Yeremyaah 20:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Haddaba Fashxuur ina Immeer oo ahaa wadaadkii iyo taliyihii sare ee guriga Rabbiga ayaa maqlay Yeremyaah oo waxyaalahaas sii sheegaya.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Taar 24:14 : 14 kii shan iyo tobnaadna Bilgaah, kii lix iyo tobnaadna Immeer,
  • 2 Boq 25:18 : 18 Oo sirkaalkii askartu wuxuu kaloo kaxaystay Seraayaah oo ahaa wadaadkii sare, iyo Sefanyaah oo ahaa wadaadkii labaad, iyo saddexdii iridjoog;
  • Cesr 2:37-38 : 37 reer Immeerna kun iyo laba iyo konton, 38 reer Fashxuurna kun iyo laba boqol iyo toddoba iyo afartan,
  • Nex 7:40-41 : 40 reer Immeerna kun iyo laba iyo konton, 41 reer Fashxuurna kun iyo laba boqol iyo toddoba iyo afartan,
  • Fal 4:1 : 1 ¶ Intay dadkii la hadlayeen ayaa wadaaddadii iyo sirkaalkii macbudka iyo Sadukiintii u yimaadeen,
  • Fal 5:24 : 24 Haddaba markii sirkaalkii macbudka iyo wadaaddadii sare hadalladaas maqleen, waxay la fajaceen waxyaalahaasu waxay noqon doonaan.
  • 2 Taar 35:8 : 8 Oo amiirradiisii iyagoo raalli ka ah ayay wax siiyeen dadkii iyo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi. Oo Xilqiyaah iyo Sekaryaah iyo Yexii'eel oo ahaa taliyayaashii guriga Ilaahna waxay wadaaddadii qurbaannadii Kormaridda u siiyeen laba kun iyo lix boqol oo neef oo yaryar, iyo saddex boqol oo dibi.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yer 20:2-4
    3 aayado
    86%

    2Markaasaa Fashxuur garaacay Yeremyaah, oo wuxuu geliyey jeebbooyinkii ku yiil iridda sare oo reer Benyaamiin, oo ku tiil guriga Rabbiga.

    3Oo maalintii dambe Fashxuur ayaa Yeremyaah jeebbooyinkii ka soo bixiyey. Markaasaa Yeremyaah isagii ku yidhi, Rabbigu magacaaga uguma yeedhin Fashxuur, laakiinse wuxuu kugu magacaabay Maagoor Misaabiib.

    4Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, waxaan cabsi kaaga dhigi doonaa nafsaddaada iyo saaxiibbadaa oo dhanba. Iyana waxay ku dhiman doonaan seefta cadaawayaashooda, oo indhahaaguna taas bay arki doonaan. Oo dadka dalka Yahuudah oo dhanna waxaan gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna wuxuu iyaga maxaabiis ahaan ugu kaxaysan doonaa ilaa Baabuloon, oo seef buu ku layn doonaa.

  • 1¶ Shefatyaah ina Mataan, iyo Gedalyaah ina Fashxuur, iyo Yuukal ina Shelemyaah, iyo Fashxuur ina Malkiiyaah waxay maqleen erayadii Yeremyaah ee uu dadka oo dhan kula hadlay, isagoo leh,

  • 1¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, markii Boqor Sidqiyaah uu isaga u soo diray Fashxuur ina Malkiiyaah, iyo Safanyaah ina Macaseeyaah oo wadaadka ahaa, isagoo leh,

  • Nex 10:2-3
    2 aayado
    75%

    2iyo Seraayaah, iyo Casaryaah, iyo Yeremyaah,

    3iyo Fashxuur, iyo Amaryaah, iyo Malkiiyaah,

  • 6Fashxuurow, adiga iyo inta gurigaaga deggan oo dhanba maxaabiis ahaan baa laydiin wada kaxaysan doonaa, oo waxaad tegi doontaa Baabuloon, oo halkaasaad ku dhiman doontaa, oo halkaasaa lagugu xabaali doonaa, adiga, iyo saaxiibbadaadii aad wax been ah u sii sheegi jirtay oo dhanba.

  • Yer 26:7-10
    4 aayado
    72%

    7Oo wadaaddadii iyo nebiyadii iyo dadkii oo dhammuba waxay maqleen Yeremyaah oo erayadan gurigii Rabbiga kagaga dhex hadlaya,

    8oo markii Yeremyaah uu wada dhammeeyey hadalkii uu Rabbigu ku amray inuu dadka oo dhan kula hadlo ayaa wadaaddadii, iyo nebiyadii, iyo dadkii oo dhammu isagii qabteen, oo waxay ku yidhaahdeen, Hubaal waa inaad dhimataa!

    9Bal maxaad magaca Rabbiga wax ugu sii sheegtay adigoo leh, Guriganu wuxuu noqon doonaa sidii Shiiloh oo kale, oo magaaladanuna waxay noqon doontaa cidla oo aan ciduna degganayn? Oo dadkii oo dhammuna Yeremyaah ayay gurigii Rabbiga ugu soo wada urureen.

    10¶ Oo amiirradii dalka Yahuudahna markay waxyaalahaas maqleen ayay gurigii boqorka ka soo bexeen oo waxay yimaadeen gurigii Rabbiga, wayna fadhiisteen meesha laga soo galo iridda cusub ee guriga Rabbiga.

  • 5Markaas Nebi Yeremyaah baa la hadlay Nebi Xananyaah iyadoo ay wada joogaan wadaaddadii iyo dadkii guriga Rabbiga dhex taagnaa oo dhammu.

  • Yer 37:13-15
    3 aayado
    71%

    13Oo markuu iriddii reer Benyaamiin joogay waxaa isna halkaas joogay sirkaal waardiyayaasha madax u ahaa, oo magiciisa la odhan jiray Yiriyaah ina Shelemyaah, oo ahaa ina Xananyaah, oo isna Yeremyaah buu qabtay oo wuxuu ku yidhi, Adigu waxaad u gelaysaa reer Kaldayiin.

    14Markaas Yeremyaah wuxuu ku yidhi, Taasu waa been, anigu reer Kaldayiin u geli maayo. Laakiinse isagu innaba ma uu dhegaysan, sidaas daraaddeed Yiriyaah wuxuu soo qabtay Yeremyaah, oo amiirradii u keenay.

    15Amiirradiina Yeremyaah bay u cadhoodeen, oo intay garaaceen ayay gurigii Yoonaataan oo karraanigii ahaa ku xabbiseen, waayo, kaasay xabsi ka dhigeen.

  • Yer 29:26-27
    2 aayado
    70%

    26oo waxaad tidhi, Rabbigu wadaad buu kaaga dhigay meeshii wadaadkii Yehooyaadaac inaad saraakiil u noqotaan guriga Rabbiga iyo inaad xabsi ku riddid oo aad silsilado ku xidhid nin kasta oo waalan oo nebi iska dhigaba.

    27Haddaba bal maxaad u canaanan weyday Yeremyaah oo ah reer Canaatood oo nebi isaga kaa dhigaya?

  • 1¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, isagoo leh,

  • 12Markaas Yeremyaah wuxuu la hadlay amiirradii oo dhan iyo dadkii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga ayaa ii soo diray inaan gurigan iyo magaaladanba ka sii sheego erayadii aad maqasheen oo dhan.

  • Yer 40:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid markii Nebuusaradaan oo sirkaalkii waardiyayaasha ahaa uu Yeremyaah oo silsilado ku xidhan iyo dadka Yeruusaalem iyo kuwa dalka Yahuudah maxaabiis ahaan Baabuloon ugu kaxaynayay oo uu Yeremyaah Raamaah ku sii daayay.

    2Sirkaalkii waardiyayaashu Yeremyaah ayuu soo kexeeyey, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa masiibadan meeshan kaga hadlay.

  • Yer 29:29-30
    2 aayado
    70%

    29¶ Oo wadaadkii Sefanyaah ahaa ayaa warqaddaas ku akhriyey Nebi Yeremyaah hortiisa.

    30Markaasaa eraygii Rabbigu ku soo degay Yeremyaah, isagoo leh,

  • 14¶ Markaas Yeremyaah wuxuu ka yimid Tofed oo ah meeshii Rabbigu u diray inuu wax ku sii sheego, oo intuu barxaddii guriga Rabbiga soo istaagay ayuu dadkii oo dhan ku yidhi,

  • 1¶ Kuwanu waa erayadii Yeremyaah ina Xilqiyaah, oo ka mid ahaa wadaaddadii joogay Canaatood oo ku tiil dalka reer Benyaamiin.

  • 1¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, isagoo leh,

  • 1¶ Bilowgii boqornimadii Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo boqor ka ahaa dalka Yahuudah ayaa erayganu Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, isagoo leh,

  • 20Oo weliba waxaa kaloo jiray nin magaca Rabbiga wax ku sii sheegay, waana Uuriyaah ina Shemacyaah oo ahaa reer Qiryad Yecaariim, oo isna wuxuu magaaladan iyo dalkanba ka sii sheegay wax erayada Yeremyaah oo dhan waafaqsan.

  • 1¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, isagoo leh,

  • 2Markaasaa ciidankii boqorka Baabuloon Yeruusaalem hareereeyeen. Oo Nebi Yeremyaahna wuxuu ku xidhnaa barxaddii xabsigii ku dhex yiil gurigii boqorka dalka Yahuudah.

  • 8Markaasaa Baaruug ina Neeriiyaah wada sameeyey sidii Yeremyaah ku amray oo dhan, oo wuxuu kitaabkii ka akhriyey erayadii Rabbiga isagoo gurigii Rabbiga dhex jooga.

  • 15¶ Haddaba eraygii Rabbigu wuxuu u yimid Yeremyaah intuu ku xidhnaa barxaddii waardiyayaasha, isagoo leh,

  • 8Markaas Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah ugu yimid Taxfanxees, oo wuxuu ku yidhi,

  • 38reer Fashxuurna kun iyo laba boqol iyo toddoba iyo afartan,

  • 1¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah uga yimid xagga Rabbiga, isagoo leh,

  • 22Wiilashii Fashxuurna, Eliyooceenay, iyo Macaseeyaah, iyo Ismaaciil, iyo Netaneel, iyo Yoosaabaad, iyo Elcaasaah.

  • Yer 37:3-4
    2 aayado
    67%

    3Oo Boqor Sidqiyaah wuxuu Nebi Yeremyaah u soo diray Yehuukal ina Shelemyaah, iyo Sefanyaah ina wadaadka Macaseeyaah, oo wuxuu ku soo yidhi, Bal Rabbiga Ilaaheenna ah noo bari.

    4¶ Oo markaas Nebi Yeremyaah dadka dhexdiisa ayuu gudaha u soo geli jiray oo dibadda uga bixi jiray, waayo, weli ma ay xabbisin.

  • 12iyo Cadaayaah oo ahaa ina Yeroxaam, ina Fashxuur, ina Malkiiyaah, iyo Macsay oo ahaa ina Cadii'eel, ina Yaxseraah, ina Meshullaam, ina Meshilleemiid, ina Immeer,

  • 18Oo sirkaalkii askartu wuxuu kaloo kaxaystay Seraayaah oo ahaa wadaadkii sare, iyo Sefanyaah oo ahaa wadaadkii labaad, iyo saddexdii iridjoog;

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah mar labaad u yimid intuu weli barxaddii xabsiga ku xidhnaa, oo wuxuu ku yidhi,

  • 41reer Fashxuurna kun iyo laba boqol iyo toddoba iyo afartan,

  • 11Haddaba Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon wuxuu Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta siiyey amar ku saabsan Yeremyaah, oo wuxuu isagii ku yidhi,

  • 1¶ Oo isla sannaddaasba, bilowgii boqornimadii Sidqiyaah uu boqorka ka ahaa dalka Yahuudah, sannaddii afraad bisheedii shanaad ayaa Xananyaah ina Casuur oo ahaa nebigii Gibecoon ka yimid igula hadlay guriga Rabbiga dhexdiisa iyadoo ay wada joogaan wadaaddadii iyo dadkii oo dhammu, oo wuxuu igu yidhi,

  • 12¶ Markaasaa eraygii Rabbigu Yeremyaah u yimid, isagoo leh,

  • 12Sidaas daraaddeed eraygii Rabbigu wuxuu xagga Rabbiga uga yimid Yeremyaah isagoo leh,

  • 1¶ Oo markii Yeremyaah uu wada dhammeeyey dadka oo dhan lahadliddiisii uu u sheegayay erayadii Rabbiga Ilaahooda ah oo dhan, ee Rabbiga Ilaahooda ahu uu ugu soo dhiibay, kuwaasoo ah erayadan oo dhan,

  • 1¶ Haddaba kuwanu waa erayadii warqaddii uu Nebi Yeremyaah Yeruusaalem uga diray kuwii hadhay ee waayeelladii maxaabiisnimadii iyo wadaaddadii, iyo nebiyadii, iyo dadkii uu Nebukadnesar Yeruusaalem maxaabiis ahaanta uga kaxaystay oo uu Baabuloon la tegey oo dhan.

  • 5Markaasaa Yeremyaah amray Baaruug, oo wuxuu yidhi, Anigu waan xidhnahay, oo guriga Rabbiga ma aan tegi karo,