Yeremyaah 38:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Markaasaa Boqor Sidqiyaah u soo cid diray oo kaxaystay Nebi Yeremyaah, oo wuxuu gaystay iriddii saddexaad ee guriga Rabbiga. Kolkaas boqorkii wuxuu Yeremyaah ku yidhi, Wax baan ku weyddiinayaaye, inna waxba ha iga qarinin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Sam 3:17-18 : 17 Markaasuu ku yidhi, Waxa Rabbigu kuu sheegay waa maxay? Waan ku baryayaaye, ha iga qarin. Ilaah ha kugu sameeyo waxaas iyo wax ka sii daranba, haddii aad iga qarisid innaba wixii uu kuu sheegay oo dhan. 18 Oo Samuu'eelna wuu u sheegay wax kasta, oo waxba kama uu qarin innaba. Markaasuu yidhi, Isagu waa Rabbiga, ee ha sameeyo wixii la wanaagsan isaga.
  • 1 Boq 22:16 : 16 Markaasaa boqorkii isagii ku yidhi, Runta mooyaane wax kale inaadan magaca Rabbiga iigu sheegayn intee jeer baan ku dhaariyaa?
  • Yer 21:1-2 : 1 ¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, markii Boqor Sidqiyaah uu isaga u soo diray Fashxuur ina Malkiiyaah, iyo Safanyaah ina Macaseeyaah oo wadaadka ahaa, isagoo leh, 2 Waan ku baryayaaye, bal Rabbiga wax noo weyddii, waayo, Nebukadresar oo ah boqorkii Baabuloon ayaa nala diriraya. Waxaa suurtowda in Rabbigu nagula macaamiloodo shuqulladiisa yaabka badan oo dhan, si uu cadowgu nooga noqdo.
  • Yer 37:17 : 17 ayaa waxaa isagii u soo cid diray Boqor Sidqiyaah, oo soo bixiyey. Markaasaa boqorkii si qarsoodi ah gurigiisa gudihiisa wax ugu weyddiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Eray Rabbiga ka yimid miyuu jiraa? Kolkaasaa Yeremyaah ku yidhi, Waa jiraa. Oo wuxuu kaloo yidhi, Adigu waxaa laguu gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon.
  • Yer 42:2-5 : 2 oo waxay Nebi Yeremyaah ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, baryootankayagu ha ahaado mid hortaada lagu aqbalo, oo waxaad noo baridaa Rabbiga Ilaahaaga ah, annagoo ah kuwan hadhay oo dhan, waayo, kuwayagan yar ayaa ka hadhay dadkii badnaa, sida aad adiguba indhahaaga noogu aragtid. 3 Noo ducee si Rabbiga Ilaahaaga ahu uu noo tuso jidkii aannu ku socon lahayn iyo wixii aannu samayn lahayn. 4 Markaasaa Nebi Yeremyaah wuxuu iyagii ku yidhi, Waan idin maqlay, oo bal eega, Rabbiga Ilaahiinna ah sidii ay erayadiinnu ahaayeen ayaan u baryayaa, oo wax alla wixii Rabbigu idiinku soo jawaaboba waan idiin sheegayaa, oo waxba dib idiinka ceshan maayo. 5 Markaasay Yeremyaah ku yidhaahdeen, Rabbigu dhexdeenna ha ku ahaado markhaati run iyo daacad ah, haddaannan wada samayn waxyaalihii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu noogu soo kaa dhiibo oo dhan.
  • Yer 42:20 : 20 Waayo, idinku nafsaddiinnaad aad u khiyaanayseen, maxaa yeelay, waxaad ii dirteen Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aad igu tidhaahdeen, Rabbiga Ilaaheenna ah noo bari, oo wax alla wixii Rabbiga Ilaaheenna ahu uu kugu soo yidhaahdaba noo soo sheeg, oo annaguna waannu samayn doonnaa.
  • 2 Boq 16:18 : 18 Oo boqorkii Ashuur aawadiis ayuu gurigii Rabbiga ugu soo beddelay meeshii daboolnayd ee sabtida ee guriga looga dhex dhisay iyo meeshii boqorku ka soo geli jirayba.
  • 2 Taar 18:15 : 15 Markaasaa boqorkii isagii ku yidhi, Runta mooyaane wax kale inaadan magaca Rabbiga iigu sheegayn intee jeer baan ku dhaariyaa?
  • 1 Boq 10:5 : 5 iyo cuntadii miiskiisa, iyo fadhigii addoommadiisa, iyo hawshii adeegayaashiisa, iyo dharkoodii, iyo kuwiisii cabniinka siin jiray, iyo wixii uu guriga Rabbiga ku fuuli jiray, naf dambe iyadii kuma hadhin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yer 37:16-20
    5 aayado
    86%

    16Markii Yeremyaah uu gurigii godka ahaa galay iyo weliba qolalkii hoose, oo uu halkaas maalmo badan ku jiray,

    17ayaa waxaa isagii u soo cid diray Boqor Sidqiyaah, oo soo bixiyey. Markaasaa boqorkii si qarsoodi ah gurigiisa gudihiisa wax ugu weyddiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Eray Rabbiga ka yimid miyuu jiraa? Kolkaasaa Yeremyaah ku yidhi, Waa jiraa. Oo wuxuu kaloo yidhi, Adigu waxaa laguu gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon.

    18Oo weliba Yeremyaah wuxuu Boqor Sidqiyaah ku yidhi, Bal maxaan adiga, amase addoommadaada, amase dadkan u dhimay, oo aad ii xabbisteen?

    19Haddaba bal meeye nebiyadaadii wax idiin sii sheegay, oo idinku yidhi, Boqorka Baabuloon ku soo duuli maayo idinka iyo dalkanba?

    20Haddaba boqorow, sayidkaygiiyow, bal baryadayda maqal, oo waan ku baryayaaye baryootankayga xaggaaga ha laga aqbalo, oo gurigii karraaniga Yoonaataan ha igu celin, waaba intaasoo aan halkaas ku dhintaaye.

  • Yer 38:15-19
    5 aayado
    81%

    15Markaas Yeremyaah wuxuu Sidqiyaah ku yidhi, Haddaan kuu sheego, hubaal miyaadan i dili doonin? Oo haddaan kula taliyona innaba ima maqli doontid.

    16Markaas Boqor Sidqiyaah si qarsoodi ah ayuu Yeremyaah ugu dhaartay, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga nool ee naf ina siiyey ayaan ku dhaaranayaa inaanan ku dili doonin, ama aanan gacanta raggan naftaada doondoonaya kugu ridi doonin.

    17Markaas Yeremyaah wuxuu Sidqiyaah ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Haddaad amiirrada boqorka Baabuloon u baxdid, naftaada iyo reerkaaguba way noolaan doonaan, oo magaaladanna dab laguma gubi doono,

    18laakiinse haddaadan amiirrada boqorka Baabuloon u bixin, markaas magaaladan waxaa lagu ridi doonaa gacanta reer Kaldayiin, oo dab bay ku gubi doonaan, adiguna gacantooda kama baxsan doontid.

    19Markaas Sidqiyaah wuxuu Yeremyaah ku yidhi, Waxaan ka cabsanayaa Yuhuuddii reer Kaldayiin u gashay waaba intaasoo ay gacantooda i geliyaan oo ay iyana igu majaajiloodaan.

  • Yer 37:2-4
    3 aayado
    79%

    2Laakiinse isagii, iyo addoommadiisii, iyo dadkii dalka toona midkoodna ma maqlin erayadii Rabbiga ee uu isagu kaga hadlay Nebi Yeremyaah.

    3Oo Boqor Sidqiyaah wuxuu Nebi Yeremyaah u soo diray Yehuukal ina Shelemyaah, iyo Sefanyaah ina wadaadka Macaseeyaah, oo wuxuu ku soo yidhi, Bal Rabbiga Ilaaheenna ah noo bari.

    4¶ Oo markaas Nebi Yeremyaah dadka dhexdiisa ayuu gudaha u soo geli jiray oo dibadda uga bixi jiray, waayo, weli ma ay xabbisin.

  • Yer 38:24-28
    5 aayado
    79%

    24Markaas Sidqiyaah wuxuu Yeremyaah ku yidhi, Ninna yuusan erayadan ogaanin, oo adiguna dhiman maysid.

    25Laakiinse hadday amiirradu maqlaan inaan kula hadlay, oo ay kuu yimaadaan oo ay kugu yidhaahdaan, Wixii aad boqorka ku tidhi noo sheeg, oo weliba wixii boqorku kugu yidhi ha naga qarin, oo annana ku dili mayno,

    26markaas waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Baryootankaygii ayaan boqorka hor dhigay, inuusan gurigii Yoonaataan igu celin, oo aanan halkaas ugu dhiman.

    27Markaasay amiirradii oo dhammu Yeremyaah u yimaadeen oo wax bay weyddiiyeen, oo isna wuxuu u wada sheegay erayadii boqorku ku amray oo dhan. Markaasay lahadliddiisii iska daayeen, waayo, xaalkaas ciduna ma maqlin.

    28Oo Yeremyaah wuxuu joogay barxaddii waardiyayaasha ilaa maalintii Yeruusaalem la qabsaday.

  • 3¶ Markaas Yeremyaah wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaad Sidqiyaah ku tidhaahdaan:

  • Yer 32:1-3
    3 aayado
    77%

    1¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid sannaddii tobnaad ee Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo kaasu wuxuu ahaa sannaddii siddeed iyo tobnaad oo Nebukadresar.

    2Markaasaa ciidankii boqorka Baabuloon Yeruusaalem hareereeyeen. Oo Nebi Yeremyaahna wuxuu ku xidhnaa barxaddii xabsigii ku dhex yiil gurigii boqorka dalka Yahuudah.

    3Waayo, Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah ayaa isaga xidhay, oo wuxuu ku yidhi, War maxaad wax u sii sheegtaa, adigoo leh, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, magaaladan waxaan gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna wuu qabsan doonaa,

  • 1¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, markii Boqor Sidqiyaah uu isaga u soo diray Fashxuur ina Malkiiyaah, iyo Safanyaah ina Macaseeyaah oo wadaadka ahaa, isagoo leh,

  • 13Markaasay Yeremyaah xadhkihii ku soo jiideen oo godkii bay kor uga soo bixiyeen, oo Yeremyaahna wuxuu ku hadhay barxaddii waardiyayaasha.

  • 6Markaas Nebi Yeremyaah wuxuu erayadaas oo dhan Yeruusaalem kagala hadlay Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah,

  • 5Markaasaa Boqor Sidqiyaah yidhi, Bal eega, isagu gacantiinnuu ku jiraa, waayo, boqorku innaba ma aha mid wax idinka gees ah samayn kara.

  • 8ayuu gurigii boqorka ka soo baxay, oo boqorkuu la hadlay, isagoo ku leh,

  • 26Markaas boqorkii wuxuu Yeraxme'eel ina Hammeleg, iyo Seraayaah ina Casrii'eel, iyo Shelemyaah ina Cabdeel ku amray inay karraanigii Baaruug iyo Nebi Yeremyaahba soo qabtaan, laakiinse Rabbigaa qariyey.

  • 10Markaasaa boqorkii wuxuu amray Cebedmeleg oo reer Itoobiya ahaa, isagoo ku leh, Halkan soddon nin ka kaxayso oo Nebi Yeremyaah godka ka soo bixi intuusan dhiman.

  • Yer 39:14-15
    2 aayado
    73%

    14waxay u soo cid direen Yeremyaah, oo intay barxaddii waardiyayaasha ka soo bixiyeen ayay u dhiibeen Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan inuu gurigiisa u kaxeeyo, markaasuu dadka dhexdiisa joogay.

    15¶ Haddaba eraygii Rabbigu wuxuu u yimid Yeremyaah intuu ku xidhnaa barxaddii waardiyayaasha, isagoo leh,

  • Yer 37:13-14
    2 aayado
    73%

    13Oo markuu iriddii reer Benyaamiin joogay waxaa isna halkaas joogay sirkaal waardiyayaasha madax u ahaa, oo magiciisa la odhan jiray Yiriyaah ina Shelemyaah, oo ahaa ina Xananyaah, oo isna Yeremyaah buu qabtay oo wuxuu ku yidhi, Adigu waxaad u gelaysaa reer Kaldayiin.

    14Markaas Yeremyaah wuxuu ku yidhi, Taasu waa been, anigu reer Kaldayiin u geli maayo. Laakiinse isagu innaba ma uu dhegaysan, sidaas daraaddeed Yiriyaah wuxuu soo qabtay Yeremyaah, oo amiirradii u keenay.

  • 4Markaasaa Nebi Yeremyaah wuxuu iyagii ku yidhi, Waan idin maqlay, oo bal eega, Rabbiga Ilaahiinna ah sidii ay erayadiinnu ahaayeen ayaan u baryayaa, oo wax alla wixii Rabbigu idiinku soo jawaaboba waan idiin sheegayaa, oo waxba dib idiinka ceshan maayo.

  • 14¶ Markaas Yeremyaah wuxuu ka yimid Tofed oo ah meeshii Rabbigu u diray inuu wax ku sii sheego, oo intuu barxaddii guriga Rabbiga soo istaagay ayuu dadkii oo dhan ku yidhi,

  • 8¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid markii Boqor Sidqiyaah uu dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhan axdi la dhigtay dabadeed. Axdigaasuna waa in xorriyad loogu dhawaaqo,

  • 5Markaasaa Yeremyaah amray Baaruug, oo wuxuu yidhi, Anigu waan xidhnahay, oo guriga Rabbiga ma aan tegi karo,

  • Yer 29:29-30
    2 aayado
    72%

    29¶ Oo wadaadkii Sefanyaah ahaa ayaa warqaddaas ku akhriyey Nebi Yeremyaah hortiisa.

    30Markaasaa eraygii Rabbigu ku soo degay Yeremyaah, isagoo leh,

  • 9Bal maxaad magaca Rabbiga wax ugu sii sheegtay adigoo leh, Guriganu wuxuu noqon doonaa sidii Shiiloh oo kale, oo magaaladanuna waxay noqon doontaa cidla oo aan ciduna degganayn? Oo dadkii oo dhammuna Yeremyaah ayay gurigii Rabbiga ugu soo wada urureen.

  • 2Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Tag oo Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, magaaladan waxaan ku ridi doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna dab buu ku gubi doonaa.

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah mar labaad u yimid intuu weli barxaddii xabsiga ku xidhnaa, oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Shefatyaah ina Mataan, iyo Gedalyaah ina Fashxuur, iyo Yuukal ina Shelemyaah, iyo Fashxuur ina Malkiiyaah waxay maqleen erayadii Yeremyaah ee uu dadka oo dhan kula hadlay, isagoo leh,

  • 7Oo wadaaddadii iyo nebiyadii iyo dadkii oo dhammuba waxay maqleen Yeremyaah oo erayadan gurigii Rabbiga kagaga dhex hadlaya,

  • 6¶ Oo Yeremyaahna wuxuu yidhi, Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid, oo wuxuu igu yidhi,

  • 11Haddaba Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon wuxuu Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta siiyey amar ku saabsan Yeremyaah, oo wuxuu isagii ku yidhi,

  • 2Sirkaalkii waardiyayaashu Yeremyaah ayuu soo kexeeyey, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa masiibadan meeshan kaga hadlay.

  • 21Laakiinse haddaad diiddo inaad baxdo, kanu waa eraygii Rabbigu i tusay,

  • 5Markaas Nebi Yeremyaah baa la hadlay Nebi Xananyaah iyadoo ay wada joogaan wadaaddadii iyo dadkii guriga Rabbiga dhex taagnaa oo dhammu.

  • 19Markaas amiirradii waxay Baaruug ku yidhaahdeen, Tag, oo adiga iyo Yeremyaahba dhuunta, oo yaan ciduna ogaan meeshaad joogtaan.