Yooxanaa 19:24

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sidaa daraaddeed waxay isku yidhaahdeen, Yeynan kala jeexin, laakiin aan u saami ridanno kii heli doona, inuu noqdo Qorniinka oo leh, Iyagu waxay qaybsadeen dharkaygii. Khamiiskaygiina way u saami riteen. Haddaba waxyaalahaas askartii baa samaysay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 22:18 : 18 Dharkayga bay qaybsadaan, Oo maradaydana saami bay u ritaan.
  • Yoox 19:28 : 28 ¶ Markaas dabadeed Ciise isagoo garanaya wax kasta inay dhammaadeen, in Qorniinku ahaado, ayuu yidhi, Waan harraadsanahay.
  • Yoox 19:36-37 : 36 Waayo, waxyaalahaas waxay u dhaceen inuu ahaado Qorniinka leh, Lafihiisa midna la jebin maayo. 37 Oo Qorniin kale wuxuu leeyahay, Way arki doonaan kii ay wareemeen.
  • Fal 13:27 : 27 Waayo, kuwii Yeruusaalem joogay iyo taliyayaashoodii waa garan waayeen isaga iyo codadkii nebiyada oo sabti walba la akhriyi jiray, sidaas daraaddeed ayay waxyaalihii dhammeeyeen markay xukumeen isagii.
  • Ish 10:7 : 7 Habase ahaatee isagu saas kuma talo jiro, oo qalbigiisuna saas kuma fikiro, laakiinse waxaa qalbigiisa ku jira inuu baabbi'iyo oo jaro quruumo aan yarayn.
  • Yoox 10:35 : 35 Hadduu Ilaah kuwii ereygiisu u yimid ku sheegay ilaahyo (oo Qorniinkana lama jebin karo),
  • Yoox 12:38-39 : 38 inuu noqdo hadalka nebi Isayos oo uu ku hadlay, Rabbiyow, yaa warkayagii rumaystay, Oo yaa gacantii Rabbiga loo muujiyey? 39 Sidaa aawadeed ayay rumaysan kari waayeen, waayo, Isayos ayaa haddana yidhi,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 23¶ Haddaba askartii markay Ciise iskutallaabta ku qodbeen, dharkiisay qaateen oo ay afar meelood ka dhigeen, askari waliba meel buu qaatay, khamiiskiina way qaateen. Khamiiskii meella kama tollayn dusha iyo hoosta.

  • Mat 27:35-36
    2 aayado
    89%

    35Oo goortay iskutallaabta ku qodbeen, dharkiisay qaybsadeen, wayna saami riteen si wixii nebigu ku hadlay u noqdaan, Dharkaygii bay qaybsadeen oo maradaydii bay saami u riteen.

    36Meeshaasna ayay fadhiisteen oo dhawreen.

  • 88%

    24Oo goortay iskutallaabta ku qodbeen, dharkiisay qaybsadeen, wayna saami ku riteen mid kasta wuxuu qaadan lahaa.

    25Waxayna ahayd saacaddii saddexaad oo iskutallaabta ay ku qodbeen.

  • 18Dharkayga bay qaybsadaan, Oo maradaydana saami bay u ritaan.

  • 81%

    33¶ Markay yimaadeen meeshii la yidhaahda dhakada, halkaasay iskutallaabo ku qodbeen isaga iyo xumaanfalayaashii, mid midigta, kan kalena bidixda.

    34Markaasaa Ciise wuxuu yidhi, Aabbow, iyaga cafi, waayo, garan maayaan waxay samaynayaan. Markaasay dharkiisii qaybsadeen, wayna saami riteen.

  • 76%

    36Waayo, waxyaalahaas waxay u dhaceen inuu ahaado Qorniinka leh, Lafihiisa midna la jebin maayo.

    37Oo Qorniin kale wuxuu leeyahay, Way arki doonaan kii ay wareemeen.

  • Yoox 19:1-3
    3 aayado
    74%

    1¶ Markaasaa Bilaatos haddaba Ciise watay oo karbaashay,

    2askartiina taaj ayay qodxan uga taxeen, oo madaxiisay saareen, oo waxay u geliyeen dhar guduudan.

    3Markaasay u yimaadeen oo ku yidhaahdeen, Nabad Boqorka Yuhuuddow, wayna dharbaaxeen.

  • 74%

    31¶ Sidaa daraaddeed Yuhuuddii, inaan meydadku sabtida iskutallaabaha sii saarnaan, waxay Bilaatos ka baryeen in lugaha laga jebiyo oo meydadka la qaado, waayo, waxay ahayd Maalintii Diyaargarayska, oo maalinta sabtidaas waxay ahayd maalin weyn.

    32Haddaba askartii waa timid, oo ay lugaha ka jebiyeen kii hore iyo kii kale oo iskutallaabaha lagula qodbay isaga.

    33Laakiin markay Ciise u yimaadeen oo ay arkeen inuu durba dhintay kama ay jebin lugihii.

    34Laakiin mid askartii ka mid ah ayaa dhinaca Ciise waran kaga wareemay, oo markiiba waxaa ka soo baxay dhiig iyo biyo.

  • Mat 27:27-28
    2 aayado
    74%

    27¶ Markaasaa taliyaha askartiisii waxay Ciise geeyeen guriga taliyaha, oo waxay isaga ku soo ururiyeen askartii oo dhan.

    28Dharkiisii ayay ka qaadeen oo waxay u geliyeen dhar guduudan.

  • 31Oo goortay ku majaajiloodeen dabadeed ayay dharkii ka qaadeen oo dharkiisii bay u geliyeen, markaasay wadeen in iskutallaabta lagu qodbo.

  • 40Haddaba waxay qaadeen meydkii Ciise oo ku duudduubeen maryo iyo dhir udgoon siday caadada aasniinta Yuhuuddu ahayd.

  • 72%

    35Markaasay Ciise u keeneen, oo dharkoodii bay qaylkii dusha ka saareen, oo Ciise ayay fuusheen.

    36Oo intuu socday, dharkoodii ayay jidka ku gogleen.

  • 72%

    16¶ Markaasaa askartii isaga geeyeen barxaddii dhexdeeda, taasoo la odhan jiray Baraytoriyon, waxayna isugu yeedheen askartii oo dhan.

    17Waxay u geliyeen dhar guduudan, oo taaj ayay qodxan uga texeen, oo madaxiisay saareen.

  • 20Goortay ku majaajiloodeen dabadeed ayay dharkii guduudnaa ka qaadeen oo dharkiisii bay u geliyeen, markaasay wadeen in iskutallaabta lagu qodbo.

  • 72%

    27Markaasaa waxaa iskutallaabo lagula qodbay laba tuug, mid midigtiisa, midna bidixdiisa.

    28Oo waxaa rumoobay Qorniinkii yidhi, Waxaa isaga lagu tiriyey sharcilaawayaasha.

  • 71%

    18meeshaasay iskutallaabaha ku qodbeen isaga iyo laba kale, midba gees, Ciisena dhexda.

    19Bilaatosna wax buu qoray oo ku dhejiyey iskutallaabta dusheeda, waxaana ku qorraa, CIISIHII REER NAASARED, BOQORKA YUHUUDDA.

    20Haddaba Yuhuudda badideed ayaa qorniinkaas akhriday, waayo, meeshii Ciise iskutallaabta lagaga qodbay waa u dhowayd magaalada, oo qorniinkii wuxuu ku qorraa af Cibraaniga iyo af Roomaaniga iyo af Gariigga.

    21Sidaa daraaddeed wadaaddadii sare oo Yuhuudda waxay Bilaatos ku yidhaahdeen, Ha qorin, Boqorka Yuhuudda, laakiin qor, Kanaa yidhi, Waxaan ahay Boqorka Yuhuudda.

  • 16¶ Markaasuu haddaba u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo.

  • 25¶ Waxaa Ciise iskutallaabtiisa ag taagnaa hooyadiis, iyo habaryartiis, Maryan afadii Kaloobaas, iyo Maryan tii reer Magdala.

  • 20iyo sidii wadaaddada sare iyo taliyayaasheennii ugu dhiibeen in dhimasho lagu xukumo, oo iskutallaabta ayay ku qodbeen.

  • 46Markaasaa Yuusuf wuxuu soo iibsaday kafan, wuuna soo dejiyey isaga, oo kafantii ku duudduubay, oo wuxuu geliyey xabaal dhagax ka qodnayd, oo xabaashii afkeedii wuxuu ku soo giringiriyey dhagax weyn.

  • 38Markaasaa daahii macbudka kor ilaa hoos laba u kala dillaacay.

  • 5Ciise haddaba ayaa dibadda u soo baxay isagoo sita taajkii qodxanta ahaa iyo dharkii guduudnaa, oo Bilaatos ayaa ku yidhi iyaga, Bal eega ninka.

  • 28¶ Markaas dabadeed Ciise isagoo garanaya wax kasta inay dhammaadeen, in Qorniinku ahaado, ayuu yidhi, Waan harraadsanahay.

  • 70%

    36Markaasuu ku yidhi, Laakiin haddeer kii kiishad qabaa ha qaato, sidaas oo kalena qandi ha qaato. Kii aan midna qabinna, dharkiisa ha iibiyo, oo seef ha iibsado.

    37Waayo, waxaan idinku leeyahay, Waa inuu igu dhammaado qorniinkan leh, Waxaa isaga lagu tiriyey sharcilaawayaasha. Waayo, waxa igu saabsani dhammaad bay leeyihiin.

  • 49Kuwa kale ayaa yidhi, Daaya aynu aragnee inuu Eliyaas yimaado oo badbaadiyo.

  • 44Tuugaggii iskutallaabaha lagu la qodbayna sidaas oo kale ayay u caayeen.

  • Mat 27:9-10
    2 aayado
    69%

    9Markaas waxaa noqotay wixii nebi Yeremyaah lagaga hadlay markuu yidhi, Waxay qaateen soddonkii gogo' oo lacagta ahaa oo ah iibkii lagu qiimeeyey isaga, kii bini Israa'iil ku qiimeeyeen.

    10Waxayna ka bixiyeen dhulka dheriyasameeyaha sida Rabbigu iigu amray.

  • 12Iyaguna goortay waayeelladii la shireen oo ay wada hadleen, ayay askartii lacag badan siiyeen,

  • 63Markaasaa wadaadkii sare dharkiisii jeexjeexay oo yidhi, Maxaannu markhaatiyaal weli ugu baahan nahay?

  • 29Oo markay dhammeeyeen waxyaalihii laga qoray oo dhan, ayay geedkii ka soo dejiyeen oo xabaal geliyeen.

  • 49Kuwii ag joogay goortay garteen waxa dhici doona, waxay yidhaahdeen, Sayidow, seef miyaannu ku dhufannaa?

  • 59Yuusuf goortuu meydkii qaaday ayuu kafan nadiif ah ku duudduubay,