30Waayo, dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba waxay tan iyo yaraantoodii hortayda ku sameeyeen shar keliya, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iil waxaa keliya oo ay sameeyeen inay shuqulka gacmahooda igaga cadhaysiiyaan.
31Waayo, magaaladanu waxay ii ahayd wax iga dhirfiya oo iga cadhaysiiya tan iyo maalintii ay dhiseen iyo ilaa maantadan la joogo inta ka dhex leh, oo sidaas daraaddeed ayaan wejigayga uga hor fogayn doonaa,
32waana sharkii dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudah ay igaga cadhaysiiyeen oo dhan, iyaga, iyo boqorradooda, iyo amiirradooda, iyo wadaaddadooda, iyo nebiyadooda, iyo dadka Yahuudah, iyo kuwa Yeruusaalem deggan.