Ayuub 16:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Hadal dabayl ahu miyuu dhammaadaa? Balse maxaa kaa dhirfinaya oo aad u jawaabaysaa?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 6:26 : 26 Ma waxaad u malaynaysaan inaad erayo canaanataan? Maxaa yeelay, kii quustay hadalkiisu waa sida dabayl oo kale.
  • Ayuub 15:2 : 2 War nin xigmad lahu miyuu ku jawaabaa aqoon aan waxba tarayn, Oo bal miyuu calooshiisa ka buuxiyaa dabaysha bari?
  • Ayuub 20:3 : 3 Waxaan maqlay canaanta i ceebaysa, Oo waxaa ii jawaabta waxgarashadayda.
  • Ayuub 32:3-6 : 3 Oo weliba wuxuu aad ugu cadhooday saddexdiisii saaxiib, maxaa yeelay, iyagu jawaab ma ay helin, ee weliba Ayuub way xukumeen. 4 Haddaba Eliihuu inuu Ayuub la hadlo ayuu sugayay, maxaa yeelay, iyagu isaga way ka waaweynaayeen. 5 Oo Eliihuu markuu arkay inaan jawaab afka saddexdaas nin lagu arag ayuu aad u cadhooday. 6 ¶ Oo Eliihuu ina Barakeel oo ahaa reer Buus ayaa jawaabay oo wuxuu yidhi, Anigu waxaan ahay nin dhallinyar, idinkuse odayaal baad tihiin, Sidaas daraaddeed ayaan dib isugu celiyey, oo aan ugu dhici waayay inaan ra'yigayga idiin caddeeyo.
  • Mat 22:46 : 46 Ninna hadal uguma jawaabi karin, oo maalintaas dabadeed ninna kuma dhicin inuu mar dambe wax weyddiiyo.
  • Titus 1:11 : 11 Kuwaas afkooda waa in la xidho, maxaa yeelay, waa kuwa reero dhan gembiya iyagoo faa'iidada ceebta ah aawadeed u baraya waxyaalo aan waajib ahayn inay baraan.
  • Titus 2:8 : 8 iyo hadal run ah oo aan ceeb lahayn, si midka geesta kaa ahu u ceeboobo, oo uusan u helin wax xun oo uu inaga sheego.
  • Ayuub 8:2 : 2 Ilaa goormaad waxyaalahan ku hadlaysaa? Oo ilaa goormaa erayada afkaagu ahaanayaan sida dabayl xoog badan?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ayuub 11:2-3
    2 aayado
    79%

    2War sow waajib ma aha in laga jawaabo erayada faraha badan? Balse ninka hadalka badan xaq ma laga dhigaa?

    3Amase faankaagu miyuu dadka aamusiin karaa? Oo markaad majaajilootid miyaan ninna ku kashifi karin?

  • 77%

    12Bal maxaa qalbigaagu kuu fogeeyaa? Maxaase indhahaagu u gabgab leeyihiin?

    13Oo aad ruuxaaga Ilaah ugu soo jeedisaa, Oo erayo caynkaas ah aad afkaaga uga soo daysaa?

  • 77%

    25Erayo runu xoog badanaa! Laakiinse bal canaantiinna muranka ahu maxay caddaysaa?

    26Ma waxaad u malaynaysaan inaad erayo canaanataan? Maxaa yeelay, kii quustay hadalkiisu waa sida dabayl oo kale.

  • Ayuub 18:1-2
    2 aayado
    77%

    1¶ Markaasaa Bildad oo ahaa reer Shuuxii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,

    2War ilaa goormaad hadallo sii wadaysaan? War bal fiirsada, oo annana dabadeed baannu hadlaynaa.

  • Ayuub 16:1-2
    2 aayado
    77%

    1Markaasaa Ayuub u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,

    2Anigu waan maqlay waxyaalo badan oo caynkaas ah. Idinku dhammaantiin waxaad tihiin qalbiqabowjiyayaal qalqalloocan.

  • Ayuub 16:4-6
    3 aayado
    76%

    4Haddii naftiinnu ahaan lahayd naftayda, Anigu waan u hadli kari lahaa sidiinna oo kale, Oo hadal waan idinku kor tuuli kari lahaa, Oo madaxaygana waan idinku ruxruxi kari lahaa.

    5Laakiinse anigu afkayga waan idinku xoogayn lahaa, Oo tacsiyaynta bushimahayguna way idin qalbi qabowjin lahayd.

    6Anigu haddaan hadlo xanuunkaygu igama yaraado, Oo haddaan iska aamusona miyaan in ka yar xanuunsadaa?

  • Ayuub 15:2-3
    2 aayado
    76%

    2War nin xigmad lahu miyuu ku jawaabaa aqoon aan waxba tarayn, Oo bal miyuu calooshiisa ka buuxiyaa dabaysha bari?

    3Miyayse ku habboon tahay inuu ku xaajowdo hadal aan faa'iido lahayn, Amase hadallo uusan innaba wanaag ku samayn karin?

  • 16Haddaba sidaas daraaddeed ayaa Ayuub hadalka aan waxtarka lahayn afkiisa ugu furaa, Oo isagoo aan aqoon lahayn ayuu erayo badiyaa.

  • 34Haddaba bal maxaad si aan waxba tarayn iigu qalbiqabowjinaysaan, Maxaa yeelay, jawaabihiinnii been oo keliya ayaa ku hadhay?

  • Ayuub 26:3-4
    2 aayado
    75%

    3Sidee baad ula talisay kan aan xigmadda lahayn! Oo aad u muujisay aqoon wanaagsan!

    4Yaad erayo kula hadashay? Oo yaa ruuxiisu xaggaaga ka soo baxay?

  • Ayuub 19:1-2
    2 aayado
    74%

    1Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu yidhi,

    2War ilaa goormaad naftayda dhibaysaan Oo aad erayo igu burburinaysaan?

  • 2Ilaa goormaad waxyaalahan ku hadlaysaa? Oo ilaa goormaa erayada afkaagu ahaanayaan sida dabayl xoog badan?

  • 13¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Erayadiinnii waxay ahaayeen erayo adag oo iga gees ah, idinkuse waxaad tidhaahdaan, Goormaannu wax kaa sheegnay?

  • 14Waayo, isagu erayadiisii iguma uu soo jeedin, Oo anigu hadalladiinnii isaga ugu jawaabi maayo.

  • Ayuub 38:2-3
    2 aayado
    73%

    2Waa kuma kan talada ku madoobeeya Erayada aan aqoonta lahayn?

    3Haddaba sida nin rag ah dhexda u gunto, Waayo, wax baan ku weyddiinayaa, oo adna waa inaad ii sheegtaa.

  • 12Bal eega, idinku kulligiin waad aragteen, Haddaba bal maxaad dhammaantiin nacasyo u wada noqoteen?

  • 3Waxaan maqlay canaanta i ceebaysa, Oo waxaa ii jawaabta waxgarashadayda.

  • 32Haddaad wax odhan lahayd, ii jawaab, Oo hadal, waayo, waxaan jeclahay inaan xaq kaa dhigo.

  • 5Haddaba haddaad kartid ii jawaab, Oo hortayda erayada si hagaagsan ugu sheeg oo istaag.

  • Ayuub 40:2-3
    2 aayado
    72%

    2Kii murmayaa ma Ilaaha Qaadirka ah buu la diriri karaa? Kii Ilaah la doodayaa ha ka jawaabo taas.

    3Markaasaa Ayuub Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

  • 14Haddaba bal anigu sidee baan ugu jawaabi karaa, Oo aan erayadayda kala doortaa si aan isaga kula hadlo?

  • 19Bal yuu yahay kan ila doodayaa? Waayo, hadda waan iska aamusayaa oo naftuna waa iga dhacaysaa.

  • 2Mid hadduu isku dayo inuu kula hadlo, ma ka xumaanaysaa? Laakiinse bal yaa hadal iska celin kara?

  • 20Anigu waan hadli doonaa, si aan u qalbi qabowsado; Oo bushimahayga waan kala qaadi doonaa, waanan jawaabi doonaa.

  • 1¶ Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

  • Ayuub 21:3-4
    2 aayado
    72%

    3Bal mar ii oggolaada aan hadlee, Oo kolkii aan hadlo dabadeed iska sii majaajilooda.

    4Balse anigu ma dad baan ka ashtakoonayaa? Maxaan u ahaan waayay mid aan dulqaadan?

  • 22Oo markaas ii yeedh, oo anna waan kuu jawaabi doonaa, Amase anigu aan hadlo oo adigu ii jawaab.

  • 16Haddaba haddaad waxgarad tahay, waxan maqal; Oo erayadayda codkooda dhegayso.

  • 3Haddaba ma mid sidaas oo kalaad indhaha u kala qaadaysaa? Oo ma anigaad xukun ila soo gelaysaa?

  • 13Haddaba maxaad isaga ula asaraartantaa? Waayo, isagu axwaalkiisa midnaba jawaab kama baxsho.

  • 70%

    35Ayuub aqoonla'aan buu ku hadlaa, Oo hadalkiisana xigmadu kuma jirto.

    36Waxaan jeclaan lahaa in Ayuub tan iyo ugudambaysta la sii imtixaamo, Maxaa yeelay, wuxuu u jawaabaa sida dadka sharka ah.

  • 1¶ Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

  • 7War ma Ilaah aawadiis baad xaqdarro wax ugu odhanaysaan, Oo ma isaga aawadiis baad khiyaano ugu hadlaysaan?

  • 20Isaga ma loo sheegi doonaa inaan hadli doono? Ninse miyuu jecel yahay in isaga la liqo?

  • Ayuub 40:8-9
    2 aayado
    70%

    8War ma xukunkaygaad burinaysaa? Oo ma waxaad ii xukumaysaa inaad xaq noqotid?

    9Adiguse ma waxaad leedahay Ilaah gacantiisa oo kale? Oo codkiisa oo kale miyaad ku onkodi kartaa?