Yooxanaa 19:33
Laakiin markay Ciise u yimaadeen oo ay arkeen inuu durba dhintay kama ay jebin lugihii.
Laakiin markay Ciise u yimaadeen oo ay arkeen inuu durba dhintay kama ay jebin lugihii.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
30Haddaba markii Ciise khalkii qaatay ayuu yidhi, Waa dhammaatay, markaasuu madaxa foororshay oo ruuxii bixiyey.
31¶ Sidaa daraaddeed Yuhuuddii, inaan meydadku sabtida iskutallaabaha sii saarnaan, waxay Bilaatos ka baryeen in lugaha laga jebiyo oo meydadka la qaado, waayo, waxay ahayd Maalintii Diyaargarayska, oo maalinta sabtidaas waxay ahayd maalin weyn.
32Haddaba askartii waa timid, oo ay lugaha ka jebiyeen kii hore iyo kii kale oo iskutallaabaha lagula qodbay isaga.
34Laakiin mid askartii ka mid ah ayaa dhinaca Ciise waran kaga wareemay, oo markiiba waxaa ka soo baxay dhiig iyo biyo.
35Oo kii arkayna wuu marag furay, maraggiisuna waa run, wuuna garanayaa inuu run sheegayo, inaad idinkuna rumaysataan.
36Waayo, waxyaalahaas waxay u dhaceen inuu ahaado Qorniinka leh, Lafihiisa midna la jebin maayo.
37Oo Qorniin kale wuxuu leeyahay, Way arki doonaan kii ay wareemeen.
38¶ Waxyaalahaas dabadeed, Yuusuf kii ahaa reer Arimataya, isagoo xer u ah Ciise laakiinse si qarsoon cabsidii uu ka cabsaday Yuhuudda aawadeed, wuxuu Bilaatos ka baryay inuu meydka Ciise qaado. Bilaatosna waa u fasaxay. Sidaa daraaddeed wuu yimid oo meydkiisii qaaday.
20Isagu wuxuu dhawraa lafihiisa oo dhan, Oo middoodna ma jabna.
28Oo in kastoo ayan ka helin sabab lagu dilo, ayay waxay Bilaatos weyddiisteen in la dilo.
29Oo markay dhammeeyeen waxyaalihii laga qoray oo dhan, ayay geedkii ka soo dejiyeen oo xabaal geliyeen.
30Laakiin Ilaah baa ka sara kiciyey kuwii dhintay,
23¶ Haddaba askartii markay Ciise iskutallaabta ku qodbeen, dharkiisay qaateen oo ay afar meelood ka dhigeen, askari waliba meel buu qaatay, khamiiskiina way qaateen. Khamiiskii meella kama tollayn dusha iyo hoosta.
24Sidaa daraaddeed waxay isku yidhaahdeen, Yeynan kala jeexin, laakiin aan u saami ridanno kii heli doona, inuu noqdo Qorniinka oo leh, Iyagu waxay qaybsadeen dharkaygii. Khamiiskaygiina way u saami riteen. Haddaba waxyaalahaas askartii baa samaysay.
18meeshaasay iskutallaabaha ku qodbeen isaga iyo laba kale, midba gees, Ciisena dhexda.
23Waxay siiyeen inuu cabbo khamri xammeeti lagu daray, laakiin ma uu qaadan.
24Oo goortay iskutallaabta ku qodbeen, dharkiisay qaybsadeen, wayna saami ku riteen mid kasta wuxuu qaadan lahaa.
25Waxayna ahayd saacaddii saddexaad oo iskutallaabta ay ku qodbeen.
44Bilaatos waa yaabay inuu hadda dhintay. Markaasuu wuxuu u yeedhay boqol-u-taliyihii oo weyddiiyey, Durba miyuu dhintay?
45Goortuu ka gartay boqol-u-taliyihii, ayuu meydkii Yuusuf siiyey.
33Oo goortay yimaadeen meel Golgota la odhan jiray, tan la yidhaahdo meeshii dhakada,
34waxay siiyeen inuu cabbo khamri xammeeti lagu daray, goortuu dhadhamiyeyse wuu diiday inuu cabbo.
35Oo goortay iskutallaabta ku qodbeen, dharkiisay qaybsadeen, wayna saami riteen si wixii nebigu ku hadlay u noqdaan, Dharkaygii bay qaybsadeen oo maradaydii bay saami u riteen.
36Meeshaasna ayay fadhiisteen oo dhawreen.
33¶ Markay yimaadeen meeshii la yidhaahda dhakada, halkaasay iskutallaabo ku qodbeen isaga iyo xumaanfalayaashii, mid midigta, kan kalena bidixda.
34Markaasaa Ciise wuxuu yidhi, Aabbow, iyaga cafi, waayo, garan maayaan waxay samaynayaan. Markaasay dharkiisii qaybsadeen, wayna saami riteen.
9Waayo, weli Qorniinka ma ay garan inay tahay inuu kuwa dhintay ka soo sara kaco.
29Tan goortii xertiisii maqashay, ayay yimaadeen oo meydkiisii qaadeen oo aaseen.
40Haddaba waxay qaadeen meydkii Ciise oo ku duudduubeen maryo iyo dhir udgoon siday caadada aasniinta Yuhuuddu ahayd.
41Meeshii isaga iskutallaabta lagu qodbay waxaa ku tiil beer, beerta dhexdeedana waxaa ku tiil xabaal cusub oo aan ninna weli la dhigin.
42Haddaba Maalintii Diyaargarayska oo Yuhuudda aawadeed ayay meeshaas Ciise u dhigeen, waayo, xabaashii waa dhowayd.
27Markaasaa waxaa iskutallaabo lagula qodbay laba tuug, mid midigtiisa, midna bidixdiisa.
28Oo waxaa rumoobay Qorniinkii yidhi, Waxaa isaga lagu tiriyey sharcilaawayaasha.
29Oo kuwii ag marayayna waa caayeen, oo intay madaxooda luleen, waxay yidhaahdeen, Kaaga macbudka duminayow oo saddex maalmood ku dhisayow,
17¶ Haddaba markuu Ciise yimid wuxuu ogaaday inuu afar maalmood xabaasha ku jiray.
16¶ Markaasuu haddaba u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo.
12Waa inayan waxba ka reebin ilaa subaxda, oo ayan lafahana mid ka jebin. Waa inay u dhawraan sida qaynuunka Iidda Kormaridda yahay oo dhan.
32Masiixa oo ah Boqorka Israa'iil haddeer iskutallaabta ha ka soo dego si aannu u aragno oo u rumaysanno. Kuwii iskutallaabaha lagula qodbayna ayaa caayay.
49Kuwa kale ayaa yidhi, Daaya aynu aragnee inuu Eliyaas yimaado oo badbaadiyo.
32inuu ahaado hadalkii Ciise ku hadlay kolkuu sheegay siduu u dhiman doono.
38Markaasaa waxaa iskutallaabo lagu la qodbay laba tuug, mid midigta, midna bidixda.
20iyo sidii wadaaddada sare iyo taliyayaasheennii ugu dhiibeen in dhimasho lagu xukumo, oo iskutallaabta ayay ku qodbeen.
17Lafahaygii oo dhan waan tirin karaa, Oo iyagu way i fiiriyaan oo igu dhaygagaan,
18Dharkayga bay qaybsadaan, Oo maradaydana saami bay u ritaan.
53Markaasuu soo dejiyey oo kafan ku duudduubay, oo wuxuu geliyey xabaal dhagax ka qodnayd, meel aan weligeed ninna la dhigin.
40Goortuu waxaas yidhi, ayuu tusay gacmihiisa iyo cagihiisa.
5Markaasuu foororsaday, oo wuxuu arkay maryihii oo yaal, laakiinse ma uu gelin.
34Markaasuu yidhi, Xaggee baad dhigteen? Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, kaalay oo arag.
16Markii hore xertiisii waxyaalahaas ma ay garan, laakiin markii Ciise ammaanmay dabadeed ayay xusuusteen in waxyaalahaas xaggiisa laga qoray iyo in waxyaalahaas lagu sameeyey isaga.
37Markaasaa Ciise cod weyn ku dhawaaqay oo ruuxii bixiyey.