Yooxanaa 21:15

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Haddaba markay quraacdeen dabadeed Ciise wuxuu Simoon Butros ku yidhi, Simoon ina Yoonisow, kuwan ma iga jeceshahay? Wuxuu ku yidhi, Haah, Sayidow, waad og tahay inaan ku jeclahay. Markaasuu ku yidhi, Baraarkayga daaji.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 40:11 : 11 Isagu adhigiisuu u daajin doonaa sida adhijir oo kale, naylahana gacantiisuu ku ururin doonaa, oo wuxuu ku qaadi doonaa laabtiisa, oo kuwa la nuugana qunyar buu u hor kici doonaa.
  • 2 Kor 5:14-15 : 14 Waayo, jacaylka Masiix ayaa na qasba, annagoo tan xisaabna inuu mid dhammaan u dhintay, sidaa daraaddeed ayay dhammaan dhinteen. 15 Isagu wuxuu u dhintay dhammaan in kuwa nooli aanay u sii noolaan nafsaddooda laakiin ay u sii noolaadaan kan aawadood u dhintay oo u sara kacay.
  • Gal 5:6 : 6 Maxaa yeelay, xagga Ciise Masiix gudniinta iyo buuryoqabnimada midna wax ma tarto, laakiinse waxaa wax tara rumaysadka ku shaqeeya jacayl.
  • Ef 6:24 : 24 Kulligood kuwa Rabbigeenna Ciise Masiix jacaylka aan dhammaanayn ku jecel, nimco ha u ahaato.
  • 1 Tim 4:15-16 : 15 Waxyaalahan ku dadaal, oo nafsaddaada oo dhan u go' in horumarkaagu dadka oo dhan u muuqdo. 16 Nafsaddaada iyo cilmigaagaba u digtoonow. Oo waxyaalahan ku sii soco, waayo, haddaad yeeshid, nafsaddaada iyo kuwa ku dhegaystaba waad badbaadin doontaa.
  • 1 Yoox 4:19 : 19 ¶ Waynu jecel nahay isaga, waayo, isagaa hore inoo jeclaaday.
  • Cib 4:13 : 13 Oo uun aan hortiisa ka muuqani ma jiro, laakiin wax waliba way qaawan yihiin oo bannaan yihiin indhihiisa hortooda, kan aynu ku tirsan nahay.
  • Cib 12:12-13 : 12 ¶ Sidaas daraaddeed xoogeeya gacmaha taagta daran iyo jilbaha tabarta yar. 13 Cagihiinnana waddooyin toosan u sameeya si aan curyaanku u murkacan laakiin u bogsado.
  • Cib 13:20 : 20 ¶ Haddaba Ilaaha nabadda oo ka soo celiyey kuwii dhintay Rabbigeenna Ciise oo ah Adhijirka weyn ee idaha, oo ku soo celiyey dhiigga axdiga weligiis ah,
  • 1 But 1:8 : 8 Isaga ma aydin arkin, waadse jeceshihiin, hadda in kastoo aydnaan arkin, waadse rumaysan tihiin, oo waxaad ku faraxdaan farxad aan la sheegi karin oo ammaan leh.
  • 1 But 2:2 : 2 oo sida carruur dhallaan ah u jeclaada caanaha ruuxa ee saafiga ah, si aad ugu kortaan xagga badbaadada,
  • 1 But 2:25 : 25 Waayo, waxaad u ambanayseen sida ido oo kale, laakiinse haatan waxaad u soo noqoteen Adhijirka iyo Hoggaamiyaha naftiinna.
  • 1 But 5:1-4 : 1 ¶ Anigoo anba oday la ah oo marag ka ah waxyaalihii Masiixu ku xanuunsaday oo weliba ka qayb qaadanaya ammaanta la muujin doono, waxaan ku waaninayaa odayaasha idinku dhex jira: 2 Ilaaliya idaha Ilaah oo idin dhex jooga, idinkoo aan qasab ahaan u dhawrayn, laakiinse raalli ka ah sida Ilaah doonayo. 3 Oo weliba ha u dhawrina faa'iido ceeb ah daraaddeed, laakiinse ku dhawra maan diyaar ah, hana u xukumina sida idinkoo sayidyo u ah kuwaad u talisaan, laakiinse idaha masaallo u noqda. 4 Oo marka Adhijirka sare la muujiyo, idinku waxaad heli doontaan taajka ammaanta oo aan baabba'ayn.
  • Yoox 8:42 : 42 Ciise wuxuu ku yidhi, Haddii Ilaah aabbihiin yahay, waad i jeclaan lahaydeen, maxaa yeelay, Ilaah baan ka soo baxay oo ka imid, aniguna iskama iman, ee isagaa i soo diray.
  • Room 14:1 : 1 ¶ Kii rumaysadka ku itaal yar soo dhoweeya, mana aha inaad ra'ayiyadiisa la murantaan.
  • Room 15:1 : 1 ¶ Kuweenna xoogga leh waxaa inagu waajib ah inaynu qaadno itaaldarrada kuwa xoogga yar, oo aynaan nafteenna ka farxin.
  • Yoox 14:15-24 : 15 ¶ Haddii aad i jeceshihiin, qaynuunnadayda waad xajin doontaan. 16 Aniguna Aabbahaan baryi doonaa, isna wuxuu idin siin doonaa Gargaare kale inuu idinla jiro weligiin, 17 waxaa weeye, Ruuxa runta ah oo aanay dunidu qaadan karin, waayo, ma aragto, garanna mayso, idinkuse waad garanaysaan, waayo, wuu idinla jiraa, wuuna idinku jiri doonaa. 18 Idiinkama tegi doono agoonnimo, ee waan idiin imanayaa. 19 In yar dabadeed dunidu i arki mayso mar dambe, idinkuse waad i arkaysaan. Waan noolahay, taas aawadeed idinkuna waad noolaan doontaan. 20 Maalintaas waxaad garan doontaan inaan Aabbahay ku jiro, idinna aad igu jirtaan, anna aan idinku jiro. 21 Kii qaynuunnadayda haysta oo xajiya, waa kaas kan i jecel, kan i jecelna Aabbahay waa jeclaan doonaa, anna waan jeclaan doonaa, waana isu muujin doonaa isaga. 22 Yuudas (Yuudas Iskariyod ma aha) ayaa ku yidhi isaga, Sayidow, maxaa dhacay oo annaga aad isugu kaaya muujin doontaa, dunidana aadan isugu muujin doonin? 23 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Haddii nin i jecel yahay, ereygayguu xajin doonaa, Aabbahayna waa jeclaan doonaa, oo waannu u iman doonnaa, waanna la joogi doonnaa. 24 Kii aan i jeclayn, ereygayga ma xajiyo: ereygaad maqlaysaanna kayga ma aha, laakiin waxaa leh Aabbaha i soo diray.
  • Yoox 16:27 : 27 Waayo, Aabbaha qudhiisu wuu idin jecel yahay, maxaa yeelay, waad i jeclaateen, oo waadna rumaysateen inaan xagga Ilaah ka imid.
  • Yoox 21:7 : 7 Kii xerta ahaa oo Ciise jeclaa ayaa ku yidhi Butros, Waa Sayidkii. Haddaba markuu Simoon Butros maqlay inuu Sayidka yahay, ayuu dharkiisa guntaday (waayo, wuu qaawanaa), oo wuxuu isku tuuray badda.
  • Yoox 21:12 : 12 Markaasaa Ciise wuxuu iyaga ku yidhi, Kaalaya oo quraacda. Oo xertii midkoodna kuma uu dhicin inuu yidhaahdo, Kumaad tahay? waayo, waxay garanayeen inuu Sayidka yahay.
  • Yoox 21:16-17 : 16 Haddana wuxuu mar labaad ku yidhi isaga, Simoon ina Yoonisow, ma i jeceshahay? Wuxuu ku yidhi, Haah, Sayidow, waad og tahay inaan ku jeclahay. Markaasuu ku yidhi, Idahayga ilaali. 17 Markii saddexaad ayuu ku yidhi, Simoon ina Yoonisow, Ma i jeceshahay? Butros ayaa ka calool xumaaday, waayo, wuxuu markii saddexaad ku yidhi, Ma i jeceshahay? Markaasuu ku yidhi, Sayidow, wax walba waad og tahay, waadna garanaysaa inaan ku jeclahay. Ciise ayaa ku yidhi, Idahayga daaji.
  • Fal 20:28 : 28 Qudhiinnu isjira, idahana jira, kuwaasoo Ruuxa Quduuska ahu idiinka dhigay beldaajiyayaal inaad daajisaan kiniisadda Ilaah oo uu dhiiggiisa ku iibsaday.
  • Bil 33:13 : 13 Markaasuu ku yidhi isagii, Sayidkaygiiyow, waad og tahay in carruurtu ay tabar daranyihiin, adhiga iyo lo'dana waa la nuugaa; oo haddii maalin keliya aad loo sii kaxeeyo, de adhigu waa wada dhimanayaa.
  • 2 Sam 7:20 : 20 Sayidow, Rabbow! Bal maxaan kaloo kugu odhan karaa? Waayo, waad i garanaysaa anoo addoonkaaga ah, Rabbow Ilaahow.
  • 2 Boq 20:3 : 3 Rabbiyow, waan ku baryayaaye, bal haatan xusuuso sidaan hortaada ugu socday runta iyo qalbi qumman, iyo sidaan u sameeyey waxa hortaada ku wanaagsan. Xisqiyaahna aad buu u ooyay.
  • Sab 78:70-72 : 70 Wuxuuna doortay addoonkiisii Daa'uud, Oo wuxuu isaga ka soo waday xeryaha idaha, 71 Wuxuu ka soo waday laxihii ilmo nuujinayay oo uu raacayay, Inuu daajiyo reer Yacquub oo dadkiisa ah, iyo reer binu Israa'iil oo dhaxalkiisa ah. 72 Haddaba wuxuu u daajinayay si waafaqsan daacadnimada qalbigiisa, Oo wuxuu ku hoggaaminayay farsamada gacmihiisa.
  • Yer 3:15 : 15 Oo sida qalbigaygu jecel yahay waxaan idiin siin doonaa daajiyayaal, oo iyana waxay idinku daajin doonaan aqoon iyo waxgarasho.
  • Yer 23:4 : 4 Oo waxaan iyaga u yeeli doonaa adhijirro daajiya, oo mar dambe ma ay baqi doonaan, mana ay nixi doonaan, oo innaba midna kama dhimmanaan doono.
  • Yex 34:2-9 : 2 Wiilka Aadamow, adhijirrada reer binu Israa'iil wax ka sii sheeg. Wax ka sii sheeg, oo waxaad adhijirrada ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogay adhijirrada reer binu Israa'iil oo iyagu isquudiya! Miyaanay adhijirrada ku habboonayn inay adhiga daajiyaan? 3 Idinku baruurtaad iska cuntaan, oo dhogortana waad xidhataan, oo jarkaad qalataan, laakiinse adhiga ma aad daajisaan. 4 Idinku kii cudur qabay ma aydaan xoogayn, oo kii bukayna ma aydaan bogsiin, oo kii jabnaana ma aydaan kabin, oo kii baxsadayna sooma aydaan celin, oo kii baadiyoobayna ma aydaan doondoonin, laakiinse xoog iyo cadaadin ayaad iyaga ugu taliseen. 5 Oo wax kala firdheen, maxaa yeelay, adhijir ma ay lahayn, oo waxay cunto u noqdeen dugaaggii duurka oo dhan markay kala firidhsanaayeen. 6 Idahaygii waxay ku dul wareegeen buuraha oo dhan iyo kur kasta oo dheerba; oo adhigaygii wuxuu ku kala firidhsanaa dhulka oo dhan, mana jirin cid raadisa oo doondoonta. 7 Sidaas daraaddeed, Adhijirradow, bal erayga Rabbiga maqla, 8 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, idahaygii waxay noqdeen wax la dhaco, oo idahaygii waxay cunto u noqdeen dugaagga duurka oo dhan, maxaa yeelay, adhijir ma ay lahayn, oo adhijirradayduna ma ay doondoonin, laakiinse adhijirradii way isquudiyeen, adhigaygana ma ay daajin. 9 Sidaas daraaddeed, Adhijirradow, bal erayga Rabbiga maqla. 10 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, anigu adhijirradaan col ku ahaye, oo adhigaygiina gacantoodaan weyddiin doonaa, oo waxaan iyaga ka joojin doonaa inay idaha daajiyaan, oo adhijirraduna mar dambe isma quudin doonaan. Adhigaygaan afkooda ka samatabbixin doonaa, si uusan cunto ugu noqonin.
  • Yex 34:23 : 23 Oo waxaan iyaga u yeeli doonaa adhijir keliya oo iyaga jira, oo isaguna wuu daajin doonaa, oo kaasu waa addoonkayga Daa'uud. Isagaa daajin doona, oo adhijir buu u ahaan doonaa.
  • Mat 10:37 : 37 Kan aabbihiis iyo hooyadiis iga jecel, ima istaahilo, oo kan wiilkiisa iyo gabadhdiisa iga jecel, ima istaahilo.
  • Mat 16:17 : 17 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Waad barakaysan tahay Simoon ina Yoonis, waayo, bini-aadmi tan kuuma muujin, laakiin Aabbahayga jannada ku jira ayaa kuu muujiyey.
  • Mat 18:10 : 10 ¶ Iska jira inaydnaan yaryarkan midkood quudhsan, waayo, waxaan idinku leeyahay, Mar walba malaa'igahooda jannada ku jira ayaa wejiga Aabbahayga jannada ku jira eegaya.
  • Mat 25:34-45 : 34 Markaasaa Boqorku kuwa midigtiisa jooga ku odhan doonaa, Kaalaya, kuwa Aabbahay barakeeyeyow, oo dhaxla boqortooyada tan iyo aasaaskii dunida laydiin diyaargareeyey. 35 Waayo, waan gaajooday oo cuntaad i siiseen, waan harraadsanaa oo waad i waraabiseen, qariib baan ahaa oo waad i soo dhoweeyseen, 36 waan qaawanaa oo dhar baad i huwiseen, waan bukay oo waad i soo booqateen, xabsi baan ku jiray oo waad ii timaadeen. 37 Markaasaa kuwa xaqa ahu u jawaabi doonaan iyagoo leh, Sayidow, goormaannu ku aragnay adigoo gaajaysan oo aannu cunto ku siinnay, ama adigoo harraadsan oo aannu ku waraabinnay? 38 Goormaannu ku aragnay adigoo qariib ah oo aannu ku soo dhowaynay ama adigoo qaawan oo aannu wax ku huwinnay? 39 Goormaannu ku aragnay adigoo buka ama adigoo xabsi ku jira oo aannu kuu nimid? 40 Markaasaa Boqorkii u jawaabi doonaa oo ku odhan doonaa, Runtii waxaan idinku leeyahay, In alla intaad u samayseen mid ka mid ah walaalahaygan u yaryar, waad ii samayseen. 41 ¶ Markaasuu kuwa bidixdiisa jooga ku odhan doonaa, Kuwa yahow inkaaranu, iga taga oo gala dabka weligiis ah kan Ibliiska iyo malaa'igihiisa loo diyaargareeyey. 42 Waayo, waan gaajooday, cuntona ima aydnaan siin, waan harraadsanaa, imana aydnaan waraabin. 43 Qariib baan ahaa, imana aydnaan soo dhowayn, waan qaawanaa, dharna ima aydnaan huwin, waanan bukay oo xabsi ku jiray oo ima aydnaan soo booqan. 44 Iyaguna markaasay u jawaabi doonaan oo ku odhan doonaan, Sayidow, goormaannu ku aragnay adigoo gaajaysan ama harraadsan ama qariib ah ama qaawan ama buka ama xabsi ku jira oo aannu ku kalmayn waynay? 45 Markaasuu u jawaabi doonaa oo ku odhan doonaa, Runtii waxaan idinku leeyahay, In alla intaad u samayn weydeen mid ka mid ah kuwan u yaryar, anigana waad ii samayn weydeen.
  • Mat 26:33 : 33 Laakiin Butros ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Hadday kulli kaa xumaadaan, anigu weligay kaa xumaan maayo.
  • Mat 26:35 : 35 Butros wuxuu ku yidhi, In kastoo aan leeyahay inaan kula dhinto, kolleyba ku dafiri maayo. Xertii oo dhammuna sidaasay wada yidhaahdeen.
  • Mark 14:29 : 29 Laakiin Butros ayaa ku yidhi, In kastoo kulligood kaa xumaadaan, aniguse kaa xumaan maayo.
  • Luuk 12:32 : 32 Ha baqina, idoyahow yari, waayo, Aabbihiin waxaa ka farxiya inuu boqortooyada idin siiyo.
  • Luuk 22:32 : 32 laakiin waan kuu baryootamay si aanu rumaysadkaagu u baabbi'in, adiguna goortaad hadaysantid walaalaha adkee.
  • Yoox 1:42 : 42 Markaasuu wuxuu u geeyey Ciise. Ciisena intuu eegay ayuu wuxuu ku yidhi, Adigu waxaad tahay Simoon ina Yoonis. Waxaa lagu odhan doonaa Keeyfas (oo fasirkiisu yahay Butros).
  • 1 Kor 3:1-3 : 1 ¶ Anna, walaalayaalow, idiinlama aan hadli karin sida idinkoo ruuxa raaca, laakiin idinkoo jidhka raaca sida kuwo ilmo yaryar ah oo ku jira Masiix. 2 Waxaan idin siiyey caano ee idinma aan siin cunto, waayo, weli ma aydaan cuni karin, haatanna weli ma aad kartaan. 3 Maxaa yeelay, weli jidhkaad raacdaan, waayo, intii xaasidnimo iyo ilaaq dhexdiinna ku jiraan, miyaanaydin jidhka raacsanayn oo sida dadka miyaanaydin u soconayn?
  • 1 Kor 8:11 : 11 Waayo, waxaa aqoontaada aawadeed lumaya ka itaalka daran oo ah walaalkaagii uu Masiixu aawadiis u dhintay.
  • 1 Kor 16:21-22 : 21 ¶ Anigoo Bawlos ah ayaan salaantan gacantayda ku qorayaa. 22 Qof uun hadduusan Rabbiga jeclayn, ha inkaarnaado. Rabbigeennu waa imanayaa.
  • Yoox 13:37 : 37 Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, maxaan hadda kuu raaci kari waayay? Naftaydaan aawadaa u bixin doonaaye.
  • Ef 4:14 : 14 Waa inaynaan mar dambe ahaan carruur rogrogmanaysa oo lagu kaxaysto dabayl kasta oo cilmi ah xagga dulanka dadka iyo khiyaanada iyo sirta qaladka.
  • 1 Yoox 5:1 : 1 ¶ Ku alla kii rumaysta inuu Ciise yahay Masiixa, Ilaah buu ka dhashay; oo ku alla kii jecel kan dhalay, kan isaga ka dhashayna wuu jecel yahay.
  • Muj 2:23 : 23 Oo waxaan carruurteeda ku dili doonaa dhimasho, kiniisadaha oo dhammuna waxay ogaan doonaan inaan ahay kan baadhbaadha kelyaha iyo qalbiyada, oo anna midkiin walbaba waxaan wax u siin doonaa sida shuqulladiinnu yihiin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 92%

    16Haddana wuxuu mar labaad ku yidhi isaga, Simoon ina Yoonisow, ma i jeceshahay? Wuxuu ku yidhi, Haah, Sayidow, waad og tahay inaan ku jeclahay. Markaasuu ku yidhi, Idahayga ilaali.

    17Markii saddexaad ayuu ku yidhi, Simoon ina Yoonisow, Ma i jeceshahay? Butros ayaa ka calool xumaaday, waayo, wuxuu markii saddexaad ku yidhi, Ma i jeceshahay? Markaasuu ku yidhi, Sayidow, wax walba waad og tahay, waadna garanaysaa inaan ku jeclahay. Ciise ayaa ku yidhi, Idahayga daaji.

    18Runtii, runtii, waxaan kugu leeyahay, Markaad yarayd adigu waad guntan jirtay, oo waxaad mari jirtay meeshaad doonaysay, laakiin markaad gabowdid, gacmahaad kala bixin doontaa, oo mid kalaa kuu guntin doona, oo wuxuu kuu qaadi doonaa meel aadan doonayn.

    19Wuxuu waxaas u yidhi inuu tuso dhimashaduu Ilaah ku ammaani doono. Markuu waxaas yidhi dabadeed, wuxuu ku yidhi, I soo raac.

    20¶ Butros markuu jeestay wuxuu arkay kii xerta ahaa oo Ciise jeclaa oo daba socda; isagu wuxuu ahaa kii laabta Ciise ku tiirsanaa wakhtigii cashada oo ku yidhi, Sayidow, waa kuma kan ku gacangelin doonaa?

    21Haddaba Butros markuu arkay, wuxuu Ciise ku yidhi, Sayidow, kanna ka warran?

    22Ciise wuxuu ku yidhi, Haddaan doonayo inuu joogo ilaa aan imanayo, maxaa kaa galay? Adigu i soo raac.

  • Yoox 21:3-7
    5 aayado
    78%

    3Simoon Butros wuxuu iyaga ku yidhi, Waa soo kalluumaysanayaa. Markaasay ku yidhaahdeen, Annana waa ku raacaynaa. Markaasay tageen oo doonnida fuuleen; laakiin habeenkaas waxba ma ay qaban.

    4Laakiin markii waagu beryay Ciise wuxuu taagnaa xeebta, xertiisiise ma ay garanaynin inuu Ciise yahay.

    5Markaasaa Ciise haddaba ku yidhi, Carruur yahay, wax la cuno ma haysaan? Waxay ugu jawaabeen, Maya.

    6Markaasuu ku yidhi, Shabagga ku tuura dhinaca midigta ee doonnida, waadna heli doontaane. Haddaba way tuureen, oo ma ayna karin inay soo jiidaan, kalluunka faro badnaantiisa aawadeed.

    7Kii xerta ahaa oo Ciise jeclaa ayaa ku yidhi Butros, Waa Sayidkii. Haddaba markuu Simoon Butros maqlay inuu Sayidka yahay, ayuu dharkiisa guntaday (waayo, wuu qaawanaa), oo wuxuu isku tuuray badda.

  • Yoox 21:9-14
    6 aayado
    76%

    9Haddaba markay dhulkii u soo degeen waxay arkeen dab dhuxul ah iyo kalluun saaran iyo kibis.

    10Markaasaa Ciise ku yidhi iyagii, Keena qaar kalluunkaad hadda soo qabateen.

    11Haddaba Simoon Butros ayaa sixiimaddii fuulay, oo wuxuu xagga dhulka u jiiday shabaggii oo ka buuxa boqol iyo saddex iyo konton kalluun oo waaweyn, oo in kastoo ay faro badnaayeen shabaggii ma dillaacin.

    12Markaasaa Ciise wuxuu iyaga ku yidhi, Kaalaya oo quraacda. Oo xertii midkoodna kuma uu dhicin inuu yidhaahdo, Kumaad tahay? waayo, waxay garanayeen inuu Sayidka yahay.

    13Kolkaasaa Ciise yimid oo qaaday kibistii oo siiyey iyaga, kalluunkiina sidoo kale.

    14Taasu waa markii saddexaad oo Ciise xertii isu muujiyey markii uu kuwa dhintay ka soo sara kacay dabadeed.

  • 73%

    31¶ Simoonow, Simoonow, ogow, Shayddaanka ayaa ku doonay inuu kuu haadiyo sida sarreen,

    32laakiin waan kuu baryootamay si aanu rumaysadkaagu u baabbi'in, adiguna goortaad hadaysantid walaalaha adkee.

  • 6Wuxuu haddaba u yimid Simoon Butros. Kaasaa ku yidhi, Sayidow, ma adaa cagaha ii maydhaya?

  • 72%

    35Sidaasay dadka oo dhammi idinku garan doonaan inaad xertaydii tihiin, haddaad jacayl isu qabtaan.

    36¶ Simoon Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, xaggee baad tegaysaa? Ciise wuxuu ugu jawaabay, Meeshaan tegayo hadda ii raaci kari maysid, laakiin mar dambe waad i soo raaci doontaa.

    37Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, maxaan hadda kuu raaci kari waayay? Naftaydaan aawadaa u bixin doonaaye.

    38Ciise ayaa ugu jawaabay, Miyaad naftaada u bixin doontaa aawaday? Runtii, runtii, waxaan kugu leeyahay, Diiqu ciyi maayo ilaa aad saddex kol i dafirtid.

  • 61Markaasaa Rabbigu soo jeestay oo Butros eegay; Butrosna wuxuu xusuustay ereygii Rabbiga siduu ku yidhi, Maanta intaanu diiqu ciyin, saddex kol ayaad i dafiri doontaa.

  • 72%

    23Waxaa joogay oo laabta Ciise ku tiirsanaa xertiisa midkood oo uu Ciise jeclaa.

    24Sidaa daraaddeed ayaa Simoon Butros calaamo u sameeyey oo ku yidhi, Noo sheeg yuu yahay kan uu ka hadlayo.

    25Isagoo sidii ugu tiirsan laabta Ciise, ayuu ku yidhi, Sayidow, waa kuma?

  • 34Isaguse wuxuu ku yidhi, Waxaan kuu sheegayaa, Butrosow, maanta diiqu ciyi maayo ilaa aad saddex kol dafirtid inaad i taqaan.

  • 1¶ Iidda Kormaridda horteed Ciise wuxuu garanayay inay timid saacaddiisii uu dunidan ka tegi lahaa ilaa Aabbaha, oo siduu u jeclaa kuwiisii dunida joogay, ayuu u jeclaa tan iyo dhammaadka.

  • 68Markaasaa Simoon Butros wuxuu ugu jawaabay, Sayidow, yaannu u tagnaa? Adigaa haya erayadii nolosha weligeed ahe.

  • Mat 16:15-17
    3 aayado
    70%

    15Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinkuse yaad igu sheegtaan?

    16Simoon Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Waxaad tahay Masiixa ah Wiilka Ilaaha nool.

    17Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Waad barakaysan tahay Simoon ina Yoonis, waayo, bini-aadmi tan kuuma muujin, laakiin Aabbahayga jannada ku jira ayaa kuu muujiyey.

  • 9Siduu Aabbuhu ii jeclaaday, ayaan anna idiin jeclaaday. Jacaylkayga ku sii jira.

  • Luuk 5:4-5
    2 aayado
    69%

    4Goortuu hadalkii dhammeeyey ayuu Simoon ku yidhi, Meesha biyaha u dheer gee, oo shabagyadiinna ku dejiya si aad kalluun u heshaan.

    5Simoon baa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, xalay oo dhan ayaannu hawshoonnay, waxbana ma aannu qaban, laakiin hadalkaaga dartii shabagyada waan dejinayaa.

  • 12¶ Haddaba markuu cagihii u maydhay iyagii, oo dharkiisa qaatay, oo haddana fadhiistay, markaasuu ku yidhi, Ma garanaysaan waxaan idinku sameeyey?

  • 12Kanu waa qaynuunkayga inaad isjeclaataan sidaan idiin jeclaaday.

  • 9Markaasaa Simoon Butros ku yidhi, Sayidow, cagaha keliya ha ii maydhin, laakiin gacmaha iyo madaxana ii maydh.

  • 25¶ Simoon Butros ayaa taagnaa oo dabka kulaalayay. Haddaba waxay ku yidhaahdeen, Adiguna ma waxaad tahay xertiisii midkood? Markaasuu inkiray oo yidhi, Ma ihi.

  • 15Markaasaa Butros u jawaabay oo ku yidhi, Masaalkaa noo caddee.

  • 13Wuxuuse ku yidhi, Idinku siiya waxay cunaan. Waxay ku yidhaahdeen, Annagu wax ka badan shan kibsood iyo laba kalluun ma hayno, inaannu tagno oo dadkan oo dhan cunto u soo iibinno maahee.

  • 34Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii waxaan kugu leeyahay, Caawa qudheeda intaan diiqu ciyin, saddex kol ayaad i dafiri doontaa.

  • 32Laakiin wuxuu iyagii ku yidhi, Anigu waxaan haystaa cunto aan cuno oo aydnaan ogayn.

  • 1¶ Waxyaalahaas dabadeed Ciise ayaa mar kale xertii isugu muujiyey Bad Tiberiyas agteeda. Oo sidatan ayuu isu tusay.

  • 15¶ Haddii aad i jeceshihiin, qaynuunnadayda waad xajin doontaan.

  • 34Ciise ayaa ku yidhi Immisa kibsood baad haysaan? Waxay yidhaahdeen, Toddoba iyo waxoogaa kalluun yaryar ah.

  • 30Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii waxaan kugu leeyahay, Maalintan, xataa caawa, intaan diiqu laba goor ciyin, saddex kol ayaad i dafiri doontaa.