Yeremyaah 28:10
Kolkaasaa Nebi Xananyaah harqoodkii qoortii Nebi Yeremyaah ka qaaday oo uu kala jebiyey.
Kolkaasaa Nebi Xananyaah harqoodkii qoortii Nebi Yeremyaah ka qaaday oo uu kala jebiyey.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
11Markaasaa Xananyaah dadkii oo dhan hortiisa ku hadlay oo wuxuu yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaas oo kale intaanay laba sannadood dhammaan ayaan quruumaha oo dhan uga jebin doonaa harqoodka Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon. Kolkaasaa Nebi Yeremyaah iska tegey.
12¶ Oo markii Nebi Xananyaah uu harqoodkii ka jebiyey qoortii Nebi Yeremyaah dabadeed ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Yeremyaah, isagoo leh,
13Tag, oo waxaad Xananyaah ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Adigu waxaad jebisay harqoodkii qoriga ahaa, laakiinse waxaad meeshiisa ka yeelan doontaa harqood bir ah.
14Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Quruumahan oo dhan waxaan qoortooda kor saaray harqood bir ah, si ay ugu adeegaan boqorka Baabuloon oo ah Nebukadnesar, oo iyana way u adeegi doonaan, oo weliba xayawaanka duurkana isagaan siiyey.
15Markaas Nebi Yeremyaah wuxuu Nebi Xananyaah ku yidhi, Xananyaahow, bal haatan i maqal. Rabbigu kuma soo dirin, laakiinse waxaad dadkan ka dhigaysaa inay been isku halleeyaan.
16Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, anigu waan kaa fogayn doonaa dhulka korkiisa, oo isla sannaddan ayaad dhiman doontaa, maxaa yeelay, waxaad ku hadashay caasinimo Rabbiga ka gees ah.
17Sidaas daraaddeed Nebi Xananyaah isla sannaddaas bisheedii toddobaad ayuu dhintay.
1¶ Oo isla sannaddaasba, bilowgii boqornimadii Sidqiyaah uu boqorka ka ahaa dalka Yahuudah, sannaddii afraad bisheedii shanaad ayaa Xananyaah ina Casuur oo ahaa nebigii Gibecoon ka yimid igula hadlay guriga Rabbiga dhexdiisa iyadoo ay wada joogaan wadaaddadii iyo dadkii oo dhammu, oo wuxuu igu yidhi,
2Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu harqoodkii boqorka Baabuloon waan jebiyey.
3Intaanay laba sannadood dhammaan ayaan halkan ku soo celin doonaa weelashii guriga Rabbiga oo uu Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon halkan ka qaatay, oo uu Baabuloon la tegey.
4Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan halkan ku soo celin doonaa Yekonyaah ina Yehooyaaqiim oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo maxaabiistii dadka Yahuudah ee Baabuloon lala tegey oo dhan, waayo, harqoodka boqorka Baabuloon waan jebin doonaa.
5Markaas Nebi Yeremyaah baa la hadlay Nebi Xananyaah iyadoo ay wada joogaan wadaaddadii iyo dadkii guriga Rabbiga dhex taagnaa oo dhammu.
6Oo Nebi Yeremyaah wuxuu yidhi, Aamiin, Rabbigu saas ha yeelo. Rabbigu ha wada sameeyo erayadii aad sii sheegtay oo weelashii guriga Rabbiga ha soo celiyo, oo kuwii maxaabiis ahaanta loo kaxaystay oo dhan Baabuloon ha ka soo celiyo oo meeshan ha keeno.
7Hase ahaatee bal adigu haatan maqal eraygan aan kula hadlayo dhegahaaga iyo dhegaha dadkan oo dhan.
13Oo haatan harqoodkiisa waan idinka jebin doonaa, oo jebbooyinka idinku xidhanna waan jebin doonaa.
1¶ Bilowgii boqornimadii Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo boqor ka ahaa dalka Yahuudah ayaa erayganu Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, isagoo leh,
2Rabbigu wuxuu igu leeyahay, Waxaad samaysataa xadhko iyo harqood, oo waxaad kor saartaa qoortaada.
8¶ Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas ayaan harqoodkiisa qoortaada ka jebin doonaa, oo hadhkaha kugu xidhanna waan jari doonaa, oo shisheeyayaalna mar dambe isaga ma addoonsan doonaan,
14Oo haddana waxaan kala jebiyey ushaydii kale oo aan Xidhiidh u bixiyey, inaan kala gooyo walaalnimadii dadka dalka Yahuudah iyo dadka dalka Israa'iil ka dhexaysay.
27Oo maalintaas rarkiisa ayaa garbahaaga laga qaadi doonaa, oo harqoodkiisana surkaagaa laga dejin doonaa, oo harqoodkuna wuxuu u baabbi'i doonaa saliidda aawadeed.
14Oo isna wuxuu u burburin doonaa sida weelka dheryasameeyahu u burburo oo kale, isagoo burburinaya oo aan u tudhayn, oo sidaas aawadeed burburkiisa lagama dhex heli doono jajab dab meeshiisa lagaga qaado ama biyo berkedda lagaga dhuro.
10Oo waxaan soo qaatay ushaydii aan Raallinimo u bixiyey, oo waan kala jebiyey, si aan u jebiyo axdigaygii aan dadyowga oo dhan la dhigtay.
11Oo maalintaasuu jabay, oo sidaasay kuwii idaha u miskiinsanaa oo i dhegaystay u ogaadeen in kaasu yahay Eraygii Rabbiga.
8Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Quruuntii iyo boqortooyadii aan u adeegin Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon, oo diida inay qoortooda ka hoos mariyaan harqoodka boqorka Baabuloon, quruuntaas waxaan ku ciqaabi doonaa seef iyo abaar iyo belaayo, ilaa aan iyaga gacantiisa ku baabbi'iyo.
23oo weliba adigaan kugu burburin doonaa adhijirka iyo adhigiisaba, oo adigaan kugu burburin doonaa ninkii beerrey ah iyo dibidiisba, oo adigaan kugu burburin doonaa taliyayaasha iyo saraakiishaba.
10Oo markaas jalxadda waxaad ku jebisaa raggii kula socda hortooda.
11Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dadkan iyo magaaladanba waxaan u jejebin doonaa sida weelka dheryasameeyaha loo jebiyo oo kale, kaasoo aan mar kale la kabi karayn, oo waxaa meydadkooda lagu wada xabaali doonaa Tofed, ilamaa ay waayaan meel ay ku kala xabaalaan.
8Markaasaa eraygii Rabbigu ii yimid oo wuxuu igu yidhi,
9Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaas oo kale ayaan u bi'in doonaa kibirka dadka Yahuudah, iyo kibirka weyn oo Yeruusaalemba.
9Nebigii nabad wax ka sii sheega, oo uu eraygii nebigaasu run noqdo, markaas nebigaas waxaa loo aqoonsadaa in Rabbigu isaga dhab ahaan u soo diray.
5Rabbigu wuxuu jebiyey hangoolkii kuwa sharka leh, iyo ushii taliyayaasha.
15Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan magaaladan iyo tuulooyinkeeda oo dhanba ku soo dayn doonaa masiibadii aan markii hore kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, way sii madax adkaadeen, si ayan erayadayda u maqlin aawadeed.
7Markay gacanta kugu qaateen waad jabtay, oo waxaad murkicisay garbahoodii oo dhan, oo markay ku cuskadeenna waad kala jabtay, oo dhexdoodii oo dhanna waad gariirisay.
4Waayo, harqoodkii ku cuslaa, iyo hangoolkii garbaha lagaga dhufan jiray, iyo ushii kii dulmi jiray, ayaad jebisay sidii waagii reer Midyaan.
12Sidaas daraaddeed eraygii Rabbigu wuxuu xagga Rabbiga uga yimid Yeremyaah isagoo leh,
1¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid markii Nebuusaradaan oo sirkaalkii waardiyayaasha ahaa uu Yeremyaah oo silsilado ku xidhan iyo dadka Yeruusaalem iyo kuwa dalka Yahuudah maxaabiis ahaan Baabuloon ugu kaxaynayay oo uu Yeremyaah Raamaah ku sii daayay.
2Sirkaalkii waardiyayaashu Yeremyaah ayuu soo kexeeyey, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa masiibadan meeshan kaga hadlay.
10waayo, been bay idiinku sii sheegaan, si ay dalkiinna idinkaga fogeeyaan, oo aan anigu dibadda idinku kexeeyo, oo aad u halligantaan aawadeed.
11Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Quruuntii qoorteeda ka hoos marisa harqoodka boqorka Baabuloon inay isaga u adeegto aawadeed, taas dalkeedaan ku dayn doonaa, oo beeraheeday sii fali doontaa, wayna sii degganaan doontaa.
12¶ Weliba erayadan oo dhanna waan kula hadlay Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, oo waxaan ku idhi, Qoortiinna ka hoos mariya harqoodka boqorka Baabuloon, oo u adeega isaga iyo dadkiisa, oo saas ku noolaada.
27¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah u yimid markuu boqorku kitaabkii duudduubnaa iyo erayadii uu Baaruug ka qoray afka Yeremyaah gubay dabadeed, oo wuxuu ku yidhi,
8¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid markii Boqor Sidqiyaah uu dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhan axdi la dhigtay dabadeed. Axdigaasuna waa in xorriyad loogu dhawaaqo,
25taasoo ah inaan kan reer Ashuur dalkayga ku jebin doono, buurahayga korkoodana isaga ku tuman doono, markaasaa harqoodkiisu iyaga ka fogaan doonaa, culayskiisuna garbahooda ka degi doonaa.
25Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Maalintaas dhidibkii meesha adag ku dhuuqsanaa wuu ka siibmi doonaa, oo intuu jabo ayuu dhici doonaa, oo culayskii saarnaana waa la baabbi'in doonaa, waayo, Rabbiga ayaa saas ku hadlay.
14Markaas Yeremyaah wuxuu ku yidhi, Taasu waa been, anigu reer Kaldayiin u geli maayo. Laakiinse isagu innaba ma uu dhegaysan, sidaas daraaddeed Yiriyaah wuxuu soo qabtay Yeremyaah, oo amiirradii u keenay.
3laakiinse Baaruug ina Neeriiyaah ayaa nagu soo kaa diray, si uu gacanta reer Kaldayiin noogu rido inay na laayaan, oo ay maxaabiis ahaan Baabuloon noogu kaxaystaan.
21Wiilka Aadamow, Fircoon oo ah boqorka Masar gacantiisaan jebiyey, oo bal eeg, lama kabin si ay u bogsato, oo waxba laguma duubin in xoog loo yeelo si ay seef u qaaddo aawadeed.
16Oo weliba wadaaddada iyo dadkan oo dhanba, waan la hadlay oo waxaan ku idhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Innaba ha maqlina erayadii nebiyadiinna wax idiin sii sheega, oo idinku yidhaahda, Bal ogaada, weelashii guriga Rabbiga mar dhow baa Baabuloon laga soo celin doonaa, waayo, iyagu been bay idiin sii sheegaan.
4Waxaad isaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Wixii aan dhisay waan dumin doonaa, oo wixii aan beerayna waan rujin doonaa, taasuna waa dalka oo dhan.
1¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, isagoo leh,