Ishacyaah 58:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaad dhawaaqi doontaa, oo Rabbiguna waa kuu jawaabi doonaa, waad u qayshan doontaa, oo isna wuxuu ku odhan doonaa, Waa i kan. Haddaad dhexdaada ka fogaysid harqoodka, iyo farta fiiqiddeeda, iyo hadlidda sharka ah,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 50:15 : 15 Oo i bari maalinta dhibi jirto, Oo anna waan ku samatabbixin doonaa, kolkaasaad i ammaani doontaa.
  • Sab 12:2 : 2 Mid walba deriskiisa wuxuu kula hadlaa been, Oo waxay ku hadlaan bushimo sasabasho miidhan ah iyo laba qalbi.
  • Ish 65:24 : 24 Intaanay dhawaaqin ayaan u jawaabi doonaa, oo intay weli hadlayaan ayaan maqli doonaa.
  • Maah 6:13 : 13 Indhihiisuu ku baaqaa, oo cagihiisuu ku hadlaa, Oo faruhuu wax ku baraa;
  • Sab 91:15 : 15 Wuu i baryi doonaa, oo waan u jawaabi doonaa, Oo markuu dhibaataysan yahay, waan la jiri doonaa, Oo waan samatabbixin doonaa, waanan murwayn doonaa.
  • Sab 34:15-17 : 15 Rabbiga indhihiisu waxay fiiriyaan kuwa xaqa ah, Oo dhegihiisuna waxay u furan yihiin baryadooda. 16 Wejiga Rabbigu waa ka gees kuwa sharka sameeya Inuu iyaga xusuustooda dhulka ka baabbi'iyo. 17 Kuwa xaqa ahu way qayshadeen, oo Rabbigaa maqlay, Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyey dhibaatooyinkoodii oo dhan.
  • Sab 37:4 : 4 Haddaba Rabbiga ku farax, Oo wuxuu ku siin doonaa waxa qalbigaagu doonayo.
  • Ish 1:15 : 15 Oo markaad gacmihiinna ii soo hoorsataanna indhahayga waan idinka qarinayaa, oo markaad tukasho ku noqnoqataanna idin maqli maayo, waayo, gacmihiinnu waa dhiig miidhan.
  • Yer 29:12-13 : 12 Oo markaasaad ii yeedhan doontaan, waanad i soo baryi doontaan, oo aniguna waan idin maqli doonaa. 13 Oo waad i doondooni doontaan, waanad i heli doontaan markaad qalbigiinna oo dhan igu doondoontaan.
  • Mat 7:7-8 : 7 ¶ Weyddiista oo waa laydin siin doonaa; doona oo waad heli doontaan: garaaca oo waa laydinka furi doonaa; 8 waayo, mid kasto oo weyddiista waa la siiyaa, kii doonaana waa helaa, kii garaacana waa laga furi doonaa.
  • 1 Yoox 3:21-22 : 21 Gacaliyayaalow, haddii aan qalbigeennu ina eedayn, kalsoonaan ayaynu ku leennahay xagga Ilaah. 22 Oo wax kastoo aynu ka barinno waynu ka helnaa, maxaa yeelay, qaynuunnadiisa ayaynu xajinnaa, oo waxaynu falnaa waxa isaga ka farxiya.
  • Yex 13:8 : 8 ¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada anigu col baan idinku ahay, maxaa yeelay, idinku wax aan waxba ahayn ayaad ku hadasheen oo wax been ah baad aragteen ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
  • Sak 10:2 : 2 Waayo, teraafiimkii waxay ku hadleen wax aan waxba ahayn, waxsheegayaashiina wax been ah bay arkeen, oo waxay sheegeen riyooyin been ah, oo si aan waxtar lahayn ayay ugu qalbi qaboojiyaan, haddaba sidaas daraaddeed waxay u ambadaan sida ido oo kale, oo aad bay u dhibtoodaan, maxaa yeelay, adhijir ma leh.
  • Ish 30:19 : 19 ¶ Reer Siyoon oo Yeruusaalem degganow, mar dambe ma aad ooyi doontaan, waayo, isagu hubaal aad buu idiinku roonaan doonaa markaad qaylisaan, oo markuu maqlo wuu idiin jawaabi doonaa.
  • Ish 57:4 : 4 Bal yaad ku cayaaraysaan? Oo bal yaad afka ku kala qaadaysaan oo aad carrabka ku soo taagaysaan? Sow idinku ma ihidin carruurtii xadgudubka iyo farcankii beenta,
  • Ish 58:6 : 6 Sow kanu ma aha soonkii aan doortay in silsiladihii sharnimada la furo, oo guntimihii harqoodka la debciyo, oo kuwa la dulmay la xoreeyo, oo aad harqood kasta jebisaan?
  • Ish 59:3-4 : 3 Waayo, gacmihiinnii dhiig bay ku nijaasaysan yihiin, oo farihiinniina xumaan bay ku nijaasaysan yihiin, bushimihiinnii been bay ku hadleen, oo afkiinniina shar buu ku guryamaa. 4 Ninna si xaq ah uma dacweeyo, oo midnaba run kuma muddaco. Waxay isku halleeyaan waxaan waxba ahayn, oo been bay ku hadlaan, belaayay uuraystaan, oo xumaan bay dhalaan.
  • Ish 59:13 : 13 ¶ Waynu xadgudubnay oo Rabbiga been ka sheegnay oo Ilaaheen ka leexannay, innagoo dulmi iyo fallaago ku hadlayna oo erayo been ah uuraysanayna oo qalbiga kaga hadlayna.
  • Bil 27:18 : 18 Kolkaasuu aabbihiis u yimid, oo yidhi, Aabbow. Isna wuxuu yidhi, Waa i kan. Kumaad tahay, wiilkaygiiyow?
  • 1 Sam 3:4-8 : 4 ayaa Rabbigu Samuu'eel u yeedhay, oo isna wuxuu yidhi, Waa i kan. 5 Markaasuu Ceelii ku orday, oo wuxuu ku yidhi, Waa i kan, waayo, waad ii yeedhay. Kolkaasuu yidhi, Anigu kuuma aan yeedhin, ee iska jiifso. Markaasuu tegey oo jiifsaday. 6 Markaasaa Rabbigu haddana u yeedhay oo yidhi, Samuu'eelow. Kolkaasaa Samuu'eel kacay oo Ceelii u tegey, oo wuxuu ku yidhi, Waa i kan, waayo, waad ii yeedhay. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Wiilkaygiiyow, kuuma aan yeedhin ee iska jiifso. 7 Haddaba Samuu'eel weli ma uu aqoon Rabbiga, oo welina erayga Rabbiga looma muujin isaga. 8 Oo haddana Rabbigu wuxuu Samuu'eel u yeedhay mar saddexaad. Oo isna wuu kacay oo u tegey Ceelii, wuxuuna ku yidhi, Waa i kan; waayo, waad ii yeedhay. Oo Ceeliina markaasuu gartay in Rabbigu u yeedhay yarka.
  • Sab 118:5 : 5 Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday, Markaasaa Rabbigu ii jawaabay, oo wuxuu i taagay meel ballaadhan.
  • Sab 66:18-19 : 18 Haddaan dembi qalbigayga ku arkay, Sayidku ima uu maqleen, 19 Laakiinse sida runta ah Ilaah waa i maqlay, Oo codkii baryadaydana dhegtuu u dhigay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yer 29:12-13
    2 aayado
    77%

    12Oo markaasaad ii yeedhan doontaan, waanad i soo baryi doontaan, oo aniguna waan idin maqli doonaa.

    13Oo waad i doondooni doontaan, waanad i heli doontaan markaad qalbigiinna oo dhan igu doondoontaan.

  • 22Oo markaas ii yeedh, oo anna waan kuu jawaabi doonaa, Amase anigu aan hadlo oo adigu ii jawaab.

  • 10oo haddaad ka gaajaysan quudkaaga siisid, oo aad nafta dhibaataysan dherjisid, markaas iftiinkaagu gudcur buu ka soo dhex kaahi doonaa, oo madowgaaguna wuxuu noqon doonaa sida hadh cad oo kale.

  • Ish 58:5-8
    4 aayado
    75%

    5Soonkii aan doortay ma waxaas oo kalaa? Ma maalin nin naftiisa dhibo baa? Ma inuu madaxiisa sida cawsduur u foororsho, oo uu hoostiisa dhar joonyad ah iyo dambas ku goglo baa? Waxaa ma waxaad tidhaahdaan, Waa soon iyo maalin Rabbigu aqbali karo?

    6Sow kanu ma aha soonkii aan doortay in silsiladihii sharnimada la furo, oo guntimihii harqoodka la debciyo, oo kuwa la dulmay la xoreeyo, oo aad harqood kasta jebisaan?

    7Sow ma aha inaad kibistaada ka gaajaysan u gooysid, oo aad masaakiinta aan hoy lahayn gurigaaga soo gelisid, oo markaad aragtid mid qaawan aad wax huwisid, oo aadan xigtadaada aad isku jiidhka tihiin ka dhuuman?

    8Oo markaas iftiinkaagu wuxuu u soo kaahi doonaa sida kaaha waaberi, oo bogsiintaaduna dhaqso bay u soo bixi doontaa, oo xaqnimadaaduna way ku hor socon doontaa, oo ammaanta Rabbiguna way ku daba socon doontaa.

  • 15Waad ii yeedhi lahayd, oo anna waan kuu jawaabi lahaa; Oo adna waxaa damac kaa geli lahaa shuqulkii gacmahaaga.

  • 19¶ Reer Siyoon oo Yeruusaalem degganow, mar dambe ma aad ooyi doontaan, waayo, isagu hubaal aad buu idiinku roonaan doonaa markaad qaylisaan, oo markuu maqlo wuu idiin jawaabi doonaa.

  • 3I bari, waanan kuu jawaabi doonaa, oo waxaan ku tusi doonaa waxyaalo waaweyn oo qarsoon oo aadan aqoon.

  • Ish 58:13-14
    2 aayado
    73%

    13Haddaad sabtida cagtaada ula hadhid si aadan maalintayda quduuska ah damacaaga u samayn, aadse sabtida ugu yeedhid farxad, iyo tan quduuska ah ee Rabbiga, oo sharafta badan, iyo haddaad sabtida sharaftid, adigoo aan siyaalahaaga samaynayn, ama aan damacaaga daba galayn, ama aan hadalkaaga ku hadlayn,

    14markaasaad Rabbiga ku farxi doontaa, oo anna waxaan ku marsiin doonaa meelaha sarsare ee dhulka, oo dhaxalkii awowgaa Yacquub ayaan kugu quudin doonaa, waayo, afkii Rabbiga ayaa saas ku hadlay.

  • 1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iilow, haddaad soo noqotaan, waa inaad xaggayga u soo noqotaan, oo haddaad karaahiyadiinna hortayda ka fogaysaanna innaba laydin dhaqdhaqaajin maayo.

  • Ish 55:5-6
    2 aayado
    72%

    5Bal eeg, waxaad u yeedhi doontaa quruun aadan aqoon, oo quruun aan ku aqoonna way kuu soo ordi doontaa, waana Rabbiga ah Ilaahaaga iyo kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil aawadiis, waayo, wuu ku sharfay.

    6¶ Rabbiga doondoona inta isaga la heli karo, oo isaga barya intuu dhow yahay.

  • 15Oo i bari maalinta dhibi jirto, Oo anna waan ku samatabbixin doonaa, kolkaasaad i ammaani doontaa.

  • 19¶ Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad soo noqotid, waan ku soo celin doonaa, oo hortaydaad istaagi doontaa. Oo haddaad waxyaalaha qaaliga ah nijaasta ka soocdidna waxaad noqon doontaa sida afkayga oo kale. Iyagu waa inay kuu soo noqdaan, laakiinse adigu waa inaadan xaggooda u noqon.

  • 4Markaasay Rabbiga u qayshan doonaan, laakiinse isagu uma uu jawaabi doono, oo weliba wakhtigaas wejigiisa wuu ka qarin doonaa, waana sidii ay iyagu falimahooda xumaanta ugu sameeyeen.

  • 6Ilaahow, waan ku baryay, waayo, waad ii jawaabi doontaa, Bal dhegta ii dhig, oo hadalkayga maqal.

  • 1Hadda bal u yeedh, mid kuu jawaabayaa ma jiraa? Balse kuwa quduuska ah midkoodee baad u jeesanaysaa?

  • 28Markaasay ii yeedhan doonaan, laakiinse anigu uma aan jawaabi doono; Oo horay ii doondooni doonaan, laakiinse ima ay heli doonaan;

  • 71%

    29Laakiinse haddaad halkaas Rabbiga Ilaahiinna ah ka doondoontaan, waad heli doontaan, haddaad qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan ku doondoontaan.

    30Markaad dhib ku dhex jirtaan, oo waxyaalahan oo dhammu ay idinku dhacaan, marka u dambaysa waxaad ku soo noqon doontaan Rabbiga Ilaahiinna ah, codkiisana waad dhegaysan doontaan,

  • 3Waxay leeyihiin, Bal maxaannu u soonnay oo aad u arki weyday? Bal maxaannu naftayada u dhibnay oo aad u daymoon weyday? Bal eega, maalintii aad soontaan waad iska raaxaysataan, oo shaqaalihiinna oo dhanna waad dulantaan.

  • 13Oo haatan Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinku waxaad samayseen shuqulladan oo dhan, oo anna goor wanaagsan waan idinla hadlay, laakiinse ima aydaan maqlin, waanan idiin dhawaaqay, laakiinse iima aydaan jawaabin,

  • 1¶ Aad u qayli, oo waxba ha iskula hadhin, codkaagana sida buun oo kale kor u qaad, oo dadkayga xadgudubkooda u sheeg, oo reer Yacquubna dembiyadooda u sheeg.

  • 15Wuu i baryi doonaa, oo waan u jawaabi doonaa, Oo markuu dhibaataysan yahay, waan la jiri doonaa, Oo waan samatabbixin doonaa, waanan murwayn doonaa.

  • Ish 1:15-16
    2 aayado
    70%

    15Oo markaad gacmihiinna ii soo hoorsataanna indhahayga waan idinka qarinayaa, oo markaad tukasho ku noqnoqataanna idin maqli maayo, waayo, gacmihiinnu waa dhiig miidhan.

    16Maydha, oo isnadiifiya, oo falimihiinna sharkooda, indhahayga hortooda ka fogeeya, oo sharka aad samaysaan daaya.

  • 7Maalinta aan dhibaataysnahay adaan ku baryi doonaa, Waayo, waad ii jawaabi doontaa.

  • 13Haddaad qalbigaaga hagaajisid, Oo aad isaga gacmaha u fidsatid,

  • 27Oo isagaad u tukan doontaa, oo isna wuu ku maqli doonaa, Oo adna waxaad bixin doontaa waxyaalihii aad nidartay.

  • 2laakiinse xumaatooyinkiinnaa idin kala soocay idinka iyo Ilaahiinna, oo dembiyadiinnaa wejigiisa idinka qariyey, oo saasuusan idiin maqlin.

  • Sab 27:7-8
    2 aayado
    70%

    7Rabbiyow, markaan codkayga ku qayliyo, i maqal, Weliba ii naxariiso, oo ii jawaab.

    8Markaad tidhi, Wejigayga doondoona, ayaa qalbigaygu wuxuu kugu yidhi, Rabbiyow, wejigaaga waan doondoonayaa.

  • 21Markaad barwaaqaysnayd waan kula hadlay, laakiinse waxaad tidhi, Innaba ku maqli maayo. Oo tan iyo yaraantaadiina sidaasaad ahayd, oo codkaygana ma aadan addeecin.

  • 1Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, haddaba ii soo dhaqso, Oo markaan kuu qayshado, codkayga dhegta u dhig.

  • 15¶ Maqla, oo dheg u dhiga, hana kibrina, waayo, Rabbigu wuu hadlay.

  • 24Intaanay dhawaaqin ayaan u jawaabi doonaa, oo intay weli hadlayaan ayaan maqli doonaa.

  • Bar 3:56-57
    2 aayado
    69%

    56Codkaygii waad maqashay, bal dhegtaada ha ka xidhin neefsashadayda iyo baryadayda.

    57Maalintii aan ku baryay ayaad ii soo dhowaatay, oo waxaad igu tidhi, Ha cabsan.

  • 9¶ Codkii Rabbigu magaalada buu u qaylinayaa, oo ninkii xigmad lahu magacaaga buu ka cabsan doonaa. Idinku usha maqla iyo kan soo dirayba.

  • 4Haatan sow iguma qayshan, Aabbahayow, adigu waxaad tahay saaxiibkii yaraantaydii?

  • 28Sidaasay qaylada masaakiinta isaga soo gaadhsiiyeen, Oo isna qaylada kuwa dhibaataysan ayuu maqlay.

  • 21Oo markaad midigta u leexataan iyo markaad bidixda u leexataanba waxaad xagga dambe ka maqli doontaan eray leh, Jidkii waa kan ee ku socda.

  • 2I maqal, oo ii jawaab, Waxaan la nasan waayaa calaacalkayga, waanan la taahaa,

  • 9oo wuxuu iyagii ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo aad iigu dirteen inaan baryootankiinna hortiisa geeyo wuxuu leeyahay,

  • 16Haddaan baryi lahaa oo uu ii jawaabi lahaa, Ma aanan rumaysteen xataa inuu codkayga maqlay.

  • 5Haddaad aad u barido Ilaah, Oo aad baryootankaaga hor dhigto Qaadirka,