Ayuub 23:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado erayada uu iigu jawaabayo, Oo aan garto bal waxa uu igu odhanayo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 10:2 : 2 Waxaan Ilaah ku odhan doonaa, Ha i xukumine. Bal waxaad i tustaa waxa aad aawadood iila diriraysid.
  • Ayuub 13:22-23 : 22 Oo markaas ii yeedh, oo anna waan kuu jawaabi doonaa, Amase anigu aan hadlo oo adigu ii jawaab. 23 Bal xumaatooyinkayga iyo dembiyadaydu waa immisa? Bal xadgudubkayga iyo dembigayga i ogeysii.
  • Ayuub 42:2-6 : 2 Waan ogahay inaad wax walba kartid, Iyo inaan qasdigaaga innaba la joojin karin. 3 Bal waa ayo kan aan aqoonta lahayn oo talada qariyaa? Haddaba anigu waxaan ku hadlay wax aanan garanayn, Oo ah waxyaalo aad iiga yaabiyey oo aanan innaba aqoon. 4 Waan ku baryayaaye i maqal aan kula hadlee, Oo wax baan ku weyddiinayaaye ii sheeg. 5 Markii hore ayaan wax kugu saabsan dhegaha ku maqlay, Laakiinse haatan indhahaan kugu arkayaa, 6 Sidaas daraaddeed waan isnacayaa, Waanan toobadkeenayaa anigoo boodh iyo dambas ku fadhiya.
  • 1 Kor 4:3-4 : 3 Laakiin waa ila yar tahay inaad idinku i xukuntaan ama in dad kale i xukumo; xataa aniga qudhaydu isma xukumo. 4 Waayo, waxba iskuma ogi, laakiinse ma aha taas aawadeed in xaq layga dhigay, waayo, waa Rabbiga kan i xukumaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ayuub 23:3-4
    2 aayado
    87%

    3Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado meeshaan isaga ka heli karo, Si aan kursigiisa ugu imaado!

    4Dacwadayda ayaan hortiisa ku diyaarin lahaa, Oo afkaygana hadallo dood ah baan ka buuxin lahaa.

  • Ayuub 23:6-7
    2 aayado
    83%

    6Ma wuxuu igula diriri lahaa xooggiisa badan? Maya, laakiinse wuu i maqli lahaa.

    7Kii qummanu halkaasuu isaga kula xaajoon kari lahaa, Oo anna saasaan xaakinkayga uga samatabbixi lahaa weligayba.

  • 3Sida xaqiiqada ah waxaan doonayaa inaan Ilaaha Qaadirka ah la hadlo, Oo waxaan jeclahay inaan Ilaah la xaajoodo.

  • Ayuub 42:3-4
    2 aayado
    78%

    3Bal waa ayo kan aan aqoonta lahayn oo talada qariyaa? Haddaba anigu waxaan ku hadlay wax aanan garanayn, Oo ah waxyaalo aad iiga yaabiyey oo aanan innaba aqoon.

    4Waan ku baryayaaye i maqal aan kula hadlee, Oo wax baan ku weyddiinayaaye ii sheeg.

  • 78%

    35Hoogaye haddaan lahaan lahaa mid i maqla! (Bal eeg, waa tan calaamaddaydii, haddaba Ilaaha Qaadirka ahu ha ii jawaabo;) Yaa i siinaya eedayntii uu cadowgaygu iga qoray!

    36Sida xaqiiqada ah garabkaygaan ku qaadan lahaa, Oo weliba madaxaan ku xidhan lahaa sidii taaj oo kale.

    37Oo waxaan isaga u sheegi lahaa tirada tallaabooyinkaygu inta ay tahay; Oo waxaan isaga ugu soo dhowaan lahaa sidii amiir oo kale.

  • 22Oo markaas ii yeedh, oo anna waan kuu jawaabi doonaa, Amase anigu aan hadlo oo adigu ii jawaab.

  • 8Aniguse Ilaah baan baryi lahaa, Oo xaalkaygana Ilaah baan u dhiibi lahaa,

  • 5Haddaba haddaad kartid ii jawaab, Oo hortayda erayada si hagaagsan ugu sheeg oo istaag.

  • 77%

    31Ayuubow, i maqal oo aniga i dhegayso: Adigu iska aamus, oo anna waan hadli doonaa.

    32Haddaad wax odhan lahayd, ii jawaab, Oo hadal, waayo, waxaan jeclahay inaan xaq kaa dhigo.

  • 5Bal muu Ilaah hadlo! Oo bal muu bushimihiisa furo isagoo kaa gees ah!

  • 76%

    14Haddaba bal anigu sidee baan ugu jawaabi karaa, Oo aan erayadayda kala doortaa si aan isaga kula hadlo?

    15In kastoo aan xaq ahaan lahaa, weliba uma aanan jawaabeen isaga, Illowse waxaan iska baryi lahaa Kan i xukumaya.

  • 76%

    18Bal eega, hadda xaalkayga waan soo hagaajiyey, Oo waan ogahay in xaq layga dhigayo.

    19Bal yuu yahay kan ila doodayaa? Waayo, hadda waan iska aamusayaa oo naftuna waa iga dhacaysaa.

  • 1Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

  • 14Waayo, isagu erayadiisii iguma uu soo jeedin, Oo anigu hadalladiinnii isaga ugu jawaabi maayo.

  • 1Habase ahaatee, Ayuubow, waan ku baryayaaye, hadalkayga maqal, Oo erayadayda oo dhanna dhegta u dhig.

  • 34Nin kasta oo xigmad leh oo i maqla iyo dadka waxgaradka ahuba Waxay igu odhan doonaan,

  • 35Markaas waan hadli lahaa, oo isaga kama aanan baqeen; Waayo, anigu sidaas ma ahi.

  • 6Haddaba bal xaajadayda maqla, Oo baryootanka bushimahayga dhegaysta.

  • 3Waxaan maqlay canaanta i ceebaysa, Oo waxaa ii jawaabta waxgarashadayda.

  • 20Anigu waan hadli doonaa, si aan u qalbi qabowsado; Oo bushimahayga waan kala qaadi doonaa, waanan jawaabi doonaa.

  • 14Haddaba bal maxaan samayn doonaa markii Ilaah sara joogsado? Oo markuu i soo booqdose bal maxaan ugu jawaabi doonaa?

  • 10Markaas waan istareexi lahaaye, Oo waxaan u adkaysan lahaa xanuun aan ii tudhayn, Waayo, ma aanan diidin Kan Quduuska ah erayadiisii.

  • 8Hahe bal maan helo waxa aan u baryootamo, Oo Ilaah bal muu i siiyo waxa aan u xiisoodo!

  • 32Waayo, isagu nin ma aha, sidaydoo kale, si aan isaga ugu jawaabo, Oo aannu labadayaduba xukun u wada galno.

  • 1Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

  • 24Bal wax i bar, oo anna waan iska aamusayaa; Oo i garansii wixii aan ku qaldamay.

  • 15Waad ii yeedhi lahayd, oo anna waan kuu jawaabi lahaa; Oo adna waxaa damac kaa geli lahaa shuqulkii gacmahaaga.

  • 21Bal muu jiro mid dadka Ilaah ula hadla, Siduu nin deriskiisa ugu hadlo oo kale.

  • 36Waxaan jeclaan lahaa in Ayuub tan iyo ugudambaysta la sii imtixaamo, Maxaa yeelay, wuxuu u jawaabaa sida dadka sharka ah.

  • 11Bal eega, erayadiinnii waan sugayay, Oo xigmaddiinniina waan dhegaysanayay, Intaad baadhbaadhayseen wixii aad odhan lahaydeen.

  • 19Bal haddaan xagga xoogga ka hadalno isagu waa itaal miidhan, Balse xagga xukunka yaa wakhti ii sheegaya?

  • 4Balse anigu ma dad baan ka ashtakoonayaa? Maxaan u ahaan waayay mid aan dulqaadan?

  • 20Isaga ma loo sheegi doonaa inaan hadli doono? Ninse miyuu jecel yahay in isaga la liqo?

  • 5Laakiinse anigu afkayga waan idinku xoogayn lahaa, Oo tacsiyaynta bushimahayguna way idin qalbi qabowjin lahayd.

  • 1¶ Meeshayda aan wax ka dhawro ayaan istaagi doonaa, qalcaddana waan isa saari doonaa, waanan u fiirin doonaa bal waxa uu igula hadli doono, iyo waxa aan uga jawaabi doono cabashadayda.

  • 1Markaasaa Ayuub jawaabay oo wuxuu yidhi,

  • 2Waxaan Ilaah ku odhan doonaa, Ha i xukumine. Bal waxaad i tustaa waxa aad aawadood iila diriraysid.

  • 3Markaasaa Ayuub Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

  • 8Sida xaqiiqada ah dhegahaygaad ku hadashay, Waanan maqlay codkii erayadaada oo leh,

  • 1Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu yidhi,

  • 13Haddaba iska aamusa, oo iska kay daaya aan iska hadlee, Oo wixii dhici lahaaba ha igu dheceen.

  • 1Markaasaa Ayuub Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,