Ishacyaah 55:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Ka sharka lihi jidkiisa ha ka tago, ninka aan xaqa ahaynuna fikirradiisa, oo Rabbiga ha u soo noqdo, oo isna wuu u naxariisan doonaa, oo ha u yimaado Ilaaheenna, waayo, aad buu u saamixi doonaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yac 4:8-9 : 8 U soo dhowaada Ilaah, isaguna wuu idiin soo dhowaan doonaa. Dembilayaashow, gacmihiinna nadiifiya. Labaqalbiilayaashow, qalbiyadiinna daahiriya. 9 Dhibtooda oo baroorta oo ooya. Qosolkiinnu baroor ha u rogmado, farxaddiinnuna caloolxumo. 10 Is-hoosaysiiya Rabbiga hortiisa, isna wuu idin sarraysiin doonaa.
  • 2 Taar 7:14 : 14 haddii dadkayga oo ah kuwa magacayga lagu yeedhay ay is-hoosaysiiyaan, oo i baryaan, oo wejigayga doondoonaan, oo jidadkoodii xumaa ka soo noqdaan, de markaasaan samada ka maqli doonaa, oo dembigoodana waan ka cafiyi doonaa, oo dalkoodana waan bogsiin doonaa.
  • Maah 28:13 : 13 Kii xadgudubyadiisa qariyaa ma liibaani doono, Laakiinse kii qirta oo haddana ka tagaa, naxariis buu heli doonaa.
  • Ish 43:25 : 25 Aniga qudhayda weeye kan xadgudubyadiinna tirtira, aawaday baan u tirtiraa, oo dembiyadiinnana sooma aan xusuusan doono.
  • Ish 44:22 : 22 Sidii daruur qaro weyn ayaan xadgudubyadiinnii u tirtiray, oo sidii daruur oo kale ayaan dembiyadiinniina u tirtiray. Haddaba ii soo noqda, waayo, waan idin soo furtay.
  • Sab 66:18 : 18 Haddaan dembi qalbigayga ku arkay, Sayidku ima uu maqleen,
  • Yex 18:21-23 : 21 Laakiinse ka sharka lihi hadduu dembiyadiisii uu sameeyey oo dhan ka soo noqdo, oo uu qaynuunnadayda oo dhan wada xajiyo, oo uu waxa xaqa ah oo qumman sameeyo, hubaal kaasu wuu noolaan doonaa, mana dhiman doono. 22 Oo xadgudubyadiisii uu sameeyey oo dhan midna looma soo xusuusan doono. Wuxuu ku noolaan doonaa xaqnimadiisii uu sameeyey. 23 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Anigu miyaan innaba sharrowga dhimashadiisa ku farxaa? Sowse kama aan jecli inuu jidkiisa ka soo noqdo oo uu noolaado?
  • Yex 18:27-32 : 27 Haddaba sharrowgu markuu sharnimadiisii uu sameeyey ka soo noqdo, oo uu waxa xaqa ah ee qumman sameeyo, markaasuu naftiisa badbaadin doonaa. 28 Isagu wuu fiirsadaa, oo xadgudubyadiisii uu sameeyey oo dhan wuu ka soo noqdaa, oo sidaas aawadeed hubaal wuu noolaan doonaa, mana dhiman doono. 29 Laakiinse reer binu Israa'iil waxay yidhaahdaan, Sayidka jidkiisu ma qummana. Reer binu Israa'iilow, sow jidadkaygu ma qummana? Sow jidadkiinnu ma aha kuwa aan qummanaynu? 30 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, anigu midkiin kastaba waxaan u xukumi doonaa siday jidadkiisu ahaayeen. Haddaba soo noqda, oo xadgudubyadiinnii oo dhan ka soo noqda, si ayan xumaantu halligaaddiinnii u noqon. 31 Xadgudubyadiinnii aad xadgudubteen oo dhan iska xoora, oo waxaad yeelataan qalbi cusub iyo ruux cusub, waayo, reer binu Israa'iilow, bal maxaad u dhimanaysaan? 32 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Anigu innaba kii dhinta dhimashadiisa kuma farxo, haddaba soo noqda oo noolaada.
  • Yex 33:14-16 : 14 Haddana markaan sharrowga ku idhaahdo, Hubaal waad dhiman doontaa, hadduu dembigiisa ka soo noqdo, oo uu waxa xaqa ah oo qumman sameeyo, 15 iyo hadduu sharrowgu rahaamaddii celiyo, oo uu wixii uu dhacay celiyo, oo uu qaynuunnada nolosha ku socdo, isagoo aan innaba xumaan samaynayn, markaas hubaal wuu noolaan doonaa, mana dhiman doono. 16 Oo dembiyadiisii uu sameeyey midkoodna looma xusuusan doono. Wuxuu sameeyey wax xaq ah oo qumman, oo hubaal wuu noolaan doonaa.
  • Luuk 15:10 : 10 Waxaan idinku leeyahay, Sidaas oo kale markii mid dembi leh toobadkeenoba, farxad ayaa kaga jirta malaa'igaha Ilaah hortooda.
  • Bil 6:5 : 5 Rabbiguna wuxuu arkay in dadka sharkiisu ku badan yahay dhulka, iyo in male kasta oo fikirrada qalbigiisu ay shar keliya yihiin had iyo goorba.
  • 1 Tim 1:15-16 : 15 Hadalkanu waa run, waana mid istaahila in la wada aqbalo, in Ciise Masiix dunida u yimid inuu badbaadiyo dembilayaasha anoo ah kan ugu daran. 16 Laakiin sababtaas daraaddeed waa la ii naxariistay in, anigoo ah kan ugu daran, Ciise Masiix iga muujiyo dulqaadashadiisa oo dhan, inaan masaal u noqdo kuwa hadda dabadeed isaga rumaysan doona inay nolol weligeed ah helaan.
  • 1 Kor 6:9-9 : 9 Ama miyeydnaan ogayn in kuwa xaqa darani ayan dhaxlayn boqortooyadii Ilaah? Yaan laydin khiyaanayn. Ama dhillayaasha, ama kuwa sanamka caabuda, ama kuwa sinaysta, ama khaanisiinta, 10 ama tuugagga, ama kuwa wax badan damca, ama kuwa sakhraama, ama kuwa wax caaya, ama kuwa wax dulma, ma dhaxli doonaan boqortooyadii Ilaah. 11 Qaarkiin sidaas oo kale baad ahaan jirteen, laakiin waa laydinka maydhay, quduus baa laydinka dhigay, xaq baa laydinkaga dhigay magaca Rabbi Ciise Masiix iyo Ruuxa Ilaaheenna.
  • Ef 1:6-8 : 6 in la ammaano cisada nimcadiisa ee uu inagu siiyey kan uu jecel yahay. 7 Isaga, sida ay hodantinimada nimcadiisu tahay, waxaynu dhiiggiisa ku leennahay madaxfurasho ah dembidhaafkeenna. 8 Nimcadaas wuxuu inoogu badiyey xagga xigmadda iyo miyirka oo dhan,
  • Luuk 15:24 : 24 waayo, wiilkaygan wuu dhintay, wuuna soo noolaaday; wuu lumay, waana la helay. Markaasay bilaabeen inay farxaan.
  • Fal 3:19 : 19 Haddaba toobadkeena oo soo noqda, si dembiyadiinna loo tirtiro, si ay wakhtiyo qabowjis lihii uga yimaadaan Rabbiga hortiisa,
  • Fal 8:21-22 : 21 Xaalkan kuma lihid ama qayb ama badh; maxaa yeelay, qalbigaagu Ilaah hortiisa kuma qummana. 22 Sidaas aawadeed xumaantaadan ka toobadkeen, Rabbigana ka bari in fikirka qalbigaaga lagaa cafiyo.
  • Fal 26:20 : 20 laakiin waxaan horeba ugu sheegay kuwii joogay Dimishaq iyo Yeruusaalem iyo dalka Yahuudiya oo dhan iyo weliba dadka aan Yuhuudda ahayn, inay toobadkeenaan oo ay Ilaah u soo noqdaan, iyagoo samaynaya shuqullo toobad istaahila.
  • Mat 15:18-19 : 18 Laakiin waxa afka ka soo baxaa, qalbigay ka yimaadaan; oo kuwaas weeye waxa ninka nijaaseeyaa. 19 Waayo, waxaa qalbiga ka soo baxaa fikirrada sharka leh iyo dilidda iyo sinada iyo galmada xaaraanta ah iyo tuuganimada iyo maragga beenta ah iyo cayda.
  • Mat 23:25-26 : 25 ¶ Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, koobka iyo saxanka dushaad ka nadiifisaan, laakiin gudaha waxaa ka buuxa dulun iyo damacbadnaan. 26 Farrisi yahow indhaha la'u, horta koobka gudaha ka nadiifi in dushiisuna nadiifsanaato.
  • Mark 7:21 : 21 Waayo, waxan weeye waxa qalbiga dadka gudihiisa ka soo baxa fikirrada shar leh, iyo galmada xaaraanta ah, iyo tuuganimada, iyo dilidda,
  • Mark 7:23 : 23 Waxyaalahan shar leh oo dhammu gudahay ka soo baxaan oo ninka nijaaseeyaan.
  • Luuk 7:47 : 47 Sidaa darteed waxaan kugu leeyahay, Dembiyadeedii badnaa waa cafiyan yihiin, waayo, aad bay u jeclayd. Kii wax yar loo dhaafay, ayaa wax yar jecel.
  • Luuk 11:39-40 : 39 Sayidka ayaa ku yidhi, Haddeer idinkoo Farrisiin ah waxaad dusha ka nadiifisaan koobka iyo xeedhada, laakiin xaggiinna hoose waxaa ka buuxa dulun iyo shar. 40 Doqonno yahow, kii dusha sameeyey miyaanu gudahana samaynin?
  • Hos 14:1-2 : 1 ¶ Dadka Israa'iilow, u soo noqda Rabbiga Ilaahiinna ah, waayo, xumaantiinnii waad ku dhacdeen. 2 Erayo ula taga Rabbiga, oo waxaad ku tidhaahdaan, Xumaanta oo dhan naga fogee oo si wanaagsan noo aqbal, oo annaguna waxaan sidii dibi qurbaan ah kuu siin doonnaa caabudidda bushimahayaga.
  • Yoon 3:10 : 10 ¶ Oo markaasaa Ilaah wuxuu arkay shuqulkoodii iyo inay iyagu ka noqdeen jidkoodii xumaa, kolkaasaa Ilaah wuxuu ka noqday sharkii uu sheegay inuu iyaga ku samaynayo; oo taasna ma uu samayn.
  • Sak 8:17 : 17 oo midkiinna yuusan qalbiga xumaan ugu fikirin deriskiisa, oo ha jeclaanina dhaar been ah, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxyaalahan oo dhammu waa waxyaalo aan necbahay.
  • Mat 9:13 : 13 Laakiin taga oo barta hadalkan micnihiisa, Waxaan doonayaa naxariis ee ma aha allabari, waayo uma aan imanin inaan kuwa xaqa ah u yeedho, laakiin inaan dembilayaasha u yeedho ayaan u imid.
  • Yex 33:11 : 11 Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye inaanan innaba farxad ka helayn dhimashada sharrowga, laakiinse waxaan jeclahay in sharrowgu uu jidkiisa ka soo noqdo oo uu noolaado. Soo noqda, jidkiinna ka soo noqda, waayo, reer binu Israa'iilow, bal maxaad u dhimanaysaan?
  • Ish 1:16-18 : 16 Maydha, oo isnadiifiya, oo falimihiinna sharkooda, indhahayga hortooda ka fogeeya, oo sharka aad samaysaan daaya. 17 Inaad wax wanaagsan samaysaan barta, oo caddaalad doondoona, oo kuwa la dulmay u gargaara, agoonta gartooda u qaada, oo carmallada u muddaca. 18 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Haatan kaalaya oo aynu u wada fiirsannee. In kastoo ay dembiyadiinnu guduudan yihiin, sida baraf cad oo kalay u caddaan doonaan, oo in kastoo ay cascas yihiin, sida suuf oo kalay ahaan doonaan.
  • Ish 32:7 : 7 Oo xoolocirdoonka hubkiisuna waa shar miidhan, oo wuxuu hindisaa hindisayaal shar ah si uu masaakiinta erayo been ah ugu baabbi'iyo, xataa haddii saboolku si qumman u hadlo.
  • Ish 40:2 : 2 Yeruusaalem qalbigeeda la hadla, oo iyada u qayliya oo u sheega in dagaalkeedu dhammaaday, iyo in xumaanteeda laga saamaxay, iyo inay dembiyadeedii oo dhan aawadood laba jibbaar gacantii Rabbiga uga heshay.
  • Ish 54:10 : 10 Waayo, Rabbiga kuu naxariistaa wuxuu leeyahay, In kastoo ay buuruhu fogaadaan oo ay kuruhuna dhaqdhaqaaqaan raxmaddaydu innaba kaa fogaan mayso, oo axdigayga nabdeedna dhaqdhaqaaqi maayo.
  • Ish 59:7 : 7 Cagahoodu shar bay u ordaan, oo waxay u degdegaan inay dhiig aan xaq qabin daadiyaan. Fikirradoodu waa fikirro xumaaneed, baabba' iyo halligaad ayaa jidadkooda dhex yaal.
  • Yer 3:3 : 3 Sidaas daraaddeed tiixyadii waa la joojiyey, oo roobkii dambena waa la waayay, weliba waxaad yeelatay dhillo jaaheed, oo inaad xishootana waad diidday.
  • Yer 3:12-13 : 12 Tag, oo erayadan xagga woqooyi u naadi, oo waxaad tidhaahdaa, Boqortooyada Israa'iil ee dib u noqotayay, soo noqo, maxaa yeelay, weji cadhaysan kugu eegi maayo, waayo, waan naxariis badnahay, oo cadhadaydana weligay sii haysan maayo, ayaa Rabbigu leeyahay. 13 Waxaa keliya ood aqoonsataa xumaantaada, inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ku xadgudubtay, iyo inaad geed kasta oo doog ah hoostiisa jidadkaaga ugu kala firdhisay shisheeyayaasha, iyo inaadan codkaygii addeecin, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Yer 4:14 : 14 Yeruusaalemay, qalbigaaga xumaanta ka maydh, si aad u badbaaddo aawadeed. Ilaa goormay fikirradaada sharka ahu kugu sii dhex jirayaan?
  • Yer 8:4-6 : 4 ¶ Weliba waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa dhacaa miyeyan soo kicin? Kii leexdaase miyuusan soo noqon? 5 Haddaba dadkan reer Yeruusaalem bal maxay dib ugugu simbiriirixdeen dibunoqosho weligeed ah? Iyagu khiyaano way xajisanayaan, wayna diidaan inay soo noqdaan. 6 Waan dhegaystay oo waan maqlay, laakiinse si qumman uma ay hadlin. Oo midkoodna xumaantiisii kama toobadkeeno, isagoo leh, Bal maxaan sameeyey? Mid kastaaba wuxuu u leexdaa jidkiisii sida faras dagaal ku yaacaya.
  • Yex 3:18-19 : 18 Markaan sharrowga ku idhaahdo, Hubaal waad dhiman doontaa, haddaadan isaga u digin, oo aadan sharrowga la hadlin si aad jidkiisa sharka ah uga digto inaad naftiisa badbaadiso aawadeed, ninkaas sharrowga ahu xumaantiisuu ku dhex dhiman doonaa, laakiinse dhiiggiisa gacantaadaan weyddiin doonaa. 19 Laakiinse haddaad sharrowga u digto, oo uusan isagu sharnimadiisa amase jidkiisa sharka ah ka soo noqon, markaas xumaantiisuu ku dhiman doonaa, adiguse naftaadii waad samatabbixisay.
  • Bax 34:6-7 : 6 Kolkaasaa Rabbigu hortiisa maray oo naadiyey isagoo leh, Waxaan ahay Rabbiga, Rabbiga, oo ah Ilaah raxmad iyo roonaan badan, oo cadho u gaabiya, oo naxariis iyo run badan, 7 oo kumankun u naxariista, oo xumaanta iyo xadgudubka iyo dembiga dhaafa, laakiin aan sinaba u caddayn in kan dembiga galay aanu eed lahayn; oo xumaantii awowayaasha soo gaadhsiiya carruurtooda iyo carruurta carruurtooda tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraadba.
  • Tir 14:18-19 : 18 Rabbigu cadho waa u gaabiyaa, oo waa naxariis badan yahay, oo xumaanta iyo xadgudubka wuu dhaafaa, oo sinaba uma caddeeyo in kan dembiga galay aanu eed lahayn, oo xumaantii awowayaashana wuxuu gaadhsiiyaa carruurtooda tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraad. 19 Haddaba waan ku baryayaaye, sida ay naxariistaadu u weyn tahay oo aad dadkan u cafiyi jirtay tan iyo dalkii Masar iyo ilaa haddeer dadkan xumaantooda saamax.
  • Sab 51:1 : 1 Ilaahow, iigu naxariiso sida raxmaddaadu tahay, Oo xadgudubyadaydana igaga tirtir sida naxariistaada badnaanteedu tahay.
  • Sab 130:7 : 7 Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba, Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay naxariis Iyo weliba furasho aad iyo aad u badan.
  • Yac 1:15 : 15 Dabadeed damacu kolkuu uuraysto wuxuu dhalaa dembi, dembiguna kolkuu weynaado wuxuu keenaa dhimasho.
  • Room 5:16-21 : 16 Hadiyaddu ma aha sida mid qof dembaabay ku timid, waayo, mid xukunkiis wuxuu keenay ciqaab, laakiin hadiyaddu waxay dembiyo badan ugu timid inay xaq ka dhigto kuwo badan. 17 Haddii mid dembigiisa aawadiis ay dhimasho ku talisay midkaas aawadiis, de si ka badanna kuwa hela badnaanta nimcada iyo hadiyadda xaqnimada, noloshay ku dhex talin doonaan kii kale aawadiis kaas oo ah Ciise Masiix. 18 Haddaba dembiga nin keliya aawadiis waxaa dadka oo dhan ugu yimid xukun, sidaas oo kalena nin keliya xaqnimaduu sameeyey aawadeed waxaa dadka oo dhan ugu timid hadiyad in xaq laga dhigo oo ay noolaadaan. 19 Waayo, sida nin keliya caasinimadiisii kuwa badan dembilayaal looga dhigay, sidaas oo kalena nin keliya addeeciddiis ayaa kuwa badan xaq looga dhigi doonaa. 20 Sharciguna wuxuu u yimid inuu dembigu bato, laakiinse meeshii dembigu ku batay, nimcaduna way ka sii badatay aad iyo aad; 21 in, sida dembigu dhimashada ugu taliyey, sidaas oo kalena ay nimcadu ugu taliso xaqnimo ilaa nolosha weligeed ah ee xagga Rabbigeenna Ciise Masiix.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 8Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Fikirradaydu fikirradiinna ma aha, oo jidadkiinnuna jidadkayga ma aha.

  • 6¶ Rabbiga doondoona inta isaga la heli karo, oo isaga barya intuu dhow yahay.

  • Yoel 2:12-14
    3 aayado
    75%

    12¶ Haddaba haatan waxaa Rabbigu leeyahay, Qalbigiinna oo dhan iigu soo jeesta, idinkoo sooman, oo ooyaya, oo barooranaya.

    13Haddaba qalbigiinna jeexa ee dharkiinna ha jeexina, oo Rabbiga Ilaahiinna ah xaggiisa u soo jeesta, waayo, isagu waa nimco miidhan, waana raxmad badan yahay, cadho wuu u gaabiya, waana naxariis badan yahay, oo belaayadana wuu ka soo noqdaa.

    14Bal yaa garanaya inuu isagu soo jeesan doono oo soo noqon doono, iyo in kale, iyo inuu gadaashiisa kaga tegi doono barako, taasoo qurbaan hadhuudh ah iyo qurbaan cabniin ah oo aad Rabbiga Ilaahiinna ah u bixinaysaan?

  • Miik 7:18-19
    2 aayado
    74%

    18Bal waa kee Ilaaha kula mid ahi, kaasoo xumaanta saamaxa, oo iska dhaafa xadgudubka kuwa dhaxalkiisa ka hadhay? Isagu sii ma cadhaysnaado weligiis, maxaa yeelay, naxariistuu ku farxaa.

    19Isagu wuu soo jeedsan doonaa oo wuu inoo naxariisan doonaa. Xumaanteennana cagta buu kula joogsan doonaa. Adigu dembiyadooda oo dhan waxaad ku tuuri doontaa badda moolkeeda.

  • Hos 14:1-2
    2 aayado
    74%

    1¶ Dadka Israa'iilow, u soo noqda Rabbiga Ilaahiinna ah, waayo, xumaantiinnii waad ku dhacdeen.

    2Erayo ula taga Rabbiga, oo waxaad ku tidhaahdaan, Xumaanta oo dhan naga fogee oo si wanaagsan noo aqbal, oo annaguna waxaan sidii dibi qurbaan ah kuu siin doonnaa caabudidda bushimahayaga.

  • 22Sidaas aawadeed xumaantaadan ka toobadkeen, Rabbigana ka bari in fikirka qalbigaaga lagaa cafiyo.

  • 1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iilow, haddaad soo noqotaan, waa inaad xaggayga u soo noqotaan, oo haddaad karaahiyadiinna hortayda ka fogaysaanna innaba laydin dhaqdhaqaajin maayo.

  • Ish 1:16-18
    3 aayado
    73%

    16Maydha, oo isnadiifiya, oo falimihiinna sharkooda, indhahayga hortooda ka fogeeya, oo sharka aad samaysaan daaya.

    17Inaad wax wanaagsan samaysaan barta, oo caddaalad doondoona, oo kuwa la dulmay u gargaara, agoonta gartooda u qaada, oo carmallada u muddaca.

    18¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Haatan kaalaya oo aynu u wada fiirsannee. In kastoo ay dembiyadiinnu guduudan yihiin, sida baraf cad oo kalay u caddaan doonaan, oo in kastoo ay cascas yihiin, sida suuf oo kalay ahaan doonaan.

  • 19Laakiinse sharrowgu hadduu sharnimadiisa ka soo noqdo oo uu waxa xaqa ah ee qumman sameeyo, qummanaantiisuu ku noolaan doonaa.

  • 3Mindhaa waxaa suurtowda inay ku maqlaan oo mid kastaaba ka soo noqdo jidkiisa sharka ah, inaan anigu ka soo noqdo masiibadii aan u qasdiyey inaan iyaga ku sameeyo sharka falimahooda aawadiis.

  • 13Kii xadgudubyadiisa qariyaa ma liibaani doono, Laakiinse kii qirta oo haddana ka tagaa, naxariis buu heli doonaa.

  • 5Oo waxay yidhaahdeen, Midkiin kastaaba haatan jidkiisa ha ka soo noqdo, oo sharka falimihiinnana ka noqda, oo waxaad iska dhex degganaataan dalkii Rabbigu idinka iyo awowayaashiinba weligiin iyo weligiinba idin siiyey.

  • 7Waxaa suurtowda inay baryootankooda Rabbiga hor keenaan, oo midkood kastaaba uu jidkiisa sharka ah ka soo noqdo, waayo, cadhada iyo xanaaqa uu Rabbigu dadkan kaga hadlay way weyn yihiin.

  • 47oo weliba hadday ku fikiraan dalkii maxaabiis ahaanta loogu kaxaystay, oo ay kuu soo noqdaan, oo ay kugu baryaan dalkii kuwii maxaabiisahaanta u kaxaystay, ee ay yidhaahdaan, Waannu dembaabnay, oo wax qalloocan baannu samaynay, oo si shar ah ayaannu u macaamiloonnay,

  • 40Jidadkeenna aynu baadhno, oo aynu tijaabinno, oo aynu mar kale Rabbiga u soo noqonno.

  • 12Tag, oo erayadan xagga woqooyi u naadi, oo waxaad tidhaahdaa, Boqortooyada Israa'iil ee dib u noqotayay, soo noqo, maxaa yeelay, weji cadhaysan kugu eegi maayo, waayo, waan naxariis badnahay, oo cadhadaydana weligay sii haysan maayo, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 11Haddaba sidaas daraaddeed tag, oo waxaad la hadashaa dadka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem deggan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu masiibaan idiin qabanqaabinayaa, oo hindisaan idiin hindisayaa. Haddaba midkiin kastaaba jidkiisa sharka ah ha ka soo noqdo, oo jidadkiinna iyo falimihiinnaba wanaajiya.

  • 13Haddaba jidadkiinna iyo falimihiinnaba hagaajiya, oo codka Rabbiga Ilaahiinna ah addeeca, oo Rabbiguna wuu ka soo noqon doonaa masiibadii uu idinkaga hadlay.

  • 37oo weliba hadday ku fikiraan dalkii maxaabiis ahaanta loogu kaxaystay, oo ay kuu soo noqdaan, oo ay kugu baryaan dalkii ay maxaabiista ku yihiin, oo ay yidhaahdaan, Waannu dembaabnay, oo wax qalloocan baannu samaynay, oo si shar ah ayaannu u macaamiloonnay,

  • 9Waayo, haddaad Rabbiga u soo noqotaan, walaalihiin iyo carruurtiinniiba waxay naxariis ka heli doonaan kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystay, oo iyana mar kalay dalkan ku soo noqon doonaan, maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa roonaan badan yahay, waana naxariis miidhan, oo wejigiisana idinka sii jeedin maayo haddaad isaga u soo noqotaan.

  • 6Waxaa dembiga lagu kafaaraggudaa naxariis iyo run, Oo dadkuna waxay sharka kaga fogaadaan Rabbiga ka cabsashadiisa.

  • 9Sayidka Ilaahayaga ahu wuxuu leeyahay naxariis iyo dembidhaaf, waayo, waannu ku caasiyownay;

  • 8haddii dadka quruuntaas aan ka hadlay ay sharkooda ka soo noqdaan, aniguna waan ka soo noqon doonaa masiibadii aan ku fikiray inaan ku sameeyo.

  • 3Waxaa suurtowda inay dadka Yahuudah maqli doonaan masiibadii aan ula qasdiyey inaan iyaga ku sameeyo oo dhan, si ninkood kastaaba uu jidkiisa sharka ah uga soo noqdo, si aan xumaantooda iyo dembigoodaba uga cafiyo.

  • 5Kan isagoo faraxsan xaqnimo sameeya, iyo kuwa jidadkaaga kugu xusuusta waad la kulantaa. Waad cadhaysnayd, waannuna dembaabnay. Dembiyadaas wakhti dheer baannu ku sii soconnay, haddaba ma nala badbaadin doonaa?

  • Yex 18:27-28
    2 aayado
    71%

    27Haddaba sharrowgu markuu sharnimadiisii uu sameeyey ka soo noqdo, oo uu waxa xaqa ah ee qumman sameeyo, markaasuu naftiisa badbaadin doonaa.

    28Isagu wuu fiirsadaa, oo xadgudubyadiisii uu sameeyey oo dhan wuu ka soo noqdaa, oo sidaas aawadeed hubaal wuu noolaan doonaa, mana dhiman doono.

  • 8Xumaantoodii ay igu dembaabeen oo dhan waan ka nadiifin doonaa, oo xumaatooyinkoodii ay igu dembaabeen oo ay igu xadgudbeen oo dhanna waan ka cafiyi doonaa.

  • Yex 18:30-31
    2 aayado
    70%

    30Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, anigu midkiin kastaba waxaan u xukumi doonaa siday jidadkiisu ahaayeen. Haddaba soo noqda, oo xadgudubyadiinnii oo dhan ka soo noqda, si ayan xumaantu halligaaddiinnii u noqon.

    31Xadgudubyadiinnii aad xadgudubteen oo dhan iska xoora, oo waxaad yeelataan qalbi cusub iyo ruux cusub, waayo, reer binu Israa'iilow, bal maxaad u dhimanaysaan?

  • 6Reer binu Israa'iilow, u soo noqda kii aad aad uga caasiyowdeen.

  • 14haddii dadkayga oo ah kuwa magacayga lagu yeedhay ay is-hoosaysiiyaan, oo i baryaan, oo wejigayga doondoonaan, oo jidadkoodii xumaa ka soo noqdaan, de markaasaan samada ka maqli doonaa, oo dembigoodana waan ka cafiyi doonaa, oo dalkoodana waan bogsiin doonaa.

  • 1¶ Ina keena aan Rabbiga ku noqonnee, waayo, isagaa ina dillacshay, oo isagaa ina bogsiin doona, isagaa wax inagu dhuftay, oo isagaa nabraheenna inoo duubi doona.

  • 22Carruurta dib u noqotayay, soo noqda, oo dibunoqoshadiinna ayaan bogsiin doonaa. Bal eeg, haatan waannu kuu nimid, waayo, waxaad tahay Rabbiga Ilaahayaga ah.

  • 8Laakiinse dad iyo duunyoba dhar joonyad ah ha la wada huwado, oo Ilaah xaggiisa aad ha loogu qayliyo; oo mid kastaaba ha ka leexdo jidkiisii xumaa iyo dulmiga gacmihiisa ku jira.

  • 10Kan sharka ah haddii raalli laga noqdo isagu innaba xaqnimo ma barto, oo dalka qummanaanta ayuu caddaaladdarro ku samayn doonaa, oo haybadda Rabbigana ma uu fiirin doono.

  • 22Sidii daruur qaro weyn ayaan xadgudubyadiinnii u tirtiray, oo sidii daruur oo kale ayaan dembiyadiinniina u tirtiray. Haddaba ii soo noqda, waayo, waan idin soo furtay.

  • 6Sidaas daraaddeed waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Soo noqda, oo sanamyadiinna ka soo noqda, oo wejigiinnana waxyaalihiinna karaahiyada ah oo dhan ka sii jeediya.

  • 7¶ Rabbiyow, in kastoo ay xumaatooyinkayagu nagu marag furayaan, magacaaga aawadiis wax u samee, waayo, dibunoqoshadayadu way badan tahay, oo adigaannu kugu dembaabnay.

  • 6Haddaba sidaas daraaddeed Ilaahaaga u soo jeeso, oo naxariista iyo garsooridda xaji, oo had iyo goorna Ilaahaaga sug.

  • 20Rabbigu wuxuu leeyahay, Maalmahaas iyo wakhtigaas waxaa la doondooni doonaa xumaantii dadka Israa'iil oo innaba ma ay jiri doonto, iyo dembiyadii dadka Yahuudah oo innaba lama heli doono, waayo, kuwii aan soo reebay waan saamixi doonaa.

  • 8Kuwa waxyaalaha beenta ah oo aan micne lahayn ku fikiraa Waxay ka tagaan naxariistoodii.

  • 19Haddaba xumaantaada ayaa ku edbin doonta, oo dibunoqoshadaada ayaa ku canaanan doonta. Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddaba bal ogow oo arag inay tahay wax shar ah oo qadhaadh inaad iga tagtay anigoo Rabbiga Ilaahaaga ah, iyo inaadan iga cabsan.