Yo'eel 2:26

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo idinku wax badan baad cuni doontaan oo waad dhergi doontaan, oo waxaad ammaani doontaan magaca Rabbiga Ilaahiinna ah oo waxa yaabka badan idiin sameeyey, oo dadkayguna innaba ma ay ceeboobi doonaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 26:5 : 5 Tumidda hadhuudhkiinnu waxay gaadhi doontaa guridda canabkiinna, guridda canabkuna waxay gaadhi doontaa ilaa wakhtiga beeridda, oo cuntadiinna ayaad cuni doontaan ilaa aad dheregtaan, oo dalkiinnana ammaan baad ku degganaan doontaan.
  • Ish 25:1 : 1 ¶ Rabbiyow, waxaad tahay Ilaahay. Waan ku sarraysiin doonaa, oo magacaagana waan ammaani doonaa, waayo, waxaad samaysay waxyaalo yaab badan oo ah talooyin aad waa hore aaminnimo iyo run ku talaggashay.
  • Ish 45:17 : 17 Laakiinse Rabbigu wuxuu reer binu Israa'iil ku badbaadin doonaa badbaado daa'im ah, oo idinku weligiin iyo weligiinba ma aad ceeboobi doontaan, mana aad sharafjabi doontaan.
  • Ish 49:23 : 23 Oo boqorro waxay kuu noqon doonaan aabbayaal carruurtaada xannaaneeya, oo boqoradahoodu waxay kuu noqon doonaan hooyooyin carruurtaada nuujiya. Oo intay jaahooda dhulka saaraan ayay kuu sujuudi doonaan, oo waxay leefleefi doonaan ciidda cagahaaga. Markaasaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay, oo kuwii i sugaa marnaba ma ay ceeboobi doonaan.
  • Sab 126:2-3 : 2 Markaasaa afkeenna waxaa ka buuxsamay qosol, Carrabkeennana gabay, Kolkaasaa quruumaha waxaa laga dhex yidhi, Rabbigu waxyaalo waaweyn ayuu iyaga u sameeyey. 3 Rabbigu wuxuu inoo sameeyey waxyaalo waaweyn, Oo aynu ku faraxsan nahay.
  • Sab 22:26 : 26 Oo waxaa wax cuni doona oo ka dhergi doona kuwa camalka qabow, Kuwa Rabbiga doondoonaa isagay ammaani doonaan, Qalbigiinnu weligiis ha noolaado.
  • Sharc 12:7 : 7 Oo waxyaalahaas waa inaad halkaas ku cuntaan Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa, oo wax alla wixii aad gacanta ku qabataan oo uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku barakeeyey waa inaad ku faraxdaan idinka iyo reerihiinnuba.
  • Sharc 12:12 : 12 Oo Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa waa inaad ku faraxdaan, idinka iyo wiilashiinna, iyo gabdhihiinna, iyo addoommadiinna lab, iyo addoommihiinna dhaddig, iyo ka reer Laawi oo ku jira irdihiinna, maxaa yeelay, isagu idinlama laha qayb iyo dhaxal toona.
  • Sharc 12:18 : 18 laakiinse iyaga waa inaad ku cuntaan Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa taasoo ah meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu dooranayo. Midkiin kasta iyo wiilkiisa iyo gabadhiisa, iyo addoonkiisa iyo addoontiisa, iyo ka reer Laawi oo irdihiisa ku jira, meeshaas ha ku cuneen, oo idinkoo Rabbiga hor jooga waa inaad ku faraxdaan wax alla wixii aad gacanta ku qabataanba.
  • Sharc 26:10-11 : 10 Oo haatan Rabbiyow, waxaan keenay dhulkii aad i siisay midhihiisii u horreeyey. Kolkaas waa inaad midhaha hor dhigtaa Rabbiga Ilaahaaga ah, oo aad ku sujuuddaa Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa. 11 Waa inaad adiga iyo kan reer Laawi ah iyo qariibka idin dhex joogaaba ku faraxdaan kulli wanaagga Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siiyey adiga iyo reerkaagaba.
  • Nex 9:25 : 25 Oo waxay qabsadeen magaalooyin deyr leh iyo dal barwaaqo leh, oo waxay hantiyeen guryo ay ka buuxaan wax kasta oo wanaagsanu, iyo berkedo qodan, iyo beero canab ah, iyo beero saytuun ah, iyo geedo midho leh oo faro badan. Haddaba wax bay cuneen oo dhergeen, wayna cayileen, oo waxay ku farxeen wanaaggaaga weyn.
  • Sab 13:6 : 6 Rabbigaan u gabyi doonaa, Maxaa yeelay, wax badan oo wanaagsan buu ii sameeyey.
  • Laaw 26:26 : 26 Oo markaan usha kibistiinna jebiyo, toban naagood ayaa kibistiinna isku foorno ku dubi doonta, oo haddana waxay kibistiina idinku siin doonaan miisaan, oo kolkaad cuntaanna kama dhergi doontaan.
  • Sharc 6:11-12 : 11 iyo guryo waxyaalo wanwanaagsanu ay ka buuxaan oo aydaan buuxin, iyo ceelal qodan oo aydaan qodan, iyo beero canab ah iyo geedo saytuun ah oo aydaan beeran, oo intaad wax ka cuntaan aad dheregtaan, 12 de markaas iska jira oo ha illoobina Rabbigii idinka soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga.
  • Sharc 8:10 : 10 Oo intaad wax cuntaan ayaad dhergi doontaan, oo markaasaad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu mahadnaqi doontaan dalka wanaagsan oo uu idin siiyey.
  • Sab 25:2-3 : 2 Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyey, Haddaba yaanan ceeboobin, Oo yaan cadaawayaashaydu ii faanin. 3 Kuwa adiga ku suga midkoodna ceeboobi maayo, Laakiinse waxaa ceeboobi doona kuwa khiyaanada ku macaamilooda sababla'aan.
  • Sab 37:19 : 19 Iyagu ma ceeboobi doonaan wakhtiga shar jiro, Oo wakhtiga abaaru dhacdona way dhergi doonaan.
  • Sab 72:18 : 18 Mahad waxaa leh Rabbiga Ilaahaa oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil, Oo keligiis sameeya waxyaalo yaab badan,
  • Sab 103:5 : 5 Oo kaa dhergiya waxyaalaha wanwanaagsan, Si ay dhallinyaranimadaadu ugu cusboonaato sida gorgorka oo kale.
  • Sab 116:7 : 7 Naftaydoy, nasashadaadii ku noqo, Waayo, Rabbigu wax badan oo wanaagsan buu kuu sameeyey.
  • Maah 13:25 : 25 Kan xaqa ahu wax buu cunaa ilaa naftiisu dheregto, Laakiinse caloosha kuwa sharka lahu way baahnaan doontaa.
  • Hees 5:1 : 1 Walaashayay, aroosaddaydiiyey, beertaydii waan soo dhex galay. Malmalkaygiina dhirtaydii udgoonayd baan la gurtay, Oo awlalladaydii shinniyeed iyo malabkaygiina waan cunay, Khamrigaygii iyo caanahaygiina waan cabbay,
  • Ish 29:22 : 22 Haddaba Rabbigii Ibraahim soo furtay wuxuu reer Yacquub ka leeyahay, Reer Yacquub haatan ceeboobi maayo, oo wejigiisuna mar dambe cabsi la caddaan maayo.
  • Ish 54:4 : 4 Ha cabsan, waayo, ma aad ceeboobi doontid, hana sharafjabin, waayo, laguma ceebayn doono, oo ceebtii yaraantaadana waad illoobi doontaa, oo ceebtii carmalnimadaadana innaba mar dambe sooma aad xusuusan doontid.
  • Ish 55:2 : 2 Haddaba bal maxaad lacag ugu bixisaan wax aan cunto ahayn? Oo wixii aad ku hawshooteenna maxaad ugu bixisaan wax aan idin dherjinayn? Bal aad ii maqla, oo waxa wanaagsan cuna, oo naftiinnuna ha iskaga istareexdo barwaaqo miidhan.
  • Ish 62:8-9 : 8 Rabbigu wuxuu ku dhaartay gacantiisa midig iyo dhudhunkiisa xoogga badan oo yidhi, Hubaal mar dambe hadhuudhkaaga cadaawayaashaada ma aan siin doono inuu cunto u noqdo, oo shisheeyayaalna mar dambe ma ay cabbi doonaan khamrigaagii aad ku hawshootay. 9 Laakiinse kuwii soo urursaday ayaa cuni doona, oo Rabbiga ayay ammaani doonaan, oo kuwii canabka soo urursaday ayaa barxadaha meeshayda quduuska ah khamriga ku cabbi doona.
  • Yoel 2:20-21 : 20 Laakiinse waan idinka fogayn doonaa ciidanka woqooyi, oo isaga waxaan ku eryi doonaa dal abaar iyo cidlo ah, oo qaybtiisa hore waxaan geeyn doonaa badda bari, oo qaybtiisa dambena waxaan geeyn doonaa badda galbeed, oo waxaa kor u soo bixi doona qudhunkiisa, oo uurkiisa xumuna wuu soo kici doonaa, maxaa yeelay, isagu wuxuu sameeyey waxyaalo waaweyn. 21 Haddaba dal yahow, ha baqin, laakiinse farax, oo reyree, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu sameeyey waxyaalo waaweyn.
  • Miik 6:14 : 14 Wax baad cuni doontaan mase dhergi doontaan. Gaajadiinnu dhexdiinnay ku jiri doontaa. Wax baad kaydin doontaan, laakiinse sinaba uma aad nabad gelin doontaan, oo wixii aad nabadgelisaanna seef baan u gacangelinayaa.
  • Saf 3:11 : 11 ¶ Wakhtigaas uma aad ceeboobi doontid falimahaaga oo dhan, kuwaas oo aad igaga xadgudubtay, waayo, markaas waxaan dhexdaada ka bixin doonaa kuwaaga kibray oo isfaaninaya, oo adna mar dambe ku madax weynaan maysid buurtayda quduuska ah.
  • Sak 9:15 : 15 Rabbiga ciidammada ayaa daafici doona iyaga, oo way baabbi'in doonaan, oo waxay ku tuman doonaan dhagaxyada wadhafka, oo khamri bay cabbi doonaan oo waxay u qaylin doonaan sida iyagoo sakhraansan, oo waxay u buuxsami doonaan sida maddiibado, iyo sida rukummada meesha allabariga.
  • Sak 9:17 : 17 Barwaaqadiisu badanaa oo quruxdiisu weynaan badanaa! Barbaarrada hadhuudh baa barwaaqayn doonaa, gabdhahana khamri cusub baa barwaaqayn doona.
  • Room 5:5 : 5 rajaduna inama ceebayso, maxaa yeelay, jacaylka Ilaah baa qalbiyadeenna ku dhex shubmay, oo waxaa ku shubay Ruuxa Quduuska ah oo layna siiyey.
  • Room 9:33 : 33 sida qoran, Bal eega, waxaan Siyoon dhex dhigayaa dhagax lagu turunturoodo oo ah sallax lagu xumaado; Oo kii rumaysta isaga ma ceeboobi doono.
  • Room 10:11 : 11 Waayo, Qorniinku wuxuu leeyahay, Ku alla kii rumaysta isaga, ceeboobi maayo.
  • 1 Tim 4:3-5 : 3 Waxay diidaan in la guursado, oo amraan in laga fogaado cuntooyinka Ilaah u abuuray in kuwa rumaysta oo runta yaqaanu mahadnaqid ku aqbalaan. 4 Waayo, wax kasta oo Ilaah abuuray wuu wanaagsan yahay, waana inaan waxba la diidin haddii mahadnaqid lagu aqbalo, 5 waayo, waxaa quduus lagaga dhigaa ereyga Ilaah iyo ducada.
  • 1 Tim 6:17 : 17 ¶ Kuwa dunidatan haatan la joogo hodanka ku ah waani inayan iskibrin oo ayan maalka aan la hubin isku hallayn, laakiinse ay isku halleeyaan Ilaaha wax kasta si deeqsinimo ah inoo siiya si aynu ugu raaxaysanno.
  • 1 Yoox 2:28 : 28 Oo imminka, carruurtiiyey, ku sii jira isaga; in kolkuu muuqdo aynu kalsoonaan doonno oo aynaan wakhtiga imaatinkiisa ka xishoonin inaynu hor tagno.
  • Bil 33:11 : 11 Waan ku baryayaaye, guddoon hadiyaddayda laguu keenay; maxaa yeelay, Ilaah baa ii roonaaday, oo haddana wax igu filan baan haystaa. Aad buuna u baryay, kolkaasuu guddoomay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 27Oo markaas waxaad ogaan doontaan inaan dadka Israa'iil dhex joogo, iyo inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aan ilaah kale jirin, oo dadkayguna innaba ma ay ceeboobi doonaan.

  • Yoel 2:24-25
    2 aayado
    79%

    24Oo goobaha wax lagu tumo waxaa ka buuxsami doona sarreen, oo macsarooyinkuna waxay la buuxdhaafi doonaan khamri iyo saliid.

    25Oo waxaan idiin soo celin doonaa waxa ay sannadihii idinka cuneen ayaxa, iyo laddaaga, iyo diirta, iyo koronkorradu, kuwaas oo ahaa ciidankii weynaa oo aan idiin soo diray.

  • 19Oo Rabbigu waa u jawaabay dadkiisii oo wuxuu ku yidhi, Bal ogaada, waxaan idiin soo dirayaa hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, oo idinkuna waxaasaad ka dhergi doontaan, oo anna mar dambe quruumaha dhexdooda wax la caayo idinkaga dhigi maayo.

  • Yex 36:29-30
    2 aayado
    75%

    29Oo weliba wasakhnimadiinna oo dhan waan idinka badbaadin doonaa, oo waxaan idiinku yeedhi doonaa hadhuudh, waanan badin doonaa, oo abaarna idinkuma soo dejin doono.

    30Oo midhaha dhirtana iyo waxa beeraha ka baxaba, waan badin doonaa, si aydaan mar dambe cay abaareed quruumaha uga dhex helin.

  • 13¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, addoommadaydu wax bay cuni doonaan, idinkuse waad gaajaysnaan doontaan, addoommadaydu wax bay cabbi doonaan, idinkuse waad harraadsanaan doontaan, addoommadaydu way rayrayn doonaan, idinkuse waad ceeboobi doontaan,

  • 26Oo waxaa wax cuni doona oo ka dhergi doona kuwa camalka qabow, Kuwa Rabbiga doondoonaa isagay ammaani doonaan, Qalbigiinnu weligiis ha noolaado.

  • 5Tumidda hadhuudhkiinnu waxay gaadhi doontaa guridda canabkiinna, guridda canabkuna waxay gaadhi doontaa ilaa wakhtiga beeridda, oo cuntadiinna ayaad cuni doontaan ilaa aad dheregtaan, oo dalkiinnana ammaan baad ku degganaan doontaan.

  • 29Oo waxaan iyaga u soo bixin doonaa geed caan ah, oo mar dambena dalka dhexdiisa abaar uguma ay baabbi'i doonaan, oo kol dambe ceebtii quruumaha ma ay sidan doonaan.

  • 19Iyagu ma ceeboobi doonaan wakhtiga shar jiro, Oo wakhtiga abaaru dhacdona way dhergi doonaan.

  • Mal 3:11-12
    2 aayado
    72%

    11Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Daraaddiin baan u canaanan doonaa kan wax cuna, oo isna midhaha dhulkiinna ma uu baabbi'in doono, oo canabkiinna beerta ku yaallana xilligiisa ka hor midhihiisa ma xoori doono.

    12Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Quruumaha oo dhammu waxay idiinku yeedhi doonaan, Kuwa barakaysan, waayo, idinku waxaad ahaan doontaan dal aad u faraxsan.

  • 14Wax baad cuni doontaan mase dhergi doontaan. Gaajadiinnu dhexdiinnay ku jiri doontaa. Wax baad kaydin doontaan, laakiinse sinaba uma aad nabad gelin doontaan, oo wixii aad nabadgelisaanna seef baan u gacangelinayaa.

  • 14Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Wadaaddada naftooda aad baan u dhergin doonaa, oo dadkayguna wanaaggaygay ka dhergi doonaan.

  • 7Oo waxyaalahaas waa inaad halkaas ku cuntaan Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa, oo wax alla wixii aad gacanta ku qabataan oo uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku barakeeyey waa inaad ku faraxdaan idinka iyo reerihiinnuba.

  • 17Laakiinse Rabbigu wuxuu reer binu Israa'iil ku badbaadin doonaa badbaado daa'im ah, oo idinku weligiin iyo weligiinba ma aad ceeboobi doontaan, mana aad sharafjabi doontaan.

  • 11¶ Wakhtigaas uma aad ceeboobi doontid falimahaaga oo dhan, kuwaas oo aad igaga xadgudubtay, waayo, markaas waxaan dhexdaada ka bixin doonaa kuwaaga kibray oo isfaaninaya, oo adna mar dambe ku madax weynaan maysid buurtayda quduuska ah.

  • Ish 61:6-7
    2 aayado
    71%

    6Laakiinse idinka waxaa laydinku magacaabi doonaa wadaaddadii Rabbiga, oo dadku waxay idiinku yeedhi doonaan midiidinnadii Ilaahayaga. Waxaad cuni doontaan maalka quruumaha, oo sharaftooda ayaad ku faani doontaan.

    7Meeshii ceebtiinna sharaf labanlaab ah baad ka heli doontaan, oo meeshii qasmiddana waxay ku rayrayn doonaan qaybtooda, sidaas daraaddeed iyagu dalkooda qayb labanlaab ah bay ku hantiyi doonaan, oo waxaa iyaga u ahaan doonta farxad weligeed ah.

  • 14markaasaad Rabbiga ku farxi doontaa, oo anna waxaan ku marsiin doonaa meelaha sarsare ee dhulka, oo dhaxalkii awowgaa Yacquub ayaan kugu quudin doonaa, waayo, afkii Rabbiga ayaa saas ku hadlay.

  • 10Oo intaad wax cuntaan ayaad dhergi doontaan, oo markaasaad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu mahadnaqi doontaan dalka wanaagsan oo uu idin siiyey.

  • 9Oo Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idinku barwaaqayn doonaa shuqulka aad gacanta ku qabataan oo dhan iyo midhaha jidhkiinna iyo midhaha xoolahiinna, iyo midhaha dhulkiinnaba, waayo, Rabbigu mar kaluu ku farxi doonaa inuu wanaag idiin sameeyo siduu awowayaashiin ugu farxay oo kale,

  • 19Oo dhulkuna wuxuu dhali doonaa midhihiisa, oo waxaad cuni doontaan wax aad ka dheregtaan, oo dalkana ammaan baad ku degganaan doontaan.

  • 11Oo Rabbigu wanaag buu idiinku badin doonaa midhaha jidhkiinna, iyo midhaha xoolihiinna, iyo midhaha dhulkiinna idinkoo jooga dalka Rabbigu awowayaashiin ugu dhaartay inuu idin siinayo.

  • 9Laakiinse kuwii soo urursaday ayaa cuni doona, oo Rabbiga ayay ammaani doonaan, oo kuwii canabka soo urursaday ayaa barxadaha meeshayda quduuska ah khamriga ku cabbi doona.

  • 19Oo dadka Israa'iilna xeradooda ayaan ku soo celin doonaa, oo waxay daaqi doonaan Karmel iyo Baashaan, oo nafsaddooduna waxay ka dhergi doontaa buuraha Efrayim iyo Gilecaad dhexdiisa.

  • 19Oo waxaa iyaga ka soo dhex bixi doona mahadnaqid iyo kuwa reyreeya codkood, oo iyaga waan tarmin doonaa, oo mana ay dhinmi doonaan, oo weliba waan sharfi doonaa, oo ma ay yaraan doonaan.

  • 17Oo iyagu waxay dhammayn doonaan waxaad beeraha ka goosataan iyo kibistiinna, oo waxay dhammayn doonaan wiilashiinna iyo gabdhihiinna, oo waxay dhammayn doonaan adhyihiinna iyo lo'diinnaba, oo waxay dhammayn doonaan canabkiinna iyo berdihiinnaba, oo magaalooyinkiinna deyrka leh oo aad isku hallaynaysaanna seef bay la dhici doonaan.

  • 12Oo intay yimaadaan ayay meesha sare ee Siyoon ka dul heesi doonaan, oo waxay u soo wada qulquli doonaan Rabbiga wanaaggiisa oo ah hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, iyo ubadka idaha iyo lo'daba, oo naftooduna waxay noqon doontaa sida beer la waraabiyey oo kale, oo mar dambena innaba weligood ma ay murugoon doonaan.

  • 15Waxaan iyada aad iyo aad ugu barakayn doonaa quud, Oo masaakiinteeda waxaan ka dhergin doonaa cunto.

  • 11Oo Rabbiguna had iyo goorba wuu ku hoggaamin doonaa, oo iyadoo abaar ah ayuu naftaada dherjin doonaa, lafahaagana wuu adkayn doonaa, oo adna waxaad noqon doontaa sida beer la waraabiyey, iyo sida il biya ah oo aan innaba biyeheedu gudhin.

  • 38Waxaad beerta u qaadan doontaan abuur badan, wax yar baadse ka soo urursan doontaan, maxaa yeelay, waxaa cuni doona ayax.

  • 21Haddaba dal yahow, ha baqin, laakiinse farax, oo reyree, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu sameeyey waxyaalo waaweyn.

  • 33Oo midhaha dhulkiinna iyo hawshiinna oo dhan waxaa cuni doona quruun aydaan aqoon, oo weligiin waxaad ahaan doontaan dad la dulmo oo la burburiyo,

  • 14sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Mar dambe dad ma aad baabbi'in doontid, oo quruuntaadana mar dambe ma aad gablamin doontid.

  • 38Waxaad ku dhex baabbi'i doontaan quruumaha, oo dalka cadaawayaashiinnuna waa idin dhammaysan doonaa.

  • 11Waa inaad adiga iyo kan reer Laawi ah iyo qariibka idin dhex joogaaba ku faraxdaan kulli wanaagga Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siiyey adiga iyo reerkaagaba.

  • 15Oo berrimmadiinnana waxaan ka buuxin doonaa doog ay xoolihiinnu daaqaan, oo idinkuna wax baad cuni doontaan, waadna dhergi doontaan.

  • 7Oo waxaan idin keenay waddan barwaaqo badan, inaad midhihiisa iyo wanaaggiisa cuntaan, laakiinse markaad soo gasheen ayaad dalkaygii nijaasayseen, oo dhaxalkaygiina waxaad ka dhigteen wax karaahiyo ah.

  • 16Oo sidaas daraaddeed kuwa ku baabbi'iya oo dhan waa la wada baabbi'in doonaa, oo cadaawayaashaada oo dhanna midkood kastaba maxaabiis ahaan ayaa loo kaxaysan doonaa, oo kuwa ku kala boobana waa la kala boobi doonaa, oo kuwa ku dhacana waxaan ka yeeli doonaa in iyagana la dhaco.

  • 19Bal eeg, wakhtigaas anigaa la macaamiloon doona kuwa ku dhiba oo dhan, oo waan badbaadin doonaa kuwa dhutiya, oo kuwii la eryayna waan soo ururin doonaa, oo kuwii ceebtoodu ay wada gaadhay dhulka oo dhan ayaan u yeeli doonaa ammaan iyo magac.

  • 14Oo markaad waxaas aragtaan ayaa qalbigiinnu farxi doonaa, oo lafihiinnuna sida caws qoyan oo kale ayay u soo barwaaqaysnaan doonaan, oo waxaa la ogaan doonaa inay gacanta Rabbigu addoommadiisa la jirto, cadhadiisuse waxay ku dhici doontaa cadaawayaashiisa.

  • 21Oo weliba dadkaaga oo dhammuna waxay ahaan doonaan kuwa xaqa ah, oo weligoodba dalkay dhaxli doonaan, iyagoo ah laantii beeriddayda, iyo shuqulkii gacmahayga inaan ammaanmo aawadeed.

  • 5Oo indhihiinnuna way arki doonaan, oo idinku waxaad odhan doontaan, Rabbigu ha laga weyneeyo soohdinta dalka Israa'iil shishadeeda.

  • 11Oo waxaan idinku badin doonaa dad iyo duunyo, oo iyana way sii kordhi doonaan oo wax bay dhali doonaan, oo dad baan idin dejin doonaa sidii markii hore, oo waxaan idiin samayn doonaa wax bilowgiinnii hore ka sii wanaagsan, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 4Ha cabsan, waayo, ma aad ceeboobi doontid, hana sharafjabin, waayo, laguma ceebayn doono, oo ceebtii yaraantaadana waad illoobi doontaa, oo ceebtii carmalnimadaadana innaba mar dambe sooma aad xusuusan doontid.

  • 11iyo guryo waxyaalo wanwanaagsanu ay ka buuxaan oo aydaan buuxin, iyo ceelal qodan oo aydaan qodan, iyo beero canab ah iyo geedo saytuun ah oo aydaan beeran, oo intaad wax ka cuntaan aad dheregtaan,

  • 19Oo markay yidhaahdaan, Rabbiga Ilaahayaga ahu bal muxuu waxyaalahan oo dhan noogu sameeyey? Kolkaas waxaad ku tidhaahdaa, Sidaad Rabbiga uga tagteen, oo aad ilaahyo qalaad dalkiinna ugu dhex adeegteen, sidaas oo kalaad shisheeyayaal ugu dhex adeegi doontaan dal aan kiinna ahayn.

  • 5¶ Kuwiinna eraygiisa ka gariirow, bal erayga Rabbiga maqla. Walaalihiinna idin neceb, oo magacayga aawadiis idiin xoora, waxay yidhaahdeen, Rabbiga ha la ammaano, si aan farxaddiinna u aragno, laakiinse iyagu way ceeboobi doonaan.