Yeremyaah 13:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sidaas daraaddeed gunti baan soo iibsaday sidii erayga Rabbigu ahaa, oo dhexdaan ku xidhay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 20:2 : 2 ayaa Rabbigu Ishacyaah ina Aamoos la hadlay oo wuxuu ku yidhi, Tag, oo dharka joonyadda ah dhexdaada ka fur, oo kabahaagana iska siib. Oo isna saasuu yeelay, oo wuxuu socday isagoo qaawan oo caga cad.
  • Yex 2:8 : 8 Laakiinse adigu, Wiilka Aadamow, waxaan kugu idhaahdo maqal, oo caasi ha noqon sida reerkaas caasiyoobay oo kale. Afkaaga kala qaad oo waxaan ku siiyo cun.
  • Hos 1:2-3 : 2 ¶ Rabbigu markuu Hoosheeca markii ugu horraysay la hadlay, wuxuu Rabbigu Hoosheeca ku yidhi, Tag, oo waxaad guursataa naag dhillo ah oo waxaad yeelataa carruur dhillo dhashay, waayo, dadka dalku Rabbigay ka fogaadaan sida naagu ninkeeda uga sinaysata. 3 Sidaas daraaddeed wuu tegey oo wuxuu guursaday Gomer oo ahayd ina Diblaayim, oo iyana way uuraysatay, oo wiil bay isagii u dhashay.
  • Yoox 13:6-7 : 6 Wuxuu haddaba u yimid Simoon Butros. Kaasaa ku yidhi, Sayidow, ma adaa cagaha ii maydhaya? 7 Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan samaynaya, garan maysid imminka, laakiinse dabadeed waad garan doontaa.
  • Yoox 15:14 : 14 Saaxiibbaday baad tihiin haddaad yeeshaan waxaan idinku amro.
  • Maah 3:5 : 5 Qalbigaaga dhammaantii Rabbiga ku aamin, Oo waxgarashadaadana ha isku hallayn.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1¶ Rabbigu wuxuu igu yidhi, Tag oo waxaad soo iibsataa gunti maro wanaagsan ah oo dhexda ku xidho, oo marnaba biyo ha dhex gelin.

  • Yer 13:3-11
    9 aayado
    88%

    3Oo haddana mar labaad ayaa eraygii Rabbigu ii yimid, oo wuxuu igu yidhi,

    4Waxaad qaadataa guntigii aad soo iibsatay oo haatan dhexda kuugu xidhan, oo kac, oo waxaad tagtaa xagga Webi Yufraad, oo halkaas ku qari dhagaxa weyn godkiisa.

    5Sidaas daraaddeed waan tegey oo waxaan guntigii ku soo qariyey Webi Yufraad agtiisa, sidii Rabbigu igu amray.

    6Oo maalmo badan dabadeed ayaa Rabbigu igu yidhi, Kac oo waxaad tagtaa xagga Webi Yufraad, oo waxaad halkaas ka soo bixisaa guntigii aan kugu amray inaad halkaas ku qariso.

    7Markaasaan Webi Yufraad tegey, oo intaan qoday ayaan guntigii ka soo bixiyey meeshii aan ku qariyey, oo bal eeg, guntigii wuu ba'ay, oo waxba ma taraynin.

    8Markaasaa eraygii Rabbigu ii yimid oo wuxuu igu yidhi,

    9Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaas oo kale ayaan u bi'in doonaa kibirka dadka Yahuudah, iyo kibirka weyn oo Yeruusaalemba.

    10Dadkan sharka ah, oo diida inay erayadayda maqlaan, oo iska daba gala caasinimada qalbigooda, oo raaca ilaahyo kale inay iyaga u adeegaan oo caabudaan, waxay kulligood noqon doonaan sida guntigan aan waxba taraynin oo kale.

    11Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida guntigu ugu dhegsan yahay nin dhexdiis, sidaas oo kalaan uga dhigay inay aniga iigu dhegsanaadaan dadka Israa'iil oo dhan iyo dadka Yahuudah oo dhammuba, inay ii ahaadaan dad, iyo magac, iyo ammaan, iyo sharafba, laakiinse iyagu way i maqli waayeen innaba.

  • Yer 27:1-2
    2 aayado
    76%

    1¶ Bilowgii boqornimadii Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo boqor ka ahaa dalka Yahuudah ayaa erayganu Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, isagoo leh,

    2Rabbigu wuxuu igu leeyahay, Waxaad samaysataa xadhko iyo harqood, oo waxaad kor saartaa qoortaada.

  • 17Haddaba sidaas daraaddeed guntiga dhexda ku giiji oo sara joogso, oo waxaad iyaga u sheegtaa wixii aan kugu amro oo dhan, oo yaanan hortooda kugu nixine innaba wejigooda ha ka nixin.

  • 29iyo dhex-xidhkii ahaa marada wanaagsan, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo daabacnaa, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 5Wuxuu dhexda ku xidhan doonaa xaqnimo, miskihiisana wuxuu ku xidhan doonaa aaminnimo.

  • Yex 16:10-11
    2 aayado
    71%

    10Oo weliba dhar daabac leh ayaan kuu xidhay, oo waxaan kuu geliyey kabo adhidibadeed hargahood laga sameeyey, oo dhexdana maro wanaagsan baan kuugu xidhay, oo xariir baan kuu hagoojiyey.

    11Oo weliba wax baan kugu sharraxay, oo gacmahana jijimmo baan kuu geliyey, oo qoortana silsilad baan kuu sudhay.

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid oo wuxuu igu yidhi,

  • 7Oo wuxuu isagii u geliyey jubbaddii, oo dhexdana wuxuu ugu xidhay dhex-xidhka, oo wuxuu u geliyey khamiiskii, eefodkiina wuu u geliyey, oo dhexdana wuxuu ugu xidhay dhex-xidhkii eefodka oo daabaca lahaa, oo kaasuu isagii ku xidhay.

  • 1¶ Oo haddana eraygii Rabbigu waa ii yimid, isagoo leh,

  • 18Wuxuu furaa boqorrada xidhan, Oo dhex-xidh buuna u xidhaa.

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 15oo dhexda dhex-xidhyo ugu xidhan yihiin, oo madaxana duubab la sibaaqeeyey ugu xidhan yihiin, oo kulligood la wada moodo amiirro u eg reer Baabuloon dalkoodu Kalday yahay.

  • 2ayaa Rabbigu Ishacyaah ina Aamoos la hadlay oo wuxuu ku yidhi, Tag, oo dharka joonyadda ah dhexdaada ka fur, oo kabahaagana iska siib. Oo isna saasuu yeelay, oo wuxuu socday isagoo qaawan oo caga cad.

  • 15¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 14Waxaan huwan jiray xaqnimo, oo iyana dhar bay ii noqon jirtay, Oo caddaaladdayduna waxay ii ahaan jirtay sida khamiis iyo cimaamad oo kale.

  • 14Haddaba istaaga idinkoo runta dhexda ku xidhan, oo laabtana laabdhawrka xaqnimada ku xidhan,

  • 5Oo dhex-xidhkii daabaca lahaa oo dusha kaga yiil in lagu xidho, isku waslad buu la ahaa eefodka, isku sina waa loo sameeyey, waxaana laga sameeyey dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 19Isaga ha u ahaato sida marada uu huwado, Iyo sida dhex-xidhka uu ku xidho had iyo goorba,

  • 8Oo bal ogow, anigu xadhkaan kugu xidhxidhi doonaa, oo waa inaadan hadba dhinac isu rogin ilaa aad dhammaysid maalmihii weerarkaaga.

  • 12¶ Oo markii Nebi Xananyaah uu harqoodkii ka jebiyey qoortii Nebi Yeremyaah dabadeed ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Yeremyaah, isagoo leh,

  • Yer 38:11-12
    2 aayado
    69%

    11Sidaas daraaddeed ayaa Cebedmeleg raggii kaxaystay, oo gurigii boqorka galay, oo wuxuu tegey meel khasnadda ka hoosaysay, oo halkaasuu ka qaaday calallo haylamo ah iyo dhar duugoobay, oo intuu xadhko ku xidhay ayuu Yeremyaah godkii ugu dejiyey.

    12Markaas Cebedmeleg oo reer Itoobiya ahaa wuxuu Yeremyaah ku yidhi, Calalladan haylamaha ah iyo dharkan duugoobay kilkilooyinka kaga xidho xadhkaha hoostooda, oo Yeremyaahna saasuu yeelay.

  • 8Oo dhex-xidhka daabaca leh oo dusha kaga yaal in lagu xidho waa in isku si loo sameeyaa oo uu isku waslad la ahaadaa; oo ha ahaado dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.

  • 9¶ Oo haddana waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo leh,

  • 8Oo subaxdii dambe ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,

  • 2Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Erayadii aan kugula hadlay oo dhan kitaab ku qor.

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 7Haddaba sidii nin rag ah dhexda u gunto, Waayo, wax baan ku weyddiinayaa, oo adna waa inaad ii sheegtaa.

  • 4¶ Markaasaa eraygii Rabbigu ii yimid, isagoo leh,

  • 5ayaan indhahayga kor u qaaday, oo wax fiiriyey, markaasaan arkay nin dhar wanaagsan qaba, oo dahab saafi ah oo Uufaas laga keenayaa dhexda ugu xidhan yahay;

  • 11¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 6Yooxanaa wuxuu guntanaa dharkiisii dhogorta geel ahaa, oo suun meged ahna dhexduu ku xidhnaa, oo wuxuu cunay ayax iyo malab dibadeed.

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 13Oo haatan harqoodkiisa waan idinka jebin doonaa, oo jebbooyinka idinku xidhanna waan jebin doonaa.

  • 5Oo waxaad qaadataa dharkii, oo waxaad Haaruun u gelisaa jubbadda, iyo khamiiska eefodka, iyo eefodka, iyo laabgashiga, oo dhexdana waxaad ugu xidhaa dhex-xidhka daabaca leh oo eefodka;

  • 1¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, isagoo leh,

  • 2Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 12Sidaas daraaddeed eraygii Rabbigu wuxuu xagga Rabbiga uga yimid Yeremyaah isagoo leh,

  • 1¶ Oo haddana mar kale Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,