Ayuub 2:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse bal haatan gacantaada soo fidi, oo lafihiisa iyo jiidhkiisa taabo, oo isna markaasuu hortaada wax xun kaaga sheegi doonaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 1:11 : 11 Laakiinse haddaba bal gacantaada soo fidi, oo wuxuu haysto oo dhan taabo, oo isna sida runta ah, hortaada wax xun buu kaaga sheegi doonaa.
  • Ayuub 1:5 : 5 Oo maalmihii ay diyaafaddii hayn jireen markay dhammaadaan ayaa Ayuub carruurtiisii u cid diri jiray oo daahirin jiray, oo intuu aroor hore kaco ayuu intay ahaayeen oo dhan u bixin jiray qurbaanno la gubo, waayo, Ayuub wuxuu isyidhi, Waaba intaasoo wiilashaydu ay dembaabeen, oo ay qalbigooda Ilaah wax xun kaga sheegeen. Oo Ayuubna sidaasuu yeeli jiray had iyo goorba.
  • Laaw 24:15 : 15 Oo waa inaad reer binu Israa'iil la hadashaa oo waxaad ku tidhaahdaa, Ku alla kii Ilaahiisa caayaa waa inuu dembigiisa qaadaa.
  • 1 Taar 21:17 : 17 Markaasaa Daa'uud wuxuu Ilaah ku yidhi, Kii amray in dadka la soo tiriyo sow aniga ma aha? Kii dembaabay oo waxa aad u xun sameeyey waa aniga, laakiinse idahanu maxay sameeyeen? Haddaba Rabbiyow Ilaahayow, waan ku baryayaaye, gacantaadu ha ka gees noqoto aniga iyo reerka aabbahay, laakiinse dadkaaga yaanay ka gees noqon oo aanay belaayo ku dhicin.
  • Ayuub 2:9 : 9 Markaasaa naagtiisii waxay ku tidhi, War ma weli baad daacadnimadaadii sii haysanaysaa? War hoy, Ilaah wax xun ka sheeg, oo iska dhimo.
  • Ayuub 19:20-21 : 20 Haraggayga iyo hilibkaygu waxay ku dhegaan lafahayga, Oo dirqi baan ku baxsaday. 21 Saaxiibbadayow, ii naxa, oo ii naxa, Waayo, gacantii Ilaah baa i taabatay.
  • Sab 32:3-4 : 3 Markii aan iska aamusay, lafahaygii way gaboobeen, Maxaa yeelay, maalintii oo dhan baan cabaadayay. 4 Waayo, habeen iyo maalinba gacantaadu way igu cuslayd, Oo qoyaankaygii wuxuu u beddelmay sidii engegga diraacda. (Selaah)
  • Sab 38:2-7 : 2 Waayo, fallaadhahaagii aad bay ii mudeen, Oo gacantaaduna way igu soo degtay. 3 Jidhkaygu fayoobaan ma leh, waana xanaaqaaga daraaddiis, Oo lafahayguna caafimaad ma leh, waana dembigayga daraaddiis. 4 Waayo, xumaatooyinkaygii waxay ka sare mareen madaxayga, Sida rar culus ayay igu culus yihiin aad iyo aad. 5 Nabrahaygu way urayaan, wayna qudhmuun yihiin, Waana nacasnimadayda daraaddeed. 6 Waan xanuunsanayaa, oo aad baan hoos ugu gotay, Oo maalinta oo dhanna oohin baan la wareegaa. 7 Waayo, dhexdayda waxaa ka buuxa olol, Oo jidhkayguna fayoobaan ma leh.
  • Sab 39:10 : 10 Haddaba belaayadaada iga durki, Maxaa yeelay, waxaa i baabbi'iyey weerarka gacantaada.
  • Ish 8:21 : 21 Oo iyagoo dhibaataysan oo gaajaysan ayay dalka dhex mari doonaan, oo markay gaajoodaan ayay isku xanaaqi doonaan, oo waxay habaari doonaan boqorkooda oo wax xun Ilaahooda ka sheegi doonaan, xagga sarena way u jeedsan doonaan,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ayuub 1:7-12
    6 aayado
    90%

    7Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, War xaggee baad ka timid? Oo Shayddaan wuxuu Rabbiga ugu jawaabay, Waxaan ka imid dhulkii aan maray, oo aan hor iyo dibba ugu dhex socday.

    8Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Addoonkayga Ayuub ma ka fikirtay? Maxaa yeelay, isaga oo kale dhulka ma joogo, waayo, isagu waa nin qumman oo toosan, oo ah mid Ilaah ka cabsada oo sharka ka fogaada.

    9Markaasaa Shayddaan Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Bal Ayuub ma waxtarla'aan buu Ilaah uga cabsadaa?

    10Sow deyr kuma aad wareejin isaga, iyo reerkiisa, iyo waxa uu haysto oo dhanba? Shuqulkii gacmihiisaad barakaysay, oo xoolihiisiina dhulkay aad ugu bateen.

    11Laakiinse haddaba bal gacantaada soo fidi, oo wuxuu haysto oo dhan taabo, oo isna sida runta ah, hortaada wax xun buu kaaga sheegi doonaa.

    12Markaaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Bal eeg, wuxuu haysto oo dhammu gacantaaday ku jiraan, laakiinse isaga nafsaddiisa waa inaadan far saarin. Markaasaa Shayddaan Rabbiga hortiisii ka tegey.

  • Ayuub 2:6-9
    4 aayado
    85%

    6Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Bal eeg, gacantaaduu ku jiraa, waxaadse u daysaa naftiisa.

    7Markaasaa Shayddaan Rabbiga hortiisii ka tegey, oo wuxuu Ayuub tin iyo cedhib ku dhuftay boogo xunxun.

    8Markaasaa Ayuub wuxuu qaatay dheri burburkiis inuu isku xoqo, oo wuxuu dhex fadhiistay dambas.

    9Markaasaa naagtiisii waxay ku tidhi, War ma weli baad daacadnimadaadii sii haysanaysaa? War hoy, Ilaah wax xun ka sheeg, oo iska dhimo.

  • Ayuub 2:1-4
    4 aayado
    84%

    1¶ Haddaba waxaa kaloo jirtay maalin kale oo ay Ilaah wiilashiisu u yimaadeen inay Rabbiga hortiisa isa soo taagaan, oo weliba Shayddaanna wuu soo dhex galay, si uu isna Rabbiga isu soo hor taago.

    2Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, War xaggee baad ka timid? Oo Shayddaan wuxuu Rabbiga ugu jawaabay, Waxaan ka imid dhulkii aan maray, oo aan hor iyo dibba ugu dhex socday.

    3Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Addoonkayga Ayuub ma ka fikirtay? Maxaa yeelay, isaga oo kale dhulka ma joogo, waayo, isagu waa nin qumman oo toosan, oo ah mid Ilaah ka cabsada oo sharka ka fogaada. Oo weliba isagu daacadnimadiisii wuu sii haystaa, in kastoo aad igu dirtay, si aan isaga sababla'aan ugu halligo.

    4Markaasaa Shayddaan wuxuu Rabbiga ugu jawaabay, Haragba harag baa loo baxshaa, oo nin wuxuu haysto oo dhan ayuu naftiisa u baxshaa.

  • 14Haddaba hilibkayga ayaan ilkahayga ku qaadayaa, Oo noloshaydana gacantaydaan ku ridayaa.

  • Bax 4:6-7
    2 aayado
    72%

    6Oo Rabbigu wuxuu kaloo ku sii yidhi isagii, Bal gacanta laabta saar, markaasuu gacanta laabta saaray, oo markii uu ka qaaday, bal eeg, gacantii baras bay yeelatay oo waxay u caddaatay sida baraf cad.

    7Markaasuu ku yidhi, Bal gacanta laabta mar kale saar. Kolkaasuu mar kale gacantii laabta saaray, oo markii uu ka qaaday laabtii, bal eeg, waxay haddana u rogmatay oo u ekaatay sida jidhkiisii kale.

  • 71%

    25Maxaa yeelay, isagu gacantiisuu Ilaah ku taagay, Oo Ilaaha Qaadirka ah kibir buu ku caasiyaa.

    26Wuxuu kula ordaa madax adag Iyo gaashaammadiisa biro ku taagan yihiin.

  • 13Oo aad ruuxaaga Ilaah ugu soo jeedisaa, Oo erayo caynkaas ah aad afkaaga uga soo daysaa?

  • 4Jiidhkaygii iyo haraggaygiiba wuu gaboojiyey, lafahaygiina wuu jejebiyey.

  • 8Gacantaada isaga kor saar, Markaas dagaalka xusuuso, oo mar dambe saas yeeli maysid!

  • 22Waayo, Ilaah baa isaga wax ku tuuri doona, umana tudhi doono; Oo sharrowgu wuxuu jeclaan lahaa inuu gacantiisa ka cararo.

  • 15Waayo, haatan haddaan gacantayda fidin lahaa, oo aan belaayo kugu dhufan lahaa adiga iyo dadkaagaba, de markaas adiga dhulka waa lagaa baabbi'in lahaa,

  • 5Bal muu Ilaah hadlo! Oo bal muu bushimihiisa furo isagoo kaa gees ah!

  • 69%

    20Haraggayga iyo hilibkaygu waxay ku dhegaan lafahayga, Oo dirqi baan ku baxsaday.

    21Saaxiibbadayow, ii naxa, oo ii naxa, Waayo, gacantii Ilaah baa i taabatay.

  • 6Nin shar leh ka sarraysii isaga, Oo Shayddaan ha istaago midigtiisa.

  • 2Markaas Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Shayddaanow, Rabbigu ha ku canaanto, Rabbiga Yeruusaalem doortay ha ku canaanto. Sow kanu ma aha qori dab laga dhiftay?

  • 24Laakiinse ninkii hoos u dhacaya sow gacantiisa sooma fidiyo? Markuu halligmayose sow ma qayshado?

  • 21Hilibkiisu waa ka mudhuxsan yahay, oo mar dambe lama arki karo; Oo lafihiisii aan la arki jirinuna way soo baxaan.

  • 26Oo markii haraggaygu sidaas u baabba'o dabadeed, Ayaan anigoo aan jiidh lahayn Ilaah arki doonaa,

  • 13Sida ay leedahay maahmaahdii dadkii hore, Kii shar ah waxaa ka soo baxda sharnimo, gacantayduse ku taaban mayso.

  • 11Waxaad i huwisay harag iyo hilib, Oo waxaad dhammaantay igu dhistay lafo iyo seedo.

  • 25Hilibkiisu waa ka sii jilicsanaan doonaa kan ilmaha; Oo wuxuu ku noqdaa wakhtigii dhallinyaranimadiisa.

  • 11Lafihiisana waxaa ka buuxa xoogga dhallinyaranimada, Laakiinse ciidda dhexdeeduu la jiifsan doonaa.

  • 22Markaas garabkaygu ha kala fakado, Oo gacantayduna kalagooyska ha ka jabto.

  • 13Oo waxay baabbi'in doontaa xubnaha jidhkiisa, Oo curadka dhimashada ayaa xubnihiisa baabbi'in doona.

  • 18Oo weliba isagu wuxuu sidii dharkiisii u huwaday habaaridda, Oo iyana waxay gashay uurkiisa hoose sidii biyo oo kale, Oo lafihiisana waxay u gashay sidii saliid.

  • 14¶ Oo Rabbiga Ilaah ahu wuxuu abeesadii ku yidhi, Waxan aad samaysay aawadiis waad ka habaaran tahay xoolaha oo dhan, iyo dugaag kasta oo duurka jooga; waxaanad ku socon doontaa boggaaga, ciid baanad cuni doontaa maalmaha cimrigaaga oo dhan:

  • 18Waayo, isagu wax buu nabar u yeelaa, waana duubaa; Wuu dhaawacaa, gacmihiisuna way bogsiiyaan.

  • 4Cabsida waad baabbi'isaa, Oo cibaadadana Ilaah hortiisa waad ka joojisaa.

  • 11Oo haatan waad ka habaaran tahay dhulkii afkiisa u kala qaaday si uu dhiiggii walaalkaa gacantaada uga helo.