Yeremyaah 23:32

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, col baan ku ahay kuwa wax ku sii sheega riyooyin been ah, oo intay u warramaan dadkayga ku qalda beentooda iyo faankooda aan waxtarka lahayn. Rabbigu waxaa kaluu leeyahay, Anigu iyaga ma soo dirin, oo innaba mana amrin, oo iyagu dadkan waxba kuma tari doonaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 7:8 : 8 Bal eega, idinku waxaad isku hallaysaan erayo been ah oo aan waxba idin tari karin.
  • Bar 2:14 : 14 Nebiyadaadii waxay arkeen waxyaalo aan waxtar lahayn oo doqonnimo ah, Oo xumaantaadiina daaha sow kama ay qaadin si maxaabiistaadii laguugu soo celiyo, Laakiinse waxay kuu arkeen waxyaalo aan waxtar lahayn oo ku leexiya.
  • Saf 3:4 : 4 Nebiyadeedu waa kuwo fudud oo khiyaano badan, oo wadaaddadeediina meeshii quduuska ahayd ayay nijaaseeyeen, oo sharcigiina si xun bay u dhaafeen.
  • Sak 13:2-3 : 2 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxay wakhtigaas noqon doontaa inaan dalka dhexdiisa ka wada baabbi'iyo magacyada sanamyada, oo mar dambena iyaga lama soo xusuusan doono, oo weliba waxaan ka dhigi doonaa inay nebiyada beenta ah iyo ruuxa wasakhda ahuba dalka ka dhex baxaan. 3 Oo markii mid wax sii sheego, aabbihiis iyo hooyadiisii dhalay waa inay isaga ku yidhaahdaan, Waa inaadan sii noolaan, waayo, been baad magaca Rabbiga ku sheegtaa. Oo aabbihiis iyo hooyadiisii dhalay waa inay isaga wareemaan intuu wax sii sheegayo.
  • Mat 15:14 : 14 Iska daaya. Iyagu waa indhoolayaal indhoolayaal hagayaye. Laakiin nin indha la' hadduu nin indha la' hago, labadooduba god bay ku dhici doonaan.
  • 2 Kor 1:17 : 17 Haddaba markaan waxaas doonayay miyaan rogrogay? Ama waxaan goosto miyaan u goostaa sida uu ninka jidhka raacaa u goosto, inay xaggayga noqoto, Haah, haah, iyo Maya, maya?
  • Muj 19:20 : 20 Markaasaa la qabtay bahalkii iyo nebigii beenta ahaa oo calaamooyinka hortiisa ku samayn jiray, kuwaasoo uu ku khiyaanayn jiray kuwii aqbalay sumaddii bahalka iyo kuwii u sujuuday sanamkiisii, oo labadoodii iyagoo nool ayaa waxaa lagu dhex tuuray baddii dabka ahayd, oo baaruuddu ka ololaysay;
  • Yex 13:7-9 : 7 Miyaydaan muujin been ah arkin, oo miyaydaan faal been ah ku hadlin, markaad tidhaahdaan Rabbigu saasuu leeyahay, in kastoo aanan idinla hadlin? 8 ¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada anigu col baan idinku ahay, maxaa yeelay, idinku wax aan waxba ahayn ayaad ku hadasheen oo wax been ah baad aragteen ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay. 9 Oo gacantayduna waxay col ku noqon doontaa nebiyada waxa aan waxba ahayn arka, oo waxyaalaha beenta ah ka faaliya. Iyagu dadkayga shirkiisa ma ay dhex joogi doonaan, oo qorniinka reer binu Israa'iilna laguma qori doono, oo dalka reer binu Israa'iilna ma ay geli doonaan, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Sayidka Rabbiga ah. 10 Waxyaalahaasu way dhici doonaan, maxaa yeelay, iyagu dadkaygay sireen, iyagoo leh, Waa nabad, iyadoo aan innaba nabadu jirin, oo markii derbi la dhiso, bal eeg, waxay ku malaasaan dhoobo aan nuurad lahayn. 11 Kuwa dhoobada aan nuuradda lahayn wax ku malaasa waxaad u sheegtaa inuu derbigaasu soo dhici doono, waxaana jiri doona roob daad weyn. Kuwiinnan roobdhagaxyaale waaweyn ahow, waad soo di'i doontaan, oo dabayl duufaan leh ayaa kala ridi doonta derbigaas. 12 Bal ogaada, markii derbigu dhaco sow laydinkuma odhan doono, War meeday dhoobadii aad wax ku malaasteen? 13 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Anigoo cadhaysan ayaan dabayl duufaan leh ku dumin doonaa. Oo waxaa xanaaqayga ku iman doona roob daad weyn iyo roobdhagaxyaale waaweyn oo cadhadayda ku baabbi'iya. 14 Sidaasaan derbigii aad dhoobada aan nuuradda lahayn ku malaasteen u dumin doonaa, oo dhulkaan ku ridi doonaa, oo aasaaskiisana waa la bannayn doonaa. Wuu soo dhici doonaa, oo dhexdiisaa laydinku wada baabbi'in doonaa, oo markaasaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay. 15 Oo sidaasaan cadhadayda ugu dhammayn doonaa derbigii iyo kuwii dhoobada aan nuuradda lahayn ku malaasayba, oo waxaan idinku odhan doonaa, Imminka derbigii iyo kuwii malaasayba ma jiraan. 16 Kuwaasu waxaa weeye nebiyada reer binu Israa'iil oo Yeruusaalem wax ka sii sheega, oo iyada muujin nabdeed u arka, iyadoo aan nabadu jirin, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay. 17 ¶ Wiilka Aadamow, wejigaaga u jeedi gabdhaha dadkaaga oo qalbigooda wax ka sii sheega, oo adiguna waa inaad iyaga wax ka sii sheegtaa. 18 Oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogay naagaha gacmaha oo dhan xirsiyo ku sameeya oo masarro madaxa dadka dherer kastaba leh u sameeya si ay dad naftiis u ugaadhsadaan! Ma waxaad ugaadhsanaysaan dadkayga naftiisa, oo ma waxaad badbaadinaysaan kuwiinna naftooda?
  • Sharc 13:1-9 : 1 ¶ Hadduu dhexdiinna ka kaco nebi ama mid riyooyin ku riyooda, oo uu idin tuso calaamad ama yaab, 2 oo calaamadda amase yaabku haddu rumoobo oo la arko wixii uu idinkula hadlay isagoo leh, Ina keena aynu ilaahyo kale raacnee oo aynu iyaga u adeegnee kuwaas oo aydaan aqoonin, 3 waa inaydaan dhegaysan erayada nebigaas ama riyaalowgaas, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuu idin tijaabinayaa inuu ogaado bal inaad Rabbiga Ilaahiinna ah ka jeceshihiin qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan iyo in kale. 4 Waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah raacdaan oo ka cabsataan, oo waa inaad amarradiisa xajisaan oo codkiisa addeecdaan, waana inaad isaga u adeegtaan oo ku hadhaan. 5 Oo nebigaas ama riyaalowgaas waa in la dilaa, maxaa yeelay, wuxuu ku hadlay wax ku caasinimo ah Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar oo idinka soo furtay gurigii addoonsiga, si uu idiinka leexiyo jidkii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku amray inaad ku socotaan. Oo sidaas waa inaad shar dhexdiinna uga saartaan. 6 ¶ Oo haddii walaalkaa oo ah wiilkii hooyadaa, ama wiilkaaga, ama gabadhaada, ama naagtaada laabta kaaga jiifta, ama saaxiibkaaga sida naftaada kula mid ahu uu si qarsoodi ah kugu sasabo oo uu ku yidhaahdo, Ina keen aynu u adeegno ilaahyo kale kuwaasoo aadan aqoon, adiga iyo awowayaashaa toona, 7 ee ah ilaahyada dadyowga hareerihiinna ku wareegsan ha ahaadeen kuwa kuu dhow ama kuwa kaa fog ee jooga dunida geesteed iyo xataa tan iyo geesteeda kale, 8 kaas waa inaadan la heshiin, oo isaga ha dhegaysan, hana u nixin, hana u tudhin, hana qarin isaga, 9 laakiinse kaas hubaal waa inaad dishaa, oo gacantaadu ha ahaato tan ugu horraysa oo isaga disha, dabadeedna dadka oo dhammu ha u gacan qaadeen. 10 Oo waa inaad dhagxisaa si uu u dhinto, maxaa yeelay, wuxuu damcay inuu kaa fogeeyo Rabbiga Ilaahaaga ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga. 11 Oo reer binu Israa'iil oo dhammu way maqli doonaan, wayna cabsan doonaan, oo mar dambe ma ay samayn doonaan shar la mid ah sida kan idinku dhex jira oo kale. 12 ¶ Oo haddaad wax ka maqashaan mid ka mid ah magaalooyinka Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin siinayo inaad degtaan, 13 iyadoo la leeyahay, Dad waxmatarayaal ah baa dhexdiinna ka baxay oo waxay jiiteen dadkii magaaladooda degganaa, iyagoo leh, Ina keena oo aynu u adeegno ilaahyo kale, kuwaasoo aydaan aqoon, 14 markaas waa inaad weyddiisaan oo baadhaan, oo aad iyo aad u haybisaan, oo bal eeg, haddii taasu run tahay, oo ay tahay wax hubaal ah, in karaahiyada caynkaas ah dhexdiinna lagu sameeyey, 15 markaas dadka magaaladaas deggan hubaal waa inaad seef ku laysaan, oo dhammaanteed waa inaad wada baabbi'isaan, oo kulli waxa magaaladaas ku jira iyo xoolaheedaba seef ku laaya. 16 Oo alaabteeda dhaca ah oo dhanna waxaad ku soo ururisaan jidka dhexdiisa, oo waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah dhammaan u gubtaan magaalada iyo alaabteeda oo dhanba, oo weligeed waxay ahaan doontaa tuulmo, oo mar dambena lama dhisi doono. 17 Oo gacantiinna yaanay waxba kaga hadhin alaabta xaaraanta ah, in Rabbigu ka soo noqdo cadhadiisii kululayd, oo uu siduu awowayaashiin ugu dhaartay idiinku naxariisto, oo idiinku naxo, oo idiin tarmiyo, 18 markaad dhegaysataan Rabbiga Ilaahiinna ah codkiisa, inaad xajisaan amarradiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan, oo aad samaysaan waxa ku qumman Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa.
  • Sharc 18:20 : 20 Laakiinse nebigii wax aanan ku amrin leh oo si kibir ah magacayga ugu hadla, ama kii ilaahyo kale magacood ku hadlaa, nebigaasu waa inuu dhintaa.
  • Ish 3:12 : 12 Laakiinse waxaa dulma dadkayga carruur, oo dumar baa iyaga u taliya. Dadkaygow, hoggaamiyayaashaadu way ku qaldaan, oo waxay kharribaan jidkaaga aad ku socoto.
  • Yer 23:16 : 16 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Nebiyada wax idiin sii sheega hadalkooda ha maqlina, waayo, wax aan waxba ahayn way idin baraan, oo waxay ku hadlaan riyo qalbigooda ka timid oo aan afka Rabbiga ka soo bixin.
  • Yer 23:21-22 : 21 Anigu nebiyadaas sooma aan dirin, laakiinse way ordeen oo iyaga lama aan hadlin, laakiinse wax bay sii sheegeen. 22 Haddii ay guddigayga dhex istaageen, de markaas dadkaygay erayadayda maqashiin lahaayeen, oo waxay iyaga ka soo celin lahaayeen jidkooda xun iyo sharka falimahoodaba.
  • Yer 23:25 : 25 Waan maqlay wixii ay yidhaahdeen nebiyada magacayga beenta ku sii sheega oo yidhaahda, Waan riyooday, waan riyooday.
  • Yer 27:14-22 : 14 Innaba ha maqlina nebiyada idinka hadla ee leh, Uma aad adeegi doontaan boqorka Baabuloon, waayo, iyagu been bay idiin sii sheegaan. 15 Maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu sooma aan dirin, laakiinse been bay magacayga ku sii sheegaan, si aan idiin eryo, oo aad u halligantaan, idinka iyo nebiyada wax idiin sii sheegaba. 16 Oo weliba wadaaddada iyo dadkan oo dhanba, waan la hadlay oo waxaan ku idhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Innaba ha maqlina erayadii nebiyadiinna wax idiin sii sheega, oo idinku yidhaahda, Bal ogaada, weelashii guriga Rabbiga mar dhow baa Baabuloon laga soo celin doonaa, waayo, iyagu been bay idiin sii sheegaan. 17 Iyaga ha maqlina. Boqorka Baabuloon u adeega, oo saas ku noolaada, waayo, bal maxay magaaladani cidla u noqonaysaa? 18 Laakiinse iyagu hadday nebiyo yihiin, iyo haddii eraygii Rabbigu uu iyaga la jiro, haatan Rabbiga ciidammada ha ka baryeen in weelasha ku hadhay guriga Rabbiga, iyo guriga boqorka dalka Yahuudah, iyo Yeruusaalem gudaheeduba ayan Baabuloon tegin. 19 Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu ka leeyahay tiirarka, iyo berkedda, iyo saldhigyada, iyo weelasha magaaladan ku hadhay, 20 oo uusan Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon qaadan markuu maxaabiis ahaanta u kaxaystay boqorkii dalka Yahuudah oo ahaa Yekonyaah ina Yehooyaaqiim iyo saraakiishii dadka Yahuudah iyo reer Yeruusaalemba, oo intuu Yeruusaalem ka kaxaystay uu Baabuloon la tegey, 21 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay weelasha ku hadhay guriga Rabbiga iyo guriga boqorka dalka Yahuudah, iyo Yeruusaalemba, 22 Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyaga waxaa loo qaadan doonaa Baabuloon, oo halkaasay oolli doonaan ilaa maalinta aan soo booqan doono, oo dabadeedna waan soo qaadi doonaa oo meeshan baan ku soo celin doonaa.
  • Yer 28:15-17 : 15 Markaas Nebi Yeremyaah wuxuu Nebi Xananyaah ku yidhi, Xananyaahow, bal haatan i maqal. Rabbigu kuma soo dirin, laakiinse waxaad dadkan ka dhigaysaa inay been isku halleeyaan. 16 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, anigu waan kaa fogayn doonaa dhulka korkiisa, oo isla sannaddan ayaad dhiman doontaa, maxaa yeelay, waxaad ku hadashay caasinimo Rabbiga ka gees ah. 17 Sidaas daraaddeed Nebi Xananyaah isla sannaddaas bisheedii toddobaad ayuu dhintay.
  • Yer 29:21-23 : 21 ¶ Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Axaab ina Qoolaayaah iyo Sidqiyaah ina Macaseeyaah oo magacayga been idiinku sii sheega, bal ogaada iyaga waxaan gelin doonaa gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo isna indhihiinna hortooda ayuu iyaga ku dili doonaa. 22 Oo maxaabiista dadka Yahuudah oo Baabuloon joogta oo dhammu way habaartami doonaan iyagoo leh, Rabbigu ha kaa dhigo sidii Sidqiyaah iyo sidii Axaab ee uu boqorka Baabuloon dabka ku dubay oo kale, 23 maxaa yeelay, nacasnimo ayay dalka Israa'iil ku dhex sameeyeen, oo weliba naagihii derisyadooda ayay ka sinaysteen, oo erayo been ah oo aanan iyaga ku soo amrin ayay magacayga ku hadleen. Anigu kan og baan ahay, oo markhaati baan ka ahay, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Yer 29:31 : 31 Kuwa maxaabiista ah oo dhan u cid dir oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu Shemacyaah oo ah reer Nexlaamii ka leeyahay, Shemacyaah wax buu idiin sii sheegay, aniguse sooma aan dirin, oo wuxuu idinka dhigay inaad been isku hallaysaan,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yer 23:30-31
    2 aayado
    83%

    30Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu waxaan col ku ahay nebiyada midkood kastaba erayadayda ka xada deriskiisa.

    31Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, col baan ku ahay nebiyada carrabkooda ku isticmaala oo yidhaahda, Saasuu Rabbigu leeyahay.

  • Yer 14:13-16
    4 aayado
    82%

    13Markaasaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, bal eeg, nebiyadiiba waxay ku yidhaahdaan, Seef arki maysaan, abaaruna idinku dhici mayso, laakiinse waxaan meeshan idinku siin doonaa nabad hubaal ah.

    14Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Nebiyadu wax been ah ayay magacayga ku sii sheegaan. Anigu sooma aan dirin, soomana aan amrin, lamana aan hadlin innaba. Waxay idiin sii sheegaan riyo been ah, iyo faal, iyo wax aan waxba ahayn, iyo khiyaanadii qalbigooda.

    15Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu nebiyadaas ka leeyahay, Nebiyada magacayga wax ku sii sheega, oo aanan soo dirin, laakiinse yidhaahda, Seef iyo abaar toona dalkan dhexdiisa laguma arki doono, waxaa baabbi'in doona seef iyo abaar.

    16Oo dadka ay wax u sii sheegaanna waxaa lagu tuuri doonaa jidadka Yeruusaalem, waana abaar iyo seef daraaddood, oo ciduna ma ay xabaali doonto iyaga, iyo naagahooda, iyo wiilashooda, iyo gabdhahoodaba, waayo, waxaan iyaga ku soo dejin doonaa xumaantoodii oo dhan.

  • Yer 23:25-28
    4 aayado
    82%

    25Waan maqlay wixii ay yidhaahdeen nebiyada magacayga beenta ku sii sheega oo yidhaahda, Waan riyooday, waan riyooday.

    26Ilaa goormay waxanu ku sii jirayaan qalbiga nebiyada beenta sii sheega? Iyagu waa nebiyo sii sheega khiyaanada qalbigooda.

    27Waxay u malaynayaan inay dadkayga magacayga ku illowsiiyaan riyooyinkooda midkood kastaba uu deriskiisa u sheego, sidii awowayaashoodba ay magacayga ugu illoobeen Bacal aawadiis.

    28Rabbigu wuxuu leeyahay, Nebigii riyo arkay, riyadiisa ha sheego, oo kii eraygayga maqlayna si daacad ah eraygayga ha u sheego. Buunshaha iyo sarreenka bal maxaa u kala dhexeeya?

  • Yer 29:8-9
    2 aayado
    82%

    8Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Nebiyadiinna iyo waxsheegyadiinna idin dhex joogaa yaanay idin khiyaanayn, oo idinku innaba ha dhegaysanina riyooyinkiinna aad ku riyootaan.

    9Waayo, magacaygay wax been ah idiinku sii sheegaan, laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu iyaga sooma aan dirin.

  • Yer 27:14-16
    3 aayado
    82%

    14Innaba ha maqlina nebiyada idinka hadla ee leh, Uma aad adeegi doontaan boqorka Baabuloon, waayo, iyagu been bay idiin sii sheegaan.

    15Maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu sooma aan dirin, laakiinse been bay magacayga ku sii sheegaan, si aan idiin eryo, oo aad u halligantaan, idinka iyo nebiyada wax idiin sii sheegaba.

    16Oo weliba wadaaddada iyo dadkan oo dhanba, waan la hadlay oo waxaan ku idhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Innaba ha maqlina erayadii nebiyadiinna wax idiin sii sheega, oo idinku yidhaahda, Bal ogaada, weelashii guriga Rabbiga mar dhow baa Baabuloon laga soo celin doonaa, waayo, iyagu been bay idiin sii sheegaan.

  • Yer 23:15-16
    2 aayado
    79%

    15¶ Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammadu wuxuu nebiyada ka leeyahay, Bal ogaada, waxaan iyaga ku quudin doonaa dacar, oo waxaan cabsiin doonaa biyo xammeetiyeed, waayo, nijaas baa nebiyada Yeruusaalem ka soo faaftay oo waxay wada gaadhay dalka oo dhan.

    16Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Nebiyada wax idiin sii sheega hadalkooda ha maqlina, waayo, wax aan waxba ahayn way idin baraan, oo waxay ku hadlaan riyo qalbigooda ka timid oo aan afka Rabbiga ka soo bixin.

  • Yex 13:6-9
    4 aayado
    77%

    6Iyagu waxay arkeen wax aan waxba ahayn iyo faal been ah, oo waxay yidhaahdaan, Rabbigu saasuu leeyahay, iyadoo aan Rabbigu iyaga soo dirin. Oo waxay kuwa kale ka yeeleen inay sii rajeeyaan in eraygaas la xaqiijin doono.

    7Miyaydaan muujin been ah arkin, oo miyaydaan faal been ah ku hadlin, markaad tidhaahdaan Rabbigu saasuu leeyahay, in kastoo aanan idinla hadlin?

    8¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada anigu col baan idinku ahay, maxaa yeelay, idinku wax aan waxba ahayn ayaad ku hadasheen oo wax been ah baad aragteen ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

    9Oo gacantayduna waxay col ku noqon doontaa nebiyada waxa aan waxba ahayn arka, oo waxyaalaha beenta ah ka faaliya. Iyagu dadkayga shirkiisa ma ay dhex joogi doonaan, oo qorniinka reer binu Israa'iilna laguma qori doono, oo dalka reer binu Israa'iilna ma ay geli doonaan, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Sayidka Rabbiga ah.

  • Yer 27:9-10
    2 aayado
    77%

    9Haddaba idinku innaba ha maqlina nebiyadiinna iyo waxsheegyadiinna, iyo riyolowyadiinna, iyo faaliyayaashiinna amase xataa saaxiriintiinna ee idinku yidhaahda, Idinku uma aad adeegi doontaan boqorka Baabuloon,

    10waayo, been bay idiinku sii sheegaan, si ay dalkiinna idinkaga fogeeyaan, oo aan anigu dibadda idinku kexeeyo, oo aad u halligantaan aawadeed.

  • 5Rabbigu sidaasuu kaga leeyahay nebiyada dadkayga qalda, oo qaniina oo haddana ku qayliya, Nabad, oo ku dhawaaqa in lala diriro ku alla kii aan afkooda wax ku ridin.

  • Yex 13:2-3
    2 aayado
    75%

    2Wiilka Aadamow, waxaad wax ka sii sheegtaa nebiyada reer binu Israa'iil oo wax sheega, oo kuwa qalbigooda wax ka sii sheega waxaad ku tidhaahdaa, Erayga Rabbiga maqla:

    3Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogay nebiyada nacasyada ah oo qalbigooda iska daba gala, iyagoo aan waxba arkin.

  • 15Markaas Nebi Yeremyaah wuxuu Nebi Xananyaah ku yidhi, Xananyaahow, bal haatan i maqal. Rabbigu kuma soo dirin, laakiinse waxaad dadkan ka dhigaysaa inay been isku halleeyaan.

  • Yex 13:16-17
    2 aayado
    75%

    16Kuwaasu waxaa weeye nebiyada reer binu Israa'iil oo Yeruusaalem wax ka sii sheega, oo iyada muujin nabdeed u arka, iyadoo aan nabadu jirin, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

    17¶ Wiilka Aadamow, wejigaaga u jeedi gabdhaha dadkaaga oo qalbigooda wax ka sii sheega, oo adiguna waa inaad iyaga wax ka sii sheegtaa.

  • 2Waayo, teraafiimkii waxay ku hadleen wax aan waxba ahayn, waxsheegayaashiina wax been ah bay arkeen, oo waxay sheegeen riyooyin been ah, oo si aan waxtar lahayn ayay ugu qalbi qaboojiyaan, haddaba sidaas daraaddeed waxay u ambadaan sida ido oo kale, oo aad bay u dhibtoodaan, maxaa yeelay, adhijir ma leh.

  • 21¶ Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Axaab ina Qoolaayaah iyo Sidqiyaah ina Macaseeyaah oo magacayga been idiinku sii sheega, bal ogaada iyaga waxaan gelin doonaa gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo isna indhihiinna hortooda ayuu iyaga ku dili doonaa.

  • 21Anigu nebiyadaas sooma aan dirin, laakiinse way ordeen oo iyaga lama aan hadlin, laakiinse wax bay sii sheegeen.

  • 13Oo nebiyada Samaariyana nacasnimaan ku arkay. Waxay wax ku sii sheegeen Bacal magiciisa, oo dadkaygii reer binu Israa'iilna way qaldeen.

  • 28Oo nebiyadeeduna waxay ku malaaseen dhoobo aan nuurad lahayn, oo iyagoo aan Rabbigu la hadlin ayay yidhaahdaan, Sayidka Rabbiga ah ayaa saas leh, illowse waxay arkeen wax aan waxba ahayn, oo wax been ah bay iyaga ugu faaliyeen.

  • 10oo waxay waxarkayaasha ku yidhaahdaan, Waxba ha arkina, oo nebiyadana waxay ku yidhaahdaan, Wax qumman ha noo sheegina, ee waxaad noo sheegtaan waxyaalo macmacaan oo khiyaano miidhan ah.

  • 9Oo haddii nebi intuu wax ku hadlo la khiyaaneeyo, nebigaas aniga Rabbiga ah ayaa khiyaaneeyey, oo gacantaydaan ku soo kor fidin doonaa, oo dadkayga reer binu Israa'iil dhexdiisa ayaan ka baabbi'in doonaa.

  • 33¶ Oo markii dadkan ama nebi ama wadaad uu ku weyddiiyo, oo uu kugu yidhaahdo, Rabbiga warkiisa culus waa maxay? Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Waa war maxay ah? Waan idin xoorayaa, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 6¶ Waxay iyagu ku yidhaahdaan, Waxba ha sii sheegina. Iyagu kuwan waxba uma sii sheegi doonaan. Oo hadallo cay ah kama dhammaan doonaan.

  • 31Nebiyadii waxay sii sheegaan wax been ah, oo wadaaddadiina waxay wax ku xukumaan iyaga taladooda, oo dadkaygiina saasay jecel yihiin, laakiinse bal maxaad ugudambaysta samayn doontaan?

  • 3waa inaydaan dhegaysan erayada nebigaas ama riyaalowgaas, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuu idin tijaabinayaa inuu ogaado bal inaad Rabbiga Ilaahiinna ah ka jeceshihiin qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan iyo in kale.

  • 13Oo nebiyaduna dabayl bay noqon doonaan, oo eraygu iyaga kuma jiro, oo sidaasaa iyaga lagu samayn doonaa.

  • 23sidaas daraaddeed mar dambe wax aan waxba ahayn ma arki doontaan, oo faalna ma faalin doontaan, oo dadkayga ayaan gacantiinna ka samatabbixin doonaa, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 11Nin dabayl iyo khiyaano ku dhex socda hadduu been sheego oo yidhaahdo, Waxaan wax kaaga sii sheegayaa khamri iyo wax lagu sakhraamo, xataa kaasu nebi buu dadkan u noqon doonaa.

  • 24Waayo, innaba mar dambe reer binu Israa'iil lagama dhex heli doono muujin been ah iyo faal sasab ah.

  • 31Kuwa maxaabiista ah oo dhan u cid dir oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu Shemacyaah oo ah reer Nexlaamii ka leeyahay, Shemacyaah wax buu idiin sii sheegay, aniguse sooma aan dirin, oo wuxuu idinka dhigay inaad been isku hallaysaan,

  • 22Markii nebi ku hadlo magaca Rabbiga, haddii wixii uu ku hadlay ayan ahaan oo ayan noqon, waxaas ayaa ah waxa aanu Rabbigu ku hadlin. Nebigu si kibir ah buu u hadlay ee waa inaydaan ka cabsan innaba.

  • 2Sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay adhijirrada dadkayga daajiya, Adhigaygii waad kala firdhiseen, waadna kala erideen, oo soomana aydnaan ilaalin. Bal eega, waxaan idiin ciqaabi doonaa sharkii falimihiinna, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 23maxaa yeelay, nacasnimo ayay dalka Israa'iil ku dhex sameeyeen, oo weliba naagihii derisyadooda ayay ka sinaysteen, oo erayo been ah oo aanan iyaga ku soo amrin ayay magacayga ku hadleen. Anigu kan og baan ahay, oo markhaati baan ka ahay, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 19maxaa yeelay, iyagu ma ay dhegaysan erayadaydii aan iyaga ugu soo dhiibay nebiyadii addoommadayda ahaa, anigoo goor wanaagsan soo diraya, laakiinse waad maqli weydeen, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 10Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, anigu adhijirradaan col ku ahaye, oo adhigaygiina gacantoodaan weyddiin doonaa, oo waxaan iyaga ka joojin doonaa inay idaha daajiyaan, oo adhijirraduna mar dambe isma quudin doonaan. Adhigaygaan afkooda ka samatabbixin doonaa, si uusan cunto ugu noqonin.