Ayuub 21:27

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Bal eega, anigu waan ogahay fikirradiinna, Iyo xeesha aad qaldan igu hindisaysaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 4:8-9 : 8 Sidaan anigu arkay, weligoodba kuwii xumaan tacbadaa, Oo belaayo beertaa, isla waxaasay goostaan. 9 Iyagu waxay ku baabba'aan Ilaah neeftiisa, Oo waxay ku dhammaadaan afuufidda cadhadiisa. 10 Libaaxa cidiisii, iyo aarka cadhaysan codkiisii, Iyo libaaxyada yaryar miciyahoodiiba waa jajabaan. 11 Libaaxa duqa ahu ugaadhla'aanta buu u bakhtiyaa, Oo goosha dhasheediina way kala firdhaan.
  • Ayuub 5:3-5 : 3 Anba waxaan arkay nacas xidid yeeshay. Laakiinse degdeg baan u habaaray rugtiisii. 4 Carruurtiisu nabaadiino way ka fog yihiin, Oo iridda agteeda ayaa iyaga lagu burburiyaa, Mana jiro mid samatabbixiyaa. 5 Kuwaas beertay goostaan waxaa cuna kuwa gaajaysan, Oo xataa qodxanta way kala soo dhex bixiyaan, Oo maalkoodana waxaa afka u kala haya siriq.
  • Ayuub 8:3-6 : 3 War ma Ilaah baa garsooridda qalloociya? Mase Ilaaha Qaadirka ah baa caddaaladda qalloociya? 4 Haddii carruurtaadii ay isaga ku dembaabeen, Wuxuu iyagii u gacangeliyey xadgudubkoodii. 5 Haddaad aad u barido Ilaah, Oo aad baryootankaaga hor dhigto Qaadirka, 6 Haddaad daahir ahaan lahayd oo aad qummanaan lahayd, Sida xaqiiqada ah haatan wuu kuu toosi lahaa, Oo hoyga xaqnimadaadana wuu barwaaqayn lahaa.
  • Ayuub 15:20-35 : 20 Ninkii shar ahu sida naag u foolato oo kale ayuu u xanuunsadaa cimrigiisa oo dhan, Intaas oo ah sannadihii loo kaydiyey kuwa wax dulma. 21 Oo sanqadh cabsi leh ayaa dhegihiisa gasha, Oo wakhtiga barwaaqadana baabbi'iyuhu waa u soo iman doonaa. 22 Isagu ma rumaysto inuu gudcurka ka noqon doono, Iyo inay seeftu isaga sugayso. 23 Meel meel buu cunto u wareegaa isagoo leh, Meeday? Oo wuxuu og yahay inay maalinta gudcurku isaga u diyaar tahay. 24 Waxaa isaga bajiya dhib iyo cidhiidhi, Oo isagay uga adkaadaan sida boqor dagaal isu diyaariyey, 25 Maxaa yeelay, isagu gacantiisuu Ilaah ku taagay, Oo Ilaaha Qaadirka ah kibir buu ku caasiyaa. 26 Wuxuu kula ordaa madax adag Iyo gaashaammadiisa biro ku taagan yihiin. 27 Maxaa yeelay, wejiga ayuu ka cayilay, Oo bowdooyinkana baruur buu ku yeeshay, 28 Oo wuxuu degay magaalooyin baabba' ah, Iyo guryo aan lagu hoyan, Oo u diyaarsan inay tuulmooyin burbur ah noqdaan. 29 Isagu taajir noqon maayo, oo maalkiisuna sii raagi maayo, Oo dhulkana ku sii waari maayo. 30 Isagu marnaba gudcur ka bixi maayo, Oo laamihiisa olol baa qallajin doona, Oo neefta afkiisa ayaa qaadi doonta. 31 Yuusan wax aan waxba tarayn isku hallayn, isagoo iskhiyaaneeya, Waayo, wax aan waxba tarayn ayaa abaalgudkiisa ahaan doona. 32 Wakhtigiisii ka hor buu dhammaan doonaa, Oo laantiisuna ma cagaaroobi doonto. 33 Sida canabka ayuu midhihiisa ceedhiin iska ridi doonaa, Oo sida saytuunka ayuu ubaxiisa iska daadin doonaa. 34 Waayo, ururka cibaadalaawayaashu wuxuu ahaan doonaa wax aan waxba dhalin, Oo teendhooyinka kuwa laaluushka qaatana dab baa baabbi'in doona. 35 Iyagu waxay uuraystaan belaayo, xumaanna way dhalaan, Oo calooshooduna waxay diyaarisaa khiyaano.
  • Ayuub 20:5 : 5 Ay guulaysashada sharrowyadu gaaban tahay, Oo farxadda cibaadalaawayaashuna ay daqiiqad qudha tahay?
  • Ayuub 20:29 : 29 Intaasu waxaa weeye qaybta ninkii shar ahu uu xagga Ilaah ka helayo, Iyo wixii Ilaah dhaxal ahaan ugu amray.
  • Ayuub 32:3 : 3 Oo weliba wuxuu aad ugu cadhooday saddexdiisii saaxiib, maxaa yeelay, iyagu jawaab ma ay helin, ee weliba Ayuub way xukumeen.
  • Ayuub 42:7 : 7 ¶ Oo markii Rabbigu erayadaas Ayuub kula hadlay dabadeed wuxuu Eliifas oo reer Teemaan ahaa ku yidhi, Cadhadaydii baa ku kululaatay adiga iyo labadaadii saaxiibba, waayo, idinku wixii xaqa ahaa igama aydaan sheegin, sidii addoonkayga Ayuub uu yeelay oo kale.
  • Sab 59:4 : 4 Waxay u ordaan oo isu diyaariyaan wax aanan eed ku lahayn, Dartay u kac inaad i caawiso oo aad i eegto.
  • Sab 119:86 : 86 Amarradaada oo dhammu waa wada daacad, Si gardarro ah ayay ii silciyaan, haddaba i caawi,
  • Luuk 5:22 : 22 Laakiin Ciise goortuu fikirradoodii gartay ayuu u jawaabay oo ku yidhi, Maxaad qalbiyadiinna uga fikiraysaan?
  • 1 But 2:19 : 19 Waayo, tanu waa wax loo bogo haddii nin niyada xagga Ilaah uga adkaysto dhibaatooyinka, isagoo xaqdarro ku xanuunsanaya.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 28Waayo, waxaad tidhaahdaan, War meeh gurigii amiirku? Oo meeday teendhadii sharrowgu ku dhex hoyan jiray?

  • 27Laakiinse waan aqaan fadhigaaga, Iyo bixiddaada, iyo soo geliddaada, Iyo cadhadaadii aad ii cadhootayba.

  • 28Laakiinse waan aqaan fadhigaaga, iyo bixiddaada, iyo soo geliddaada, iyo cadhadaadii aad ii cadhootayba.

  • Bar 3:60-62
    3 aayado
    78%

    60Aarsashadoodii oo dhan iyo wixii ay iigu fikireen oo dhanba waad wada aragtay.

    61Rabbiyow, waad maqashay caydoodii oo dhan iyo wixii ay iigu fikireen oo dhan,

    62Iyo wixii kuwa igu kacay bushimahoodii lahaayeen, iyo wixii ay maalintii oo dhan ii qasdiyeenba.

  • 21Waxyaalahaas baad samaysay, oo anna waan iska aamusay, Waxaad moodday inaan ahay mid kula mid ah, Laakiinse waan ku canaanan doonaa, oo iyaga ayaan indhahaaga hortooda ku hagaajin doonaa.

  • 11Waayo, iyagu waxay ku talo jireen inay xumaan kugu sameeyaan, Oo waxay hindiseen xeel ayan iyagu dhammayn karin.

  • 10Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas wax baa maankaaga ku soo dhici doona, oo waxaad ku fikiri doontaa xeelad shar ah,

  • 23Rabbiyow, adigu waad og tahay taladooda oo dhan iyo siday u doonayaan inay i dilaan. Xumaantooda ha ka cafiyin, oo dembigoodana hortaada ha ka tirtirin, laakiinse hortaada ha lagu afgembiyo, oo wakhtiga cadhadaadana sidaas ula macaamilo.

  • 2Oo qalbiga kagama ay fikiraan inaan xumaantooda oo dhan xusuusto. Haatan waxaa iyagii dhinacyada ka hareereeyey falimahoodii, oo way i hor yaallaan.

  • 23Ilaahow, i baadh, oo qalbigayga garo, I tijaabi, oo fikirradayda ogow,

  • Yer 11:18-20
    3 aayado
    72%

    18¶ Oo Rabbiguna taas wuu i ogeysiiyey, waanan ogaaday. Markaasaad falimahooda i tustay.

    19Laakiinse anigu waxaan la mid ahaa neef baraar ah oo loo soo kexeeyo in la gowraco, oo mana aan ogayn inay shirqool ii hindiseen, oo ay yidhaahdeen, Geedka iyo midhihiisaba aynu wada baabbi'inno, oo aynu isaga ka gooyno dalka kuwa nool, si aan magiciisa mar dambe loo soo xusuusan.

    20Laakiinse Rabbiga ciidammadow, adigoo si caddaalad ah wax u xukumow, oo kelyaha iyo qalbigaba imtixaamow, haddaba bal aargoosashadaada iyaga ku kor dhacaysa aan arkee, waayo, dacwadaydii adigaan kuu soo bandhigay.

  • 15In kastoo aan wax baray oo aan gacmahooda xoogeeyey, ayay weliba shar ii fikiraan.

  • 2Waad og tahay fadhiisashadayda iyo sara kiciddaydaba, Oo fikirkaygana meel fog baad ka garataa.

  • 7Kuwa i neceb oo dhammu anigay ii wada faqaan, Oo waxay iigu wada tashadaan si ay wax ii yeelaan.

  • Sab 56:5-6
    2 aayado
    71%

    5Maalinta oo dhan erayadayda way qalloociyaan, Fikirradooda oo dhammu waa igu col si ay shar iigu sameeyaan.

    6Way isa soo wada urursadaan, oo way dhuuntaan, Oo waxay fiirsadaan tallaabooyinkayga, Markay gaadayaan naftayda.

  • 10Bal eeg, sabab uu igu eedeeyo ayuu iga helaa, Oo wuxuu igu tiriyaa inaan cadowgiisa ahay;

  • 11Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan garanayaa fikirrada aan idiinku fikiro, waana fikirro nabadeed, oo ma aha kuwa masiibeed, si aan ugudambaystiinna rajo idiin siiyo.

  • 13Laakiin waxyaalahaas qalbigaaga waad ku qarisay; Oo waan ogahay in taasu ay kugu jirto.

  • 12Oo kuwa naftayda doondoonaana dabinno bay ii dhigaan, Oo kuwa inay wax i yeelaan doonayaana waxay ku hadlaan waxyaalo xun, Oo maalinta oo dhan waxay ku tashadaan khiyaano.

  • 7In kastoo aad ogtahay inaanan sharrow ahayn, Oo uusan jirin mid gacantaada iga samatabbixinaya?

  • 11Rabbigu waa og yahay fikirrada binu-aadmigu Inay micnela'aan yihiin.

  • 5Markaasaa Ruuxii Rabbigu igu soo degay, oo wuxuu igu yidhi, Waxaad tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, sidaasaad istidhaahdeen, waayo, waxyaalaha maankiinna soo gala waan ogahay.

  • 10Waayo, waxaad isku hallaysay sharnimadaada, oo waxaad istidhi, Ninna ima arko. Waxaa ku qalday xigmaddaada iyo aqoontaada, oo waxaad qalbiga iska tidhi, Anigaa ah, oo aniga mooyaane cid kale ma jirto.

  • Ayuub 19:5-6
    2 aayado
    71%

    5Oo sida xaqiiqada ah haddaad iska kay weynaynaysaan, Oo aad ceebtayda igu caddaysaan inaan dembi leeyahay,

    6Haddaba bal ogaada in Ilaah i afgembiyey, Oo uu shabagtiisii igu wareejiyey.

  • 2Kii shar leh oo kibir badan ayaa miskiinka si kulul u eryada, Xeeladdii ay hindiseen iyaga ha la rogmato.

  • 17Laakiinse xukunka kuwa sharka ah ayaa kaa buuxa, Oo garsoorid iyo caddaalad ayaa ku qabsada.

  • 13Sida ay leedahay maahmaahdii dadkii hore, Kii shar ah waxaa ka soo baxda sharnimo, gacantayduse ku taaban mayso.

  • 3Balse idinku ilaa goormaad nin ku weeraraysaan, Inaad kulligiin isaga dumisaan, Sida derbi dhacaya, iyo deyr ligliganaya?

  • 28Haddaad istidhaahdaan, War xaalkan salkiisu isagaa laga helay, Bal maxaannu isaga u silcinnaa?

  • 2Hubaal qalbiga waxaad ka samaysaan xumaato, Oo waxaad ka fikirtaan dulmiga gacmihiinna oo aad dhulka ku samaysaan.

  • 3Laakiinse, Rabbiyow, adigu waad i taqaan, waanad i aragtaa, oo qalbigaygana xaggaagaad u tijaabisaa. Iyaga u soo bixi sida ido la gowracayo, oo u diyaari maalinta gowracidda.

  • 12Laakiinse Rabbiga ciidammadow, waxaad tahay kan kii xaqa ah imtixaama, oo waxaad fiirisaa kelyaha iyo qalbigaba, haddaba bal i tus aargudashadaada oo iyaga ku kor dhacaysa, waayo, adigaan dacwadaydii ku soo bandhigay.

  • 10Waayo, waxaan maqlay kuwa badan oo i caayaya, iyo cabsi dhan kasta iga wareegsan. Oo waxay yidhaahdaan, Soo ashtakeeya oo annana waannu ashtakaynaynaa. Kuwii ila nabad ahaa oo dhammu waxay sugayaan dhiciddayda, oo waxay yidhaahdaan, Mindhaa isaga waa la khiyaanayn doonaa, oo waannu ka adkaan doonnaa, oo waannu aargudan doonnaa.

  • 27Waxaad saami u ridan lahaydeen maalka agoonta, Oo saaxiibkiinna waad ka faa'iidaysan lahaydeen.

  • 15¶ Waxaa iska hoogay kuwa taladooda Rabbiga aad uga qariya, oo shuqulladoodana gudcurka ku sameeya, oo sii yidhaahda, Bal yaa na arka? Yaase na og?

  • 11Waxaa kaa soo baxay mid Rabbiga wax shar ah u fikira, oo xumaato ku taliya.

  • 13Waayo, waxaan maqlay kuwo badan oo caytamaya, Iyo cabsi dhan kasta igaga wareegsan, Oo intay ii wada tashadeen, Ayay waxay ku arrinsadeen inay nafta iga qaadaan.

  • 15Oo Yuusufna wuxuu iyagii ku yidhi, Waxan aad samayseen waa maxay? Miyaydnaan ogayn ninkii anoo kale ahu inuu faalin karo?

  • 4Miyaadan ogayn in waayihii hore iyo Tan iyo waagii binu-aadmiga dhulka la saaray

  • 17Ilaahow, fikirradaadu ila qiimo badanaa! Oo tiro badanaa!

  • 4Waayo, Rabbiyow, eray aanad aqoonu carrabkayga kuma jiro, Laakiinse adigu waad wada og tahay.

  • 12Waayo, waan ogahay xadgudubyadiinnu inay badan yihiin, iyo dembiyadiinnu inay waaweyn yihiin, kuwiinnan kii xaqa ah dhiba, ee laaluush qaata, oo masaakiinta iridda joogtana xaqooda ka leexiya.

  • 4Ciise oo fikirradooda garanaya ayaa ku yidhi, Maxaad haddaba shar ugu fikiraysaan qalbiyadiinna?

  • 26Habase yeeshee isku si bay ciidda u dhex jiifsadaan, Oo dirxi baa korkooda daboola.