Yooxanaa 11:45

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Sidaa aawadeed qaar badan oo Yuhuuddii ah oo Maryan u yimid oo arkay wuxuu sameeyey ayaa rumaystay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 11:19 : 19 Yuhuud badan waxay u yimaadeen Maarta iyo Maryan inay walaalkood uga tacsiyeeyaan.
  • Yoox 2:23 : 23 ¶ Markuu Yeruusaalem joogay wakhtigii Iiddii Kormaridda dad badan ayaa magiciisa rumaystay markay arkeen calaamooyinkuu sameeyey.
  • Yoox 7:31 : 31 Laakiin qaar badan oo dadkii ahi way rumaysteen, waxayna yidhaahdeen, Masiixu markuu yimaado miyuu samayn doonaa calaamooyin ka badan kuwii kanu sameeyey?
  • Yoox 10:41 : 41 oo qaar badan baa u yimid isaga, waxayna ku yidhaahdeen, Runtii Yooxanaa calaamo ma samayn, laakiin wax walba oo Yooxanaa ka yidhi ninkan run bay ahaayeen.
  • Yoox 11:31 : 31 Haddaba Yuhuuddii iyada guriga la joogtay oo u tacsiyaynaysay, markay arkeen Maryan inay dhaqso u kacday oo baxday, ayay raaceen, iyagoo u malaynaya inay xabaashii tegayso inay meeshaas ku baroorato.
  • Yoox 12:9-9 : 9 ¶ Haddaba dad badan oo Yuhuud ah baa waxay ogaadeen inuu halkaas joogo, wayna u yimaadeen, ma aha Ciise aawadii oo keliya laakiin inay arkaan Laasarosna, kii uu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey. 10 Wadaaddadii sare waxay ku tashadeen inay Laasarosna dilaan. 11 Waayo, aawadiis ayaa Yuhuud badani ku tagtay oo Ciise rumaysatay.
  • Yoox 12:17-19 : 17 Haddaba waxaa marag furay dadkii badnaa ee la joogay markuu Laasaros xabaasha uga yeedhay oo uu kuwa dhintay ka soo sara kiciyey. 18 Sidaa daraaddeed dadkii badnaa waa u kaceen inay ka hor tagaan, waayo, waxay maqleen inuu calaamadaas sameeyey. 19 Haddaba Farrisiintii waxay dhexdoodii isku yidhaahdeen, Waad arkaysaan sidaydnaan waxba u taraynin. Eega, dunidii oo dhan baa raacdaye.
  • Yoox 12:42 : 42 Hase ahaatee qaar badan oo taliyayaasha ka mid ahaa way rumaysteen, laakiin Farrisiintii aawadood ma ay qiran si aan sunagogga looga saarin,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 84%

    11Waayo, aawadiis ayaa Yuhuud badani ku tagtay oo Ciise rumaysatay.

    12¶ Maalintii xigtay dad badan oo u yimid iiddii, markay maqleen inuu Ciise Yeruusaalem imanayo,

  • 81%

    41oo qaar badan baa u yimid isaga, waxayna ku yidhaahdeen, Runtii Yooxanaa calaamo ma samayn, laakiin wax walba oo Yooxanaa ka yidhi ninkan run bay ahaayeen.

    42Kuwa badan baana halkaa ku rumaystay isaga.

  • Yoox 2:22-23
    2 aayado
    79%

    22Sidaa aawadeed markuu ka soo sara kacay kuwii dhintay, xertiisii way soo xusuusteen inuu taas ka hadlay, wayna rumaysteen Qorniinka iyo hadalkii Ciise yidhi.

    23¶ Markuu Yeruusaalem joogay wakhtigii Iiddii Kormaridda dad badan ayaa magiciisa rumaystay markay arkeen calaamooyinkuu sameeyey.

  • 30Intuu waxyaalahaas ku hadlayay, dad badan ayaa rumaystay isaga.

  • 9¶ Haddaba dad badan oo Yuhuud ah baa waxay ogaadeen inuu halkaas joogo, wayna u yimaadeen, ma aha Ciise aawadii oo keliya laakiin inay arkaan Laasarosna, kii uu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey.

  • 31Laakiin qaar badan oo dadkii ahi way rumaysteen, waxayna yidhaahdeen, Masiixu markuu yimaado miyuu samayn doonaa calaamooyin ka badan kuwii kanu sameeyey?

  • 76%

    46Qaarkoodse way u tageen Farrisiintii, oo waxay u sheegeen wuxuu Ciise sameeyey.

    47¶ Sidaa aawadeed wadaaddadii sare iyo Farrisiintii shir bay isugu yimaadeen oo yidhaahdeen, Maxaynu samaynaa? Waayo, ninkanu calaamooyin badan buu sameeyeye.

  • Yoox 4:41-42
    2 aayado
    76%

    41Markaasaa kuwo kale oo badani rumaysteen hadalkiisii aawadiis,

    42oo waxay naagtii ku yidhaahdeen, Imminka waxaannu u rumaysanaynaa ma aha hadalkaaga aawadiis, maxaa yeelay, qudhayadu waannu maqalnay, waannuna naqaan kanu inuu runtii yahay Badbaadiyaha dunida.

  • 74%

    17Haddaba waxaa marag furay dadkii badnaa ee la joogay markuu Laasaros xabaasha uga yeedhay oo uu kuwa dhintay ka soo sara kiciyey.

    18Sidaa daraaddeed dadkii badnaa waa u kaceen inay ka hor tagaan, waayo, waxay maqleen inuu calaamadaas sameeyey.

  • 74%

    30Ciise weli ma iman tuulada, laakiin wuxuu weli joogay meeshii Maarta kaga hor tagtay.

    31Haddaba Yuhuuddii iyada guriga la joogtay oo u tacsiyaynaysay, markay arkeen Maryan inay dhaqso u kacday oo baxday, ayay raaceen, iyagoo u malaynaya inay xabaashii tegayso inay meeshaas ku baroorato.

    32Haddaba Maryan markay timid meeshii Ciise joogay oo ay aragtay isaga, waxay ku dhacday cagihiisa iyadoo ku leh, Sayidow, haddaad halkan joogtid, walaalkay ma uu dhinteen.

  • 74%

    37¶ Laakiin in kastuu calaamooyin badan ku sameeyey hortooda, weli ma ay rumaysan isaga;

    38inuu noqdo hadalka nebi Isayos oo uu ku hadlay, Rabbiyow, yaa warkayagii rumaystay, Oo yaa gacantii Rabbiga loo muujiyey?

  • 8Markaas haddaba waxaa galay kii kale oo xerta ahaa oo hore u yimid xabaashii, wuuna arkay oo rumaystay.

  • 73%

    40Ciise wuxuu ku yidhi, miyaanan kugu odhan, Haddaad rumaysatid, waxaad arki lahayd ammaanta Ilaah?

    41Markaasay dhagaxii ka qaadeen. Ciisena indhihiisuu kor u taagay oo yidhi, Aabbow, waan kuugu mahadnaqayaa inaad i maqashay.

    42Waana ogaa inaad mar kasta i maqasho, laakiin dadkan badan oo hareerahayga taagan aawadood ayaan taas u idhi inay rumaystaan inaad adigu i soo dirtay.

    43Markuu sidaas ku hadlay dabadeed wuxuu ku dhawaaqay cod weyn, Laasarosow, soo bax.

    44Markaasaa kii dhintay soo baxay, isagoo gacmaha iyo cagaha ay kafan kaga xidhan tahay, wejigana maro kaga xidhan tahay. Kolkaasuu Ciise wuxuu ku yidhi iyaga, Fura oo daaya, ha socdee.

  • 2Dad badanna way raaceen, waayo, waxay arkeen calaamooyinkii uu ku sameeyey kuwii bukay.

  • 45Haddaba markuu Galili yimid, dadkii Galili way soo dhoweeyeen, iyagoo arkay wuxuu ku sameeyey Yeruusaalem oo dhan wakhtigii iidda, waayo, iyaguna iiddii way tageen.

  • 72%

    19Yuhuud badan waxay u yimaadeen Maarta iyo Maryan inay walaalkood uga tacsiyeeyaan.

    20¶ Maarta haddaba markay maqashay in Ciise imanayo, ayay ka hor tagtay, Maryanse gurigay iska fadhiday.

  • 11Iyaguna goortay maqleen inuu nool yahay oo ay aragtay, way rumaysan waayeen.

  • 11Calaamooyinka Ciise tii ugu horraysay waxay ahayd tan uu ku sameeyey Kaana tii Galili, oo wuxuu ku muujiyey ammaantiisii, xertiisiina way rumaysteen.

  • 42Taasna waa laga wada ogaaday Yaafaa oo dhan; kuwa badanna waa rumaysteen Rabbiga.

  • 30¶ Haddaba waxaa Ciise ku sameeyey xertii hortooda calaamooyin kale oo badan oo aan ku qorrayn kitaabkan.

  • 39¶ Waxaa magaaladaas ka rumaystay isaga dad badan oo reer Samaariya ah, hadalkii naagta aawadiis, markay marag furtay oo tidhi, Wuxuu ii sheegay wax walba oo aan sameeyey.

  • 18Markaasaa qaar badan oo rumaystay yimaadeen iyagoo qiranaya oo caddaysanaya falimahooda.

  • 17¶ Haddaba markuu Ciise yimid wuxuu ogaaday inuu afar maalmood xabaasha ku jiray.

  • 70%

    36Sidaa daraaddeed Yuhuuddu waxay yidhaahdeen, Bal eega, siduu u jeclaa.

    37Qaarkoodse waxay yidhaahdeen, Ninkan oo indhaha u furay kii indha la'aa, miyuusan wax ka samayn karin inuusan ninkaasu dhiman?

  • 41oo ah kuwa xataa intuu Galili joogay raaci jiray oo u adeegi jiray, iyo qaar kale oo badan oo Yeruusaalem u sii raacay.

  • 27Waxay ku tidhi, Haah, Sayidow, waan rumaysnahay inaad tahay Masiixa oo ah Wiilka Ilaah ee dunida iman lahaa.

  • 44¶ Ciise ayaa ku dhawaaqay oo yidhi, Kii i rumaystaa, ima rumaysto, wuxuuse rumaystaa kan i soo diray.

  • 47Maryan tii reer Magdala iyo Maryan oo ahayd hooyadii Yoosee waxay arkeen meeshii la dhigay.

  • 1¶ Haddaba lix maalmood ka hor Iidda Kormaridda, Ciise wuxuu yimid Beytaniya, meeshuu joogay Laasaros, kii Ciise kuwa dhintay ka soo sara kiciyey.

  • 35Oo kii arkayna wuu marag furay, maraggiisuna waa run, wuuna garanayaa inuu run sheegayo, inaad idinkuna rumaysataan.

  • 15Markaasaa ninkii tegey, wuuna u sheegay Yuhuuddii inuu ninkii bogsiiyey Ciise ahaa.

  • 14Haddaba dadkii markay arkeen calaamadii uu sameeyey, waxay yidhaahdeen, Runtii, kanu waa nebigii dunida iman lahaa.

  • 31Ciise ayaa ugu jawaabay, Hadda ma rumaysan tihiin?

  • 34Markaasuu yidhi, Xaggee baad dhigteen? Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, kaalay oo arag.

  • 22¶ Waxaas dabadeed Ciise iyo xertiisii waxay yimaadeen dalka Yahuudiya, oo meeshaas ayuu iyaga la joogay oo dad ku baabtiisay.