Yacquub 5:3
Dahabkiinnii iyo lacagtiinniiba way mirdheen, miridhkooduna markhaati buu idinku noqon doonaa, wuxuuna jidhkiinna u cuni doonaa sida dabka oo kale. Maal baad u urursateen maalmaha ugu dambeeya.
Dahabkiinnii iyo lacagtiinniiba way mirdheen, miridhkooduna markhaati buu idinku noqon doonaa, wuxuuna jidhkiinna u cuni doonaa sida dabka oo kale. Maal baad u urursateen maalmaha ugu dambeeya.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
1¶ Bal kaalaya hadda, kuwiinnan taajiriinta ahow, ooya oo ka baroorta dhibaatooyinka idinku soo degaya.
2Duunyadiinnii way qudhuntay, dharkiinniina aboor baa cunay.
4Shaqaalayaashii beerihiinnii idiin gooyay mushahaaradoodii aad dulmiga uga reebateen way dhawaaqaysaa, qaylooyinkii kuwii beerihii gooyayna waxay galeen dhegaha Rabbiga Saba'ood.
5Dhulkaad ku barwaaqaysateen, waadna ku raaxaysateen, oo qalbiyadiinnii waxaad u naaxiseen maalinta gowracidda.
19¶ Maal ha ku urursanina dhulka, meesha aboorka iyo miridhku ku baabbi'iyaan, iyo meesha tuugaggu jebiyaan oo ka xadaan,
20laakiin maal jannada ku urursada, meesha aboorka iyo miridhku ayan ku baabbi'in iyo meesha tuugaggu ayan jebin oo ayan ka xadin.
21Waayo, meesha maalkaagu ku jiro, meeshaasaa qalbigaaguna ku jiri doonaa.
19Lacagtooda jidadkay ku xoori doonaan, oo dahabkooduna wuxuu noqon doonaa sida wasakh oo kale. Maalinta cadhada Rabbiga lacagtooda iyo dahabkooduba ma ay samatabbixin kari doonaan. Naftooda ma ay dhergin doonaan, oo calooshoodana kama ay buuxin doonaan, maxaa yeelay, kuwaasu waxay ahaayeen dhagaxii turunturada ee xumaantooda.
33Iibiya waxaad leedihiin oo sadaqo bixiya. Samaysta kiishash aan duugoobaynin, oo maal aan dhammaanaynin ku urursada jannada, meesha aan tuug ku soo dhowaan oo aan aboor ku baabbi'in.
34Waayo, meesha maalkiinnu ku jiro, meeshaasaa qalbigiinnuna ku jiri doonaa.
10Si aan shisheeyayaal maalkaaga uga dhergin; Oo aanay wixii aad u hawshootay guri ajnabi u gelin,
11Si aanad ugu dambaysta u barooran, Markay hilibkaaga iyo jidhkaaguba baabba'aan,
5Waxaad qaadateen lacagtaydii iyo dahabkaygii, oo alaabtaydii wanaagsanayd oo qurxoonaydna waxaad geliseen macbudyadiinna,
18Oo maalinta cadhada Rabbiga lacagtooda iyo dahabkooda midna kama samatabbixin doono iyaga, laakiinse dalka oo dhan waxaa baabbi'in doona dabka qiiradiisa, oo dhulka waxa deggan oo dhanna haddiiba dhaqsiyuu u wada dhammayn doonaa.
24Khasnaddaada waxaad ku xoortaa ciidda, Oo dahabka Oofirna waxaad ku dhex tuurtaa dhagaxyada durdurka,
20Laakiin Ilaah wuxuu ku yidhi, Kaaga doqonka ahow, caawa naftaada waa lagu weyddiisan doonaa, wixii aad diyaarsatayna yaa lahaan doonaa?
21Sidaas oo kale weeye kan maal urursada oo aan Ilaah u hodan ahayn.
3Damac xumaan bay hadallo iskayeelyeel ah idinkaga baayacmushtari doonaan, kuwaas oo xukunkoodii waa hore lagu xukumay uusan haatan raagayn, halligaaddoodiina ayan gam'ayn.
22Lacagtaadii wasakh bay noqotay, khamrigaagiina waxaa ku qasmay biyo.
5Laakiin engegnaantaada iyo toobadla'aanta qalbigaaga aawadood waxaad cadho u urursanaysaa maalinta cadhada iyo muuqashada xukunka xaqa ah oo Ilaah,
10¶ Laakiinse maalinta Rabbigu waxay u iman doontaa sida tuug oo kale; maalintaas oo ay samooyinku baabbi'i doonaan iyagoo sanqadh weynu ka yeedhayso, oo waxyaalaha abuuranna iyagoo gubanaya ayay baabbi'i doonaan. Dhulka iyo shuqullada ku jirana waa la gubi doonaa.
9Idinku, quruuntiinnan oo dhammu, waxaad ku inkaaran tihiin inkaartii, waayo, waad i dhacdaan.
13¶ Waxaa jira wax shar ah oo aad u xun oo aan qorraxda hoosteeda ku arkay, waana maal badan oo uu kan lahu sii haysto oo uu waxyeello uun isu keeno.
9Laakiin kuwa doonaya inay taajir noqdaan, waxay ku dhacaan duufsasho iyo dabin iyo damacyo badan oo nacasnimo ah waxyeellona leh, oo dadka ku hafiya baabbi'in iyo halaag.
11Markaas digsiga oo madhan dhuxusha shidan saar si uu u kululaado, oo ay naxaastiisu u gubato, oo ay wasakhdiisu gudihiisa ugu dhalaasho oo uu miridhkiisuna u baabba'o.
12Iyadu si aan waxba tarayn ayay isu daalisay, oo miridhkeeda badanna iyada kama uu baxo, oo miridhkeeda dabka kagama baxo.
7Si loo tijaabiyo rumaysadkiinna, oo aad uga sii qaalisan dahabka oo ah wax baabba'a in kastoo dab lagu tijaabiyo. Markaasaa laga helayaa mahad iyo ammaan iyo ciso markii Ciise Masiix la muujiyo.
15Halkaasaa dab kugu laasan doona, oo seef baa ku baabbi'in doonta, oo waxay kuu dhammayn doontaa sida koronkorro, bal isu badi sidii koronkorro oo kale, oo sidii ayax oo kale isu badi.
17Waxaad tidhaahdaa, Taajir baan ahay, oo maal baan helay, oo waxba uma baahni, oo ma ogid inaad tahay tan belaysan, oo loo naxo, oo miskiinka ah, oo indhaha la', oo qaawan.
18Sidaas daraaddeed waxaan kugula talinayaa inaad iga iibsatid dahab dab lagu safeeyey, si aad taajir u noqotid, iyo dhar cad si aad u xidhatid oo aanay ceebta qaawanaantaadu u muuqan, iyo indhakuul aad indhaha marsatid si aad wax u aragtid.
9Dahab ama lacag ama naxaas kiishadihiinna ha ku haysanina,
13Taadan biyaha badan ag deggan oo khasnadaha badanay, dhammaadkaagii waa yimid iyo qiyaastii faa'iidadaada xaqdarrada ahu.
14Oo midhihii naftaadu ay damacday way kaa tageen, oo waxyaalihii fiicanaa oo dhalaalayay oo dhammuna way kaa baabbe'een, oo mar dambena lama heli doono.
30Waxaa iyaga loogu yeedhi doonaa, Lacag la nacay, waayo, Rabbigu iyaguu nacay.
22Oo weliba waxaad nijaasayn doontaan sanamyadiinna la qoray oo lacagta lagu dahaadhay, iyo sanamyadiinna la shubay oo dahabka lagu dahaadhay, oo waxaad iyagu u xoori doontaan sida wax wasakhaysan, oo waxaad ku odhan doontaan, Ordoo iska baxa!
22Sida lacagta foornada dhexdeeda loogu dhalaaliyo ayaad dhexdeeda ugu wada dhalaali doontaan, oo waxaad ogaan doontaan in aniga Rabbiga ahu aan cadhadaydii idinku kor shubay.
16In kastoo uu lacag u taalaysto sida ciidda oo kale, Oo uu dharna u diyaarsado sida dhoobada oo kale,
17Isagaa diyaarin doona, laakiinse waxaa xidhan doona kan xaqa ah, Oo lacagtana waxaa qaybsan doona kan aan xaqa qabin.
18Waxaad og tihiin inaan dabiicaddiinnii bilaashka ahayd oo aad awowayaashiin ka dhaxasheen laydinkaga soo furan waxyaalaha baabba'aya oo ah sida lacagta iyo dahabka,
12Laakiin nin hadduu aasaaska ku dul dhiso dahab, ama lacag, ama dhagaxyo qaali ah, ama qoryo, ama caws, ama bal,
13nin kasta shuqulkiisa ayaa la muujin doonaa. Waayo, maalintu way caddayn doontaa, maxaa yeelay, dab baa lagu muujiyaa, waayo, nin kasta shuqulkiisa caynkuu yahay dabka ayaa tijaabin doona.
11Hadda caydhinimadaadu waxay u iman doontaa sida mid dad dhaca, Oo baahidaaduna waxay u iman doontaa sida nin hub wata.
34Haddaba caydhnimo waa kuu iman doontaa sida tuug oo kale, Oo baahina sida nin hub sita oo kale.
1¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, maalintii waa imanaysaa oo waxay u qaxmaysaa sidii foorno oo kale, oo kuwa kibirka leh oo dhan iyo kuwa xumaanta ka shaqeeya oo dhammuba waxay ahaan doonaan jirrido jajab ah, oo maalinta imanaysa ayaa iyaga gubi doonta, taasuna iyaga uma reebi doonto xidid iyo laan toona.
10¶ Kii lacag jecelu lacag kama dhergi doono, oo kii maal badan jeceluna faa'iido kama dhergi doono, taasuna waa wax aan waxba tarayn.
12Dhexdaada ayay laaluush ku qaataan si ay dhiig u daadiyaan aawadeed, oo waxaad qaadataa korsaar iyo ribo, oo si hunguri weyn iyo dulmi ah ayaad uga faa'iidaysataa deriskaaga, oo aniga waad i illowday, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
34Tanu sow ilama kaydsana, Iyadoo shaabadaysan oo khasnadahayga ku dhex jirta?
25Xumaatooyinkiinna ayaa waxyaalahan idinka celiyey, oo dembiyadiinna ayaa waxyaalo wanwanaagsan idinka diiday.