Ayuub 21:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Bal maxay kuwa sharka ahu u noolaanayaan? Oo ay u gaboobayaan? Balse maxay xoog badan u yeeshaan?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 12:6 : 6 Kuwa wax dhaca teendhooyinkoodu way barwaaqoobaan, Oo kuwa Ilaah ka cadhaysiiyaana ammaan bay ku joogaan, Oo Ilaahna gacmahooduu wax kasta uga buuxshaa.
  • Sab 37:35 : 35 Waxaan arkay ku shar leh oo dulun badan, Oo isu kala bixiya sida geed cagaar ah oo dhulkiisii ka baxay.
  • Sab 73:3-9 : 3 Waayo, waxaan ka hinaasay kuwa qabka weyn, Markaan arkay barwaaqada ay kuwa sharka lahu haystaan. 4 Waayo, geeridoodu xanuun ma leh, Laakiinse xooggoodu waa adag yahay. 5 Iyagu dhib kuma jiraan sida dadka kale, Oo sida dadka kalena uma belaayaysna. 6 Sidaas daraaddeed kibir wuxuu yahay sida silsilad qoorta u sudhan, Oo dulmi bay sida maro u huwan yihiin. 7 Indhahoodu baruur bay la bararsan yihiin, Oo waxay haystaan in ka sii badan waxa qalbigoodu doonayo. 8 Wax bay ku qoslaan, oo xumaan daraaddeed dulmi bay ku hadlaan, Waxay hadlaan iyagoo kor isu qaadaya. 9 Afkoodii waxay gaadhsiiyeen samooyinka, Oo carrabkooduna wuxuu dhex maraa dhulka oo dhan. 10 Sidaas daraaddeed dadkiisii halkanay ku soo noqdaan, Oo koob biyo ka buuxa ayay madhsadeen. 11 Oo waxay yidhaahdaan, Ilaah sidee buu wax u yaqaan? Kan ugu sarreeyana aqoonu ma ku jirtaa? 12 Bal eeg, kuwanu waa kuwa sharka leh, Oo mar kasta iyagoo istareexsan ayay hodantinimadoodu sii korodhaa.
  • Yer 12:1-3 : 1 ¶ Rabbiyow, xaq baad tahay markaan kula muddaco, haddaba bal aan xukummadaada kaala hadlo. Sharrowyada jidkoodu bal muxuu u hagaagaa? Oo kuwa khiyaano kula macaamiloodo oo dhammuna bal maxay u nabdoon yihiin? 2 Iyagaad beertay, oo weliba xidid bay yeesheen, way koraan, oo midhay dhalaan. Adigu afkooda waad ku dhow dahay, laakiinse qalbigooda waad ka fog tahay. 3 Laakiinse, Rabbiyow, adigu waad i taqaan, waanad i aragtaa, oo qalbigaygana xaggaagaad u tijaabisaa. Iyaga u soo bixi sida ido la gowracayo, oo u diyaari maalinta gowracidda.
  • Xab 1:13 : 13 Waxaad tahay mid indhihiisu ka sii daahirsan yihiin inay wax shar ah eegaan, oo qalloocna ma fiirin kartid, haddaba bal maxaad u fiirisaa kuwa khiyaanada sameeya? Oo maxaad u aamusan tahay marka sharrowgu liqo ninka isaga ka sii xaq yahay?
  • Xab 1:15-16 : 15 Isagu dhammaantood ayuu jillaab ku soo qaataa, oo shabaggiisuu ku soo qabsadaa, oo intuu shabaggiisa ku soo wada urursado ayuu soo jiitaa, haddaba sidaas daraaddeed wuu reyreeyaa oo farxaa. 16 Haddaba sidaas daraaddeed allabari buu u bixiyaa shabaggiisa, oo fooxna wuu u shidaa shabagguu jiita, maxaa yeelay, iyaga ayaa qaybtiisii ku barwaaqowday, oo quudkiisiina aad iyo aad batay.
  • Muj 13:2-7 : 2 ¶ Oo bahalkii aan arkay wuxuu u ekaa shabeel, oo cagihiisuna waxay u ekaayeen cago orso, afkiisuna wuxuu u ekaa af libaax; markaasaa masduulaagii wuxuu isaga siiyey xooggiisii iyo carshigiisii iyo amar weyn. 3 Oo markaasaan arkay madaxyadiisii midkood oo u eg mid la gowracay; oo nabarkii uu u dhintay wuu bogsaday; oo dunida oo dhammuna waxay la yaabtay bahalkii; 4 markaasay masduulaagii caabudeen, maxaa yeelay, wuxuu amarkiisii siiyey bahalkii; iyaguna waxay caabudeen bahalkii, waxayna yidhaahdeen, Bal yaa bahalka la mid ah? Oo bal yaa awooda inuu la diriro? 5 Markaasaa waxaa isagii la siiyey af ku hadlaya waxyaalo waaweyn iyo cay; oo haddana waxaa la siiyey amar uu ku sii shaqeeyo laba iyo afartan bilood. 6 Markaasuu afkiisii u furay inuu Ilaah caayo, iyo inuu caayo magiciisa, iyo rugtiisa, iyo xataa kuwa samada deggan. 7 Oo haddana waxaa isagii la siiyey amar uu kula dagaallamo quduusiinta oo uu kaga adkaado; oo haddana waxaa la siiyey amar uu ku xukumo qabiil kasta iyo dad kasta iyo af kasta iyo quruun kasta.
  • Muj 17:2-4 : 2 taasoo boqorrada dunidu ay ka sinaysteen, oo kuwa dunida degganuna ay khamrigii sinadeeda ku sakhraameen. 3 ¶ Markaasay waxay igu qaadday Ruuxa, oo waxay i geeysay cidlada; markaasaan arkay naag fuushan bahal guduudan oo ay ka buuxaan magacyo cay ahu, oo wuxuu lahaa toddoba madax iyo toban gees. 4 Oo naagtuna waxay qabtay dhar midabkiisu yahay casaan iyo guduud, oo waxaa kaloo ay ku sharraxnayd dahab iyo dhagaxyo qaali ah iyo luul, oo waxay gacanta ku haysatay koob dahab ah oo waxyaalihii karaahiyada ahaa ka buuxaan, kuwaas oo ahaa waxyaalihii nijaasta ahaa oo sinadeeda,
  • Daan 4:17 : 17 Xukunkii waxaa amray kuwa wax dhawra xaalkuna wuxuu ku jiraa hadalka kuwa quduuska ah, sababtu waa in waxa noolu ogaadaan in Ka ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu siiyo ku alla kii uu doonayo, oo uu madax uga dhigo kan dadka ugu hooseeya.
  • Sab 17:10 : 10 Qalbigooday xidheen, Oo afkooduna wuxuu ku hadlaa waxyaalo kibir miidhan ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 8Farcankoodu iyagoo la jooga hortooduu ku xoogaystaa, Oo dhashoodiina hortooday ku dhisan yihiin.

  • 74%

    16Bal eeg, barwaaqadoodii gacantooda kuma jirto, Kuwa sharka ahna taladoodu way iga fog tahay.

    17Immisa jeer baa laambadda kuwa sharka ah la demiyaa? Oo immisa jeer baa belaayo ku kor degtaa? Oo immisa jeer baa Ilaah isagoo cadhaysan xanuun u qaybiyaa?

  • 15¶ Waxaa jira nin xaq ah oo xaqnimadiisa ku halligma iyo nin shar ah oo sharnimadiisa ku cimri dheeraada; labadaba wakhtigii aan waxtarka lahayn ee aan noolaa ayaan arkay.

  • Sab 94:3-4
    2 aayado
    74%

    3Rabbiyow, kuwa sharka lahu ilaa goormay, Kuwa sharka lahu ilaa goormay guulaysanayaan?

    4Way bulxamaan, oo kibir bay ku hadlaan, Oo xumaanfalayaasha oo dhammu way faanaan.

  • 28Waayo, waxaad tidhaahdaan, War meeh gurigii amiirku? Oo meeday teendhadii sharrowgu ku dhex hoyan jiray?

  • 74%

    30Iyo in ninkii sharrow ah loo celiyey maalinta belaayada? Iyo in hore loogu sii kaxaynayo maalinta cadhada?

    31Bal yaa jidkiisa isaga hortiisa ugu caddayn doona? Oo bal yaa isaga ka abaalmarin doona wixii uu sameeyey?

  • 1¶ Rabbiyow, xaq baad tahay markaan kula muddaco, haddaba bal aan xukummadaada kaala hadlo. Sharrowyada jidkoodu bal muxuu u hagaagaa? Oo kuwa khiyaano kula macaamiloodo oo dhammuna bal maxay u nabdoon yihiin?

  • 7Kuwa sharka lahu markii ay sida doog u soo baxaan, Iyo markii xumaanfalayaasha oo dhammu ay barwaaqoobaan, Waa in weligoodba la baabbi'iyo,

  • 7Kuwa sharka leh dhacoodu iyaguu baabbi'in doonaa, Maxaa yeelay, iyagu waxay diidaan inay gar sameeyaan.

  • 12Bal eeg, kuwanu waa kuwa sharka leh, Oo mar kasta iyagoo istareexsan ayay hodantinimadoodu sii korodhaa.

  • 3Sow belaayo uma aha kuwa xaqa daran, Iyo masiibo kuwa xumaanta ka shaqeeya?

  • 21Xadhkaha teendhooyinkoodii sow lama siibo? Way dhintaan iyagoo aan xigmad lahayn.

  • 22Oo weliba kii xoog badanna itaalkiisuu ku jiidaa; Oo markuu kacana nafta waa laga rajo beelaa.

  • 13Laakiinse sharrowgu ma nabdoonaan doono, oo cimrigiisuna sii ma raagi doono sida hooska baabba'u uusan u raagin, maxaa yeelay, isagu Ilaah hortiisa kama cabsado.

  • 1Ninka xoogga badanow, bal maxaad xumaanta ugu faanaysaa? Naxariista Ilaah had iyo goorba way sii waartaa.

  • 7Waan ku baryayaaye bal wax xusuuso, bal yaa weligiis halligmay isagoo aan xaq qabin? Amase xaggee baa mid qumman lagu halaagay?

  • 13Intanu waa qaybta uu Ilaah ninkii sharrow ah u kaydiyo, Iyo dhaxalka kuwa dadka dulma ay Ilaaha Qaadirka ah ka helaan.

  • 21Waayo, waa maxay farxadda uu reerkiisa ka helo, Markii cimrigiisa dhexda laga gooyo?

  • 35Waxaan arkay ku shar leh oo dulun badan, Oo isu kala bixiya sida geed cagaar ah oo dhulkiisii ka baxay.

  • Sab 73:3-4
    2 aayado
    71%

    3Waayo, waxaan ka hinaasay kuwa qabka weyn, Markaan arkay barwaaqada ay kuwa sharka lahu haystaan.

    4Waayo, geeridoodu xanuun ma leh, Laakiinse xooggoodu waa adag yahay.

  • 2Nimanka xooggoodu dhammaaday Itaalka gacmahoodu muxuu ii tarayaa?

  • 12Kii xaq ahu wuxuu ka fikiraa kii shar leh gurigiisa, Iyo sida kuwa sharka leh loogu afgembiyo sharnimadooda daraaddeed.

  • 15War ma waxaad doonaysaa inaad sii haysatid jidkii hore Ee sharrowyadu ku socon jireen?

  • 3Bal miyey kuu wanaagsan tahay inaad cidhiidhisid Oo aad quudhsatid shuqulkii gacantaada, Oo haddana aad iftiimisid kuwa sharka ah taladooda?

  • 3War ma Ilaah baa garsooridda qalloociya? Mase Ilaaha Qaadirka ah baa caddaaladda qalloociya?

  • 13Si uu u qabsado dhulka darfihiisa, Oo sharrowyada looga hurgufo?

  • 20Ninkii shar ahu sida naag u foolato oo kale ayuu u xanuunsadaa cimrigiisa oo dhan, Intaas oo ah sannadihii loo kaydiyey kuwa wax dulma.

  • 17Aad sharrow ha u noqon, oo nacasna ha noqon, waayo, bal maxaad wedkaaga ka hor u dhimanaysaa?

  • 11Shuqulka sharka ah xukunkiisa dhaqso looma oofiyo, oo sidaas daraaddeed binu-aadmiga qalbigiisu inuu shar sameeyo aad buu u damcaa.

  • 3Gacmahoodu waxay aad ugu dadaalaan inay sameeyaan wax shar ah. Amiirka iyo xaakinkuba waxay dadka weyddiistaan laaluush. Ninka weynuna wuxuu ku hadlaa xumaanta naftiisu doonayso, oo sidaasay isugu maroojiyaan xumaan.

  • 10Wakhti yar dabadeedna kan sharka lahu ma jiri doono, Bal meeshiisa aad baad ugu fiirsan doontaa, oo isna ma jiri doono.

  • 21Sida xaqiiqada ah guryaha kuwa aan xaqa ahayn waa sidaas oo kale, Oo kii aan Ilaah aqoon meeshiisiina waa tan.

  • 24Dhulka waxaa gacanta loo geliyey kan sharka ah; Oo isna wuxuu indhasaabaa xaakinnadii dhulka. Bal hadduusan isaga ahayn, haddaba waa ayo?

  • 7Waa kan ninkii aan Ilaah xooggiisa ka dhiganu, Laakiinse wuxuu isku halleeyey hodantinimadiisa badan, Oo wuxuu ku xoogaystay xumaatadiisii.

  • 3Bal maxaad xumaan ii tustaa oo aad qallooc iigu jeedisaa? Waayo, waxaa hortayda yaal halligaad iyo dulmi, oo waxaa kor u kaca dirir iyo dagaal.

  • 17Bal binu-aadmigu muxuu yahay oo aad u weynaynaysaa, Balse maxaad uga fikiraysaa isaga?

  • 1Ilaaha Qaadirka ahu muxuu wakhtiyo u kaydin waayaa? Kuwa isaga yaqaanse maxay maalmihiisa u arki waayaan?

  • 9Inuu isagu weligiis sii noolaado, Oo aanu halligaad arkin weligiis.

  • 7Kuwa sharka leh waa la afgembiyaa, oo mar dambena lama arki doono, Laakiinse kuwa xaqa ah gurigoodu waa sii taagnaan doonaa.

  • 13Cimrigooda waxay ku dhammaystaan barwaaqo, Oo dabadeedna daqiiqad ayay She'ool ku dhaadhacaan.

  • 39Bal maxaa nin noolu u cabtaa, maxaase nin ciqaabta dembigiisa uga cabtaa?

  • 3Haddaba ma mid sidaas oo kalaad indhaha u kala qaadaysaa? Oo ma anigaad xukun ila soo gelaysaa?

  • 29Kolleyba waa lay xukumayaaye, Bal maxaan waxtarla'aan u hawshoodaa?

  • 19Ilaah oo ah kan weligiis waara, Wuu maqli doonaa oo u jawaabi doonaa iyaga, Kuwaas oo aan beddelmin, (Selaah) Oo aan Ilaah ka cabsan.

  • 13Bal kii shar lahu muxuu Ilaah u quudhsadaa? Oo muxuu qalbigiisa uga leeyahay, Adigu waxba i weyddiisan maysid?

  • 6Kuwa wax dhaca teendhooyinkoodu way barwaaqoobaan, Oo kuwa Ilaah ka cadhaysiiyaana ammaan bay ku joogaan, Oo Ilaahna gacmahooduu wax kasta uga buuxshaa.