli doono jajab dab meeshiisa lagaga qaado ama biyo berkedda lagaga dhuro.
4Oo isagu wuu istaagi doonaa, oo wuxuu adhigiisa ku daajin doonaa xoogga Rabbiga iyo haybadda magaca Rabbiga Ilaahiisa ah, oo iyana ammaan bay ku joogi doonaan, waayo, isagu haatan mid weyn buu ku ahaan doonaa tan iyo dhulka darfihiisa.
28Haddaba reer binu Israa'iil oo dhammu saasay u soo qaadeen sanduuqii axdiga Rabbiga iyagoo dhawaaqaya, oo afuufaya buun iyo turumbooyin, oo ka dhawaajinaya suxuun laysku garaaco, iyo shareerado iyo kataarado.
15Waayo, Rabbigu wuxuu dadkii Israa'iil u layn doonaa sida cawsduur biyo ugu ruxmado, oo dadkii Israa'iil wuu ka rujin doonaa dalkan wanaagsan oo uu siiyey awowayaashood, oo wuxuu ku firdhin doonaa Webiga shishadiisa, maxaa yeelay, waxay samaysteen geedihii Asheeraah, oo Rabbigana saasay uga xanaajiyeen.
9Wuxuu derbiyadaada ku tumi doonaa wax lagu jejebiyo, oo munaaradahaagana wuxuu ku dumin doonaa faasaskiisa.