Ayuub 8:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddii carruurtaadii ay isaga ku dembaabeen, Wuxuu iyagii u gacangeliyey xadgudubkoodii.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 1:5 : 5 Oo maalmihii ay diyaafaddii hayn jireen markay dhammaadaan ayaa Ayuub carruurtiisii u cid diri jiray oo daahirin jiray, oo intuu aroor hore kaco ayuu intay ahaayeen oo dhan u bixin jiray qurbaanno la gubo, waayo, Ayuub wuxuu isyidhi, Waaba intaasoo wiilashaydu ay dembaabeen, oo ay qalbigooda Ilaah wax xun kaga sheegeen. Oo Ayuubna sidaasuu yeeli jiray had iyo goorba.
  • Ayuub 1:18-19 : 18 Oo weli intii kaasu sii hadlayay ayuu mid kale yimid, oo wuxuu yidhi, Wiilashaadii iyo gabdhahaagii waxay wax ku cunayeen oo khamri ku cabbayeen gurigii walaalkooda ugu weyn, 19 oo bal eeg, waxaa cidlada ka timid dabayl weyn, oo gurigii afartiisa rukun bay ku dhufatay, kolkaasuu ku dumay raggii dhallinyarada ahaa, oo dhammaantood way dhinteen, oo anigoo keliya ayaa ka soo baxsaday inaan warka kuu soo sheego.
  • Ayuub 5:4 : 4 Carruurtiisu nabaadiino way ka fog yihiin, Oo iridda agteeda ayaa iyaga lagu burburiyaa, Mana jiro mid samatabbixiyaa.
  • Ayuub 18:16-19 : 16 Xididdadiisa hoose way qallali doonaan, Oo laamihiisa sarena waa la jari doonaa. 17 Dhulka laguma xusuusan doono, Oo jidkana magac kuma uu yeelan doono. 18 Isaga iftiin baa gudcur looga kaxayn doonaa, Oo dunidana waa laga eryi doonaa. 19 Oo isagu dadkiisa kuma dhex lahaan doono wiil uu dhalay iyo mid uu wiilkiisii dhalay toona, Ama mid ku hadha meelihii uu degganaan jiray.
  • Bil 13:13 : 13 Haddaba dadkii Sodom shar miidhan bay ahaayeen, Ilaahna aad iyo aad bay ugu dembaabeen.
  • Bil 19:13-25 : 13 waayo, meeshan waannu baabbi'in doonnaa, maxaa yeelay, qayladoodii baa Rabbiga hortiisa aad ugu badatay: oo Rabbigu wuxuu noo soo diray inaannu baabbi'inno. 14 Markaasuu Luud dibadda u baxay, oo wuxuu la hadlay wiilashuu soddogga u ahaa, oo gabdhihiisa qabay, oo wuxuu ku yidhi, Kaca, oo ka soo baxa meeshan; waayo, Rabbigu magaalada wuu baabbi'in doonaa. Laakiin wuxuu wiilashuu soddogga u ahaa ula ekaaday sidii mid ku cayaaraya. 15 Oo markii waagii beryay ayaa malaa'igihii Luud deddejiyeen, iyagoo leh, Kac, oo la tag naagtaada iyo labadaada gabdhood oo halkan jooga; waaba intaasoo aad dembiga magaalada ku baabba'daane. 16 Laakiin markuu raagay ayay nimankii gacantiisa qabteen, iyo gacantii naagtiisa, iyo gacantii labadiisii gabdhood; Rabbiguna waa u naxariistay isaga, iyana way soo bixiyeen, oo waxay geeyeen magaaladii dibaddeeda. 17 Oo markay dibadda u soo bixiyeen ayuu ku yidhi, Naftaada la baxso; gadaashaadana ha eegin. Bannaanka oo dhanna ha joogsan, ee buurta u baxso, waaba intaas oo aad baabba'daaye. 18 Luudna wuxuu ku yidhi iyagii, Sayidkaygiiyow, saas yaanay noqon. 19 Bal eeg, anigoo addoonkaaga ah raalli baad iga ahayd, oo waad weynaysay naxariistaadii aad i tustay markii aad naftayda badbaadisay; aniguse buurta uma baxsan karo, waaba intaasoo shar i gaadhaa oo aan dhintaa. 20 Bal eeg, magaaladan baa dhow inaan u cararo, waana mid yar, de iyada aan u baxsado, (miyaanay mid yar ahayn?) naftayduna waa noolaan doontaa. 21 Oo wuxuu ku yidhi isagii, Bal eeg, waxanna waan kaa aqbalay inaanan rogi doonin magaaladii aad ka hadashay. 22 Dhaqso, oo halkaas u baxso; waayo, waxba ma aan samayn karo ilaa aad halkaas tagto. Sidaas daraaddeed magaalada magaceeda waxaa loo bixiyey Socar. 23 Markii Luud Socar yimid ayaa qorraxdu dhulka u soo baxday. 24 Markaasaa Rabbigu wuxuu Sodom iyo Gomora ku soo daayay baruud iyo dab ka yimid xagga Rabbiga oo samada ka soo daatay; 25 wuuna rogay magaalooyinkaas, iyo Bannaankii oo dhan, iyo dadkii degganaa magaalooyinkaas oo dhan, iyo wixii dhulka ka soo baxay oo dhan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ayuub 8:5-6
    2 aayado
    77%

    5Haddaad aad u barido Ilaah, Oo aad baryootankaaga hor dhigto Qaadirka,

    6Haddaad daahir ahaan lahayd oo aad qummanaan lahayd, Sida xaqiiqada ah haatan wuu kuu toosi lahaa, Oo hoyga xaqnimadaadana wuu barwaaqayn lahaa.

  • 3War ma Ilaah baa garsooridda qalloociya? Mase Ilaaha Qaadirka ah baa caddaaladda qalloociya?

  • Ayuub 35:6-7
    2 aayado
    76%

    6Haddaad dembaabtay maxaa xumaan ah oo aad yeeshaa? Oo xadgudubyadaadu hadday bataanse maxaad isaga ku samaysaa?

    7Haddaad xaq tahayse bal maxaad isaga siisaa? Isaguse muxuu gacantaada ka helaa?

  • Sab 89:30-31
    2 aayado
    75%

    30Carruurtiisu hadday sharcigayga ka tagaan, Oo aanay ku socon xukummadayda,

    31Hadday qaynuunnadayda jebiyaan, Oo aanay amarradayda dhawrin,

  • 19Idinku waxaad tidhaahdaan, Ilaah xumaantiisii wuxuu u kaydiyaa sharrowga carruurtiisa. Haddaba isagu sharrowga ha ugu abaalgudo si uu laftigiisu u ogaado aawadeed.

  • 4Carruurtiisu nabaadiino way ka fog yihiin, Oo iridda agteeda ayaa iyaga lagu burburiyaa, Mana jiro mid samatabbixiyaa.

  • 15Haddaan odhan lahaa, Sidaasaan ku hadli doonaa, Bal eeg, waan khiyaanayn lahaa farcanka carruurtaada.

  • 73%

    46Haddii ay kugu dembaabaan, waayo, nin aan dembaabinu ma jiro, oo aad u cadhootid, oo aad markaas cadowga u gacangelisid inay la tagaan oo maxaabiis ahaan ugu kaxaystaan cadowga dalkiisii, ama ha dhowaado ama ha dheeraadee;

    47oo weliba hadday ku fikiraan dalkii maxaabiis ahaanta loogu kaxaystay, oo ay kuu soo noqdaan, oo ay kugu baryaan dalkii kuwii maxaabiisahaanta u kaxaystay, ee ay yidhaahdaan, Waannu dembaabnay, oo wax qalloocan baannu samaynay, oo si shar ah ayaannu u macaamiloonnay,

  • 7Sidee baan kuu saamixi karaa? Carruurtaadii way iga tageen, oo waxay ku dhaarteen kuwa aan ilaahyo ahayn, oo markaan dherdhergiyey dabadeed ayay sinaysteen, oo iyagoo guutooyin ah ayay guryihii dhillooyinka ku soo urureen.

  • 4Cabsida waad baabbi'isaa, Oo cibaadadana Ilaah hortiisa waad ka joojisaa.

  • 7Sidii ay u tarmeen si le'eg ayay igu dembaabeen, haddaba sharaftoodii ayaan ceeb u beddeli doonaa.

  • 14Haddaan dembaabo waad iska kay fiirsataa, Oo ma aad caddaysid inaan dembi la'ahay.

  • 14Carruurtiisu hadday tarmaan, kolleyba waxaa dili doonta seef, Oo carruurtiisuna cunto kama dhergi doonaan.

  • 13Oo aad ruuxaaga Ilaah ugu soo jeedisaa, Oo erayo caynkaas ah aad afkaaga uga soo daysaa?

  • 14Haddii xumaanu gacantaada ku jirto iska fogee, Oo xaqdarrona yaanay teendhooyinkaaga degin.

  • Ayuub 36:8-9
    2 aayado
    71%

    8Oo haddii silsilado lagu xidho, Oo xadhkaha dhibka lagu kaxaysto,

    9Markaas wuxuu iyaga ku caddeeyaa falimahooda, Iyo xadgudubyadoodii ay kibirka u sameeyeen.

  • 14Haddaba bal eeg, kaasu hadduu dhalo wiil dembigii aabbihiis sameeyey oo dhan arka, oo uu markaas cabsado, oo aan waxaas oo kale samayn,

  • 25Haddii nin mid kale ku dembaabo, Ilaah baa isaga xukumi doona, laakiinse nin hadduu Rabbiga ku dembaabo, bal yaa isaga u baryootami doona? Laakiinse iyagu ma ay dhegaysan codkii aabbahood, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu doonayay inuu dilo iyaga.

  • 18Isaga haddii meeshiisa laga baabbi'iyo, Markaasay inkiri doontaa isaga, oo waxay odhan doontaa, Anigu kumaba arag.

  • 27Awowgiinnii hore wuu dembaabay, oo macallimiintiiniina way igu xadgudbeen.

  • Ayuub 22:4-5
    2 aayado
    71%

    4War ma cabsidaada daraaddeed buu kuu canaantaa? Oo saas daraaddeed miyuu dacwad kuula galaa?

    5Sow sharkaagu ma badna? Xumaatooyinkaagu dhammaad ma laha.

  • 5Oo sida xaqiiqada ah haddaad iska kay weynaynaysaan, Oo aad ceebtayda igu caddaysaan inaan dembi leeyahay,

  • Sab 7:3-4
    2 aayado
    71%

    3Rabbiyow, Ilaahayow, haddii aan waxan sameeyey, Haddii xumaanu gacmahayga ku jirto,

    4Haddii aan shar ugu abaalguday mid ila nabad ah, (Haah, oo waxaan samatabbixiyey kii sababla'aan cadowga iigu ahaa,)

  • 4War waa adiga xanaaq daraaddiis isla jeexjeexayaye Dhulka ma daraaddaa baa looga tegayaa? Mase dhagaxa ayaa meeshiisa laga rujinayaa?

  • 5Way iskharribeen, oo carruurtiisii iyagu ma aha, waa ceebtooda, Iyagu waa qarni qalloocan oo maroorsan.

  • 8War ma xukunkaygaad burinaysaa? Oo ma waxaad ii xukumaysaa inaad xaq noqotid?

  • 11Markaas sida dabayl buu u dhaafi doonaa, oo wuu sii gudbi doonaa, oo dembi buu lahaan doonaa kan xooggiisu ilaah u yahay.

  • 18Jidkaaga iyo falimahaaga ayaa waxyaalahan kuu keenay, tanu waa belaayadaada, wayna qadhaadh tahay, oo waxay gaadhaysaa xataa ilaa qalbigaaga.

  • 18¶ Haddii nin leeyahay wiil madax adag oo caasi ah oo aan addeecin hadalka aabbihiis ama hadalka hooyadiis, oo in kastoo ay edbiyaan aan iyaga dhegaysan innaba,

  • 7Haddii tallaabadaydu jidka gees uga leexatay, Oo qalbigaygu uu indhahayga raacay, Iyo haddii ay bar ceeb ahu gacmahayga ku dhegtay,

  • 10Carruurtiisu kuwa warwareega ha noqdeen oo ha dawarsadeen, Cuntadoodana ha ka doondooneen meelahooda cidlada ah.

  • 6Oo bal ma sidaas daraaddeed baad xumaantayda u daba joogtaa, Oo aad dembigayga u baadhaysaa,

  • 3Haddaba ma mid sidaas oo kalaad indhaha u kala qaadaysaa? Oo ma anigaad xukun ila soo gelaysaa?

  • 36Haddii ay kugu dembaabaan, (waayo, nin aan dembaabinu ma jiro, ) oo aad u cadhootid oo aad markaas cadowga u gacangelisid inay la tagaan oo maxaabiis ahaan ugu kaxaystaan dal kale, ama ha dhowaado, ama ha dheeraadee,

  • 40Wayna qiran doonaan xumaatadoodii iyo xumaatadii awowayaashood, iyo xadgudubkii ay igu xadgudbeen, iyo weliba caasinimadii ay igu caasiyeen

  • 4Bal yaad ku cayaaraysaan? Oo bal yaad afka ku kala qaadaysaan oo aad carrabka ku soo taagaysaan? Sow idinku ma ihidin carruurtii xadgudubka iyo farcankii beenta,

  • 8Sidaan anigu arkay, weligoodba kuwii xumaan tacbadaa, Oo belaayo beertaa, isla waxaasay goostaan.

  • 25Xumaatooyinkiinna ayaa waxyaalahan idinka celiyey, oo dembiyadiinna ayaa waxyaalo wanwanaagsan idinka diiday.

  • 19Rabbiguna wuu arkay, oo wuu nacay, Maxaa yeelay, wiilashiisii iyo gabdhihiisii ayaa isaga ka xanaajiyey.

  • 4Haatan sow iguma qayshan, Aabbahayow, adigu waxaad tahay saaxiibkii yaraantaydii?

  • 29¶ Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal maxaad iila muddacaysaan? Waayo, idinku kulligiin waad iga gudubteen.

  • 1Wiilashoy, aabbe edbintiisa maqla, Oo u jeesta inaad wax garataan.

  • 8Laakiin haddaan laydinku edbin edbinta laga wada qayb galo, haddaba waxaad tihiin garacyo, oo wiilashiisii ma ihidin.