Yo'eel 2:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Markaasaa Rabbigu u hinaasay dalkiisii, oo dadkiisuu u naxay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sak 1:14 : 14 Kolkaasaa malaggii ila hadlay igu yidhi, War qayli, oo waxaad tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu Yeruusaalem iyo Siyoonba waxaan ugu masayrsanahay masayr weyn.
  • Sak 8:2 : 2 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Siyoon waxaan ugu qiirooday qiiro aad u weyn, oo waxaan iyada ugu qiirooday cadho weyn.
  • Sab 103:13 : 13 Sida aabbe carruurtiisa ugu naxo oo kale Ayaa Rabbigu ugu naxaa kuwa isaga ka cabsada.
  • Yac 5:11 : 11 Bal ogaada! Waxaynu ugu yeedhnaa kuwo barakaysan kuwii adkaystay. Waad maqasheen adkaysashadii Ayuub, waadna aragteen dhammaadkii qasdiga Rabbiga, waayo, Rabbigu waa raxmad badan yahay, naxariisna wuu leeyahay.
  • Ish 60:10 : 10 Oo derbiyadaada waxaa dhisi doona shisheeyayaal, oo boqorradooduna adigay kuu adeegi doonaan, waayo, cadhadayda aawadeed ayaan wax kuugu dhuftay, laakiinse raallinimadayda aawadeed ayaan kuugu naxariistay.
  • Ish 63:9 : 9 Dhibaatadoodii oo dhan ayuu isna ku dhibaatooday, oo waxaa iyagii badbaadisay malaa'igta hortiisa joogta, oo wuxuu iyagii ku soo furtay jacaylkiisii iyo naxdintiisii, oo isna wuu soo xambaaray, oo waayihii hore oo dhanna wuu siday.
  • Ish 63:15 : 15 Bal samada wax ka soo fiiri, oo bal rugtaada quduusnimada iyo ammaanta leh wax ka soo arag. Meeyey qiiradaadii iyo xooggaagii? Jacaylkii iyo raxmaddii aad ii qabtay way iga joogsadeen.
  • Yer 31:20 : 20 Rabbigu wuxuu leeyahay, Efrayim ma wiilkayga aan aad u jeclahay baa? Oo ma wiil aan ku farxo baa? Waayo, mar alla markii aan wax isaga ka gees ah ku hadlo, aad baan isaga u xusuustaa, oo aawadiis ayaa uurku ii gubtay. Hubaal waan u naxariisan doonaa.
  • Bar 3:22 : 22 Rabbiga naxariistiisa aawadeed ayaan laynoo baabbi'in, maxaa yeelay, raxmaddiisu ma dhammaato.
  • Hos 11:8-9 : 8 Reer Efrayimow, sidee baan idiin sii dayn karaa? Dadka Israa'iilow, sidee baan idiin gacangelin karaa? Sidee baan idiinka dhigi karaa sidii Admaah? Oo sidee baan idiinka dhigi karaa sidii Seboyim? Qalbigaygii wuu igu dhex rogmadaa oo naxariis buu la dhaqaaqaa. 9 Anigu soo dayn maayo kulaylka cadhadayda, oo u soo noqon maayo inaan reer Efrayim baabbi'iyo, waayo, waxaan ahay Ilaah, oo qof aadmi ah ma ihi. Anigu dhexdiinna waxaan ku ahay Kan Quduuska ah, oo magaalada cadho la geli maayo.
  • Sharc 32:16 : 16 Waxay isaga kaga hinaasiyeen ilaahyo qalaad, Oo waxay kaga xanaajiyeen waxyaalo karaahiyo ah.
  • Sharc 32:36 : 36 Maxaa yeelay, Rabbigu dadkiisa wuu xukumi doonaa, Oo addoommadiisana wuu ka nixi doonaa, Markuu arko in xooggoodii dhammaaday, Oo aan midna ku hadhin, mid xidhan iyo mid furan toona.
  • Sharc 32:43 : 43 Quruumahow, dadkiisa la reyreeya, Waayo, isagu wuu aaran doonaa dhiiggii addoommadiisa, Oo cadaawayaashiisana wuu ka aarsan doonaa, Oo dalkiisa iyo dadkiisana buu u kafaaro gudi doonaa.
  • Xaak 10:16 : 16 Markaasay iska wada fogeeyeen ilaahyadii qalaad oo dhexdooda yiil, oo waxay u adeegeen Rabbiga; oo naftiisuna way ka xumaatay hooggii haystay reer binu Israa'iil.
  • Sab 103:17 : 17 Laakiinse Rabbigu wuxuu u naxariistaa kuwa isaga ka cabsada weligiis iyo weligiisba, Oo xaqnimadiisuna waxay la jirtaa carruurta carruurteeda,
  • Ish 42:13 : 13 Rabbigu wuxuu u soo bixi doonaa sida nin xoog badan, oo qiirona wuxuu u soo kicin doonaa sida nin dagaalyahan ah. Wuu qaylin doonaa, oo aad buu u dhawaaqi doonaa, oo xoog buuna cadowyadiisa kaga adkaan doonaa.
  • Luuk 15:20 : 20 Markaasuu kacay, oo wuxuu u yimid aabbihii, laakiin intuu weli ka fogaa ayaa aabbihiis arkay, waana u naxariistay, oo ku soo orday oo qoortuu iskaga duubay, oo dhunkaday.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sak 8:1-2
    2 aayado
    80%

    1¶ Markaasaa Eraygii Rabbiga ciidammadu ii yimid, isagoo leh,

    2Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Siyoon waxaan ugu qiirooday qiiro aad u weyn, oo waxaan iyada ugu qiirooday cadho weyn.

  • 17Wadaaddada midiidinnada Rabbiga ahu balbalada iyo meesha allabariga dhexdooda ha ku ooyeen, oo iyagu ha yidhaahdeen, Rabbiyow, dadkaaga u tudh, oo dadka dhaxalkaaga ah wax la caayo ha ka dhigin oo yaanay quruumuhu iyaga u taline. Waayo, bal maxaa dadyowga dhexdooda looga odhan doonaa, Bal meeh Ilaahooda?

  • 19Oo Rabbigu waa u jawaabay dadkiisii oo wuxuu ku yidhi, Bal ogaada, waxaan idiin soo dirayaa hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, oo idinkuna waxaasaad ka dhergi doontaan, oo anna mar dambe quruumaha dhexdooda wax la caayo idinkaga dhigi maayo.

  • 2¶ Rabbigu waa Ilaah masayr ah oo waa aarsadaa, Rabbigu waa aarsadaa oo waa cadho miidhan. Rabbigu cadaawayaashiisa waa ka aargutaa, oo cadowgiisana cadho buu u kaydiyaa.

  • Sak 1:14-15
    2 aayado
    76%

    14Kolkaasaa malaggii ila hadlay igu yidhi, War qayli, oo waxaad tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu Yeruusaalem iyo Siyoonba waxaan ugu masayrsanahay masayr weyn.

    15Oo aad iyo aad baan ugu cadhooday quruumaha iska istareexsan! Waayo, anigoo in yar u cadhaysan ayay sii badiyeen dhibaatadii.

  • 25¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Haatan waxaan soo celin doonaa maxaabiistii reer Yacquub, oo reer binu Israa'iil oo dhanna waan u wada naxariisan doonaa, oo magacayga quduuskaa aawadiis ayaan u hinaasi doonaa.

  • 14Waayo, Rabbigu dadkiisuu u garsoori doonaa, Oo addoommadiisana wuu u naxariisan doonaa.

  • 5Rabbiyow, ilaa goormaad noo cadhaysnaan doontaa? Ma weligaa baa? Masayrkaagu ma sida dab buu u ololi doonaa?

  • 15maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ah oo dhexdiinna joogaa waa Ilaah masayr ah, waaba intaasoo Rabbiga Ilaahiinna ahu intuu aad idiinku cadhoodo uu dhulka idinka wada baabbi'iyaa.

  • 21Wax aan Ilaah ahayn bay igaga hinaasiyeen, Oo waxay igaga cadhaysiiyeen waxyaalahoodii aan waxtarka lahayn, Oo anna waxaan iyaga kaga hinaasin doonaa kuwo aan dad ahayn, Oo waxaan kaga cadhaysiin doonaa quruun nacas ah.

  • 36Maxaa yeelay, Rabbigu dadkiisa wuu xukumi doonaa, Oo addoommadiisana wuu ka nixi doonaa, Markuu arko in xooggoodii dhammaaday, Oo aan midna ku hadhin, mid xidhan iyo mid furan toona.

  • 4Rabbiyow Ilaaha ciidammadow, Ilaa goormaad u cadhaysnaan doontaa baryootanka dadkaaga?

  • 18Oo maalinta cadhada Rabbiga lacagtooda iyo dahabkooda midna kama samatabbixin doono iyaga, laakiinse dalka oo dhan waxaa baabbi'in doona dabka qiiradiisa, oo dhulka waxa deggan oo dhanna haddiiba dhaqsiyuu u wada dhammayn doonaa.

  • 8¶ Haddaba i suga, ayaa Rabbigu leeyahay, ilaa maalinta aan ugaadhsade u soo kici doono, waayo, waxaan ku talajiraa inaan quruumaha isu soo ururiyo oo aan boqortooyooyinka isu soo shiriyo, si aan korkooda ugu shubo dhirifkayga iyo xataa xanaaqayga kulul oo dhan, waayo, dhulka oo dhan waxaa baabbi'in doona dabka qiiradayda.

  • 19Waayo, waxaan ku hadlay masayrkaygii iyo cadhadaydii kululayd, oo hubaal wakhtigaas waxaa dalka reer binu Israa'iil jiri doona gariir weyn,

  • Yex 36:5-6
    2 aayado
    72%

    5sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Hubaal anigu waxaan dabkii masayrkayga kaga hadlay wax ka gees ah kuwa quruumaha kale iyo reer Edom oo dhan, kuwaasoo dalkaygii dhaxal ahaan isaga qaatay iyagoo aad u faraxsan oo dadkayga quudhsanaya si ay u dhacaan.

    6Sidaas daraaddeed dalka reer binu Israa'iil wax ka sii sheeg, oo waxaad buuraha iyo kuraha iyo webiyaasha iyo dooxooyinkaba ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, masayrkaygii iyo cadhadaydii ayaan ku hadlay, maxaa yeelay, idinku waxaad sidateen ceebtii quruumaha.

  • 24Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa dab wax baabbi'iya oo waa Ilaah masayr ah.

  • 2Sayidku wuxuu liqay rugihii dadka Yacquub oo dhan, umana uu tudhin. Wuxuu cadhadiisii ku dumiyey qalcadihii dadka Yahuudah, Oo dhulkuu ku soo xooray iyagii, Oo boqortooyadii iyo amiirradeediiba nijaas buu ku tiriyey.

  • 9Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaanan iyaga waxyaalahan u ciqaabayn? Miyaanse naftaydu ka aarsanayn quruun tanoo kale ah?

  • 14waayo, idinku waa inaydnaan caabudin ilaah kale, maxaa yeelay, Rabbiga magiciisu yahay Masayr waa Ilaah masayr ah;

  • 16Rabbigu cadhadiisuu ku kala firdhiyey, oo mar dambe fiiro u lahaan maayo. Wadaaddadii lama sharfin, oo odayaashiina looma nixin.

  • 27oo sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu ugu xanaaqay dalkan, inuu ku soo dejiyo kulli inkaarta kitaabkan ku qoran oo dhan.

  • 19¶ Reer Siyoon oo Yeruusaalem degganow, mar dambe ma aad ooyi doontaan, waayo, isagu hubaal aad buu idiinku roonaan doonaa markaad qaylisaan, oo markuu maqlo wuu idiin jawaabi doonaa.

  • 8Taas aawadeed dhar joonyad ah guntada, oo baroorta, oo qayliya, waayo, cadhadii Rabbiga oo kululayd nagama noqon.

  • 17Haddaba sidaas daraaddeed Sayidku ku farxi maayo barbaarradooda, oo agoontooda iyo carmalladoodana u naxariisan maayo, waayo, midkood kastaaba waa cibaadalaawe iyo xumaanfale, oo af kastaana wuxuu ku hadlaa wax nacasnimo ah. Hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisii weli way fidsan tahay.

  • 6Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu mar dambe u sii nixi maayo dadka dalka deggan, laakiinse bal eeg, nin kastaba waxaan ku ridi doonaa gacanta deriskiisa, iyo gacanta boqorkiisa, oo iyana dalkay ku dhufan doonaan, oo gacantooda kama aan samatabbixin doono.

  • 14Markaasaa Rabbigu ka noqday xumaantii uu damacsanaa inuu dadkiisa ku sameeyo.

  • 43Quruumahow, dadkiisa la reyreeya, Waayo, isagu wuu aaran doonaa dhiiggii addoommadiisa, Oo cadaawayaashiisana wuu ka aarsan doonaa, Oo dalkiisa iyo dadkiisana buu u kafaaro gudi doonaa.

  • 2ayaan quruumaha oo dhan soo wada ururin doonaa, oo wada keeni doonaa dooxada Yehooshaafaad, oo halkaasaan iyaga ugu xukumi doonaa dadkayga iyo dhaxalkayga oo dadka Israa'iil ah aawadood, waayo, quruumaha way ku kala dhex firdhiyeen, oo dhulkaygiina way qaybsadeen.

  • 9Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaanan iyaga waxyaalahan u ciqaabayn? Miyaanse naftaydu ka aarsanayn quruuntii tan oo kale ah?

  • 34Waayo, hinaaso waa nin cadhadiis. Maalinta aarsashadana isagu ma tudhi doono.

  • 20Oo cadhadii Rabbigu aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo wuxuu yidhi, Quruuntanu way ku xadgudbeen axdigii aan ku amray awowayaashood, oo codkaygiina ma ay dhegaysan;

  • 11Rabbigu wuxuu iyaga u noqon doonaa mid aad looga cabsado, waayo, wuu wada macaluulin doonaa ilaahyada dhulka oo dhan, kolkaasay dadku isaga caabudi doonaan, oo mid kastaaba wuxuu isaga ka caabudi doonaa meeshiisa, oo xataa quruumaha gasiiraduhu way wada caabudi doonaan isaga.

  • 13Rabbigu wuxuu u soo bixi doonaa sida nin xoog badan, oo qiirona wuxuu u soo kicin doonaa sida nin dagaalyahan ah. Wuu qaylin doonaa, oo aad buu u dhawaaqi doonaa, oo xoog buuna cadowyadiisa kaga adkaan doonaa.

  • 40Sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu dadkiisii aad ugu cadhooday, Oo isna wuxuu karhay dadkii dhaxalkiisii ahaa.

  • 21Sidaas daraaddeed Rabbigu taas buu maqlay, wuuna cadhooday, Oo reer Yacquub dab baa ku shidmay, Reer binu Israa'iilna cadhaa ku dhacday,

  • 15Oo markaan iyaga rujiyo dabadeed waan soo noqon doonaa oo iyagaan u naxariisan doonaa, oo mar kalaan ku soo celin doonaa nin kasta dhaxalkiisii iyo dhulkiisii.

  • 19Rabbiguna wuu arkay, oo wuu nacay, Maxaa yeelay, wiilashiisii iyo gabdhihiisii ayaa isaga ka xanaajiyey.

  • 29Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaanan iyaga waxyaalahan u ciqaabayn? Miyaanse naftaydu ka aarsanayn quruuntii tan oo kale ah?

  • 18Waayo, waaba intaas oo Rabbigu taas arkaa, oo ay shar la ahaato indhihiisa, Oo uu dabadeedna cadhadiisa ka soo celiyaa isaga.

  • 10In kastoo uu Rabbigu halkaas joogay waxaad tidhi, Labadan quruumood iyo labadan waddanba anigaa iska lahaan doona, oo waannu hantiyi doonnaa,

  • 58Waayo, waxay isaga kaga xanaajiyeen meelahoodii sarsare, Oo waxay isaga uga hinaasiyeen sanamyadooda la qoray.

  • 17Laakiinse haddaad maqli weydaan, naftaydu meel qarsoon bay kibirkiinna aawadiis u ooyi doontaa, oo indhahayguna aad bay u ooyi doonaan, oo ilmaa ka soo daadan doonta, maxaa yeelay, dadkii Rabbiga waa la kaxaystay sida adhi oo kale.

  • 15Bal samada wax ka soo fiiri, oo bal rugtaada quduusnimada iyo ammaanta leh wax ka soo arag. Meeyey qiiradaadii iyo xooggaagii? Jacaylkii iyo raxmaddii aad ii qabtay way iga joogsadeen.

  • 11Markaasaa Muuse baryay Rabbiga Ilaahiis ah oo wuxuu ku yidhi, Rabbiyow, maxaad aad ugu cadhoonaysaa dadkaaga aad dalkii Masar kaga soo bixisay itaal weyn iyo gacan xoog leh?

  • 3Markaasaa Rabbigu taas ka soo noqday, oo Rabbigu wuxuu yidhi, Taasu ahaan mayso.