Ayuub 33:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Hilibkiisu waa ka mudhuxsan yahay, oo mar dambe lama arki karo; Oo lafihiisii aan la arki jirinuna way soo baxaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 19:20 : 20 Haraggayga iyo hilibkaygu waxay ku dhegaan lafahayga, Oo dirqi baan ku baxsaday.
  • Maah 5:11 : 11 Si aanad ugu dambaysta u barooran, Markay hilibkaaga iyo jidhkaaguba baabba'aan,
  • Sab 22:15-17 : 15 Xooggaygii wuxuu u engegay sidii dheri burburkiisa oo kale, Oo carrabkaygiina daamankayguu ku dhegay, Oo waxaad i gelisay ciiddii dhimashada. 16 Waayo, waxaa i hareereeyey eeyo, Oo waxaa hareerahayga isku wareejiyey shirkii xumaanfalayaasha, Oo waxay iga mudeen gacmaha iyo cagaha. 17 Lafahaygii oo dhan waan tirin karaa, Oo iyagu way i fiiriyaan oo igu dhaygagaan,
  • Sab 32:3-4 : 3 Markii aan iska aamusay, lafahaygii way gaboobeen, Maxaa yeelay, maalintii oo dhan baan cabaadayay. 4 Waayo, habeen iyo maalinba gacantaadu way igu cuslayd, Oo qoyaankaygii wuxuu u beddelmay sidii engegga diraacda. (Selaah)
  • Sab 39:11 : 11 Markaad dadka canaanta ku edbisid xumaanta daraaddeed, Waxaad quruxdiisa ka dhigtaa inay u baabba'do sidii balanbaallis oo kale, Hubaal nin kastaaba waa bilaash. (Selaah)
  • Sab 102:3-5 : 3 Waayo, maalmahaygu waxay u dhammaadaan sida qiiq oo kale, Oo lafahayguna waxay u gubtaan sida qori ololaya oo kale. 4 Wadnahayga wax baa lagu dhuftay, sida caws oo kalena wuu engegay, Waayo, waan iska illoobaa inaan kibistayda cuno. 5 Codkii taahiddayda daraaddiis Ayaa lafahaygu jidhkayga ku dhegaan.
  • Ayuub 7:5 : 5 Jidhkaygii waxaa ku dedan dirxiyo iyo qolfo ciid ah, Haddaba dubkaygu waa isqabsadaa dabadeedna wuu sii dillaacaa.
  • Ayuub 13:28 : 28 Oo waxaan la mid ahay wax qudhmay oo baabba'aya, Iyo sida dhar aboor cunay oo kale.
  • Ayuub 14:20 : 20 Weligaaba waad ka adkaataa isaga, oo isna wuu iska baxaa, Oo jaahiisa waad beddeshaa, oo waad iska dirtaa isaga.
  • Ayuub 14:22 : 22 Laakiinse xanuunka jidhkiisa oo keliya buu gartaa, Oo nafsaddiisa oo keliya ayuu u baroortaa.
  • Ayuub 16:8 : 8 Waad i qabsatay, taasuna waa marag iga gees ah, Oo waxaa igu kaca macluulkayga, oo fool ka fool ayuu igu markhaati furaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 85%

    19Oo weliba waxaa sariirtiisa lagu kor edbiyaa xanuun, Iyo dagaal joogto ah oo lafihiisa ku dhex jira.

    20Sidaas daraaddeed nafsaddiisu kibista way karahsataa, Naftiisuna cuntada macaan way nacdaa.

  • 22Hubaal naftiisu waxay ku dhow dahay yamayska, Oo noloshiisuna waxay ku dhow dahay kuwii baabbi'in lahaa.

  • 4Jiidhkaygii iyo haraggaygiiba wuu gaboojiyey, lafahaygiina wuu jejebiyey.

  • Sab 102:3-5
    3 aayado
    79%

    3Waayo, maalmahaygu waxay u dhammaadaan sida qiiq oo kale, Oo lafahayguna waxay u gubtaan sida qori ololaya oo kale.

    4Wadnahayga wax baa lagu dhuftay, sida caws oo kalena wuu engegay, Waayo, waan iska illoobaa inaan kibistayda cuno.

    5Codkii taahiddayda daraaddiis Ayaa lafahaygu jidhkayga ku dhegaan.

  • 22Laakiinse xanuunka jidhkiisa oo keliya buu gartaa, Oo nafsaddiisa oo keliya ayuu u baroortaa.

  • 77%

    12Xooggiisa waxaa dili doonta gaajo, Oo belaayona agtiisay diyaar ku tahay.

    13Oo waxay baabbi'in doontaa xubnaha jidhkiisa, Oo curadka dhimashada ayaa xubnihiisa baabbi'in doona.

    14Oo isaga waa laga rujin doonaa teendhadiisa uu isku halleeyo, Oo waxaa loo keeni doonaa boqorka cabsida.

  • 5Jidhkaygii waxaa ku dedan dirxiyo iyo qolfo ciid ah, Haddaba dubkaygu waa isqabsadaa dabadeedna wuu sii dillaacaa.

  • 28Oo waxaan la mid ahay wax qudhmay oo baabba'aya, Iyo sida dhar aboor cunay oo kale.

  • 11Lafihiisana waxaa ka buuxa xoogga dhallinyaranimada, Laakiinse ciidda dhexdeeduu la jiifsan doonaa.

  • 76%

    28Oo wuxuu degay magaalooyin baabba' ah, Iyo guryo aan lagu hoyan, Oo u diyaarsan inay tuulmooyin burbur ah noqdaan.

    29Isagu taajir noqon maayo, oo maalkiisuna sii raagi maayo, Oo dhulkana ku sii waari maayo.

  • 75%

    24Oo aad u buuran, Oo dhuuxa lafihiisuna qoyan yahay.

    25Oo mid kalena wuxuu ku dhintaa naf qadhaadh, Isagoo aan weligiis wanaag dhedhemin.

  • 8Jaahoodu dhuxul wuu ka sii madow yahay, oo markay jidadka marayaanna lama garto. Haraggoodii lafuhuu ku dhegaa oo waa engegay, oo wuxuu noqday sidii qori oo kale.

  • 20Haraggayga iyo hilibkaygu waxay ku dhegaan lafahayga, Oo dirqi baan ku baxsaday.

  • 10Waayo, noloshaydu waxay ku dhammaatay caloolxumo, cimrigayguna taahid, Oo dembigayga daraaddiis ayaa xooggaygii ii gabay, lafahaygiina way wada kharribmeen.

  • 23Duudduubyada jidhkiisu way isku wada dheggan yihiin, Wayna ku adag yihiin oo innaba lama dhaqaajin karo.

  • 24Jilbahaygu soon bay la taag darnaadaan, Oo jidhkayguna baruurla'aanteed wuu la caatoobaa.

  • 7Sida markii beerta la qodo oo dhulka la jeexo Ayaa lafahayagii ugu firidhsan yihiin She'ool afkiisa.

  • Sab 22:14-15
    2 aayado
    74%

    14Waxaan u shubmay sidii biyo oo kale, Oo lafahaygii oo dhammuna xubnihii way ka kala bexeen, Oo qalbigaygii wuxuu noqday sidii shamac oo kale, Oo wuxuu ku dhex dhalaalay xiidmahayga.

    15Xooggaygii wuxuu u engegay sidii dheri burburkiisa oo kale, Oo carrabkaygiina daamankayguu ku dhegay, Oo waxaad i gelisay ciiddii dhimashada.

  • 74%

    17Habeenkii lafahaygaa i muda, Oo xanuunka i cunayaana ima daayo innaba.

    18Xoogga weyn oo cudurkayga daraaddiis ayaa dharkaygii ku xumaaday, Oo wuxuu iigu cidhiidhisan yahay sidii jubbaddayda qoorteeda.

  • 11Si aanad ugu dambaysta u barooran, Markay hilibkaaga iyo jidhkaaguba baabba'aan,

  • 17Oo weliba cimrigiisa oo dhan wuxuu ku cunaa gudcur, oo intaasna wuxuu ku jiraa murug, iyo cudur, iyo cadho.

  • 21Wuxuu liqay wax ka hadhay lama arkin, Sidaas daraaddeed barwaaqadiisu siima raagi doonto.

  • 7Naftaydu way diidaa inay taabato, Waxay ii yihiin sida cunto la naco oo kale.

  • 26Oo markii haraggaygu sidaas u baabba'o dabadeed, Ayaan anigoo aan jiidh lahayn Ilaah arki doonaa,

  • 3Oo weliba waxaad cuntaan hilibka dadkayga, oo haraggoodana waad ka siibtaan, oo lafahoodana waad jejebisaan, haah, oo waxaad u kala gogooysaan sidii hilib dheri loo diyaariyo, iyo sidii hilib digsi ku jiro.

  • 30Dubkaygu intuu gubto ayuu iska diirmaa, Oo lafahayguna kulayl bay ku gubtaan.

  • 25Hilibkiisu waa ka sii jilicsanaan doonaa kan ilmaha; Oo wuxuu ku noqdaa wakhtigii dhallinyaranimadiisa.

  • 20Uurkii hooyadiis waa illoobi doonaa isaga; jidhkiisana waxaa cuni doona oo macaansan doona dirxiga, Oo mar dambena isaga lama xusuusan doono, Oo kii xaqdaranuna wuxuu u jabi doonaa sida geed oo kale.

  • 8Waxay yidhaahdaan, Cudur xun baa isagii ku dhacay, Oo haatan wuu jiifaa, mar dambena sooma uu kici doono.

  • 14Kolleyba cuntadiisu mindhicirkiisay ku beddelantaa, Oo waxay uurkiisa ku noqataa waabayo jilbis.

  • 11Jidadkaygii wuu iga leexiyey, oo cad cad buu ii kala jaray, cidla buuna iga dhigay.

  • 16Xididdadiisa hoose way qallali doonaan, Oo laamihiisa sarena waa la jari doonaa.

  • 7Waayo, dhexdayda waxaa ka buuxa olol, Oo jidhkayguna fayoobaan ma leh.

  • 18Naftoodu waxay nacdaa cunto kasta, Oo waxay ku soo dhowaadaan irdaha dhimashada.

  • 7Wuxuu weligiis u baabbi'i doonaa sida saxaradiisa oo kale. Oo kuwii isaga arki jiray waxay odhan doonaan, War meeh isagii?

  • 13Xagga sare ayuu lafahayga uga soo daayay dab iyaga ka xoog badnaaday. Cagahayga ayuu shabag u kala bixiyey, oo dib buu ii celiyey. Maalintii oo dhan cidla buu iga dhigay, wuuna i taag gabiyey.

  • 23Meel meel buu cunto u wareegaa isagoo leh, Meeday? Oo wuxuu og yahay inay maalinta gudcurku isaga u diyaar tahay.

  • 26Gudcurka oo dhanna waxaa meel loogu kaydiyey khasnadihiisa; Oo dab aan la afuufin ayaa isaga dhammayn doona, Wuuna baabbi'in doonaa waxa teendhadiisa ku dhex hadhay.

  • 22Markaas garabkaygu ha kala fakado, Oo gacantayduna kalagooyska ha ka jabto.

  • 32Laakiinse isaga waxaa loo qaadi doonaa xabaasha, Oo qabrigiisa waa la ilaalin doonaa.

  • 9Ishii isaga aragtay mar dambe ma ay arki doonto, Oo meeshiisiina mar dambe uma ay jeedi doonto.