Ayuub 5:24

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waxaad ogaan doontaa in teendhadaadu nabdoon tahay, Oo xeradaada waad soo booqon doontaa, oo waxba kama waayi doontid innaba.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 18:6 : 6 Iftiinka teendhadiisu wuxuu ahaan doonaa gudcur, Oo laambaddiisa kor taalna way demi doontaa.
  • Sab 91:10 : 10 Shar kuguma dhici doono, Belaayona teendhadaada uma soo dhowaan doonto.
  • Sab 121:7-8 : 7 Rabbiga ayaa kaa dhawri doona shar kasta, Isagu wuxuu dhawri doonaa naftaada. 8 Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba Rabbigu wuxuu dhawri doonaa bixiddaada iyo soo geliddaadaba.
  • Ish 4:5-6 : 5 Oo meel kasta oo la deggan yahay oo Buur Siyoon ku taal, iyo shirarkeeda oo dhanba Rabbigu wuxuu ku kor abuuri doonaa maalintii daruur iyo qiiq, habeenkiina dab ololaya iftiinkiis, oo ammaanta oo dhanna waxaa ka sarrayn doona dabool. 6 Oo maalinnimada waxaa jiri doona meel kulaylka laga hadhsado, iyo meel la galo, iyo meel laga dugsado duufaanka iyo roobka.
  • Sab 107:4 : 4 Waxay dhex wareegi jireen cidlada iyo jid lamadegaan ah, Mana ay helin magaalo ay degaan.
  • Sab 107:40 : 40 Amiirro wuxuu ku soo daayaa quudhsasho, Oo wuxuu ka dhigaa inay ku wareegaan cidlada aan jid lahayn.
  • Sharc 28:6 : 6 Oo waad barakaysnaan doontaan markaad gudaha soo gashaan, oo waad barakaysnaan doontaan markaad dibadda u baxdaan.
  • 1 Sam 30:3 : 3 Oo Daa'uud iyo raggiisiina markay magaaladii yimaadeen, waxay arkeen iyadoo la gubay, oo naagahoodii iyo wiilashoodii iyo gabdhahoodiiba loola wada tegey maxaabiis ahaan.
  • Ayuub 8:6 : 6 Haddaad daahir ahaan lahayd oo aad qummanaan lahayd, Sida xaqiiqada ah haatan wuu kuu toosi lahaa, Oo hoyga xaqnimadaadana wuu barwaaqayn lahaa.
  • Ayuub 18:15 : 15 Teendhadiisa waxaa ku jiri doona wax aan wixiisii ahayn, Oo hoygiisana waxaa lagu soo kor firdhin doonaa baaruud.
  • Ayuub 18:21 : 21 Sida xaqiiqada ah guryaha kuwa aan xaqa ahayn waa sidaas oo kale, Oo kii aan Ilaah aqoon meeshiisiina waa tan.
  • Ayuub 21:7-9 : 7 Bal maxay kuwa sharka ahu u noolaanayaan? Oo ay u gaboobayaan? Balse maxay xoog badan u yeeshaan? 8 Farcankoodu iyagoo la jooga hortooduu ku xoogaystaa, Oo dhashoodiina hortooday ku dhisan yihiin. 9 Reerahoodu cabsi way ka ammaan galeen, Oo ushii Ilaahna iyaga ma kor saarna.
  • Sab 25:13 : 13 Naftiisu wanaag bay ku jiri doontaa, Oo farcankiisuna wuxuu dhaxli doonaa dalka.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 80%

    21Waad ka qarsoonaan doontaa karbaashidda carrabka; Oo baabbi'iddu markay timaadana kama aad cabsan doontid innaba.

    22Waad ku qosli doontaa baabbi'idda iyo abaarta, Oo dugaagga dhulkana kama aad baqi doontid.

    23Waayo, axdi baad la yeelan doontaa dhagaxyada berrinka, Oo dugaagga duurkana heshiis baad la ahaan doontaa.

  • 25Oo weliba waxaad ogaan doontaa in farcankaagu badnaan doono, Oo dhashaaduna sida cawska dhulka bay ahaan doontaa.

  • 21Haddaba isaga la heshii, oo iska nabdoonow, Waayo, sidaasaa wanaag kuugu iman doonaa.

  • Maah 3:23-25
    3 aayado
    73%

    23Markaasaad jidkaaga ammaan ku mari doontaa, Oo cagtaaduna ma turunturoon doonto.

    24Markaad jiifsatidna ma cabsan doontid; Haah, waad jiifsan doontaa, oo hurdadaaduna way kuu macaanaan doontaa.

    25Ha ka baqin cabsi kedis ah, Iyo baabbi'inta kuwa sharka leh toona markii ay timaado.

  • 73%

    18Oo ammaan baad ahaan doontaa, maxaa yeelay, rajaa jirta, Hareerahaagaad fiirin doontaa, oo nabaadiinona waad ku nasan doontaa.

    19Weliba waad jiifsan doontaa, oo waxba kuma cabsiin doonaan; Hubaal kuwa badan ayaa raallinimo kaa baryi doona.

  • 18Oo dadkayguna waxay joogi doonaan rug nabaadiino, iyo hoyaal ammaan ah, iyo meelo xasilloon oo lagu nasto.

  • Laaw 26:5-6
    2 aayado
    72%

    5Tumidda hadhuudhkiinnu waxay gaadhi doontaa guridda canabkiinna, guridda canabkuna waxay gaadhi doontaa ilaa wakhtiga beeridda, oo cuntadiinna ayaad cuni doontaan ilaa aad dheregtaan, oo dalkiinnana ammaan baad ku degganaan doontaan.

    6Oo anigu waxaan dalka idinku siin doonaa nabaadiino, oo idinna waad iska jiifsan doontaan, oo waxba idinma cabsiin doonaan, oo anna dugaagga xun dalkiinna waan ka baabbi'in doonaa, oo seefuna dalkiinna innaba ma dhex mari doonto.

  • 23Waa lagu dhisi doonaa haddaad Ilaaha Qaadirka ah u noqotid, Oo aad xaqdarrada teendhooyinkaaga ka fogaysid.

  • 71%

    14Haddii xumaanu gacantaada ku jirto iska fogee, Oo xaqdarrona yaanay teendhooyinkaaga degin.

    15Hubaal markaasaad wejigaaga kor u qaadi doontaa isagoo aan ceeb lahayn; Oo waad adkaan doontaa, mana aad baqi doontid,

  • 6oo waxaad kaas barwaaqaysan ku tidhaahdaan, Nabadu ha kuu ahaato, reerkaagana nabadu ha u ahaato, oo waxaad haysatid oo dhanna nabadu ha u ahaato.

  • 71%

    14Oo xigmadda aqoonteeduna sidaasoo kalay naftaada u ahaan doontaa, Oo haddaad iyada heshid waxaa jiri doona abaalgud, Oo rajadaaduna ma go'i doonto.

    15Sida nin shar leh, ha u gabban kan xaqa ah gurigiisa, Oo rugtiisa nasashadana ha kharribin.

  • 2Waayo, waad cuni doontaa waxa gacmahaagu ku hawshoodeen, Waadna farxi doontaa, oo waad barwaaqoobi doontaa.

  • Sab 91:9-10
    2 aayado
    70%

    9Waayo, waxaad tidhi, Rabbigu waa magangalkayga, Oo Kan ugu sarreeya ayaa degmadayda ah.

    10Shar kuguma dhici doono, Belaayona teendhadaada uma soo dhowaan doonto.

  • 27Laakiinse waan aqaan fadhigaaga, Iyo bixiddaada, iyo soo geliddaada, Iyo cadhadaadii aad ii cadhootayba.

  • 13Naftiisu wanaag bay ku jiri doontaa, Oo farcankiisuna wuxuu dhaxli doonaa dalka.

  • 6Haah, oo waxaad arki doontaa carruurtaada carruurtooda. Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.

  • 70%

    18Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad qaynuunnadayda yeeshaan, oo aad xukummadaydana dhawrtaan oo yeeshaan, oo markaasaad dalka ammaan ku degganaan doontaan.

    19Oo dhulkuna wuxuu dhali doonaa midhihiisa, oo waxaad cuni doontaan wax aad ka dheregtaan, oo dalkana ammaan baad ku degganaan doontaan.

  • Ish 54:13-14
    2 aayado
    70%

    13Oo Rabbigu carruurtaada oo dhan ayuu wax bari doonaa, oo nabadda carruurtaaduna waxay ahaan doontaa mid weyn.

    14Xaqnimaad ku dhismi doontaa, oo dulmina waad ka fogaan doontaa, waayo, ma aad cabsan doontid, oo cabsigelintana waad ka fogaan doontaa, waayo, innaba kuuma ay soo dhowaan doonto.

  • 5Teendhooyinkiinnu wanaagsanaa, Reer Yacquubow, Oo taambuugyadiinnu qurxoonaa, Reer binu Israa'iilow!

  • 29Deriskaaga innaba xumaan ha u fikirin, Maxaa yeelay, isagu nabadgelyo buu kuu ag fadhiyaa.

  • 4Oo waxaa barakaysnaan doona midhaha jidhkiinna, iyo midhaha dhulkiinna, iyo midhaha xoolihiinna oo ah dhasha lo'diinna iyo tan idihiinna.

  • 23Aad ugu dadaal inaad ogaatid xaalka adhigaaga, Oo lo'daadana si wanaagsan u ilaali.

  • 15Teendhadiisa waxaa ku jiri doona wax aan wixiisii ahayn, Oo hoygiisana waxaa lagu soo kor firdhin doonaa baaruud.

  • 9Reerahoodu cabsi way ka ammaan galeen, Oo ushii Ilaahna iyaga ma kor saarna.

  • 28Laakiinse waan aqaan fadhigaaga, iyo bixiddaada, iyo soo geliddaada, iyo cadhadaadii aad ii cadhootayba.

  • 12Markii aad socotid tallaabooyinkaagu cidhiidhi ma noqon doonaan, Oo haddaad oroddidna ma turunturoon doontid.

  • 27Bal eeg, annagu xaalkan waannu baadhnay, oo sidaas bayna tahay, Haddaba bal maqal, oo nafsaddaada u ogow.

  • 32Oo waxaad arki doontaa dhibaatada rugtayda markii Ilaah reer binu Israa'iil maal siiyo, oo reerkaaguna nin da' weyn ma yeelan doono weligiisba.

  • 2Isagu wuu nabad galaa, oo mid kasta oo qummanaantiisa ku socdana sariirtiisuu ku nastaa.

  • 23Laakiinse haddaydnan sidaas yeelin, bal eega, Rabbigaad ku dembaabteen, oo bal ogaada, dembigiinnuna wuu idinku soo bixi doonaa.

  • 68%

    20Si aad soohdintiisa u martid, Oo aad u garatid wadiiqooyinka gurigiisa loo maro?

    21Shakila'aan waad taqaan, waayo, adigu wakhtigaas waad dhalanayd Oo cimrigaaguna wuu dheer yahay!

  • 11Guriga kuwa sharka leh waa la afgembiyi doonaa, Laakiinse taambuugga kuwa qummanu waa barwaaqoobi doonaa.

  • 4Cadhooda oo ha dembaabina, Qalbigiinna la hadla markii aad sariirtiinna ku jiiftaan, oo aamusa. (Selaah)

  • 1Rabbiyow, bal yaa taambuuggaaga ku fadhiyaya? Oo bal yaa buurtaada quduuska ah degganaanaya?

  • 6Ina nabdeed hadduu halkaas joogo, nabaddiinnu waxay ahaan doontaa dushiisa, haddii kalese way idinku soo noqon doontaa.

  • 27Shuqulkaaga dibadda ku hagaajiso, Oo beerta ku diyaarso, Oo dabadeedna gurigaaga dhiso.

  • 23Ilaahna wuxuu iyaga siiyaa meel ammaan ah, oo halkaasay isku halleeyaan, Jidadkoodana ishuu ku hayaa.

  • 23Oo markaasuu roob idiin siin doonaa abuurkiinna si aad dhulka ugu abuurtaan, oo wuxuu cunto idinka siin doonaa waxa dhulka idiinka baxa, oo waxayna ahaan doontaa barwaaqo badan, oo wakhtigaas lo'diinnu waxay daaqi doontaa berrimmo balballaadhan.