Ishacyaah 37:28

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse waan aqaan fadhigaaga, iyo bixiddaada, iyo soo geliddaada, iyo cadhadaadii aad ii cadhootayba.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 139:1-9 : 1 Rabbiyow, waad i baadhay, oo waad i soo ogaatay. 2 Waad og tahay fadhiisashadayda iyo sara kiciddaydaba, Oo fikirkaygana meel fog baad ka garataa. 3 Socodkayga iyo seexashadaydaba waad baadhaa, Oo jidadkayga oo dhanna waad wada taqaan. 4 Waayo, Rabbiyow, eray aanad aqoonu carrabkayga kuma jiro, Laakiinse adigu waad wada og tahay. 5 Adigu hor iyo dibba waad iga xidhay, Oo gacantaadaad i saartay. 6 Aqoontaas oo kale aad iyo aad bay iigu yaab badan tahay, Waa wax sare, oo anigu ma aan gaadhi karo. 7 Bal xaggee baan ruuxaaga ka tagaa? Xaggee baanse wejigaaga uga cararaa? 8 Haddaan samada koro, halkaasaad joogtaa, Haddaan sariirtayda She'ool dhex dhigtona, bal eeg, halkaasna waad joogtaa. 9 Haddaan qaato baalasha subaxda, Iyo haddaan dego badda darafyadeeda ugu shisheeyaba, 10 Xataa halkaas gacantaada ayaa i hoggaamin doonta, Oo midigtaada ayaa i soo qaban doonta. 11 Haddaan idhaahdo, Hubaal gudcurkaa i qarin doona, Oo iftiinka igu wareegsanu habeennimuu noqon doonaa,
  • Maah 5:21 : 21 Waayo, jidadka dadku waxay hor yaalliin indhaha Rabbiga Oo isagaa fiiriya waddooyinkiisa oo dhan.
  • Maah 15:3 : 3 Rabbiga indhihiisu meel kastay jiraan, Iyagoo fiirinaya kuwa xun iyo kuwa wanaagsan.
  • Yer 23:23-24 : 23 Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu ma waxaan ahay Ilaah dhow, oo miyaanan ahayn Ilaah fog? 24 Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaa cidi isku qarin kartaa meelo qarsoon oo aanan ka arki karin? Waxaa kaluu Rabbigu leeyahay, Anigu sow kama buuxo cirka iyo dhulkaba?
  • Muj 2:13 : 13 ¶ Waan ogahay meeshaad deggan tahay inay tahay meesha carshiga Shayddaanku yaal; oo magacayga waad xajisaa, mana aad inkirin iimaankayga xataa waagii Antibas joogay, isagoo ahaa markhaatigaygii iyo kaygii aaminka ahaa oo dhexdiinna lagu dilay meesha Shayddaanku deggan yahay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 97%

    27Laakiinse waan aqaan fadhigaaga, Iyo bixiddaada, iyo soo geliddaada, Iyo cadhadaadii aad ii cadhootayba.

    28Cadhadaadii aad ii cadhootay, Iyo islaweynaantaadii waxay soo gaadheen dhegahayga, Oo sidaas daraaddeed sanka waxaan kaa sudhi doonaa qabatadayda, Bushimahaagana waxaan gelin doonaa xakamahayga, Oo waxaan kugu celin doonaa jidkii aad ku timid.

  • 29Cadhadaadii aad ii cadhootay Iyo islaweynaantaadii waxay soo gaadheen dhegahayga, Oo sidaas daraaddeed sanka waxaan kaa sudhi doonaa qabatadayda, Bushimahaagana waxaan gelin doonaa xakamahayga, Oo waxaan kugu celin doonaa jidkii aad ku timid.

  • 79%

    27Bal eega, anigu waan ogahay fikirradiinna, Iyo xeesha aad qaldan igu hindisaysaan.

    28Waayo, waxaad tidhaahdaan, War meeh gurigii amiirku? Oo meeday teendhadii sharrowgu ku dhex hoyan jiray?

  • 18¶ Oo Rabbiguna taas wuu i ogeysiiyey, waanan ogaaday. Markaasaad falimahooda i tustay.

  • Sab 139:1-5
    5 aayado
    76%

    1Rabbiyow, waad i baadhay, oo waad i soo ogaatay.

    2Waad og tahay fadhiisashadayda iyo sara kiciddaydaba, Oo fikirkaygana meel fog baad ka garataa.

    3Socodkayga iyo seexashadaydaba waad baadhaa, Oo jidadkayga oo dhanna waad wada taqaan.

    4Waayo, Rabbiyow, eray aanad aqoonu carrabkayga kuma jiro, Laakiinse adigu waad wada og tahay.

    5Adigu hor iyo dibba waad iga xidhay, Oo gacantaadaad i saartay.

  • Yer 15:14-15
    2 aayado
    74%

    14Oo waxaan ka dhigi doonaa inaad cadaawayaashaada ula gudubtid dal aadan innaba aqoonin, waayo, waxaa xanaaqaygii ka ololay dab idin gubi doona.

    15¶ Rabbiyow, wax kastaba waad og tahay, haddaba bal i soo xusuuso, oo i soo booqo, oo iiga aargud kuwa i silcinaya. Ii dulqaado oo ha i fogayn. Ogow inaan aawadaa cay ugu adkaystay.

  • 23Rabbiyow, adigu waad og tahay taladooda oo dhan iyo siday u doonayaan inay i dilaan. Xumaantooda ha ka cafiyin, oo dembigoodana hortaada ha ka tirtirin, laakiinse hortaada ha lagu afgembiyo, oo wakhtiga cadhadaadana sidaas ula macaamilo.

  • 23Waayo, waan ogahay inaad ii kaxaynaysid dhimasho, Iyo guriga inta nool oo dhammu ku wada kulmayaan.

  • 27Si ay u ogaadaan in tanu tahay shaqadii gacaantaada, Iyo inaad taas samaysay, Rabbiyow.

  • 3Laakiinse, Rabbiyow, adigu waad i taqaan, waanad i aragtaa, oo qalbigaygana xaggaagaad u tijaabisaa. Iyaga u soo bixi sida ido la gowracayo, oo u diyaari maalinta gowracidda.

  • 3Markii naftaydu gudahayga ku itaal darnaatay, waddadayda waad tiqiin, Jidka aan ku socdona dabin bay iigu qariyeen.

  • 17Waxaad ii keensataa markhaatiyaal cusub, Oo dhirifkaagana waad igu sii kordhisaa, Oo hadba waxaad igu soo daysaa col iyo belaayo isu kay bedbeddela.

  • 11Tan ayaan ku garanayaa inaad igu faraxsan tahay, Maxaa yeelay, cadowgaygu igama guulaysto.

  • 16Inaan ku addeeco oo aan adhijir sii ahaado kama aanan degdegin, oo maalinta hooggana ma aanan jeclaysan. Taas waad og tahay. Oo wax alla wixii bushimahayga ka soo baxayba hortaadaan ku idhi.

  • 17Laakiinse xukunka kuwa sharka ah ayaa kaa buuxa, Oo garsoorid iyo caddaalad ayaa ku qabsada.

  • 7In kastoo aad ogtahay inaanan sharrow ahayn, Oo uusan jirin mid gacantaada iga samatabbixinaya?

  • 28Waxaan ka baqayaa caloolxumadayda oo dhan, Waayo, waan ogahay inaadan ii haysanayn sidii mid aan xaq qabin.

  • 6Haddaba bal ogaada in Ilaah i afgembiyey, Oo uu shabagtiisii igu wareejiyey.

  • 7Naxariistaada waan ku farxi doonaa, waanan ku rayrayn doonaa, Waayo, dhibaatadii igu dhacday waad aragtay, Waanad ogayd qaxarka naftaydu ku jirtay,

  • 20Laakiinse Rabbiga ciidammadow, adigoo si caddaalad ah wax u xukumow, oo kelyaha iyo qalbigaba imtixaamow, haddaba bal aargoosashadaada iyaga ku kor dhacaysa aan arkee, waayo, dacwadaydii adigaan kuu soo bandhigay.

  • 23Ilaah ayaa jidkeeda garanaya, Oo isagaa meesheeda yaqaan.

  • Bar 3:60-61
    2 aayado
    71%

    60Aarsashadoodii oo dhan iyo wixii ay iigu fikireen oo dhanba waad wada aragtay.

    61Rabbiyow, waad maqashay caydoodii oo dhan iyo wixii ay iigu fikireen oo dhan,

  • 15Laakiinse anigu markaan turunturooday ayay reyreeyeen, oo way isa soo wada urursadeen, Oo waxmatarayaashii ayaa dhammaantood ii wada shiray, oo anna ma aan ogayn innaba, Way i dildillaacsadeen oo imana ay dayn.

  • 24Bal maxaad wejigaaga u qarinaysaa, Oo aad iigu haysataa sidii mid cadow kuu ah?

  • 3Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado meeshaan isaga ka heli karo, Si aan kursigiisa ugu imaado!

  • 16Cadhadaadii kululayd ayaa i kor martay, Oo waxaa i baabbi'iyey waxyaalihii aad igu cabsiisay.

  • 71%

    20Si aad soohdintiisa u martid, Oo aad u garatid wadiiqooyinka gurigiisa loo maro?

    21Shakila'aan waad taqaan, waayo, adigu wakhtigaas waad dhalanayd Oo cimrigaaguna wuu dheer yahay!

  • 8Sida xaqiiqada ah dhegahaygaad ku hadashay, Waanan maqlay codkii erayadaada oo leh,

  • 13Laakiin waxyaalahaas qalbigaaga waad ku qarisay; Oo waan ogahay in taasu ay kugu jirto.

  • 12Laakiinse Rabbiga ciidammadow, waxaad tahay kan kii xaqa ah imtixaama, oo waxaad fiirisaa kelyaha iyo qalbigaba, haddaba bal i tus aargudashadaada oo iyaga ku kor dhacaysa, waayo, adigaan dacwadaydii ku soo bandhigay.

  • 10Haddaba belaayadaada iga durki, Maxaa yeelay, waxaa i baabbi'iyey weerarka gacantaada.

  • 4Waan ogaa inaad madax adag tihiin, iyo in qoortiinnu seed bir ah tahay, iyo in jaahiinnu naxaas yahay,

  • 31Oo waxaan kugu soo kor shubi doonaa dhirifkayga, oo dabkii cadhadayda ayaan kugu soo afuufi doonaa, oo waxaan gacanta kuugu ridi doonaa niman doqonna ah oo aad waxbaabbi'inta u yaqaan.

  • 4Miyaadan ogayn in waayihii hore iyo Tan iyo waagii binu-aadmiga dhulka la saaray

  • 11Bal yaa yaqaan cadhadaada xooggeeda, Iyo xanaaqaaga kaas oo waafaqsan cabsida kugu habboon in lagaa cabsado?

  • 25Abneer oo ah ina Neer waad garanaysaa inuu kuugu yimid inuu ku khiyaaneeyo, iyo inuu ogaado bixiddaada iyo soo geliddaada, iyo weliba inuu sii ogaado waxaad samaysid oo dhanba.

  • 1Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan, Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.

  • 13Sida ay leedahay maahmaahdii dadkii hore, Kii shar ah waxaa ka soo baxda sharnimo, gacantayduse ku taaban mayso.

  • 3Haddaba ma mid sidaas oo kalaad indhaha u kala qaadaysaa? Oo ma anigaad xukun ila soo gelaysaa?

  • 7Bal xaggee baan ruuxaaga ka tagaa? Xaggee baanse wejigaaga uga cararaa?

  • 23Ilaahow, i baadh, oo qalbigayga garo, I tijaabi, oo fikirradayda ogow,