Yacquub 5:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Walaalayaalow, u qaata tilmaan dhibaato iyo dulqaadasho ah nebiyadii ku hadlay magaca Rabbiga.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 7:52 : 52 Bal nebiyada kee baan awowayaashiin silcin? Xataa iyagu waxay dileen kuwii hore u sheegay imaatinka Kan xaqa ah; kan idinku aad haatan gacangeliseen oo disheen.
  • Cib 11:32-38 : 32 ¶ Oo maxaan kale oo idhaahdaa? Waayo, wakhtigu waa igu gaabnaan doonaa haddaan wax ka sheegi lahaa Gidcoon, iyo Baaraaq, iyo Samsoon, iyo Yeftaah, iyo Daa'uud, iyo Samuu'eel iyo nebiyadii. 33 Rumaysad bay kaga adkaadeen boqortooyooyin, oo xaqnimo ku sameeyeen, oo ballamo ku heleen, oo afafka libaaxyada ku xidheen, 34 oo xooggii dabka ku demiyeen, oo seefta afkeedii kaga baxsadeen, oo itaaldarradii kaga xoogaysteen, oo dagaal ku itaal weynaadeen, oo colalkii shisheeyaha ku eryeen. 35 Dumar baa waxay heleen kuwii ka dhintay iyagoo la sara kiciyey, qaar kalena waa la xanuujiyey ilaa ay ka dhinteen iyagoo aan aqbalin in la samatabbixiyo si ay ku gaadhaan sarakicid ka wanaagsan. 36 Qaar kalena waxay jirrabaad ahaan ula kulmeen majaajilo iyo karbaashid iyo weliba silsilado iyo xabbis. 37 Waana la dhagxiyey, miinshaarna waa lagu kala jeexay, waana la jirrabay, seefna waa lagu gowracay, wayna warwareegeen iyagoo qaba hargo idaad iyo hargo riyood, iyagoo caydh ah oo la dhibay oo la silciyey. 38 Dunidu ma ay istaahilin iyagii. Waxayna warwareegi jireen lamadegaanka iyo buuraha iyo boholaha iyo godadka dhulka.
  • Fal 3:21 : 21 kan ay waajibka tahay inay samadu aqbasho tan iyo wakhtiyada la soo celinayo wax walba oo Ilaah kaga hadlay afkii nebiyadiisii quduuska ahaa tan iyo bilowgii.
  • Mat 5:11-12 : 11 Waad barakaysan tihiin goortii laydin caayo, oo laydin silciyo, oo wax walba oo xun oo been ah laydinka sheego aawaday. 12 Farxa oo reyreeya, waayo, jannada abaalgudkiinnu waa ku weyn yahay, waayo, sidaasay u silcin jireen nebiyadii idinka horreeyey.
  • Mat 21:34-39 : 34 Oo goortii xilligii midhahu soo dhowaaday ayuu addoommadiisii u soo diray beerreydii inay midhihiisii u soo qaadaan. 35 Markaasaa beerreydu addoommadiisii qabatay, mid way garaaceen, mid kalena way dileen, mid kalena way dhagxiyeen. 36 Haddana wuxuu diray addoommo kale oo kuwii hore ka badan, iyagiina sidaas oo kalay ku sameeyeen. 37 Laakiin dabadeed wuxuu u soo diray wiilkiisii isagoo leh, Wiilkayga way maamuusi doonaan. 38 Laakiin beerreydii goortay wiilkii arkeen, waxay isku yidhaahdeen, Kanu waa kii dhaxalka lahaa, kaalaya aan dilnee oo dhaxalkiisa aynu qaadannee. 39 Way qabteen oo beertii canabka ahayd dibaddeeda ku tuureen, wayna dileen.
  • Mat 23:34-37 : 34 Sidaa darteed, waxaan idiin soo dirayaa nebiyo iyo kuwa xigmadda leh iyo culimmo. Qaarkood waad dili doontaan oo iskutallaabta ku qodbi doontaan, qaarkoodna sunagogyadiinna ayaad ku karbaashi doontaan, oo magaalo ilaa magaalo ayaad ku silcin doontaan, 35 inuu dushiinna ku soo dego dhiiggii xaqa ahaa oo dhulka ku daatay oo dhan oo laga bilaabo dhiigga Haabiil kii xaqa ahaa ilaa dhiigga Sakariyas ina Barakiyas kan aad ku disheen meesha quduuska ah iyo meeshii allabariga dhexdooda. 36 Runtii waxaan idinku leeyahay, Waxyaalahan oo dhan ayaa qarnigan ku dul degi doona. 37 ¶ Yeruusaalemay, Yeruusaalemay, tan nebiyada dishoy oo kuwa loo soo diray dhagxisoy! Intee baan marar badan jeclaaday inaan carruurtaada u soo ururiyo xataa sida dooradu carruurteeda baalasheeda hoostooda ugu ururiso, laakiin idinku ma aydnaan jeclayn.
  • Luuk 6:23 : 23 Maalintaas reyreeya oo farxad ku boodbooda, waayo, bal ogaada, abaalgudkiinnu waa ku weyn yahay jannada, waayo, awowayaashood sidaasay nebiyadii ku samayn jireen.
  • Luuk 13:34 : 34 ¶ Yeruusaalemay, Yeruusaalemay, tan nebiyada dishoy, oo kuwa loo soo diray dhagxisoy! Intee baan marar badan jeclaaday inaan carruurtaada u soo ururiyo xataa sida dooradu carruurteeda baalasheeda hoostooda ugu ururiso, laakiin idinku ma aydnaan jeclayn.
  • 2 Taar 36:16 : 16 Laakiinse way ku majaajiloodeen Ilaah wargeeyayaashiisii, oo eraygiisiina way quudhsadeen, nebiyadiisiina way fududaysteen, ilaa ay cadhadii Rabbigu ku dhacday dadkiisii oo dawo loo waayay.
  • Ish 39:8 : 8 Markaasaa Xisqiyaah wuxuu Ishacyaah ku yidhi, Erayga Rabbiga oo aad ku hadashay waa wanaagsan yahay. Oo weliba wuxuu kaloo yidhi, Waayo, waxaa jiri doona nabad iyo run intaan noolahay.
  • Yer 2:30 : 30 Anigu waxtarla'aan baan carruurtiinnii u dilay, iyaguse innaba kuma ay waano qaadan. Seeftiinnii ayaa nebiyadiinnii baabbi'isay sidii libaax wax baabbi'inaya oo kale.
  • Yer 23:22 : 22 Haddii ay guddigayga dhex istaageen, de markaas dadkaygay erayadayda maqashiin lahaayeen, oo waxay iyaga ka soo celin lahaayeen jidkooda xun iyo sharka falimahoodaba.
  • Yer 26:16 : 16 Markaasaa amiirradii iyo dadkii oo dhammu waxay wadaaddadii iyo nebiyadii ku yidhaahdeen, Ninkanu dhimasho ma istaahilo, waayo, wuxuu nagula hadlay magicii Rabbiga Ilaaheenna ah.
  • Cib 13:7 : 7 ¶ Xusuusta hoggaamiyayaashiinna idiin sheegay ereyga Ilaah. Oo ka fiirsada waxa ka yimaada asluubtoodii, oo iimaankoodii ku dayda.
  • 1 Tes 2:14-15 : 14 Waayo, walaalayaalow, waxaad noqoteen kuwo ku dayday dadka kiniisadaha Ilaah oo Yahuudiya jooga, kuwaas oo ah kuwa Ciise Masiix, maxaa yeelay, idinkuna waxaad dadkiinna ka hesheen dhibtaas oo kale, siday iyaguba uga heleen Yuhuudda, 15 oo ah kuwii dilay Rabbi Ciise iyo nebiyadiiba, oo annagana dibadda noo eryay, oo aan Ilaah ka farxin, dadka oo dhanna ka geesta ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yac 5:11-13
    3 aayado
    84%

    11Bal ogaada! Waxaynu ugu yeedhnaa kuwo barakaysan kuwii adkaystay. Waad maqasheen adkaysashadii Ayuub, waadna aragteen dhammaadkii qasdiga Rabbiga, waayo, Rabbigu waa raxmad badan yahay, naxariisna wuu leeyahay.

    12¶ Laakiin wax walba hortood, walaalahayow, ha dhaaranina; ha ku dhaaranina jannada, ama dhulka, ama dhaar kale; haahdiinnu haah ha ahaato, mayadiinnuna maya ha ahaato, yeydnan ku dhicin xukun hoostiis.

    13¶ Mid dhibaataysanu ma idinku dhex jiraa? Ha ducaysto. Mid faraxsanu ma jiraa? Ha gabyo.

  • Yac 5:6-9
    4 aayado
    77%

    6Waad xukunteen, waadna disheen kan xaqa ah. Isaguna isma kiin hor taago.

    7¶ Haddaba, walaalayaalow, dulqaata ilaa imaatinka Rabbiga. Bal ogaada, ninka beerrey ahu wuxuu sugaa midhaha qiimaha leh ee dhulka, isagoo u dulqaata ilaa uu helo roobka hore iyo kan dambe.

    8Idinkuna dulqaata, qalbiyadiinnana xoogeeya, waayo, imaatinka Rabbigu wuu dhow yahay.

    9Ha iska cabanina, walaalayaalow, yaan laydin xukumine. Bal ogaada, xaakinku albaabbada hortooduu taagan yahaye.

  • 1 But 5:9-10
    2 aayado
    75%

    9Isaga hor joogsada, idinkoo iimaankiinna ku adag, oo garanaya in isla dhibaatooyinkaasu ay ku dhacaan walaalahiinna dunida ku jira.

    10Haddaba Ilaaha leh nimcada oo dhan oo idiinku yeedhay ammaantiisa daa'imkaa oo Masiixa ku jirta, markii aad in yar xanuunsataan ka dib isagu wuu idin kaamili doonaa, oo idin adkayn doonaa, oo idin xoogayn doonaa.

  • Yac 1:2-4
    3 aayado
    74%

    2¶ Walaalahayow, kolkaad jirrabaaddo kala cayncayn ah kala kulantaan, kulli farxad u tirsada,

    3idinkoo og tijaabinta rumaysadkiinnu inay dulqaadasho keento.

    4Oo dulqaadashadu ha dhammayso shuqulkeeda si aad kaamil u ahaataan oo aad u dhanaataan, oo aydnaan waxba ugu baahnaan.

  • 2 Tes 1:4-6
    3 aayado
    73%

    4Sidaas daraaddeed waxaannu idinku faannaa kiniisadaha Ilaah dhexdooda, waana dulqaadashadiinna iyo rumaysadkiinna aad ku dhex leedihiin silecyada iyo dhibaatooyinka aad u adkaysataan oo dhan.

    5Taasu waxay muujisaa xukunka xaqa ah ee Ilaah, in laydinku tiriyo kuwo istaahila boqortooyada Ilaah, tan aad daraaddeed u xanuunsataan.

    6Waayo, xagga Ilaah waa xaq inuu dhib ugu abaalgudo kuwa idin dhiba,

  • Cib 10:33-36
    4 aayado
    72%

    33Mar waxaa laydinku bandhigay cay iyo dhibaatooyin, marna waxaad wax la wadaagteen kuwa sidaas oo kale loo galay.

    34Waayo, waad u naxariisateen kuwii xidhnaa, farxad baadna ku aqbasheen dhicitinka maalkiinna la dhacay, idinkoo og inaad idinka qudhiinnu maal ka wanaagsan oo raagaya haysataan.

    35Sidaas daraaddeed ha iska tuurina dhiirranaantiinna abaalgudka weyn leh.

    36Waayo, waxaad dulqaadasho ugu baahan tihiin si aad u qaadataan wixii laydiin ballanqaaday markaad doonista Ilaah samaysaan dabadeed.

  • Room 5:3-4
    2 aayado
    72%

    3Oo taas oo keliya ma aha, laakiinse waxaynu ku faraxnaa dhibaatooyinkeenna, innagoo og in dhibaatadu dulqaadasho keento;

    4dulqaadashaduna aqoon dheer, aqoonta dheeruna rajo;

  • 72%

    19Waayo, tanu waa wax loo bogo haddii nin niyada xagga Ilaah uga adkaysto dhibaatooyinka, isagoo xaqdarro ku xanuunsanaya.

    20Markii aad dembaabtaan, oo laydin garaaco, haddii aad u dulqaadataan, maxay ammaan leedahay? Laakiinse markaad wanaag fashaan oo aad xanuunsataan, haddii aad u dulqaadataan, taasu waa wax Ilaah u bogo.

    21Waayo, taasu waa wixii laydiinku yeedhay, maxaa yeelay, Masiix baa idiin xanuunsaday, oo wuxuu idinkaga tegey masaal inaad tallaabooyinkiisa raacdaan.

  • Mat 5:10-12
    3 aayado
    71%

    10Waxaa barakaysan kuwa xaqnimada aawadeed loo silciyo, waayo, boqortooyada jannada iyagaa leh.

    11Waad barakaysan tihiin goortii laydin caayo, oo laydin silciyo, oo wax walba oo xun oo been ah laydinka sheego aawaday.

    12Farxa oo reyreeya, waayo, jannada abaalgudkiinnu waa ku weyn yahay, waayo, sidaasay u silcin jireen nebiyadii idinka horreeyey.

  • 70%

    12¶ Gacaliyayaalow, ha la yaabina jirrabaadda dabka ah oo idinku dhex dhacday in laydiin tijaabiyo sida iyadoo ay idinku dhaceen wax la yaab lihi.

    13Laakiinse sidaad u tihiin kuwo ka qayb qaatay waxyaalaha Masiixu ku xanuunsaday, farxa, inaad farxad aad u weyn ku faraxdaan marka ammaantiisa la muujiyo.

  • 12¶ Waxaa barakaysan ninka jirrabaadda u sii adkaysta, waayo, goortii loo bogo, wuxuu heli doonaa taajka nolosha kan Ilaah u ballanqaaday kuwa isaga jecel.

  • 14Oo waannu idin waaninaynaa, walaalayaalow, Kuwa si aan hagaagsanayn u socda la taliya, oo kuwa qalbi jabay dhiirigeliya, oo kuwa itaalka yar garab siiya, oo dadka oo dhanna u dulqaata.

  • 3¶ Haddaba ka fiirsada kii u adkaystay hadalkii ka geesta ahaa oo dembilayaasha inaydnaan daalin oo aanay nafihiinnu itaal beelin.

  • 12inaydnaan caajisiin noqon laakiin aad noqotaan kuwo ku dayda kuwa rumaysadka iyo dulqaadashada ku dhaxla ballamada.

  • 1¶ Anigoo anba oday la ah oo marag ka ah waxyaalihii Masiixu ku xanuunsaday oo weliba ka qayb qaadanaya ammaanta la muujin doono, waxaan ku waaninayaa odayaasha idinku dhex jira:

  • 19¶ Waad garanaysaan tan, walaalahayga aan jeclahayow. Laakiin nin walba ha u dhaqsado maqlinta, oo ha u gaabiyo hadalka, cadhadana ha u gaabiyo;

  • 4Laakiin sida midiidinyada Ilaah ayaannu wax walba isugu caddaynaynaa dulqaadasho badan, annagoo ku dhex jirna dhibaatooyin, iyo baahi, iyo cidhiidhiyo,

  • 6Taas waad ku faraxsan tihiin in kastoo, haddii ay waajib tahay, aad haatan wakhti yar ku murugootaan jirrabaaddo badan oo kala cayncayn ah.

  • 14Waayo, walaalayaalow, waxaad noqoteen kuwo ku dayday dadka kiniisadaha Ilaah oo Yahuudiya jooga, kuwaas oo ah kuwa Ciise Masiix, maxaa yeelay, idinkuna waxaad dadkiinna ka hesheen dhibtaas oo kale, siday iyaguba uga heleen Yuhuudda,

  • 17Waayo, haddii ay doonista Ilaah tahay, waxaa ka wanaagsan inaad samafalidda u xanuunsataan intii aad u xanuunsan lahaydeen sharfalidda.

  • 4Waayo, wax alla wixii hore loo qorayba waxaa loo qoray waxbarashadeenna, inaynu dulqaadashada iyo gargaarka Qorniinka rajo ku lahaanno.

  • 20Wax sii sheegiddana ha quudhsanina.

  • 17Bal eeg, waxaa faraxsan ninkii Ilaah canaanto, Haddaba ha quudhsan Qaadirka edbintiisa.

  • 5Waxaad illowdeen waanada idiinla hadasha sida wiilal oo kale. Wiilkaygiiyow, ha fududaysan Rabbiga edbintiisa, Hana itaal beelin kolkuu ku canaanto.

  • 24Oo midkeenba midka kale ha ka fikiro si aynu isugu guubaabinno kalgacayl iyo shuqullo wanaagsan.

  • 12Waana hawshoonnaa annagoo gacmahayaga ku shaqayna; markii lana caayona waan ducaynaa; markii lana silciyona waan dulqaadannaa.

  • 40Sidaas darteed iska jira inaanay idinku dhicin wixii nebiyadu sheegeen iyagoo leh,

  • 5Laakiinse adigu mar kasta digtoonow, oo dhibta u adkayso, oo shuqulka wacdiyaha qabo, oo adeegiddaada dhammee.

  • 37Waana la dhagxiyey, miinshaarna waa lagu kala jeexay, waana la jirrabay, seefna waa lagu gowracay, wayna warwareegeen iyagoo qaba hargo idaad iyo hargo riyood, iyagoo caydh ah oo la dhibay oo la silciyey.

  • 11Waxyaalahaasi waxay iyaga ugu dhaceen masaal ahaan, oo waxaa loo qoray in laynagu waaniyo innagoo wakhtiyada dhammaatinkoodii ina soo gaadhay.

  • 15Haddaba midkiinna yuusan u xanuunsan sida isagoo ah gacankudhiigle, ama tuug, ama sharfale, ama mid faraggeliya axwaasha dadka kale.