Yeremyaah 11:21
Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ka leeyahay dadka Canaatood oo doondoonaya inay naftaada kaa qaadaan, oo kugu yidhaahda, Yaadan gacantayada ku dhimanine Rabbiga magiciisa waxba ha ku sii sheegin,
Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ka leeyahay dadka Canaatood oo doondoonaya inay naftaada kaa qaadaan, oo kugu yidhaahda, Yaadan gacantayada ku dhimanine Rabbiga magiciisa waxba ha ku sii sheegin,
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
22Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogow, Iyagaan ciqaabi doonaa. Barbaarradu seef bay ku dhiman doonaan, oo wiilashooda iyo gabdhahooduba abaar bay ku dhiman doonaan.
23Oo innaba iyaga midna kama hadhi doono, waayo, dadka Canaatood masiibaan ku soo dayn doonaa sannadda ciqaabiddooda.
27Haddaba bal maxaad u canaanan weyday Yeremyaah oo ah reer Canaatood oo nebi isaga kaa dhigaya?
20Laakiinse Rabbiga ciidammadow, adigoo si caddaalad ah wax u xukumow, oo kelyaha iyo qalbigaba imtixaamow, haddaba bal aargoosashadaada iyaga ku kor dhacaysa aan arkee, waayo, dacwadaydii adigaan kuu soo bandhigay.
11Markaasaa wadaaddadii iyo nebiyadii la hadleen amiirradii iyo dadkii oo dhan, oo waxay yidhaahdeen, Ninkanu dhimashuu istaahilaa, waayo, magaaladan ayuu wax ka sii sheegay sidii idinkuba aad dhegihiinna ku maqasheen.
12Markaas Yeremyaah wuxuu la hadlay amiirradii oo dhan iyo dadkii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga ayaa ii soo diray inaan gurigan iyo magaaladanba ka sii sheego erayadii aad maqasheen oo dhan.
7Oo wadaaddadii iyo nebiyadii iyo dadkii oo dhammuba waxay maqleen Yeremyaah oo erayadan gurigii Rabbiga kagaga dhex hadlaya,
8oo markii Yeremyaah uu wada dhammeeyey hadalkii uu Rabbigu ku amray inuu dadka oo dhan kula hadlo ayaa wadaaddadii, iyo nebiyadii, iyo dadkii oo dhammu isagii qabteen, oo waxay ku yidhaahdeen, Hubaal waa inaad dhimataa!
9Bal maxaad magaca Rabbiga wax ugu sii sheegtay adigoo leh, Guriganu wuxuu noqon doonaa sidii Shiiloh oo kale, oo magaaladanuna waxay noqon doontaa cidla oo aan ciduna degganayn? Oo dadkii oo dhammuna Yeremyaah ayay gurigii Rabbiga ugu soo wada urureen.
15Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu nebiyadaas ka leeyahay, Nebiyada magacayga wax ku sii sheega, oo aanan soo dirin, laakiinse yidhaahda, Seef iyo abaar toona dalkan dhexdiisa laguma arki doono, waxaa baabbi'in doona seef iyo abaar.
16Oo dadka ay wax u sii sheegaanna waxaa lagu tuuri doonaa jidadka Yeruusaalem, waana abaar iyo seef daraaddood, oo ciduna ma ay xabaali doonto iyaga, iyo naagahooda, iyo wiilashooda, iyo gabdhahoodaba, waayo, waxaan iyaga ku soo dejin doonaa xumaantoodii oo dhan.
32iyo Canaatood, iyo Nob, iyo Cananyaah,
11¶ Erayga Rabbiga ee ku saabsan reerka boqorka dalka Yahuudah maqla.
15Markaas Nebi Yeremyaah wuxuu Nebi Xananyaah ku yidhi, Xananyaahow, bal haatan i maqal. Rabbigu kuma soo dirin, laakiinse waxaad dadkan ka dhigaysaa inay been isku halleeyaan.
16Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, anigu waan kaa fogayn doonaa dhulka korkiisa, oo isla sannaddan ayaad dhiman doontaa, maxaa yeelay, waxaad ku hadashay caasinimo Rabbiga ka gees ah.
20Laakiinse nebigii wax aanan ku amrin leh oo si kibir ah magacayga ugu hadla, ama kii ilaahyo kale magacood ku hadlaa, nebigaasu waa inuu dhintaa.
21Oo haddaad qalbigiinna iska tidhaahdaan, Sidee baannu u garanaynaa eraygii aan Rabbigu ku hadlin?
14¶ Markaasaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,
15Laakiinse bal si xaqiiq ah u ogaada, haddaad i dishaan, waxaad nafsaddiinna iyo magaaladan iyo dadka degganba u soo jiidaysaan dhiig aan xaq qabin, waayo, sida runta ah Rabbiga ayaa ii soo diray xaggiinna inaan dhegihiinna oo dhan erayadan maqashiiyo.
16Markaasaa amiirradii iyo dadkii oo dhammu waxay wadaaddadii iyo nebiyadii ku yidhaahdeen, Ninkanu dhimasho ma istaahilo, waayo, wuxuu nagula hadlay magicii Rabbiga Ilaaheenna ah.
16Haddaba bal maqal erayga Rabbiga. Adigu waxaad leedahay, Wax dadka Israa'iil ka gees ah ha sii sheegin, oo wax reer Isxaaq ka gees ahna ha ku hadlin.
21¶ Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Axaab ina Qoolaayaah iyo Sidqiyaah ina Macaseeyaah oo magacayga been idiinku sii sheega, bal ogaada iyaga waxaan gelin doonaa gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo isna indhihiinna hortooda ayuu iyaga ku dili doonaa.
11¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
16Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Axiimelegow, hubaal waad dhimanaysaa adiga iyo reerka aabbahaa oo dhammuba.
3Oo markii mid wax sii sheego, aabbihiis iyo hooyadiisii dhalay waa inay isaga ku yidhaahdaan, Waa inaadan sii noolaan, waayo, been baad magaca Rabbiga ku sheegtaa. Oo aabbihiis iyo hooyadiisii dhalay waa inay isaga wareemaan intuu wax sii sheegayo.
18¶ Oo markaas waxay yidhaahdeen, Ina keena aynu Yeremyaah shirqool u hindisnee, waayo, sharcigu wadaadka ka tegi maayo, oo taladuna kii xigmad leh ka tegi mayso, oo erayguna nebiga ka tegi maayo. Ina keena aynu isaga carrabka ku dhufannee, oo erayadiisana yeynan innaba dheg u dhigin.
15Maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu sooma aan dirin, laakiinse been bay magacayga ku sii sheegaan, si aan idiin eryo, oo aad u halligantaan, idinka iyo nebiyada wax idiin sii sheegaba.
8Oo dadkanna waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan idin hor dhigayaa jidka nolosha iyo jidka geerida.
9Kii magaaladan sii joogaaba wuxuu ku dhiman doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, laakiinse kii baxa oo reer Kaldayiinka idin hareeraynaya u galaa wuu noolaan doonaa, oo naftiisu waxay isaga u ahaan doontaa sida booli oo kale.
42Markaasuu isagii ku yidhi, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, Ninkii aan baabba'a ku xukumay ayaad gacantaada ka sii daysay, oo sidaas daraaddeed naftaadu waxay u dhiman doontaa naftiisa, dadkaaguna dadkiisa.
4Markaas amiirradii waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, Ninkan ha la dilo, waayo, erayadan uu iyaga kula hadlayo aawadood ayuu ku daciifinayaa gacmihii ragga dagaalka ee magaaladan ku hadhay iyo gacmihii dadka kale oo dhanba, waayo, isagu dadkan waxyeelladiisa mooyaane wanaaggiisa dooni maayo.
2Oo markay kugu yidhaahdaan, Xaggee baannu tegaynaa? waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu idinku leeyahay, Kuwii dhimashadu waajib ku tahay xagga dhimashada ha tageen, kuwii seeftu xagga seefta, kuwii abaartu xagga abaarta, oo kuwii maxaabiisnimadu xagga maxaabiisnimada.
13Oo bal maxaad adiga iyo dadkaaguba seefta iyo abaarta iyo belaayada ugu dhimanaysaan, sida Rabbigu uga hadlay quruuntii aan u adeegin boqorka Baabuloon?
19Haddaba bal meeye nebiyadaadii wax idiin sii sheegay, oo idinku yidhi, Boqorka Baabuloon ku soo duuli maayo idinka iyo dalkanba?
26markaas waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Baryootankaygii ayaan boqorka hor dhigay, inuusan gurigii Yoonaataan igu celin, oo aanan halkaas ugu dhiman.
6¶ Waxay iyagu ku yidhaahdaan, Waxba ha sii sheegina. Iyagu kuwan waxba uma sii sheegi doonaan. Oo hadallo cay ah kama dhammaan doonaan.
24Markaas Sidqiyaah wuxuu Yeremyaah ku yidhi, Ninna yuusan erayadan ogaanin, oo adiguna dhiman maysid.
13Markaasaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, bal eeg, nebiyadiiba waxay ku yidhaahdaan, Seef arki maysaan, abaaruna idinku dhici mayso, laakiinse waxaan meeshan idinku siin doonaa nabad hubaal ah.
3laakiinse Baaruug ina Neeriiyaah ayaa nagu soo kaa diray, si uu gacanta reer Kaldayiin noogu rido inay na laayaan, oo ay maxaabiis ahaan Baabuloon noogu kaxaystaan.
16Markaas Boqor Sidqiyaah si qarsoodi ah ayuu Yeremyaah ugu dhaartay, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga nool ee naf ina siiyey ayaan ku dhaaranayaa inaanan ku dili doonin, ama aanan gacanta raggan naftaada doondoonaya kugu ridi doonin.
10waayo, been bay idiinku sii sheegaan, si ay dalkiinna idinkaga fogeeyaan, oo aan anigu dibadda idinku kexeeyo, oo aad u halligantaan aawadeed.
3Oo adigu waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Inkaaru ha ku dhacdo ninkii aan dhegaysan erayada axdigan
21Haddaba sidaas daraaddeed carruurtooda abaar u gacangeli, oo waxaad iyaga u gudbisaa xoogga seefta, oo naagahooduna ha gablameen, oo carmallo ha noqdeen, oo raggoodana ha la laayo, oo barbaarradoodana seef ha lagu dilo dagaalka dhexdiisa.
21Wuuna ku qayliyey ninkii Ilaah oo Yahuudah ka yimid, oo ku yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Caasi baad ku noqotay Rabbiga, mana aadan xajin amarkii Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu amray,
4Sidqiyaah boqorka dalka Yahuudahow, Weliba bal maqal erayga Rabbiga. Rabbigu wuxuu kaa leeyahay, Seef kuma dhiman doontid,
21Waayo, geeri baa daaqadahayaga nooga soo dustay, oo waxay soo gashay daarahayaga inay carruurta dibadda ka baabbi'iso, oo ay barbaarradana jidadka ka baabbi'iso.
1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
1¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, isagoo leh,
4Sidaas daraaddeed iyaga wax ka sii sheeg, Wiilka Aadamow, wax sii sheeg.
11¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,