Yooxanaa 11:51

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaas iskama odhan, laakiin isagoo ah wadaadka sare sannaddaas, wuxuu sii sheegay in Ciise quruunta u dhiman doono,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Sam 23:9 : 9 Oo Daa'uudna wuu ogaa in Saa'uul belaayo la damacsan yahay; markaasuu wadaadkii Aabyaataar ahaa ku yidhi, Halkan eefodka keen.
  • Bax 28:30 : 30 Oo laabgashiga xukumaadda waa inaad gelisaa Uuriimka iyo Tummiimka, oo waa inay Haaruun qalbigiisa saarnaadaan markuu Rabbiga hortiisa tago; oo Haaruun waa inuu qalbigiisa ku qaadaa xukumaadda reer binu Israa'iil had iyo goorba.
  • Tir 22:28 : 28 Markaasaa Rabbigu afka dameerta furay oo waxay Balcaam ku tidhi, War maxaan kugu sameeyey oo aad saddexdan jeer ii dishay?
  • Tir 24:2 : 2 Markaasaa Balcaam indhaha kor u qaaday, oo wuxuu arkay reer binu Israa'iil oo qabiil qabiil u deggan, kolkaasaa waxaa isagii ku soo degay ruuxii Ilaah.
  • Tir 24:14-25 : 14 Haddaba waxaan u tegayaa dadkaygii, oo bal kaalay aan kuu sheego waxay dadkanu dadkaaga ku samayn doonaan maalmaha ugu dambaysta. 15 ¶ Markaasuu hadalkiisii sii watay oo wuxuu yidhi, Balcaam ina Becoor wuxuu leeyahay, Oo ninkii ishiisu daboolnaan jirtay wuxuu leeyahay, 16 Wuxuu leeyahay kii erayadii Ilaah maqla, Oo yaqaan aqoonta Kan ugu sarreeya, Oo tusniintii Ilaaha Qaadirka ah arka, Oo dhaca, isagoo indhihiisu furan yihiin, 17 Isagaan arkaa, haddase ma aha, Waan u jeedaa, mase dhowa, Reer Yacquub xiddig baa ka soo bixi doonta, Reer binu Israa'iil waxaa ka soo kici doonta ul boqortooyo, Oo waxay burburin doontaa rukummada Moo'aab, Oo waxay baabbi'in doontaa dadka Sheed oo dhan. 18 Oo dalka Edom wuxuu noqonayaa hantidooda, Oo Seciir oo isna cadowgooda ahaa hantidooduu noqonayaa. Oo reer binu Israa'iil way xoogaysan doonaan. 19 Oo mid reer Yacquub ka soo farcamay ayaa xukun yeelan doona, Oo wuxuu baabbi'in doonaa kuwa magaalada ka hadha. 20 ¶ Markaasuu Camaaleq eegay, oo hadalkiisii sii watay oo yidhi, Camaaleq wuxuu ahaa kan quruumaha ugu horreeya, Laakiinse ugudambaysta wuu halligmi doonaa. 21 Oo haddana wuxuu eegay reer Qeyn, markaasuu hadalkiisii sii watay oo yidhi, Meeshaad deggan tihiin waa adag tahay, Oo buulkiinnana dhagaxaa laga dhisay. 22 Habase yeeshee waa laydin baabbi'in doonaa, reer Qeynow, Jeer ay reer Ashuur maxaabiis ahaan idiin kaxaystaan. 23 Markaasuu hadalkiisii sii watay oo wuxuu yidhi, Hoogay, ee bal yaa sii noolaan doona markii Ilaah waxan sameeyo? 24 Laakiinse doonniyo waxay ka iman doonaan xeebta Kitiim, Oo waxay dhibi doonaan Ashuur, oo waxay dhibi doonaan Ceeber, Oo isna wuu halligmi doonaa. 25 Markaasaa Balcaam kacay oo ku noqday meeshiisii; Baalaaqna wuu iska tegey.
  • Xaak 20:27-28 : 27 Markaasay reer binu Israa'iil haddana Rabbiga wax weyddiisteen, (waayo, wakhtigaas waxaa halkaas oolli jiray sanduuqii axdiga Ilaah, 28 oo wakhtigaas waxaa is-hor taagi jiray Fiinexaas ina Elecaasaar oo ina Haaruun ahaa), oo waxay yidhaahdeen, Miyaannu mar kale haddana ku duulnaa walaalahayo reer Benyaamiin, mise waannu ka joogsannaa? Markaasuu Rabbigu ku yidhi, Taga, waayo, berri baan gacanta idiin soo gelin doonaa.
  • 1 Sam 28:6 : 6 Oo Saa'uulna markuu Rabbiga wax weyddiiyey, Rabbigu uma uu jawaabin, oo riyooyin iyo Uuriim iyo nebiyo midnaba uguma uu jawaabin.
  • Ish 53:5-8 : 5 Laakiinse waxaa isaga loo dhaawacay xadgudubyadeenna, waxaana loo nabareeyey xumaatooyinkeenna, edbintii nabaadiinadeennana dushiisay ku dhacday, dildillaaciisiina waynu ku bogsannay. 6 Dhammaanteen sidii ido baynu u hallownay, midkeen waluba jidkiisuu u leexday, oo Rabbigu wuxuu isaga dul saaray xumaanteenna oo dhan. 7 ¶ Isaga waa la dulmay, waana la dhibay, laakiinse innaba afkiisii ma uu kala qaadin. Isaga sidii wan la qalayo baa loo kexeeyey, oo sidii lax ku aamusan kuwa dhogorta ka xiira hortooda, isagu afkiisa ma uu furin. 8 Isaga dulmi iyo xukun baa lagu sii qaaday. Haddaba bal yaa qarnigiisii ka mid ahaa oo u maleeyey in isaga laga gooyay dalkii kuwa nool? Xadgudubka dadkayga daraaddiis ayaa isaga loo garaacay.
  • Daan 9:26 : 26 Oo laba iyo lixdanka toddobaad dabadood ayaa Kan subkan la gooyn doonaa waxbana ma haysan doono, oo dadka amiirka iman doona ayaa baabbi'in doona magaalada iyo meesha quduuska ah oo dhammaadkiisuna wuxuu ahaan doona mid daad leh, oo xataa ilaa ugu dambaysta waxaa jiri doona dagaal; baabba'na waa la goostay.
  • Mat 7:22-23 : 22 Maalintaas qaar badan baa igu odhan doona, Rabbow, Rabbow, miyaannan magacaaga wax ku sii sheegin, oo miyaannan magacaaga jinniyo ku saarin, oo miyaannan magacaaga wax badan oo xoog leh ku samayn? 23 Markaasaan ku odhan doonaa, Weligay idinma aqoon, iga taga, dembifalayaalow.
  • Mat 20:28 : 28 sida Wiilka Aadanahu uusan ugu iman in loo adeego laakiin inuu adeego iyo inuu naftiisa dad badan furashadooda u bixiyo.
  • Yoox 10:15 : 15 sida Aabbuhu ii garanayo, anna aan Aabbaha u garanayo; oo naftaydana waan u bixiyaa idaha daraaddood.
  • Room 3:25-26 : 25 kan Ilaah u soo bixiyey inuu dhiiggiisa kafaaraggud ku noqdo xagga rumaysadka la rumaystay dhiiggiisa aawadiis, inuu xaqnimadiisa ku muujiyo dembidhaafka uu dembiyadii hore loo sameeyey ku dhaafay samirkii Ilaah; 26 waxaa weeye muujinta xaqnimadiisa ee haatan joogta inuu isaga qudhiisu xaq ahaado iyo kan xaq ka dhiga kan Ciise rumaysan.
  • 1 Kor 13:2 : 2 Oo haddaan leeyahay hadiyadda wax sii sheegidda, oo aan garanayo waxyaalaha qarsoon oo dhan iyo aqoonta oo dhan, iyo haddaan leeyahay rumaysadka oo dhan oo aan buuraha ku dhaqaajiyo, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxba ma ihi.
  • 2 Kor 5:21 : 21 Wuxuu isaga oo aan dembi aqoonin ka dhigay inuu dembi noqdo aawadeen, inaynu noqonno xaqnimada Ilaah ee ku jirta isaga.
  • Gal 3:13 : 13 Masiix wuxuu inaga furtay inkaartii sharciga, isagoo inkaar inoo noqday, waayo, waxaa qoran, Mid kasta oo geed ka soo deldelanu wuu inkaaran yahay,
  • Gal 4:4-5 : 4 laakiinse markii wakhtigii buuxsamay, Ilaah wuxuu soo diray Wiilkiisii, isagoo naag ka dhashay oo sharciga ku hoos dhashay, 5 inuu furto kuwii sharciga ku hoos jiray inuu carruurtiis inaga dhigo.
  • 1 But 2:24 : 24 Oo isagu dembiyadeennii wuxuu ku qaaday jidhkiisii geedka saarnaa, si innagoo dembi kala dhimannay aynu xaqnimo ugu noolaanno. Waxaad ku bogsateen xariijimihii karbaashiddiisii.
  • 1 But 3:18 : 18 Maxaa yeelay, Masiixba mar buu u xanuunsaday dembiyada. Isagoo xaq ah ayuu u xanuunsaday kuwa aan xaqa ahayn aawadood inuu inoo keeno Ilaah. Xagga jidhka waa laga dilay, laakiinse xagga ruuxa waa laga nooleeyey.
  • 2 But 2:15-17 : 15 Jidkii qummanaa ayay ka leexdeen oo way ambadeen, waxayna raaceen jidkii Balcaam ina Becoor oo jeclaaday abaalgudka xaqdarrada. 16 Laakiinse isaga waxaa loo canaantay xadgudubkiisii aawadiis. Dameer carrab la' ayaa ku hadlay dad codkiis, oo wuxuu joojiyey waallidii nebiga. 17 Kuwanu waa ilo aan biyo lahayn, iyo ceeryaamo uu duufaan kaxeeyo, oo waxaa iyaga daraaddood loo sii dhigay madowga gudcurka.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 85%

    47¶ Sidaa aawadeed wadaaddadii sare iyo Farrisiintii shir bay isugu yimaadeen oo yidhaahdeen, Maxaynu samaynaa? Waayo, ninkanu calaamooyin badan buu sameeyeye.

    48Haddaynu sidaa u dayno, dhammaan way rumaysan doonaan isaga, oo dadka Roomana way iman doonaan, oo waxay qaadan doonaan meesheenna iyo quruunteenna.

    49Midkood Kayafas la odhan jiray, oo wadaadka sare ahaa sannaddaas, wuxuu iyagii ku yidhi, Waxba garan maysaan,

    50oo ka fiirsan maysaan inay idiin roon tahay in nin keli ahu dadka u dhinto oo aan quruunta oo dhammu lumin.

  • 79%

    13oo markii hore waxay u geeyeen Annas, waayo, wuxuu ahaa soddoggii Kayafas oo ahaa wadaadkii sare sannaddaas.

    14Kayafas wuxuu ahaa kii kula taliyey Yuhuudda inay u roon tahay in nin keliyahu dadka u dhinto.

  • 79%

    52quruuntii oo keliya uma aha, laakiin inuu mid keliya isugu soo ururiyo carruurtii Ilaah oo kala firidhsan.

    53Haddaba maalintaas wixii ka dambeeyey waxay ku tashadeen inay dilaan.

  • 33Wuxuu waxaas u yidhi inuu tuso siduu u dhiman doono.

  • 73%

    31Haddaba Bilaatos wuxuu ku yidhi, Idinku qaata, oo sharcigiinna ku xukuma. Yuhuuddu waxay ku yidhaahdeen, Xalaal nooma aha inaannu nin dillo,

    32inuu ahaado hadalkii Ciise ku hadlay kolkuu sheegay siduu u dhiman doono.

  • 25Weliba uma uu gelin inuu marar badan isbixiyo, sida wadaadka sare meesha quduuska ah sannad walba ula galo dhiig uusan lahayn.

  • 27kan aan u baahnayn inuu maalin walba allabari u bixiyo sida wadaaddadii sare, kolka hore dembiyadiisa aawadood, dabadeedna kuwa dadka aawadood; tan mar keliya ayuu sameeyey markuu isbixiyey.

  • 3Oo sidaas daraaddeed waa inuu qudhiisa wax ugu bixiyo dembiyada aawadood, siduu dadka wax ugu bixiyo oo kale.

  • 11Markaasaa wadaaddadii iyo nebiyadii la hadleen amiirradii iyo dadkii oo dhan, oo waxay yidhaahdeen, Ninkanu dhimashuu istaahilaa, waayo, magaaladan ayuu wax ka sii sheegay sidii idinkuba aad dhegihiinna ku maqasheen.

  • 21Isaguse wuxuu ka hadlayay macbudka jidhkiisa ah.

  • 21Sidaa daraaddeed wadaaddadii sare oo Yuhuudda waxay Bilaatos ku yidhaahdeen, Ha qorin, Boqorka Yuhuudda, laakiin qor, Kanaa yidhi, Waxaan ahay Boqorka Yuhuudda.

  • 7Laakiin kan labaad waxaa sannaddiiba mar gala wadaadka sare oo keliya, isagoo aan dhiigla'aan gelaynin. Oo dhiiggaas wuxuu u bixiyaa naftiisa iyo dembiyada dadku aqoonla'aanta ku sameeyo.

  • 67%

    36Sidaa daraaddeed Yuhuuddu waxay yidhaahdeen, Bal eega, siduu u jeclaa.

    37Qaarkoodse waxay yidhaahdeen, Ninkan oo indhaha u furay kii indha la'aa, miyuusan wax ka samayn karin inuusan ninkaasu dhiman?

  • 7Yuhuuddii ayaa ugu jawaabtay, Sharci baannu leennahay, sharcigaas xaggiisana waa inuu dhinto, waayo, wuxuu iska dhigay Wiilka Ilaah.

  • 67%

    56Sidaa daraaddeed ayay Ciise doondooneen, oo waxay isku yidhaahdeen, iyagoo macbudka dhex taagan, Maxay idinla tahay? Ma inuusan iidda imanaynin baa?

    57Wadaaddadii sare iyo Farrisiintii waxay amar ku bixiyeen, Hadduu qof ogaado meeshuu joogo waa inuu sheego, ha la qabtee.

  • 20Hadalladaas ayuu kaga hadlay meeshii khasnaddu tiil intuu macbudka wax ku barayay. Oo ninna ma uu qaban isaga, waayo, saacaddiisii weli ma iman.

  • 41Waxyaalahaas Isayos ayaa yidhi, maxaa yeelay, ammaantiisuu arkay, wuuna ka hadlay isaga.

  • 25¶ Sidaa aawadeed qaar ka mid ah kuwa Yeruusaalem waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn kay doonayaan inay dilaan?

  • 63Markaasaa wadaadkii sare dharkiisii jeexjeexay oo yidhi, Maxaannu markhaatiyaal weli ugu baahan nahay?

  • 2Markaasaa wadaaddadii sare iyo culimmadii waxay dooneen si ay u dilaan isaga, waayo, dadka ayay ka baqeen.

  • 54Haddaba sidee buu u noqon doonaa Qorniinku kan leh, Waa in sidaasu noqotaa?

  • 30Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Codkaasu aawaday uma imanin, laakiin wuxuu u yimid aawadiin.

  • 27Waayo, kuwii Yeruusaalem joogay iyo taliyayaashoodii waa garan waayeen isaga iyo codadkii nebiyada oo sabti walba la akhriyi jiray, sidaas daraaddeed ayay waxyaalihii dhammeeyeen markay xukumeen isagii.

  • 19Wuxuu waxaas u yidhi inuu tuso dhimashaduu Ilaah ku ammaani doono. Markuu waxaas yidhi dabadeed, wuxuu ku yidhi, I soo raac.

  • 1¶ Wadaad sare oo kasta, oo dadka laga dhex bixiyo, waxaa dadka loogu doortaa waxyaalaha Ilaah ku saabsan, inuu hadiyado iyo allabaryoba u bixiyo dembiyada aawadood.

  • 65%

    10Waayo, wuxuu ogaa wadaaddadii sare inay hinaaso ugu soo dhiibeen.

    11Laakiin wadaaddadii sare ayaa dadka kiciyey, oo waxay yidhaahdeen inay u roon tahay inuu Baraabbas u sii daayo iyaga.

  • 65%

    36Waayo, waxyaalahaas waxay u dhaceen inuu ahaado Qorniinka leh, Lafihiisa midna la jebin maayo.

    37Oo Qorniin kale wuxuu leeyahay, Way arki doonaan kii ay wareemeen.

  • 3Waayo, wadaad kasta oo sare waxaa loo doortay inuu hadiyado iyo allabaryo bixiyo, sidaas daraaddeed waa lagamamaarmaan in wadaadkan sarena haysto wax uu bixiyo.

  • 65Markaasaa wadaadkii sare dharkiisii jeexjeexay isagoo leh, Wuu caytamay. Maxaynu markhaatiyaal weli ugu baahan nahay? Bal eega, haddeer waad maqasheen caytanka.

  • 3Markaasaa wadaaddadii sare iyo waayeelladii dadka waxay isku urursadeen barxadda wadaadkii sare oo Kayafas la odhan jiray.

  • 10Wadaaddadii sare waxay ku tashadeen inay Laasarosna dilaan.

  • 13Waayo, kii waxyaalahan laga sheegay waa qolo kale oo aan nin meeshii allabariga ka shaqeeyey ka iman.

  • 11¶ Waxaan ahay adhijirka wanaagsan. Adhijirka wanaagsanu wuxuu naftiisa u bixiyaa idaha daraaddood.

  • 16Markaasaa amiirradii iyo dadkii oo dhammu waxay wadaaddadii iyo nebiyadii ku yidhaahdeen, Ninkanu dhimasho ma istaahilo, waayo, wuxuu nagula hadlay magicii Rabbiga Ilaaheenna ah.

  • 61oo waxay yidhaahdeen, Kanu wuxuu yidhi, Waan karayaa inan macbudka Ilaah dudumiyo oo saddex maalmood ku dhiso.

  • 44Oo Ciise ayaa ka marag kacay inaan nebi waddankiis murwad ku lahayn.

  • 51(isaguna raalli kama ahayn waanidoodii iyo falniinkoodii), wuxuuna ahaa reer Arimataya oo ahayd magaalo Yuhuudda, kan boqortooyada Ilaah sugayay.

  • 6Wuxuu waxaas ugu yidhi inuu jirrabo isaga, waayo, isaga qudhiisu waa ogaa wuxuu samayn lahaa.

  • 71Wuxuu ka hadlay Yuudas ina Simoon Iskariyod, waayo, isaguu ahaa kan gacangelin lahaa, isagoo laba-iyo-tobankii ka mid ahaa.

  • 21Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ka leeyahay dadka Canaatood oo doondoonaya inay naftaada kaa qaadaan, oo kugu yidhaahda, Yaadan gacantayada ku dhimanine Rabbiga magiciisa waxba ha ku sii sheegin,