Ayuub 2:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Addoonkayga Ayuub ma ka fikirtay? Maxaa yeelay, isaga oo kale dhulka ma joogo, waayo, isagu waa nin qumman oo toosan, oo ah mid Ilaah ka cabsada oo sharka ka fogaada. Oo weliba isagu daacadnimadiisii wuu sii haystaa, in kastoo aad igu dirtay, si aan isaga sababla'aan ugu halligo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 1:8 : 8 Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Addoonkayga Ayuub ma ka fikirtay? Maxaa yeelay, isaga oo kale dhulka ma joogo, waayo, isagu waa nin qumman oo toosan, oo ah mid Ilaah ka cabsada oo sharka ka fogaada.
  • Ayuub 9:17 : 17 Waayo, isagu wuxuu igu jejebiyaa duufaan, Oo nabrahaygana sababla'aan buu u sii kordhiyaa.
  • Ayuub 1:1 : 1 ¶ Dalka Cuus la yidhaahdo waxaa joogi jiray nin magiciisa Ayuub la odhan jiray, oo ninkaasuna wuxuu ahaa nin qumman oo toosan, wuxuuna ahaa mid Ilaah ka cabsada oo sharka ka fogaada.
  • Ayuub 27:5-6 : 5 Ilaah ha iga fogeeyo inaan xaq idinka dhigo, Jeeraan dhinto daacadnimadayda iska tuuri maayo. 6 Xaqnimadayda waan xajisanayaa, oo iska sii dayn maayo, Oo qalbigaygu i ceebayn maayo intaan noolahay oo dhan.
  • Sab 26:1 : 1 Rabbiyow, i xukun, waayo, waxaan ku socday daacadnimadayda, Oo weliba waxaan Rabbiga isugu halleeyey rogrogmashola'aan.
  • Sab 37:37 : 37 Bal fiiri ninka kaamilka ah, oo bal eeg, kan qumman, Waayo, ninkaas ugu dambaystiisu waa nabad.
  • Sab 41:12 : 12 Laakiinse aniga waxaad ii tiirisaa daacadnimadayda aawadeed, Oo weligaaba waxaad i fadhiisisaa wejigaaga hortiisa.
  • Maah 11:8 : 8 Kii xaq ah waxaa laga samatabbixiyaa dhibaato, Oo meeshiisana waxaa yimaada kii shar leh.
  • Maah 13:6 : 6 Xaqnimadu kii jidkiisu qumman yahay ayay ilaalisaa, Laakiinse sharnimadu dembilaha ayay afgembidaa.
  • Maah 14:2 : 2 Kii qummanaantiisa ku socda ayaa Rabbiga ka cabsada, Laakiinse kii jidkiisa ku qalloocan wuu quudhsadaa isaga.
  • Maah 15:8 : 8 Allabariga kuwa sharka lahu Rabbiga waa u karaahiyo, Laakiinse kuwa qumman baryadoodu isagay ka farxisaa.
  • Maah 16:17 : 17 Kuwa qumman jidkoodu waa inay sharka ka leexdaan, Kii jidkiisa dhawraa naftiisuu ilaaliyaa.
  • Yoox 9:3 : 3 Ciise ayaa ugu jawaabay, Ninkan iyo waalidkiis midna ma dembaabin, laakiin waa in shuqullada Ilaah lagu muujiyo isaga.
  • Fil 3:12 : 12 Mana aha inaan hore u helay amase hore la ii kaamilay, laakiinse waan ku sii dadaalayaa inaan qabsado wixii Ciise Masiix ii qabtay.
  • Yac 1:12 : 12 ¶ Waxaa barakaysan ninka jirrabaadda u sii adkaysta, waayo, goortii loo bogo, wuxuu heli doonaa taajka nolosha kan Ilaah u ballanqaaday kuwa isaga jecel.
  • 1 But 1:7 : 7 Si loo tijaabiyo rumaysadkiinna, oo aad uga sii qaalisan dahabka oo ah wax baabba'a in kastoo dab lagu tijaabiyo. Markaasaa laga helayaa mahad iyo ammaan iyo ciso markii Ciise Masiix la muujiyo.
  • 1 But 5:10 : 10 Haddaba Ilaaha leh nimcada oo dhan oo idiinku yeedhay ammaantiisa daa'imkaa oo Masiixa ku jirta, markii aad in yar xanuunsataan ka dib isagu wuu idin kaamili doonaa, oo idin adkayn doonaa, oo idin xoogayn doonaa.
  • Ayuub 9:20 : 20 In kastoo aan xaq ahay, afkayga ayaa i xukumi doona, In kastoo aan qummanahay, waxaa igu caddaan doonta qalloocnaan.
  • Ayuub 13:15 : 15 Oo in kastoo uu i dilo, weli waan rajaynayaa, Habase yeeshee hortiisaan kula xaajoonayaa.
  • Ayuub 1:11 : 11 Laakiinse haddaba bal gacantaada soo fidi, oo wuxuu haysto oo dhan taabo, oo isna sida runta ah, hortaada wax xun buu kaaga sheegi doonaa.
  • Ayuub 1:21-22 : 21 oo wuxuu yidhi, Anigoo qaawan baan uurkii hooyaday ka soo baxay, oo haddana anigoo qaawan baan halkaas ku noqon doonaa. Rabbigaa wax i siiyey, oo haddana Rabbigaa iga qaatay, ammaan waxaa leh magaca Rabbiga. 22 Oo waxyaalahaas oo dhan Ayuub innaba kuma uu dembaabin, oo Ilaahna eed kama uu sheegin.
  • Bil 6:9 : 9 ¶ Kuwanu waa farcankii Nuux. Nuux wuxuu ahaa nin xaq ah, oo ku eed la' farcankiisii; Nuuxna Ilaah buu la socon jiray.
  • 2 Sam 20:20 : 20 Markaasaa Yoo'aab wuxuu ugu jawaabay, Inaan wax liqo oo dumiyo ha iga fogaato, oo ha iga dheeraato.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ayuub 1:5-12
    8 aayado
    95%

    5Oo maalmihii ay diyaafaddii hayn jireen markay dhammaadaan ayaa Ayuub carruurtiisii u cid diri jiray oo daahirin jiray, oo intuu aroor hore kaco ayuu intay ahaayeen oo dhan u bixin jiray qurbaanno la gubo, waayo, Ayuub wuxuu isyidhi, Waaba intaasoo wiilashaydu ay dembaabeen, oo ay qalbigooda Ilaah wax xun kaga sheegeen. Oo Ayuubna sidaasuu yeeli jiray had iyo goorba.

    6¶ Haddaba waxaa jirtay maalin ay Ilaah wiilashiisu u yimaadeen inay Rabbiga hortiisa isa soo taagaan, oo weliba Shayddaanna wuu soo dhex galay.

    7Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, War xaggee baad ka timid? Oo Shayddaan wuxuu Rabbiga ugu jawaabay, Waxaan ka imid dhulkii aan maray, oo aan hor iyo dibba ugu dhex socday.

    8Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Addoonkayga Ayuub ma ka fikirtay? Maxaa yeelay, isaga oo kale dhulka ma joogo, waayo, isagu waa nin qumman oo toosan, oo ah mid Ilaah ka cabsada oo sharka ka fogaada.

    9Markaasaa Shayddaan Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Bal Ayuub ma waxtarla'aan buu Ilaah uga cabsadaa?

    10Sow deyr kuma aad wareejin isaga, iyo reerkiisa, iyo waxa uu haysto oo dhanba? Shuqulkii gacmihiisaad barakaysay, oo xoolihiisiina dhulkay aad ugu bateen.

    11Laakiinse haddaba bal gacantaada soo fidi, oo wuxuu haysto oo dhan taabo, oo isna sida runta ah, hortaada wax xun buu kaaga sheegi doonaa.

    12Markaaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Bal eeg, wuxuu haysto oo dhammu gacantaaday ku jiraan, laakiinse isaga nafsaddiisa waa inaadan far saarin. Markaasaa Shayddaan Rabbiga hortiisii ka tegey.

  • Ayuub 2:1-2
    2 aayado
    83%

    1¶ Haddaba waxaa kaloo jirtay maalin kale oo ay Ilaah wiilashiisu u yimaadeen inay Rabbiga hortiisa isa soo taagaan, oo weliba Shayddaanna wuu soo dhex galay, si uu isna Rabbiga isu soo hor taago.

    2Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, War xaggee baad ka timid? Oo Shayddaan wuxuu Rabbiga ugu jawaabay, Waxaan ka imid dhulkii aan maray, oo aan hor iyo dibba ugu dhex socday.

  • Ayuub 2:4-10
    7 aayado
    81%

    4Markaasaa Shayddaan wuxuu Rabbiga ugu jawaabay, Haragba harag baa loo baxshaa, oo nin wuxuu haysto oo dhan ayuu naftiisa u baxshaa.

    5Laakiinse bal haatan gacantaada soo fidi, oo lafihiisa iyo jiidhkiisa taabo, oo isna markaasuu hortaada wax xun kaaga sheegi doonaa.

    6Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Bal eeg, gacantaaduu ku jiraa, waxaadse u daysaa naftiisa.

    7Markaasaa Shayddaan Rabbiga hortiisii ka tegey, oo wuxuu Ayuub tin iyo cedhib ku dhuftay boogo xunxun.

    8Markaasaa Ayuub wuxuu qaatay dheri burburkiis inuu isku xoqo, oo wuxuu dhex fadhiistay dambas.

    9Markaasaa naagtiisii waxay ku tidhi, War ma weli baad daacadnimadaadii sii haysanaysaa? War hoy, Ilaah wax xun ka sheeg, oo iska dhimo.

    10Laakiinse wuxuu iyadii ku yidhi, Waxaad u hadlaysaa sida naagaha nacasyada ah middood. Naa waa sidee? Ilaah gacantiisa intaynu samaan ka qaadanno, miyaynan xumaanna ka qaadanayn? Oo in kastoo waxyaalahaas oo dhammu ay ku dheceen Ayuub innaba afkiisa kuma dembaabin.

  • 1¶ Dalka Cuus la yidhaahdo waxaa joogi jiray nin magiciisa Ayuub la odhan jiray, oo ninkaasuna wuxuu ahaa nin qumman oo toosan, wuxuuna ahaa mid Ilaah ka cabsada oo sharka ka fogaada.

  • Ayuub 42:7-8
    2 aayado
    75%

    7¶ Oo markii Rabbigu erayadaas Ayuub kula hadlay dabadeed wuxuu Eliifas oo reer Teemaan ahaa ku yidhi, Cadhadaydii baa ku kululaatay adiga iyo labadaadii saaxiibba, waayo, idinku wixii xaqa ahaa igama aydaan sheegin, sidii addoonkayga Ayuub uu yeelay oo kale.

    8Haddaba sidaas daraaddeed waxaad soo wadataan toddoba dibi iyo toddoba wan, oo waxaad u tagtaan addoonkayga Ayuub, oo waxaad nafsaddiinna daraaddeed u bixisaan qurbaan la gubo; oo addoonkayga Ayuub wuu idiin ducaynayaa, waayo, isagaan ka aqbalayaa, si aanan idinkula macaamiloon sidii nacasnimadiinnii ahayd, waayo, idinku wixii xaqa ahaa igama aydaan sheegin sidii addoonkayga Ayuub uu yeelay oo kale.

  • 1Markaasaa Ayuub Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

  • 22Oo waxyaalahaas oo dhan Ayuub innaba kuma uu dembaabin, oo Ilaahna eed kama uu sheegin.

  • Sak 3:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Oo wuxuu i tusay Yashuuca oo ah wadaadka sare oo hor taagan malaggii Rabbiga, iyo Shayddaan oo taagan gacantiisa midig si uu u ashtakeeyo.

    2Markaas Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Shayddaanow, Rabbigu ha ku canaanto, Rabbiga Yeruusaalem doortay ha ku canaanto. Sow kanu ma aha qori dab laga dhiftay?

  • 3Markaasaa Ayuub Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

  • 13Waxaad tahay mid indhihiisu ka sii daahirsan yihiin inay wax shar ah eegaan, oo qalloocna ma fiirin kartid, haddaba bal maxaad u fiirisaa kuwa khiyaanada sameeya? Oo maxaad u aamusan tahay marka sharrowgu liqo ninka isaga ka sii xaq yahay?

  • 1Oo weliba Rabbigu Ayuub buu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

  • 14Ayuubow, bal tan dhegayso, Istaag oo bal ka fiirso shuqullada Ilaah oo yaabka miidhan ah.

  • 5Waayo, Ayuub wuxuu yidhi, Anigu xaq baan ahay, Laakiinse Ilaah baa gartaydii ii diiday.

  • 1¶ Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

  • 1Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu yidhi,

  • 1Markaasaa Ayuub jawaabay oo wuxuu yidhi,

  • 1Markaasaa Rabbigu Ayuub uga jawaabay dabaysha cirwareenta ah, oo wuxuu ku yidhi,

  • 36Waxaan jeclaan lahaa in Ayuub tan iyo ugudambaysta la sii imtixaamo, Maxaa yeelay, wuxuu u jawaabaa sida dadka sharka ah.

  • 1Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

  • 1Oo haddana Ayuub ayaa hadalkiisii sii waday, oo wuxuu yidhi,

  • 1Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

  • 13Oo aad ruuxaaga Ilaah ugu soo jeedisaa, Oo erayo caynkaas ah aad afkaaga uga soo daysaa?

  • 10Ma jiro mid ku dhaca inuu isaga kiciyo, Haddaba waa ayo kan aniga i hor istaagi kara?

  • 20Markaasaa Ayuub sara joogsaday, oo huwiskiisii jeexjeexay, oo madaxiisiina wuu xiiray, oo intuu dhulka ku dhacay ayuu sujuuday,

  • 36Iyo in nin gartiisa laga qalloociyo, Sayidku raalli kama aha.

  • 3Haddaba ma mid sidaas oo kalaad indhaha u kala qaadaysaa? Oo ma anigaad xukun ila soo gelaysaa?

  • 1¶ Oo haddana Ayuub hadalkiisuu sii waday, oo wuxuu yidhi,

  • 3Qalbigayga waad tijaabisay, oo habeennimaad i soo booqatay, Waad i imtixaantay, oo wax shar ah igama aad helin, Waxaan u qasdiyey inaanu afkaygu xadgudbin.

  • 1¶ Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

  • 1Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,