Yooxanaa 21:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Taasu waa markii saddexaad oo Ciise xertii isu muujiyey markii uu kuwa dhintay ka soo sara kacay dabadeed.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 20:19 : 19 ¶ Haddaba maalintaas markay makhribkii ahayd, ayaantii u horraysay ee toddobaadka, oo ay albaabbadu xidhnaayeen meeshay xertu joogtay cabsida ay Yuhuudda ka cabsadeen aawadeed, ayaa Ciise yimid oo isdhex taagay, oo wuxuu ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto.
  • Yoox 20:26 : 26 ¶ Oo siddeed maalmood dabadeed xertiisii gudaha ayay mar labaad wada joogeen, oo Toomasna waa la joogay. Markaasaa Ciise yimid, albaabbadii oo xidhan, oo intuu isdhex taagay ayuu ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yoox 21:1-4
    4 aayado
    82%

    1¶ Waxyaalahaas dabadeed Ciise ayaa mar kale xertii isugu muujiyey Bad Tiberiyas agteeda. Oo sidatan ayuu isu tusay.

    2Waxaa wada joogay Simoon Butros, iyo Toomas ka la yidhaahda Didumos, iyo Nataana'el oo ahaa kii Kaana tii Galili, iyo wiilashii Sebedi, iyo laba kale oo xertiisa ah.

    3Simoon Butros wuxuu iyaga ku yidhi, Waa soo kalluumaysanayaa. Markaasay ku yidhaahdeen, Annana waa ku raacaynaa. Markaasay tageen oo doonnida fuuleen; laakiin habeenkaas waxba ma ay qaban.

    4Laakiin markii waagu beryay Ciise wuxuu taagnaa xeebta, xertiisiise ma ay garanaynin inuu Ciise yahay.

  • Yoox 21:9-13
    5 aayado
    78%

    9Haddaba markay dhulkii u soo degeen waxay arkeen dab dhuxul ah iyo kalluun saaran iyo kibis.

    10Markaasaa Ciise ku yidhi iyagii, Keena qaar kalluunkaad hadda soo qabateen.

    11Haddaba Simoon Butros ayaa sixiimaddii fuulay, oo wuxuu xagga dhulka u jiiday shabaggii oo ka buuxa boqol iyo saddex iyo konton kalluun oo waaweyn, oo in kastoo ay faro badnaayeen shabaggii ma dillaacin.

    12Markaasaa Ciise wuxuu iyaga ku yidhi, Kaalaya oo quraacda. Oo xertii midkoodna kuma uu dhicin inuu yidhaahdo, Kumaad tahay? waayo, waxay garanayeen inuu Sayidka yahay.

    13Kolkaasaa Ciise yimid oo qaaday kibistii oo siiyey iyaga, kalluunkiina sidoo kale.

  • 3Markuu xanuunsaday dabadeed, iyagii ayuu isagoo nool waxyaalo badan oo la hubo isugu muujiyey, oo muddo afartan maalmood ah ayuu iyagii u muuqday, oo kala hadlay waxyaalaha ku saabsan boqortooyada Ilaah.

  • 14¶ Dabadeed wuxuu u muuqday koob-iyo-tobankii goortay cunto u fadhiyeen. Wuuna u canaantay rumaysaddarradooda iyo qalbi engegnaantooda, waayo, ma ayna rumaysan kuwii isaga arkay goortuu sara kacay dabadeed.

  • 74%

    15¶ Haddaba markay quraacdeen dabadeed Ciise wuxuu Simoon Butros ku yidhi, Simoon ina Yoonisow, kuwan ma iga jeceshahay? Wuxuu ku yidhi, Haah, Sayidow, waad og tahay inaan ku jeclahay. Markaasuu ku yidhi, Baraarkayga daaji.

    16Haddana wuxuu mar labaad ku yidhi isaga, Simoon ina Yoonisow, ma i jeceshahay? Wuxuu ku yidhi, Haah, Sayidow, waad og tahay inaan ku jeclahay. Markaasuu ku yidhi, Idahayga ilaali.

    17Markii saddexaad ayuu ku yidhi, Simoon ina Yoonisow, Ma i jeceshahay? Butros ayaa ka calool xumaaday, waayo, wuxuu markii saddexaad ku yidhi, Ma i jeceshahay? Markaasuu ku yidhi, Sayidow, wax walba waad og tahay, waadna garanaysaa inaan ku jeclahay. Ciise ayaa ku yidhi, Idahayga daaji.

  • Fal 10:40-41
    2 aayado
    73%

    40Isaga Ilaah baa maalintii saddexaad sara kiciyey, oo bayaan u muujiyey,

    41uma muujin dadka oo dhan, laakiin wuxuu u muujiyey markhaatiyaashii Ilaah hore u doortay, xataa annaga oo isaga wax la cunnay oo la cabnay markuu kuwii dhintay ka soo sara kacay dabadeed.

  • 73%

    18Maryan tii reer Magdala ayaa timid oo xertii ku tidhi, Waxaan arkay Sayidkii, oo waxay u sheegtay inuu waxyaalahaas iyada ku yidhi.

    19¶ Haddaba maalintaas markay makhribkii ahayd, ayaantii u horraysay ee toddobaadka, oo ay albaabbadu xidhnaayeen meeshay xertu joogtay cabsida ay Yuhuudda ka cabsadeen aawadeed, ayaa Ciise yimid oo isdhex taagay, oo wuxuu ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto.

    20Oo markuu waxaas yidhi, wuxuu iyagii tusay gacmihiisii iyo dhinaciisii. Sidaa daraaddeed xertii waa ku farxeen markay Sayidkii arkeen.

  • 73%

    33Saacaddaas qudheeda ayay kaceen oo Yeruusaalem ku noqdeen, waxayna arkeen koob-iyo-tobankii iyo kuwii la jiray oo isu ururay,

    34iyagoo leh, Hubaal Sayidku waa sara kacay, oo wuxuu u muuqday Simoon.

    35Iyaguna waxay ka warrameen wixii jidka ka dhacay iyo siday isaga ugu garteen kala jejebintii kibista.

    36¶ Intay waxyaalahaas ku hadlayeen, isaga qudhiisa ayaa dhexdooda taagnaa, oo wuxuu ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto.

  • 12¶ Waxan dabadeed isagoo suurad kale ah ayuu u muuqday laba iyaga ah iyagoo sii socda oo beeraha tegaya.

  • 40Goortuu waxaas yidhi, ayuu tusay gacmihiisa iyo cagihiisa.

  • 28Laakiin markii kuwii dhintay layga sara kiciyo dabadeed ayaan Galili hortiin tegi doonaa.

  • 26¶ Oo siddeed maalmood dabadeed xertiisii gudaha ayay mar labaad wada joogeen, oo Toomasna waa la joogay. Markaasaa Ciise yimid, albaabbadii oo xidhan, oo intuu isdhex taagay ayuu ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto.

  • 7Dhaqso u taga, oo waxaad xertiisii ku tidhaahdaan, Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay, oo wuu idin hor marayaa ilaa Galili. Halkaasna waad ku arki doontaan. Bal eega, waan idiin sheegaye.

  • 22Sidaa aawadeed markuu ka soo sara kacay kuwii dhintay, xertiisii way soo xusuusteen inuu taas ka hadlay, wayna rumaysteen Qorniinka iyo hadalkii Ciise yidhi.

  • Fal 13:30-31
    2 aayado
    71%

    30Laakiin Ilaah baa ka sara kiciyey kuwii dhintay,

    31oo maalmo badan waxaa isagii arkay kuwii kala yimid Galili ilaa Yeruusaalem kuwaasoo hadda ah markhaati furayaashiisii xagga dadka.

  • 32Laakiin markii kuwii dhintay layga sara kiciyo, dabadeed ayaan Galili hortiin tegi doonaa.

  • 70%

    41Kolkii saddexaad ayuu yimid oo ku yidhi, Hadda seexda oo nasta, waa ku filan tahay. Saacaddii waa timid. Bal eega, Wiilka Aadanaha ayaa dembilayaal loo gacangelinayaa.

    42Kaca aan tagnee. Eega, kii i gacangelin lahaa waa soo dhow yahay.

  • 1 Kor 15:4-5
    2 aayado
    70%

    4waa la aasay isaga, oo maalintii saddexaad ayaa la sara kiciyey, sida Qorniinku leeyahay.

    5Markaasuu Keeyfas u muuqday, markii dambena laba iyo tobankii.

  • 7Kii xerta ahaa oo Ciise jeclaa ayaa ku yidhi Butros, Waa Sayidkii. Haddaba markuu Simoon Butros maqlay inuu Sayidka yahay, ayuu dharkiisa guntaday (waayo, wuu qaawanaa), oo wuxuu isku tuuray badda.

  • 9Waayo, weli Qorniinka ma ay garan inay tahay inuu kuwa dhintay ka soo sara kaco.

  • 7Gortaasuu Yacquub u muuqday, markaas rasuullada oo dhan.

  • 7Laakiin taga, oo waxaad ku tidhaahdaan xertiisii iyo Butros, Wuu idin hor marayaa ilaa Galili. Halkaasna waad ku arki doontaan, siduu idinku yidhi.

  • 46Wuxuuna ku yidhi, Sidaasay u qoran tahay, Waa inuu Masiixu silco, oo uu maalinta saddexaad kuwa dhintay ka soo sara kaco,

  • 21¶ Kolkaa dabadeed Ciise Masiix ayaa bilaabay inuu xertiisii u sheego inay waajib ugu tahay inuu Yeruusaalem tago, oo xanuun badan ka helo waayeellada iyo wadaaddada sare iyo culimmada, oo la dilo, oo maalinta saddexaad la sara kiciyo.

  • 25Wakhtiga gaadhkii afraad oo habeenka ayuu u yimid isagoo badda ku dul socda.

  • Luuk 24:6-7
    2 aayado
    68%

    6Isagu halkan ma joogo, laakiinse waa sara kacay. Xusuusta siduu idiinla hadlay intuu Galili weli joogay,

    7isagoo leh, Wiilka Aadanaha waa in loo gacangeliyo dembilayaasha, oo iskutallaabta lagu qodbo, oo maalinta saddexaad uu soo sara kaco.

  • 14Markay sidaa ku tidhi ayay dib u jeesatay oo ay aragtay Ciise oo taagan, mana ay garanaynin inuu Ciise yahay.

  • 31Markaasaa indhahoodu furmeen, oo isagay garteen, wuuna ka libdhay.

  • 67%

    19Wuxuu waxaas u yidhi inuu tuso dhimashaduu Ilaah ku ammaani doono. Markuu waxaas yidhi dabadeed, wuxuu ku yidhi, I soo raac.

    20¶ Butros markuu jeestay wuxuu arkay kii xerta ahaa oo Ciise jeclaa oo daba socda; isagu wuxuu ahaa kii laabta Ciise ku tiirsanaa wakhtigii cashada oo ku yidhi, Sayidow, waa kuma kan ku gacangelin doonaa?

  • 9¶ Waaberigii maalintii ugu horraysay ee toddobaadka ayaa Ciise sara kacay, oo markii hore wuxuu u muuqday Maryan tii reer Magdala, tii uu toddoba jinni ka saaray.