Ayuub 33:22

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Hubaal naftiisu waxay ku dhow dahay yamayska, Oo noloshiisuna waxay ku dhow dahay kuwii baabbi'in lahaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Sam 24:16 : 16 Markii malaggii gacanta u fidiyey inuu baabbi'iyo Yeruusaalem ayaa Rabbigu belaayadii ka qoomamooday, oo wuxuu ku yidhi malaggii dadka baabbi'inayay, Bes weeye, haddaba gacanta soo celi. Oo malaggii Rabbiguna wuxuu ag joogay meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray oo uu Arawnaah kii reer Yebuus lahaa.
  • Ayuub 7:7 : 7 Bal xusuusta in noloshaydu tahay dabayl uun, Ishayduna mar dambe samaan ma arki doonto.
  • Ayuub 15:21 : 21 Oo sanqadh cabsi leh ayaa dhegihiisa gasha, Oo wakhtiga barwaaqadana baabbi'iyuhu waa u soo iman doonaa.
  • Ayuub 17:1 : 1 Ruuxaygii waa tabardarnaaday, cimrigaygiina waa dhammaaday, Oo qabrigu waa ii diyaar.
  • Ayuub 17:13-16 : 13 Haddaan She'ool u rajeeyo sida gurigaygii oo kale, Ama haddaan gogoshayda gudcurka ku dhex fidsado, 14 Oo haddaan qudhunka ku idhaahdo, Adigu waxaad tahay aabbahay, Oo aan dirxigana ku idhaahdo, Adigu waxaad tahay hooyaday iyo walaashay, 15 Bal markaas meeday rajadaydu? Oo bal yaase rajadayda arki doona? 16 Waxay hoos ugu dhaadhici doontaa qataarrada She'ool, Markaannu ciidda wada galno.
  • Ayuub 33:28 : 28 Isagu naftayduu ka soo furtay yamayskii ay ku dhacaysay, Oo noloshayduna iftiin bay arki doontaa.
  • Sab 17:4 : 4 Shuqulladii dadkana waan ka hadhay, Oo erayada bushimahaaga ayaan kaga joogsaday jidadkii kuwa wax dulma oo dhan.
  • Sab 30:3 : 3 Rabbiyow, waxaad naftaydii kor uga qaadday She'ool, Oo waad i sii noolaysay si aanan yamayska ugu dhicin.
  • Sab 88:3-5 : 3 Waayo, naftayda waxaa ka buuxa dhibaatooyin, Oo noloshayduna waxay ku dhowaanaysaa She'ool. 4 Waxaa laygu tiiriyey kuwa hoos ugu dhaadhaca yamayska, Oo waxaan ahay sida nin aan xoog lahayn, 5 Oo meydadka lagu dhex tuuray, Sida kuwa la laayay oo xabaalaha yaal, Oo aanad mar dambe soo xusuusnayn, Kuwaas oo ah kuwa gacantaada ka go'ay.
  • Ish 38:10 : 10 Anigu waxaan is-idhi, Cimrigayga oo badh ah ayaan irdihii She'ool sii mari doonaa, Oo intii cimrigayga ka hadhayna waa layga qaaday.
  • Fal 12:23 : 23 Markiiba ayaa malaa'igtii Rabbigu ku dhufatay, maxaa yeelay, Ilaah ma uu ammaanin; markaasaa waxaa cunay dixiryo, oo naftiina ka dhacday.
  • 1 Kor 10:10 : 10 Oo ha gunuunacina siday qaarkood u gunuunaceen oo uu baabbi'iyuhu u baabbi'iyey.
  • Muj 9:11 : 11 Oo waxaa iyaga boqor u ah malagga yamayska; oo magiciisana afka Cibraaniga waxaa lagu yidhaahdaa Abaddoon; afka Gariiggana magiciisa waxaa lagu yidhaahdaa Abolyoon.
  • Bax 12:23 : 23 Waayo, Rabbigu wuxuu dhex mari doonaa dalka, oo wuxuu layn doonaa Masriyiinta, oo markuu arko dhiigga ku yaal albaabka fayaaraddiisa sare iyo labada dhinac oo fayaaradda ah ayaa Rabbigu kor mari doona albaabka, oo u oggolaan maayo in baabbi'iyuhu guryihiinna soo galo oo idin laayo.
  • 1 Sam 2:6 : 6 Rabbigu wax buu dilaa, wuuna soo nooleeyaa; Qabriguu wax geliyaa, wuuna ka soo bixiyaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 84%

    18Oo naftiisana wuxuu dib uga hayaa yamayska, Oo noloshiisana wuxuu ka hayaa seefta.

    19Oo weliba waxaa sariirtiisa lagu kor edbiyaa xanuun, Iyo dagaal joogto ah oo lafihiisa ku dhex jira.

    20Sidaas daraaddeed nafsaddiisu kibista way karahsataa, Naftiisuna cuntada macaan way nacdaa.

    21Hilibkiisu waa ka mudhuxsan yahay, oo mar dambe lama arki karo; Oo lafihiisii aan la arki jirinuna way soo baxaan.

  • 1Ruuxaygii waa tabardarnaaday, cimrigaygiina waa dhammaaday, Oo qabrigu waa ii diyaar.

  • 76%

    32Laakiinse isaga waxaa loo qaadi doonaa xabaasha, Oo qabrigiisa waa la ilaalin doonaa.

    33Waxaa isaga u macaanaan doonta ciidda dooxada, Oo dadka oo dhammuna isagay soo daba kici doonaan, Sida kuwii aan tirada lahayn oo isagii ka horreeyeyba ay u dhinteen.

  • 22Laakiinse xanuunka jidhkiisa oo keliya buu gartaa, Oo nafsaddiisa oo keliya ayuu u baroortaa.

  • 28Isagu naftayduu ka soo furtay yamayskii ay ku dhacaysay, Oo noloshayduna iftiin bay arki doontaa.

  • 24Laakiinse ninkii hoos u dhacaya sow gacantiisa sooma fidiyo? Markuu halligmayose sow ma qayshado?

  • 74%

    12Xooggiisa waxaa dili doonta gaajo, Oo belaayona agtiisay diyaar ku tahay.

    13Oo waxay baabbi'in doontaa xubnaha jidhkiisa, Oo curadka dhimashada ayaa xubnihiisa baabbi'in doona.

    14Oo isaga waa laga rujin doonaa teendhadiisa uu isku halleeyo, Oo waxaa loo keeni doonaa boqorka cabsida.

  • 3Waayo, naftayda waxaa ka buuxa dhibaatooyin, Oo noloshayduna waxay ku dhowaanaysaa She'ool.

  • 30Si uu naftiisa yamayska uga soo celiyo, In isaga lagu iftiimiyo iftiinka kuwa nool.

  • 21Oo sanqadh cabsi leh ayaa dhegihiisa gasha, Oo wakhtiga barwaaqadana baabbi'iyuhu waa u soo iman doonaa.

  • 11Lafihiisana waxaa ka buuxa xoogga dhallinyaranimada, Laakiinse ciidda dhexdeeduu la jiifsan doonaa.

  • 7Sida markii beerta la qodo oo dhulka la jeexo Ayaa lafahayagii ugu firidhsan yihiin She'ool afkiisa.

  • 10Anigu waxaan is-idhi, Cimrigayga oo badh ah ayaan irdihii She'ool sii mari doonaa, Oo intii cimrigayga ka hadhayna waa layga qaaday.

  • 3Waayo, cadowgaa naftayda silciyey, Noloshaydiina dhulkuu ku tuuray, Oo wuxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego, sidii kuwii waagii hore dhintay.

  • 25Oo mid kalena wuxuu ku dhintaa naf qadhaadh, Isagoo aan weligiis wanaag dhedhemin.

  • 9Laakiinse kuwa naftayda u doondoonaya inay halligaan aawadeed, Waxay geli doonaan dhulka meelaha ugu hooseeya.

  • 72%

    28Oo wuxuu degay magaalooyin baabba' ah, Iyo guryo aan lagu hoyan, Oo u diyaarsan inay tuulmooyin burbur ah noqdaan.

    29Isagu taajir noqon maayo, oo maalkiisuna sii raagi maayo, Oo dhulkana ku sii waari maayo.

    30Isagu marnaba gudcur ka bixi maayo, Oo laamihiisa olol baa qallajin doona, Oo neefta afkiisa ayaa qaadi doonta.

  • 22Kulli waa isku mid, oo sidaas daraaddeed waxaan idhaahdaa, Isagu wuu wada baabbi'iyaa kan qumman iyo kan sharka ahba.

  • 28Oo waxaan la mid ahay wax qudhmay oo baabba'aya, Iyo sida dhar aboor cunay oo kale.

  • 10Waayo, noloshaydu waxay ku dhammaatay caloolxumo, cimrigayguna taahid, Oo dembigayga daraaddiis ayaa xooggaygii ii gabay, lafahaygiina way wada kharribmeen.

  • 12Rugtaydii waa layga fogeeyey, oo sidii adhijir teendhadiis ayaa la iiga qaaday. Sida dharsameeye ayaan noloshaydii u duudduubay, oo wuxuu iga gooynayaa alaabtiisa uu dharka ku sameeyo, Oo maalin ilaa habeenba waad i sii dhammaystiraysaa.

  • 4Naftiisu way ka baxdaa, oo wuxuu ku noqdaa dhulkiisii. Oo isla maalintaas ayaa fikirradiisu baabba'aan.

  • 11Jidadkaygii wuu iga leexiyey, oo cad cad buu ii kala jaray, cidla buuna iga dhigay.

  • 21Oo dhimasho u xiisooda, oo ayan u imanayn, Oo daraaddeed dhulka u qodqoda intuu khasnado qarsoon qodi lahaa in ka sii badan,

  • 15Dadka oo dhammu waa wada baabbi'i lahaa, Oo binu-aadmiguna ciidduu ku noqon lahaa.

  • 4Jiidhkaygii iyo haraggaygiiba wuu gaboojiyey, lafahaygiina wuu jejebiyey.

  • 20Subaxdii iyo fiidkii inta ka dhex leh ayay baabba'aan; Weligoodba way halligmaan iyadoo aan ciduna ka fikirayn.

  • 22Oo weliba kii xoog badanna itaalkiisuu ku jiidaa; Oo markuu kacana nafta waa laga rajo beelaa.

  • 29Oo haddaad kanna iga kaxaysataan, oo belaayo ku dhacdo isaga, de markaas cirradayda caloolxumaad qabriga la gelin doontaan.

  • 15Sidaas daraaddeed naftaydu waxay lafahayga ka doorataa Ceejin iyo geeri.

  • 71%

    20Indhihiisu ha arkeen halligaaddiisa, Oo isagu ha cabbo Ilaaha Qaadirka ah cadhadiisa.

    21Waayo, waa maxay farxadda uu reerkiisa ka helo, Markii cimrigiisa dhexda laga gooyo?

  • 23Hadday la joogi lahayd malaa'ig dhexdhexaadeye ah Oo ah mid kun ka mid ahu, Inay dadka tusto waxa ku qumman,

  • 5Ilaahna sidaas oo kaluu kuu halligi doonaa weligaaba, Oo isna kor buu kuu qaadi doonaa, oo wuxuu kaa bixin doonaa teendhadaada, Oo wuxuu kaa saari doonaa kuwa nool dalkooda. (Selaah)

  • 7Tallaabooyinka itaalkiisu way iscidhiidhin doonaan, Oo taladiisu isagay hoos u ridi doontaa.

  • 7Wuxuu weligiis u baabbi'i doonaa sida saxaradiisa oo kale. Oo kuwii isaga arki jiray waxay odhan doonaan, War meeh isagii?

  • 2Wuxuu u soo baxaa sida ubax oo kale, oo haddana waa la gooyaa, Oo wuxuu u cararaa sida hoos oo kale, oo innaba siima raago.

  • 19Isagu wuxuu u tegi doonaa qarniyadii awowayaashiis, Oo iyana weligood iftiinka ma ay arki doonaan.

  • 16Haddaba naftaydaa igu dhex daadatay, Oo waxaan la kulmay wakhti dhibaato badan.

  • 15Xooggaygii wuxuu u engegay sidii dheri burburkiisa oo kale, Oo carrabkaygiina daamankayguu ku dhegay, Oo waxaad i gelisay ciiddii dhimashada.

  • 12Waayo, kaasu waa dab wax dhammeeya ilaa uu baabbi'iyo, Oo waxa ii soo baxa oo dhan wuu wada rujin lahaa.

  • 8Waxay yidhaahdaan, Cudur xun baa isagii ku dhacay, Oo haatan wuu jiifaa, mar dambena sooma uu kici doono.