Yeremyaah 52:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Haddaba bishii shanaad maalinteedii tobnaad oo ahayd sannaddii sagaal iyo tobnaad oo Nebukadresar boqorkii Baabuloon ahaa waxaa Yeruusaalem yimid Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta oo boqorka Baabuloon u adeegi jiray.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Boq 25:8 : 8 ¶ Haddaba bishii shanaad, maalinteedii toddobaad oo ahayd sannaddii sagaal iyo tobnaad oo Nebukadnesar boqorkii Baabuloon ayaa waxaa Yeruusaalem yimid Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta oo ahaa addoonkii boqorkii Baabuloon.
  • Yer 39:9 : 9 Markaasaa Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta wuxuu Baabuloon maxaabiis ahaan ugu kaxaystay dadkii magaalada ku hadhay, iyo kuwii cararay ee isaga u galay, iyo dadka intiisii kale ee hadhayba.
  • Yer 52:29 : 29 oo sannaddii siddeed iyo tobnaad oo Boqor Nebukadresarna wuxuu Yeruusaalem maxaabiis ahaan uga kaxaystay siddeed boqol iyo laba iyo soddon qof.
  • Sak 8:19 : 19 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Soonkii bisha afraad iyo soonkii bisha shanaad iyo soonkii bisha toddobaad iyo soonkii bisha tobnaadba waxay dadka dalka Yahuudah u noqon doonaan farxad iyo rayrayn iyo iido lagu rayreeyo, haddaba sidaas daraaddeed jeclaada runta iyo nabadda.
  • 2 Boq 24:12 : 12 Markaasaa Yehooyaakiin oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah u soo baxay boqorkii Baabuloon, isagii, iyo hooyadiis, iyo addoommadiisii, iyo amiirradiisii, iyo saraakiishiisiiba, oo boqorkii Baabuloon ayaa isagii kaxeeyey sannaddii siddeedaad oo boqornimadiisa.
  • Bil 37:36 : 36 Markaasay kuwii reer Midyaan isagii Masar kaga iibiyeen nin la odhan jiray Footiifar, wuxuuna ahaa sirkaalkii Fircoon oo ahaa madaxa waardiyayaasha.
  • Yer 52:14 : 14 Oo ciidankii reer Kaldayiin oo sirkaalkii askarta la socday oo dhammuna waxay wada dumiyeen derbiyadii Yeruusaalem ku wareegsanaa oo dhan.
  • Sak 7:3-5 : 3 iyo inay la hadlaan wadaaddadii guriga Rabbiga ciidammada, iyo nebiyadii, oo ay ku yidhaahdaan, Miyaan bisha shanaad ooyaa, oo miyaan gooni iska dhigaa sidii aan yeeli jiray sannadahan badan oo dhan? 4 Oo haddana waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo wuxuu igu yidhi, 5 Waxaad la hadashaa dadka dalka deggan oo dhan iyo wadaaddadaba, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad soomi jirteen oo aad barooran jirteen bisha shanaad iyo bisha toddobaad, oo ah toddobaatankan sannadood, miyaad innaba aniga ii soomi jirteen?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 91%

    7Oo Sidqiyaah wiilashiisiina hortiisay ku laayeen, dabadeedna Sidqiyaah indhihii bay ka soo bixiyeen, silsiladona bay ku xidheen, oo waxay u kaxeeyeen Baabuloon.

    8¶ Haddaba bishii shanaad, maalinteedii toddobaad oo ahayd sannaddii sagaal iyo tobnaad oo Nebukadnesar boqorkii Baabuloon ayaa waxaa Yeruusaalem yimid Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta oo ahaa addoonkii boqorkii Baabuloon.

    9Markaasuu gubay gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka; oo wuxuu kaloo gubay guryihii Yeruusaalem oo dhan, kuwaasoo ahaa guri kasta oo weyn.

    10Markaasaa ciidankii reer Kaldayiin oo dhan oo la socday sirkaalkii askarta waxay wada dumiyeen derbiyadii Yeruusaalem ku wareegsanaa.

    11Oo Nebuusaradaan wuxuu maxaabiis ahaan u kaxaystay dadkii magaalada ku hadhay, iyo kuwii cararay oo u galay boqorkii Baabuloon, iyo intii dadkii faraha badnaa ka hadhay.

  • Yer 52:3-11
    9 aayado
    84%

    3Oo tanu waxay Yeruusaalem iyo dalka Yahuudah ugu dhacday cadhadii Rabbiga aawadeed ilaa uu hortiisa ka tuuray, kolkaasaa Sidqiyaahna ka fallaagoobay boqorkii Baabuloon.

    4Oo sannaddii sagaalaad oo boqornimadiisa, bishii tobnaad, maalintii tobnaad ayaa Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon iyo ciidankiisii Yeruusaalem ku keceen, oo intay hor degeen ayay qalcado hareereheeda ka dhisteen.

    5Oo sidaasay magaaladii u hareeraysnayd tan iyo sannaddii kow iyo tobnaad oo Boqor Sidqiyaah.

    6Oo maalintii sagaalaad, bishii afraad, ayaa abaartii magaaladii aad iyo aad ugu xumaatay, oo sidaas daraaddeed dadkii dalka degganaa cunto ma haysan.

    7Markaasaa meel magaalada ahayd la jebiyey, oo raggii dagaalka oo dhammuna way carareen, oo waxay goor habeennimo ah magaaladii kaga bexeen iriddii labada derbi u dhaxaysay oo beertii boqorka ku ag tiil (haddaba reer Kaldayiin waxay ku wareegsanaayeen magaalada). Oo waxay mareen jidkii Caraabaah.

    8Laakiinse ciidankii reer Kaldayiin ayaa boqorkii eryaday, oo waxay Sidqiyaah ku gaadheen bannaannadii Yerixoo, oo ciidankiisii oo dhammuna way ka kala firdheen.

    9Markaasay boqorkii qabsadeen oo boqorkii Baabuloon ugu geeyeen Riblaah oo ku tiil dalka Xamaad, wuuna xukumay.

    10Oo boqorkii Baabuloon Sidqiyaah wiilashiisii hortiisuu ku laayay, oo weliba amiirradii dalka Yahuudah oo dhanna wuxuu ku wada laayay Riblaah.

    11Oo weliba Sidqiyaahna indhihii buu ka riday, oo boqorkii Baabuloon wuxuu ku xidhxidhay silsilado oo wuxuu u kaxaystay Baabuloon, oo xabsi buu ku riday ilaa maalintii dhimashadiisa.

  • Yer 39:1-2
    2 aayado
    82%

    1¶ Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii sagaalaad, bisheedii tobnaad ayay Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon iyo ciidankiisii oo dhammu Yeruusaalem ku keceen, wayna hareereeyeen,

    2Boqor Sidqiyaah sannaddiisii kow iyo tobnaad, bisheedii afraad, maalinteedii sagaalaad ayaa meel magaalada ahayd la jebiyey,

  • 2 Boq 25:1-2
    2 aayado
    80%

    1¶ Oo sannaddii sagaalaad oo boqornimadiisa bishii tobnaad maalinteedii tobnaad ayaa Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon iyo ciidankiisii Yeruusaalem ku kaceen, oo intay hor degeen ayay qalcado hareereheeda ka dhisteen.

    2Oo sidaasay magaaladii u hareeraysnayd tan iyo sannaddii kow iyo tobnaad oo Boqor Sidqiyaah.

  • Yer 52:25-31
    7 aayado
    80%

    25Oo wuxuu magaaladii kala soo baxay sirkaal u sarreeyey raggii dagaalyahanka ahaa, iyo toddoba nin oo ka mid ahaa kuwii boqorka hor joogi jiray oo magaaladii laga dhex helay, iyo karraanigii sirkaalka ciidanka ee ururin jiray dadkii waddanka, iyo lixdan nin oo ahaa dadkii dalka degganaa oo magaaladii laga dhex helay.

    26Markaasaa Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askartu iyagii kexeeyey oo Riblaah ugu geeyey boqorkii Baabuloon.

    27Markaasaa boqorkii Baabuloon iyagii ku laayay Riblaah oo ku taal dalka Xamaad. Oo sidaasaa dadkii Yahuudah dalkoodii looga kaxaystay iyagoo maxaabiis ah.

    28Oo sannaddii toddobaad dadkii uu Boqor Nebukadresar maxaabiisahaanta u kaxaystay waxay ahaayeen saddex kun iyo saddex iyo labaatan qof oo Yuhuud ah,

    29oo sannaddii siddeed iyo tobnaad oo Boqor Nebukadresarna wuxuu Yeruusaalem maxaabiis ahaan uga kaxaystay siddeed boqol iyo laba iyo soddon qof.

    30Oo sannaddii saddex iyo labaatanaad oo Boqor Nebukadresarna Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta ayaa Yuhuuddii maxaabiis ahaan uga kaxaystay toddoba boqol iyo shan iyo afartan qof, oo dadkii la kaxaystay oo dhammuna waxay ahaayeen afar kun iyo lix boqol oo qof.

    31¶ Oo sannaddii toddoba iyo soddonaad intii boqorkii dalka Yahuudah oo Yehooyaakiin ahaa uu xidhnaa, bishii laba iyo tobnaad, maalinteedii shan iyo labaatanaad Ewiil Merodag oo ahaa boqorkii Baabuloon sannaddii uu boqor noqday ayuu sara u qaaday Yehooyaakiin oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo xabsiguu ka soo bixiyey.

  • Yer 52:13-15
    3 aayado
    79%

    13Markaasuu gubay gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka, oo wuxuu kaloo gubay guryihii Yeruusaalem oo dhan, kuwaasoo ahaa guri kasta oo weyn.

    14Oo ciidankii reer Kaldayiin oo sirkaalkii askarta la socday oo dhammuna waxay wada dumiyeen derbiyadii Yeruusaalem ku wareegsanaa oo dhan.

    15Markaasaa Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askartu wuxuu maxaabiis ahaan u kaxaystay masaakiintii dadka qaarkood, iyo dadkii magaalada ku hadhay, iyo kuwii cararay oo u galay boqorkii Baabuloon, iyo intii dadkii faraha badnaa ka hadhay.

  • 1¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid markii Nebuusaradaan oo sirkaalkii waardiyayaasha ahaa uu Yeremyaah oo silsilado ku xidhan iyo dadka Yeruusaalem iyo kuwa dalka Yahuudah maxaabiis ahaan Baabuloon ugu kaxaynayay oo uu Yeremyaah Raamaah ku sii daayay.

  • Yer 39:7-9
    3 aayado
    77%

    7Oo weliba Sidqiyaahna indhihii buu ka riday, oo silsilado ku xidhxidhay si uu Baabuloon ugu kaxaysto.

    8Markaasay reer Kaldayiin dab ku gubeen gurigii boqorka iyo guryihii dadkaba, oo derbiyadii Yeruusaalemna way wada dumiyeen.

    9Markaasaa Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta wuxuu Baabuloon maxaabiis ahaan ugu kaxaystay dadkii magaalada ku hadhay, iyo kuwii cararay ee isaga u galay, iyo dadka intiisii kale ee hadhayba.

  • 11Haddaba Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon wuxuu Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta siiyey amar ku saabsan Yeremyaah, oo wuxuu isagii ku yidhi,

  • 76%

    19oo wuxuu magaaladii kala soo baxay sirkaal u sarreeyey raggii dagaalyahanka ahaa, iyo shan nin oo ka mid ahaa kuwii boqorka hor joogi jiray oo magaaladii laga dhex helay, iyo karraanigii sirkaalka ciidanka ee ururin jiray dadkii waddanka, iyo lixdan nin oo ahaa dadkii dalka degganaa oo magaaladii laga dhex helay.

    20Markaasaa Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askartu iyagii kaxeeyey, oo Riblaah ugu geeyey boqorkii Baabuloon.

  • 21¶ Oo sannaddii laba iyo tobnaad ee maxaabiisnimadayadii, bisheedii tobnaad, maalinteedii shanaad ayaa mid Yeruusaalem ka soo baxsaday ii yimid, oo wuxuu igu yidhi, Magaaladii waa la qabsaday.

  • 76%

    10Markaasaa waxaa Yeruusaalem yimid oo magaaladii hareereeyey addoommadii Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon.

    11Oo Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon ayaa soo gaadhay magaaladii intay addoommadiisii hareera joogeen.

    12Markaasaa Yehooyaakiin oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah u soo baxay boqorkii Baabuloon, isagii, iyo hooyadiis, iyo addoommadiisii, iyo amiirradiisii, iyo saraakiishiisiiba, oo boqorkii Baabuloon ayaa isagii kaxeeyey sannaddii siddeedaad oo boqornimadiisa.

  • 10Oo markii sannaddii soo wareegtay ayaa Boqor Nebukadnesar soo cid diray, oo wuxuu Baabuloon keenay isagii iyo weelashii wanaagsanaa oo gurigii Rabbiga, oo walaalkiis Sidqiyaahna ayuu boqor uga dhigay dalkii Yahuudah iyo Yeruusaalem.

  • Yer 32:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid sannaddii tobnaad ee Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo kaasu wuxuu ahaa sannaddii siddeed iyo tobnaad oo Nebukadresar.

    2Markaasaa ciidankii boqorka Baabuloon Yeruusaalem hareereeyeen. Oo Nebi Yeremyaahna wuxuu ku xidhnaa barxaddii xabsigii ku dhex yiil gurigii boqorka dalka Yahuudah.

  • 1¶ Sannaddii saddexaad oo boqornimadii boqorkii Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim waxaa Yeruusaalem yimid oo hareereeyey boqorkii Baabuloon oo ahaa Nebukadnesar.

  • 3Oo wuxuu kaloo isaga u yimid wakhtigii Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah uu dalka Yahuudah boqor ka ahaa, iyo ilaa sannaddii kow iyo tobnaad ee Sidqiyaah ina Yoosiyaah uu dalka Yahuudah boqor ka ahaa, iyo ilaa waagii Yeruusaalem maxaabbiisahaanta loo kaxaystay bishii shanaad.

  • 13Sidaas daraaddeed Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta iyo Nebuushasbaan, iyo Rab Saariis, iyo Neergal Shareser, iyo Rab Maag, iyo saraakiishii sare oo boqorka Baabuloon oo dhammuba

  • 12Haddaba waxaad reerka caasiyoobay ku tidhaahdaa, War miyaydaan waxyaalahaas micnahooda garanayn? Waxaad ku tidhaahdaa, Bal eega, boqorkii Baabuloon Yeruusaalem buu yimid, oo wuxuu kaxaystay boqorkeedii iyo amiirradeediiba, oo Baabuloon buu u watay.

  • 5Laakiinse ciidankii reer Kaldayiin ayaa iyagii eryaday, oo waxay Sidqiyaah ku gaadheen bannaannadii Yerixoo, oo markay qabsadeen ayay Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon ugu geeyeen Riblaah oo ku tiil dalka Xamaad, wuuna xukumay.

  • 20oo uusan Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon qaadan markuu maxaabiis ahaanta u kaxaystay boqorkii dalka Yahuudah oo ahaa Yekonyaah ina Yehooyaaqiim iyo saraakiishii dadka Yahuudah iyo reer Yeruusaalemba, oo intuu Yeruusaalem ka kaxaystay uu Baabuloon la tegey,

  • 15Yehoosaadaaqna maxaabiis ahaan buu tegey waagii Rabbigu dadkii Yahuudah iyo Yeruusaalem uu gacantii Nebukadnesar ku kaxeeyey.

  • 2Boqor Yehooyaakiin maxaabiis ahaantiisii sannaddeedii shanaad bisha maalinteedii shanaad