Yeremyaah 38:24

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaas Sidqiyaah wuxuu Yeremyaah ku yidhi, Ninna yuusan erayadan ogaanin, oo adiguna dhiman maysid.

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yer 38:25-27
    3 aayado
    87%

    25Laakiinse hadday amiirradu maqlaan inaan kula hadlay, oo ay kuu yimaadaan oo ay kugu yidhaahdaan, Wixii aad boqorka ku tidhi noo sheeg, oo weliba wixii boqorku kugu yidhi ha naga qarin, oo annana ku dili mayno,

    26markaas waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Baryootankaygii ayaan boqorka hor dhigay, inuusan gurigii Yoonaataan igu celin, oo aanan halkaas ugu dhiman.

    27Markaasay amiirradii oo dhammu Yeremyaah u yimaadeen oo wax bay weyddiiyeen, oo isna wuxuu u wada sheegay erayadii boqorku ku amray oo dhan. Markaasay lahadliddiisii iska daayeen, waayo, xaalkaas ciduna ma maqlin.

  • Yer 38:14-21
    8 aayado
    84%

    14¶ Markaasaa Boqor Sidqiyaah u soo cid diray oo kaxaystay Nebi Yeremyaah, oo wuxuu gaystay iriddii saddexaad ee guriga Rabbiga. Kolkaas boqorkii wuxuu Yeremyaah ku yidhi, Wax baan ku weyddiinayaaye, inna waxba ha iga qarinin.

    15Markaas Yeremyaah wuxuu Sidqiyaah ku yidhi, Haddaan kuu sheego, hubaal miyaadan i dili doonin? Oo haddaan kula taliyona innaba ima maqli doontid.

    16Markaas Boqor Sidqiyaah si qarsoodi ah ayuu Yeremyaah ugu dhaartay, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga nool ee naf ina siiyey ayaan ku dhaaranayaa inaanan ku dili doonin, ama aanan gacanta raggan naftaada doondoonaya kugu ridi doonin.

    17Markaas Yeremyaah wuxuu Sidqiyaah ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Haddaad amiirrada boqorka Baabuloon u baxdid, naftaada iyo reerkaaguba way noolaan doonaan, oo magaaladanna dab laguma gubi doono,

    18laakiinse haddaadan amiirrada boqorka Baabuloon u bixin, markaas magaaladan waxaa lagu ridi doonaa gacanta reer Kaldayiin, oo dab bay ku gubi doonaan, adiguna gacantooda kama baxsan doontid.

    19Markaas Sidqiyaah wuxuu Yeremyaah ku yidhi, Waxaan ka cabsanayaa Yuhuuddii reer Kaldayiin u gashay waaba intaasoo ay gacantooda i geliyaan oo ay iyana igu majaajiloodaan.

    20Laakiinse Yeremyaah wuxuu ku yidhi, Iyagu kuma ay gacangelin doonaan. Waan ku baryayaaye addeec codka Rabbiga ee aan kugula hadlay, waanad nabdoonaan doontaa oo naftaaduna way sii noolaan doontaa.

    21Laakiinse haddaad diiddo inaad baxdo, kanu waa eraygii Rabbigu i tusay,

  • Yer 34:2-6
    5 aayado
    81%

    2Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Tag oo Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, magaaladan waxaan ku ridi doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna dab buu ku gubi doonaa.

    3Oo adiguna gacantiisa kama aad baxsan doontid, laakiinse hubaal waa lagu qabsan doonaa, oo gacantiisaa lagugu ridi doonaa, oo indhahaaguna waxay fiirin doonaan indhaha boqorka Baabuloon, oo isna afkiisuu kula hadli doonaa, oo Baabuloon baad tegi doontaa.

    4Sidqiyaah boqorka dalka Yahuudahow, Weliba bal maqal erayga Rabbiga. Rabbigu wuxuu kaa leeyahay, Seef kuma dhiman doontid,

    5nabad baadse ku dhiman doontaa, oo wax baa laguu shidi doonaa sidii wax loogu shidi jiray awowayaashaa oo ahaa boqorradii kaa sii horreeyey, wayna kuu barooran doonaan, iyagoo leh, Hoogaye, sayidkaygiiyow, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Eraygaas anigaa ku hadlay.

    6Markaas Nebi Yeremyaah wuxuu erayadaas oo dhan Yeruusaalem kagala hadlay Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah,

  • 19Markaas amiirradii waxay Baaruug ku yidhaahdeen, Tag, oo adiga iyo Yeremyaahba dhuunta, oo yaan ciduna ogaan meeshaad joogtaan.

  • Yer 37:17-20
    4 aayado
    78%

    17ayaa waxaa isagii u soo cid diray Boqor Sidqiyaah, oo soo bixiyey. Markaasaa boqorkii si qarsoodi ah gurigiisa gudihiisa wax ugu weyddiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Eray Rabbiga ka yimid miyuu jiraa? Kolkaasaa Yeremyaah ku yidhi, Waa jiraa. Oo wuxuu kaloo yidhi, Adigu waxaa laguu gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon.

    18Oo weliba Yeremyaah wuxuu Boqor Sidqiyaah ku yidhi, Bal maxaan adiga, amase addoommadaada, amase dadkan u dhimay, oo aad ii xabbisteen?

    19Haddaba bal meeye nebiyadaadii wax idiin sii sheegay, oo idinku yidhi, Boqorka Baabuloon ku soo duuli maayo idinka iyo dalkanba?

    20Haddaba boqorow, sayidkaygiiyow, bal baryadayda maqal, oo waan ku baryayaaye baryootankayga xaggaaga ha laga aqbalo, oo gurigii karraaniga Yoonaataan ha igu celin, waaba intaasoo aan halkaas ku dhintaaye.

  • 3¶ Markaas Yeremyaah wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaad Sidqiyaah ku tidhaahdaan:

  • Yer 38:4-5
    2 aayado
    76%

    4Markaas amiirradii waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, Ninkan ha la dilo, waayo, erayadan uu iyaga kula hadlayo aawadood ayuu ku daciifinayaa gacmihii ragga dagaalka ee magaaladan ku hadhay iyo gacmihii dadka kale oo dhanba, waayo, isagu dadkan waxyeelladiisa mooyaane wanaaggiisa dooni maayo.

    5Markaasaa Boqor Sidqiyaah yidhi, Bal eega, isagu gacantiinnuu ku jiraa, waayo, boqorku innaba ma aha mid wax idinka gees ah samayn kara.

  • Yer 26:7-8
    2 aayado
    76%

    7Oo wadaaddadii iyo nebiyadii iyo dadkii oo dhammuba waxay maqleen Yeremyaah oo erayadan gurigii Rabbiga kagaga dhex hadlaya,

    8oo markii Yeremyaah uu wada dhammeeyey hadalkii uu Rabbigu ku amray inuu dadka oo dhan kula hadlo ayaa wadaaddadii, iyo nebiyadii, iyo dadkii oo dhammu isagii qabteen, oo waxay ku yidhaahdeen, Hubaal waa inaad dhimataa!

  • 23Markaasay naagahaaga oo dhan iyo carruurtaadaba reer Kaldayiin u bixin doonaan, oo adiguna gacantooda sina ugama baxsan doontid, laakiinse waxaa ku qabsan doonta gacanta boqorka Baabuloon, oo magaaladanna dab baa lagu gubi doonaa.

  • Yer 32:3-5
    3 aayado
    75%

    3Waayo, Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah ayaa isaga xidhay, oo wuxuu ku yidhi, War maxaad wax u sii sheegtaa, adigoo leh, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, magaaladan waxaan gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna wuu qabsan doonaa,

    4oo Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah gacanta reer Kaldayiin kama uu baxsan doono, laakiinse hubaal waxaa la gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna afkiisuu kula hadli doonaa, oo indhahana way isku arki doonaan,

    5oo isna Sidqiyaah ayuu u kaxaysan doonaa Baabuloon oo halkaasuu joogi doonaa ilaa aan isaga soo booqdo, ayaa Rabbigu leeyahay; oo in kastoo aad reer Kaldayiin la dirirtaan innaba ma liibaani doontaan?

  • 24Habase ahaatee Axiiqaam ina Shaafaan gacantiisu way la jirtay Yeremyaah inayan isaga ku ridin dadka gacantiisa si ay u dilaan.

  • Yer 38:1-2
    2 aayado
    74%

    1¶ Shefatyaah ina Mataan, iyo Gedalyaah ina Fashxuur, iyo Yuukal ina Shelemyaah, iyo Fashxuur ina Malkiiyaah waxay maqleen erayadii Yeremyaah ee uu dadka oo dhan kula hadlay, isagoo leh,

    2Rabbigu wuxuu leeyahay, Kii magaaladan sii joogaaba wuxuu ku dhiman doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, laakiinse kii reer Kaldayiin u baxaa wuu noolaan doonaa, oo naftiisuna waxay isaga u ahaan doontaa sidii booli oo kale, wuuna noolaan doonaa.

  • Yer 36:26-27
    2 aayado
    72%

    26Markaas boqorkii wuxuu Yeraxme'eel ina Hammeleg, iyo Seraayaah ina Casrii'eel, iyo Shelemyaah ina Cabdeel ku amray inay karraanigii Baaruug iyo Nebi Yeremyaahba soo qabtaan, laakiinse Rabbigaa qariyey.

    27¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah u yimid markuu boqorku kitaabkii duudduubnaa iyo erayadii uu Baaruug ka qoray afka Yeremyaah gubay dabadeed, oo wuxuu ku yidhi,

  • Yer 38:8-10
    3 aayado
    72%

    8ayuu gurigii boqorka ka soo baxay, oo boqorkuu la hadlay, isagoo ku leh,

    9Boqorow, sayidkaygiiyow, nimankanu si xun bay u sameeyeen wax alla wixii ay ku sameeyeen Nebi Yeremyaah, kaasoo ay godkii ku dhex rideen, oo waxaa suurtowda inuu abaarta ugu bakhtiyo meeshuu ku jiro, waayo, innaba magaalada kibisu kuma jirto.

    10Markaasaa boqorkii wuxuu amray Cebedmeleg oo reer Itoobiya ahaa, isagoo ku leh, Halkan soddon nin ka kaxayso oo Nebi Yeremyaah godka ka soo bixi intuusan dhiman.

  • 21Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ka leeyahay dadka Canaatood oo doondoonaya inay naftaada kaa qaadaan, oo kugu yidhaahda, Yaadan gacantayada ku dhimanine Rabbiga magiciisa waxba ha ku sii sheegin,

  • 15Markaasaa Yooxaanaan ina Qaaree'ax si qarsoodi ah Gedalyaah ugula hadlay Misfaah, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye inaan tago ii fasax, Ismaaciil ina Netanyaah aan soo dilee oo ciduna ma ogaan doonto. Bal muxuu kuu dilayaa oo ay Yuhuuddii kugu soo wada ururtay oo dhammu u kala firdhaan, oo intii dadka dalka Yahuudah ka hadhayna ay u dhintaan?

  • 3laakiinse Baaruug ina Neeriiyaah ayaa nagu soo kaa diray, si uu gacanta reer Kaldayiin noogu rido inay na laayaan, oo ay maxaabiis ahaan Baabuloon noogu kaxaystaan.

  • Yer 27:12-13
    2 aayado
    71%

    12¶ Weliba erayadan oo dhanna waan kula hadlay Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, oo waxaan ku idhi, Qoortiinna ka hoos mariya harqoodka boqorka Baabuloon, oo u adeega isaga iyo dadkiisa, oo saas ku noolaada.

    13Oo bal maxaad adiga iyo dadkaaguba seefta iyo abaarta iyo belaayada ugu dhimanaysaan, sida Rabbigu uga hadlay quruuntii aan u adeegin boqorka Baabuloon?

  • 18¶ Oo markaas waxay yidhaahdeen, Ina keena aynu Yeremyaah shirqool u hindisnee, waayo, sharcigu wadaadka ka tegi maayo, oo taladuna kii xigmad leh ka tegi mayso, oo erayguna nebiga ka tegi maayo. Ina keena aynu isaga carrabka ku dhufannee, oo erayadiisana yeynan innaba dheg u dhigin.

  • 8¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid markii Boqor Sidqiyaah uu dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhan axdi la dhigtay dabadeed. Axdigaasuna waa in xorriyad loogu dhawaaqo,

  • 4¶ Oo markaas Nebi Yeremyaah dadka dhexdiisa ayuu gudaha u soo geli jiray oo dibadda uga bixi jiray, waayo, weli ma ay xabbisin.

  • 1¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, markii Boqor Sidqiyaah uu isaga u soo diray Fashxuur ina Malkiiyaah, iyo Safanyaah ina Macaseeyaah oo wadaadka ahaa, isagoo leh,

  • 2Laakiinse isagii, iyo addoommadiisii, iyo dadkii dalka toona midkoodna ma maqlin erayadii Rabbiga ee uu isagu kaga hadlay Nebi Yeremyaah.

  • 12Isaga kaxee, oo si wanaagsan u ilaali, oo innaba waxba ha yeelin, laakiinse waxaad u samaysaa wax alla wixii uu ku yidhaahdo.

  • 19Oo markaasaa dadkii waxay igu yidhaahdeen, War maad noo sheegtid waxan aad samaynaysid ulajeeddadooda?