Ayuub 8:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

War ma Ilaah baa garsooridda qalloociya? Mase Ilaaha Qaadirka ah baa caddaaladda qalloociya?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 32:4 : 4 Isagu waa dhagaxa, shuqulkiisuna waa kaamil, Waayo, jidadkiisa oo dhammu waa caddaalad, Isagu waa Ilaah aamin ah, oo aan xumaan lahayn, Isagu waa xaq, waana caaddil.
  • 2 Taar 19:7 : 7 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga ka cabsada, iska jira, oo saas yeela, waayo, xagga Rabbiga Ilaaheenna ah dembi ma jiro, dadkana looma kala eexdo, laaluushna lama qaato.
  • Bil 18:25 : 25 Yaanay noqon inaad sidaas samayso, inaad kuwa xaqa ah la dishid kuwa sharka fala, oo sidaas kuwa xaqa ahu ay kula mid noqdaan kuwa sharka fala, taas yaanay noqon. Dunida oo dhan Xaakinkeedu miyuusan xaq samayn doonin?
  • Muj 16:7 : 7 Oo haddana waxaan maqlay meeshii allabariga oo leh, Haah, Rabbiyow Ilaaha Qaadirka ahow, waxaa run iyo xaq ah xukummadaada.
  • Daan 9:14 : 14 Haddaba sidaas daraaddeed baa Rabbigu xumaanta u fiiriyey, oo uu noogu soo dejiyey, waayo, Ilaaha Rabbigayaga ahu wax alla wuxuu sameeyo oo dhan waa ku xaq, oo annana ma aannu addeecin codkiisii.
  • Room 3:4-6 : 4 Ma suurtowdo! Ilaah runlow ha ahaado in kastoo nin waluba beenlow yahay, sida qoran, In xaq lagaaga dhigo hadalladaada, Oo aad libaantid markii lagu xukumo. 5 Laakiin haddii xaqnimola'aanteennu muujiso xaqnimada Ilaah, maxaynu odhan doonnaa? Ma xaq daranyahay Ilaaha cadhada soo dejiyaa? (Sida dad baan u hadlayaa.) 6 Ma suurtowdo! Hadduu xaq daranyahay, sidee baa Ilaah dunida u xukumi doonaa?
  • Ayuub 34:10-12 : 10 Haddaba sidaas daraaddeed i dhegaysta, raggiinna waxgaradka ahow; Ilaah inuu xaqdarro sameeyo way ka fog tahay; Oo Ilaaha Qaadirka ahna inuu xumaan falo way ka fog tahay. 11 Waayo, nin walba shuqulkiisuu ka abaalmariyaa, Oo nin kastana siduu socodkiisu ahaa ayuu ugu abaalgudaa. 12 Laakiinse hubaal Ilaah xaqdarro ma uu samayn doono, Oo Kan Qaadirka ahuna garta ma uu qalloocin doono.
  • Ayuub 34:17-19 : 17 War mid xaqnimada neceb miyuu wax u talinayaa? Oo ma waxaad xukumaysaa midka xaqa ah oo xoogga badan? 18 Ma waxaa boqor lagu yidhaahdaa, Shar baad tahay? Amase kuwa gobta ah, Cibaadalaawayaal baad tihiin? 19 Haddaba ma saasaad ku odhan lahayd kan aan amiirrada u eexan, Ama aan taajirka uga roonayn kan miskiinka ah? Waayo, iyagu dhammaantood waa shuqulkii gacmihiisu sameeyeen.
  • Ayuub 35:13 : 13 Hubaal Ilaah maqli maayo wax aan waxba ahayn, Oo Kan Qaadirka ahuna innaba ka fiirsan maayo.
  • Ayuub 40:2 : 2 Kii murmayaa ma Ilaaha Qaadirka ah buu la diriri karaa? Kii Ilaah la doodayaa ha ka jawaabo taas.
  • Ayuub 40:8 : 8 War ma xukunkaygaad burinaysaa? Oo ma waxaad ii xukumaysaa inaad xaq noqotid?
  • Sab 89:14 : 14 Carshigaaga aasaaskiisu waxa weeye xaq iyo caddaalad, Oo naxariista iyo runtuna way ku hor socdaan.
  • Sab 99:4 : 4 Oo weliba boqorka xooggiisu wuxuu jecel yahay garsoorid, Caddaalad baad adkaysaa, Garsoorid iyo xaqnimo baad u samaysaa reer Yacquub.
  • Yex 18:25 : 25 Laakiinse idinku waxaad tidhaahdaan, Sayidka jidkiisu ma qummana, haddaba reer binu Israa'iilow, bal i maqla. Sow jidkaygu ma qummana? Sow jidadkiinnu ma aha kuwa aan qummanaynu?
  • Yex 33:17 : 17 Laakiinse dadkaagu waxay yidhaahdaan, Sayidka jidkiisu ma qummana, illowse waa iyaga qudhooda waxa aan jidkoodu qummanayn.
  • Yex 33:20 : 20 Laakiinse idinku waxaad tidhaahdaan, Sayidka jidkiisu ma qummana. Reer binu Israa'iilow, midkiin kastaba waxaan u xukumi doonaa siday jidadkiisu yihiin.
  • Ayuub 4:17 : 17 War nin dhiman karaa miyuu Ilaah ka sii caaddilsanaan karaa? Mase nin baa ka sii daahirsanaan kara kii isaga abuuray?
  • Ayuub 9:2 : 2 Sida runta ah waan ogahay inay sidaas tahay, Laakiinse sidee baa nin xaq ugu noqon karaa Ilaah hortiisa?
  • Ayuub 10:3 : 3 Bal miyey kuu wanaagsan tahay inaad cidhiidhisid Oo aad quudhsatid shuqulkii gacantaada, Oo haddana aad iftiimisid kuwa sharka ah taladooda?
  • Ayuub 19:7 : 7 Bal eega, dulunka daraaddiis waan u qayliyaa, laakiin lay maqli maayo, Oo caawimaad waan u qayshadaana, caddaaladduse ma jirto.
  • Ayuub 21:15 : 15 Waa maxay Ilaaha Qaadirka ah, oo aan u adeegayno? Balse maxaa faa'iido ah oo aannu ka helaynaa, haddaan isaga u tukanno?
  • Ayuub 21:20 : 20 Indhihiisu ha arkeen halligaaddiisa, Oo isagu ha cabbo Ilaaha Qaadirka ah cadhadiisa.
  • Ayuub 34:5 : 5 Waayo, Ayuub wuxuu yidhi, Anigu xaq baan ahay, Laakiinse Ilaah baa gartaydii ii diiday.
  • Muj 15:3 : 3 Oo iyana waxay ku gabyeen addoonkii Ilaah oo Muuse ahaa gabaygiisii iyo gabaygii Wanka iyagoo leh, Rabbiyow Ilaaha Qaadirka ahow, shuqulladaadu way weyn yihiin, oo yaab bay leeyihiin. Boqorka quruumahow, jidadkaagu waa xaq oo waa run.
  • Room 2:5 : 5 Laakiin engegnaantaada iyo toobadla'aanta qalbigaaga aawadood waxaad cadho u urursanaysaa maalinta cadhada iyo muuqashada xukunka xaqa ah oo Ilaah,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 81%

    12Laakiinse hubaal Ilaah xaqdarro ma uu samayn doono, Oo Kan Qaadirka ahuna garta ma uu qalloocin doono.

    13Bal yaa isaga ku amray inuu dhulka u taliyo? Yaase isaga dusha ka saaray dunida oo dhan?

  • Ayuub 40:8-9
    2 aayado
    80%

    8War ma xukunkaygaad burinaysaa? Oo ma waxaad ii xukumaysaa inaad xaq noqotid?

    9Adiguse ma waxaad leedahay Ilaah gacantiisa oo kale? Oo codkiisa oo kale miyaad ku onkodi kartaa?

  • 4Haddii carruurtaadii ay isaga ku dembaabeen, Wuxuu iyagii u gacangeliyey xadgudubkoodii.

  • 17War mid xaqnimada neceb miyuu wax u talinayaa? Oo ma waxaad xukumaysaa midka xaqa ah oo xoogga badan?

  • Ayuub 22:3-5
    3 aayado
    76%

    3Balse ma Ilaaha Qaadirka ah baa xaqnimadaada ku farxa? Mase faa'iido bay u tahay isaga inaad jidkaaga qummaatisid?

    4War ma cabsidaada daraaddeed buu kuu canaantaa? Oo saas daraaddeed miyuu dacwad kuula galaa?

    5Sow sharkaagu ma badna? Xumaatooyinkaagu dhammaad ma laha.

  • 3Haddaba ma mid sidaas oo kalaad indhaha u kala qaadaysaa? Oo ma anigaad xukun ila soo gelaysaa?

  • 17War nin dhiman karaa miyuu Ilaah ka sii caaddilsanaan karaa? Mase nin baa ka sii daahirsanaan kara kii isaga abuuray?

  • Ayuub 31:2-3
    2 aayado
    75%

    2Waayo, waa maxay qaybta laga helo Ilaaha xagga sare jooga, Iyo dhaxalka laga helo Ilaaha Qaadirka ah oo sarreeya?

    3Sow belaayo uma aha kuwa xaqa daran, Iyo masiibo kuwa xumaanta ka shaqeeya?

  • 3Bal miyey kuu wanaagsan tahay inaad cidhiidhisid Oo aad quudhsatid shuqulkii gacantaada, Oo haddana aad iftiimisid kuwa sharka ah taladooda?

  • Bar 3:35-36
    2 aayado
    75%

    35Iyo in dadka xaqiisa laga leexiyo Ilaaha sare hortiisa,

    36Iyo in nin gartiisa laga qalloociyo, Sayidku raalli kama aha.

  • Xab 1:3-4
    2 aayado
    75%

    3Bal maxaad xumaan ii tustaa oo aad qallooc iigu jeedisaa? Waayo, waxaa hortayda yaal halligaad iyo dulmi, oo waxaa kor u kaca dirir iyo dagaal.

    4Sidaas daraaddeed sharcigii waa dabcay oo caddaaladduna hore uma socoto, waayo, kii sharrow ah ayaa hareereeya kii xaq ah, oo sidaas daraaddeed garsooridda waa la qalloociyaa.

  • 1¶ Rabbiyow, xaq baad tahay markaan kula muddaco, haddaba bal aan xukummadaada kaala hadlo. Sharrowyada jidkoodu bal muxuu u hagaagaa? Oo kuwa khiyaano kula macaamiloodo oo dhammuna bal maxay u nabdoon yihiin?

  • 2Ilaa goormaad xaqdarro wax ku xukumaysaan? Oo ilaa goormaad kuwa sharka leh u eexanaysaan? (Selaah)

  • Ayuub 13:7-8
    2 aayado
    74%

    7War ma Ilaah aawadiis baad xaqdarro wax ugu odhanaysaan, Oo ma isaga aawadiis baad khiyaano ugu hadlaysaan?

    8War ma isagaad u eexanaysaan? Oo ma Ilaah aawadiis baad u diriraysaan?

  • 23Jidkiisa yaa u amray? Yaase isaga ku odhan kara, Waxaad samaysay xaqdarro?

  • 1Hubaal xaqnimada aamusnaan ma ku sheegtaan? Binu-aadmigow, si qumman wax ma u xukuntaan?

  • Room 3:5-6
    2 aayado
    73%

    5Laakiin haddii xaqnimola'aanteennu muujiso xaqnimada Ilaah, maxaynu odhan doonnaa? Ma xaq daranyahay Ilaaha cadhada soo dejiyaa? (Sida dad baan u hadlayaa.)

    6Ma suurtowdo! Hadduu xaq daranyahay, sidee baa Ilaah dunida u xukumi doonaa?

  • 13Oo aad ruuxaaga Ilaah ugu soo jeedisaa, Oo erayo caynkaas ah aad afkaaga uga soo daysaa?

  • 7Kii qummanu halkaasuu isaga kula xaajoon kari lahaa, Oo anna saasaan xaakinkayga uga samatabbixi lahaa weligayba.

  • 5Waayo, Ayuub wuxuu yidhi, Anigu xaq baan ahay, Laakiinse Ilaah baa gartaydii ii diiday.

  • 10Haddaba sidaas daraaddeed i dhegaysta, raggiinna waxgaradka ahow; Ilaah inuu xaqdarro sameeyo way ka fog tahay; Oo Ilaaha Qaadirka ahna inuu xumaan falo way ka fog tahay.

  • 23Annagu ma heli karno Ilaaha Qaadirka ah, waayo, isagu wuu xoog badan yahay; Oo isagoo garsoorid iyo caddaalad ka buuxa ninna ma uu dhibi doono.

  • 25Yaanay noqon inaad sidaas samayso, inaad kuwa xaqa ah la dishid kuwa sharka fala, oo sidaas kuwa xaqa ahu ay kula mid noqdaan kuwa sharka fala, taas yaanay noqon. Dunida oo dhan Xaakinkeedu miyuusan xaq samayn doonin?

  • 72%

    12Bal eeg, waan kuu jawaabi doonaa, haddaba waxan xaq kuma tihid, Waayo, Ilaah baa binu-aadmiga ka sii weyn.

    13Haddaba maxaad isaga ula asaraartantaa? Waayo, isagu axwaalkiisa midnaba jawaab kama baxsho.

  • 2Ma waxaad u malaynaysaa in taasu xaq tahay, Amase ma waxaad leedahay, Xaqnimadaydu way ka sii badan tahay tan Ilaah?

  • 7Bal eega, dulunka daraaddiis waan u qayliyaa, laakiin lay maqli maayo, Oo caawimaad waan u qayshadaana, caddaaladduse ma jirto.

  • 23kuwaasoo kan sharka leh xaq ka dhiga laaluush aawadiis, oo ka xaqa ahna xaqiisa ka qaada!

  • 7kuwiinna caddaaladda u roga dacar oo xaqnimadana dhulka ku tuura.

  • 19Bal haddaan xagga xoogga ka hadalno isagu waa itaal miidhan, Balse xagga xukunka yaa wakhti ii sheegaya?

  • 17¶ Waxaad Rabbiga ku daaliseen erayadiinna, oo weliba waxaad tidhaahdaan, War sidee baannu isaga u daalinnay? Waad daalisaan markaad tidhaahdaan, Ku alla kii shar falaaba waa ku wanaagsan yahay Rabbiga hortiisa, oo isagu wuu ku farxaa. Amase markaad tidhaahdaan, Meeh Ilaahii caddaaladdu?

  • 7War miyaad baadhi kartaa Ilaah axwaalkiisa moolka dheer? Miyaadse Ilaaha Qaadirka ah si kaamil ah u garan kartaa?

  • Ayuub 35:6-7
    2 aayado
    72%

    6Haddaad dembaabtay maxaa xumaan ah oo aad yeeshaa? Oo xadgudubyadaadu hadday bataanse maxaad isaga ku samaysaa?

    7Haddaad xaq tahayse bal maxaad isaga siisaa? Isaguse muxuu gacantaada ka helaa?

  • 13Oo adna waxaad leedahay, War Ilaah muxuu yaqaan? Oo gudcurka qarada leh miyuu wax ku dhex xukumi karaa?

  • 24Dhulka waxaa gacanta loo geliyey kan sharka ah; Oo isna wuxuu indhasaabaa xaakinnadii dhulka. Bal hadduusan isaga ahayn, haddaba waa ayo?

  • 13Waxaad tahay mid indhihiisu ka sii daahirsan yihiin inay wax shar ah eegaan, oo qalloocna ma fiirin kartid, haddaba bal maxaad u fiirisaa kuwa khiyaanada sameeya? Oo maxaad u aamusan tahay marka sharrowgu liqo ninka isaga ka sii xaq yahay?

  • 3Rabbiyow, kuwa sharka lahu ilaa goormay, Kuwa sharka lahu ilaa goormay guulaysanayaan?

  • 17Laakiinse xukunka kuwa sharka ah ayaa kaa buuxa, Oo garsoorid iyo caddaalad ayaa ku qabsada.

  • 8Rabbigu dadyowga buu u garsooraa, Rabbiyow, ii xukun siday xaqnimadaydu tahay, iyo siday daacadnimadayda igu jirtaa tahay.

  • 38Kan ugu sarreeya afkiisa sow kama soo baxaan belaayo iyo wanaagba?