Ayuub 27:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Dadku way ku sacbin doonaan isaga, Oo meeshiisana foodhi bay kaga saari doonaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bar 2:15 : 15 Waxa ag mara oo dhammu way kugu sacbiyaan, Wayna ku foodhyaan oo ay madaxa ku lulaan magaalada Yeruusaalem, oo waxay isku yidhaahdaan, Tanu ma magaaladii la odhan jiray Kaamilnimada quruxda iyo farxadda dunida oo dhan baa?
  • Saf 2:15 : 15 Tanu waa magaaladii faraxa badnayd oo feyigla'aanta ku degganayd, oo qalbiga iska tidhi, Anigaa ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jirto. Waxay noqotay cidla iyo meel dugaag ku hoydo! Mid kasta oo agteeda soo maraaba wuu ku foodhyi doonaa oo gacanta quudhsasho la ruxi doonaa.
  • Muj 18:20 : 20 Haddaba iyada ku farxa, samaday, iyo quduusiintay, iyo rasuulladow, iyo nebiyadow, waayo, Ilaah xukunkiinnii iyaduu ku xukumay.
  • Miik 6:16 : 16 Waayo, qaynuunnadii Boqor Coomrii iyo shuqulladii reer Boqor Axaab oo dhanba waad dhawrteen, oo waxaad ku socotaan talooyinkoodii, si aan cidla laga yaabo idiinka dhigo, oo dadka magaaladiinna degganna waxaan ka dhigi doonaa wax lagu foodhyo, oo idinku waxaad qaadan doontaan cayda dadkayga.
  • 1 Boq 9:8 : 8 Oo in kastoo guriganu dheer yahay, haddana mid walba oo ag maraaba wuu la yaabi doonaa, oo wuu ku foodhyi doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Rabbigu muxuu sidan uga dhigay dalkan iyo gurigan?
  • Est 9:22-25 : 22 oo ay ka dhigaan maalmihii Yuhuuddii ay cadaawayaashoodii ka raysteen iyo bishii xaggooda ay murugtii farxad u beddelantay, baroortiina maalin wanaagsan; inay ka dhigaan maalmo iid ah oo farxad badan, oo mid ba midka kale waxyaalo wanwanaagsan u diro, oo masaakiintana hadiyado la siiyo. 23 ¶ Oo Yuhuuddiina waxay aqbaleen inay sameeyaan wixii ay bilaabeen, iyo sidii Mordekay uu iyaga u soo qoray, 24 maxaa yeelay, Haamaan ina Hamedaata oo ahaa reer Agag, oo Yuhuudda oo dhan cadowgooda ahaa, xeelad buu ku sameeyey Yuhuudda inuu iyaga baabbi'iyo, oo wuxuu riday saami Fuur la odhan jiray, si uu u laayo oo uu u baabbi'iyo. 25 Laakiinse markuu xaalkaasu boqorka hortiisa yimid, wuxuu amray oo warqado ku qoray in xeeladdiisii uu Yuhuudda ku sameeyey ay madaxiisa ku soo noqoto, iyo in isaga iyo wiilashiisiiba lagu deldelo meesha deldelaadda.
  • Ayuub 18:18 : 18 Isaga iftiin baa gudcur looga kaxayn doonaa, Oo dunidana waa laga eryi doonaa.
  • Maah 11:10 : 10 Kuwa xaqa ahu markay barwaaqoobaan, magaaladu way rayraysaa, Laakiin kuwa sharka lahu markay halligmaan farax baa lagu dhawaaqaa.
  • Yer 19:8 : 8 Oo magaaladanna waxaan ka dhigi doonaa cidla laga yaabo iyo wax lagu foodhyo, oo mid kasta oo ag maraaba wuu ka yaabi doonaa oo ku foodhyi doonaa belaayooyinkeeda oo dhan aawadood.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 82%

    21Waxaa isaga kaxaysa dabaysha bari, oo isna wuu tagaa, Oo meeshiisana way ka xaaqdaa.

    22Waayo, Ilaah baa isaga wax ku tuuri doona, umana tudhi doono; Oo sharrowgu wuxuu jeclaan lahaa inuu gacantiisa ka cararo.

  • 7Oo kuwa i arka oo dhammu way igu qoslaan, Bushimahay yuubaan, oo madaxay lulaan, iyagoo leh,

  • 74%

    16Xididdadiisa hoose way qallali doonaan, Oo laamihiisa sarena waa la jari doonaa.

    17Dhulka laguma xusuusan doono, Oo jidkana magac kuma uu yeelan doono.

    18Isaga iftiin baa gudcur looga kaxayn doonaa, Oo dunidana waa laga eryi doonaa.

  • 6Kuwa xaqa ahuna way arki doonaan, oo way cabsan doonaan, Wayna ku qosli doonaan, oo waxay odhan doonaan,

  • Sab 2:4-5
    2 aayado
    72%

    4Kan samada fadhiyaa wuu qosli doonaa, Oo Sayidku iyaga wuu ku majaajiloon doonaa.

    5Markaasuu isagoo cadhaysan iyaga la hadli doonaa, Oo wuxuu iyaga ku dhibi doonaa dhirifkiisa isagoo leh,

  • 15Waxa ag mara oo dhammu way kugu sacbiyaan, Wayna ku foodhyaan oo ay madaxa ku lulaan magaalada Yeruusaalem, oo waxay isku yidhaahdaan, Tanu ma magaaladii la odhan jiray Kaamilnimada quruxda iyo farxadda dunida oo dhan baa?

  • 13Oo Sayidku wuu ku qosli doonaa isaga, Waayo, wuxuu arkaa in maalintiisu soo dhowaanayso.

  • 39Kuwii ag marayayna waa caayeen, oo intay madaxooda luleen,

  • 41Wax alla wixii jidka soo mara oo dhanba isagay dhacaan, Oo derisyadiisana wuxuu u noqday cay.

  • 10Cadowgu boqorro wuu quudhsadaa, oo amiirrona wuu fududaystaa, oo qalcad kastana wuu ku qoslaa, waayo, intuu ciid tuulaa ayuu iska qabsadaa.

  • 27Samooyinku waxay daaha ka qaadi doonaan xumaantiisa, Oo dhulkuna isaguu ku kici doonaa.

  • 32Waayo, isaga waxaa loo dhiibi doonaa dadka aan Yuhuudda ahayn, waana lagu kajami doonaa, oo la caayi doonaa, oo lagu tufi doonaa,

  • 26Sharkooda daraaddiis ayuu iyaga wax ku dhuftaa, Iyagoo dadka kale u jeedo,

  • 16si ay dalkoodii uga dhigaan cidla laga yaabo iyo wax had iyo goorba lagu foodhyo. Mid kasta oo ag maraaba wuu yaabi doonaa, oo madaxuu luli doonaa.

  • 30Oo waxaa la maqli doonaa iyagoo kuu barooranaya, oo si qadhaadh ayay u ooyi doonaan, oo madaxooday boodh ku dul shubi doonaan, oo dambaskay ku galgalan doonaan.

  • 22Kuwa ku neceb waxay xidhan doonaan ceeb, Teendhada sharrowyaduna mar dambe siima jiri doonto.

  • 44Tuugaggii iskutallaabaha lagu la qodbayna sidaas oo kale ayay u caayeen.

  • Mat 27:29-30
    2 aayado
    70%

    29Markaasay taaj qodxan uga taxeen oo madaxiisay saareen, cawsduurna gacantiisa midigtaa ayay u geliyeen, oo intay hortiisa jilba joogsadeen oo ku majaajiloodeen ayay waxay ku yidhaahdeen, Nabad, Boqorka Yuhuuddow.

    30Wayna ku candhuufeen, markaasay cawsduurkii ka qaadeen oo madaxay kaga dhufteen.

  • 17Wuxuu jeclaaday habaaridda, markaasaa habaar ku soo degay, Ducaynta kuma farxin, ducona way ka sii fogaatay isaga.

  • Ish 22:18-19
    2 aayado
    70%

    18Oo hubaal sida kubbad oo kale ayuu kugu wadhfin doonaa dhul weyn oo ballaadhan, oo halkaasaad ku dhiman doontaa, oo gaadhifardoodyadii sharaftaaduna halkaasay joogi doonaan, adigoo ah ceebta gurigii sayidkaaga.

    19Oo waxaan kaa eryi doonaa derejadaada, oo jagada aad joogtona isagaa kaa soo dejin doona.

  • 6Nin shar leh ka sarraysii isaga, Oo Shayddaan ha istaago midigtiisa.

  • 24Xanaaqaaga iyaga ku deji, Oo cadhadaada kulaylkeeduna ha qabsado.

  • 67Markaasay wejiga kaga candhuufeen oo garaaceen. Qaarna waa dharbaaxeen,

  • 3Markaasay u yimaadeen oo ku yidhaahdeen, Nabad Boqorka Yuhuuddow, wayna dharbaaxeen.

  • 10Way i karahsadaan, oo meel fog bay iga istaagaan, Oo inay candhuufo wejiga iiga tufaanna iskama ay qabtaan.

  • 37Waayo, dembigiisii wuxuu ku sii darsadaa caasinimo, Oo dhexdeenna ayuu ka sacab tuntaa, Erayadiisana wuxuu ku sii badiyaa Ilaah.

  • 8Oo taas daraaddeed ayaa cadhada Rabbigu ugu soo degtay dadka Yahuudah iyo Yeruusaalemba, oo Rabbiguna wuxuu iyagii geliyey rabshad iyo in laga yaabo oo lagu foodhyo, sida aad idinkuba indhihiinna ugu aragtaan.

  • 15Kuwa aniga, Ahaa, Ahaa, igu yidhaahda, Ceebtooda daraaddeed ha la fajeceen.

  • 8Waxay yidhaahdaan, Cudur xun baa isagii ku dhacay, Oo haatan wuu jiifaa, mar dambena sooma uu kici doono.

  • 8Sidaas daraaddeed waa la kufin doonaa, iyagoo carrabkoodu col u yahay naftooda, Wax alla wixii iyaga arka oo dhammu way carari doonaan.

  • 16Wuxuu nuugi doonaa mariidka jilbisyada, Oo waxaa isaga dili doona mas carrabkiis.

  • 21Laakiin way qayliyeen, iyagoo leh, Iskutallaabta ku qodob, iskutallaabta ku qodob.

  • 23Korkiisa waxaa ka sanqadha gabooye, Iyo waran birbirqaya iyo hoto.

  • 9Bal eeg, in isaga la qabto rajo ma leh, Xataa haddii isaga la arko, sow hoos loo dhici maayo?

  • 63¶ Nimankii Ciise qabtay way ku kajameen oo garaaceen.

  • 69%

    22Markuu dheregsan yahay ayuu cidhiidhi dhex geli doonaa, Oo mid kasta oo belaayaysan gacantiisa ayaa ku soo degi doonta.

    23Markuu ku dhow yahay inuu calooshiisa buuxsado, Ayaa Ilaah wuxuu ku soo tuuri doonaa kulaylka cadhadiis, Oo wuu ku soo shubi doonaa intuu wax cunayo.

  • 11Dhinac kasta waxaa ka bajin doona cabsi, Oo xataa gadaalna way ka soo eryan doontaa.

  • 23Oo cadaawayaashiisa hortiisaan ku wada burburin doonaa, Oo kuwa isaga necebna waan layn doonaa.

  • 23Haddii belaayadu haddiiba wax disho, Wuu ku majaajiloon doonaa jirrabaadda kuwa aan xaqa qabin.

  • 30Isagu marnaba gudcur ka bixi maayo, Oo laamihiisa olol baa qallajin doona, Oo neefta afkiisa ayaa qaadi doonta.

  • 40Oo weliba guutay kugu kicin doonaan, wayna ku dhagxin doonaan, oo seefahooday kugu mudhbixin doonaan.

  • 19Nabarkaagu bogsan maayo, dhaawacaaguna aad buu u xun yahay, oo kuwa warkaaga maqla oo dhammuba way kugu sacab tumaan, waayo, bal waa kuma kan aanay xumaantaadu had iyo goorba gaadhin?

  • 3Markaasay qabteen oo garaaceen oo waxla'aan ku direen.