Yooxanaa 4:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiin saacaddii baa imanaysa, waana joogtaa imminkada, markii caabudayaasha runta ihi ay Aabbaha ku caabudi doonaan ruuxa iyo runta, waayo, Aabbuhu wuxuu doonayaa caabudayaashaas oo kale.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fil 3:3 : 3 waayo, innagu waxaynu nahay kuwa gudan oo Ruuxa Ilaah ku caabuda, oo Ciise Masiix ku faana, oo aan jidhkana ku kalsoonayn,
  • Gal 4:6 : 6 Oo wiilashiisa aad tihiin daraaddeed ayaa Ilaah u soo diray Ruuxa Wiilkiisa qalbiyadeenna dhexdooda, isagoo dhawaaqaya oo leh, Aabbow.
  • Yoox 5:25 : 25 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Saacaddu waa imanaysaa, waana joogtaa, markii kuwii dhintay codkii Wiilka Ilaah ay maqli doonaan, oo kuwa maqlaana way noolaan doonaan.
  • Yoox 12:23 : 23 Kolkaasaa Ciise u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi, Saacaddii way timid uu Wiilka Aadanahu ammaanmi lahaa.
  • Mat 15:7-9 : 7 Labawejiilayaalow, Isayos aad buu wax idiinka sii sheegay markuu yidhi, 8 Dadkanu bushimahooda ayay igu maamuusaan, Laakiin qalbigoodu waa iga fog yahay. 9 Si aan micne lahayn ayay ii caabudaan, Iyagoo dadka wax ku baraya amarrada dadka.
  • Yoox 1:17 : 17 Waayo, sharciga waxaa loo soo dhiibay Muuse, laakiinse nimcada iyo runtu waxay ku yimaadeen Ciise Masiix.
  • Ef 6:18 : 18 Mar kasta Ilaah wax kaga barya Ruuxa baryo iyo duco kastaba, oo taas ku dhawra adkaysasho oo dhan iyo u-ducaynta quduusiinta oo dhan.
  • Room 8:26 : 26 ¶ Sidaasoo kalena Ruuxu wuxuu inaga caawimaa itaaldarradeenna, waayo, garan mayno wax inoo eg oo aynu ku tukanno, laakiin Ruuxa qudhiisu waa inoo duceeyaa isagoo ku taahaya taah aan sanqadhayn.
  • 1 But 2:9 : 9 ¶ Laakiinse idinku waxaad tihiin jinsi la doortay, iyo wadaaddada boqorka, iyo quruun quduus ah, iyo dad Ilaah iska leeyahay, inaad ogeysiisaan wanaagga kan gudcurka idiinka yeedhay oo idiinku yeedhay xagga nuurkiisa yaabka leh.
  • Yuud 1:20-21 : 20 Laakiinse, gacaliyayaalow, nafsaddiinna ku dul dhisa rumaysadkiinna aad quduuska u ah, oo Ruuxa Quduuska ah ku tukada, 21 nafsaddiinna ku haya jacaylka Ilaah, idinkoo sugaya naxariista Rabbigeenna Ciise Masiix oo idin geeynaysa nolosha weligeed ah.
  • Yoox 4:21 : 21 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Naag yahay, i rumee, saacaddu waa imanaysaa markii aydnaan Aabbaha ku caabudi doonin ama buurtan ama Yeruusaalem midnaba.
  • Luuk 18:11-13 : 11 Farrisigii intuu istaagay ayuu waxyaalahan isugu tukaday, Ilaahow, waxaan kuugu mahadnaqayaa inaanan ahayn sida nimanka kale oo wax dulma, iyo kuwa xaqa daran, iyo dhillayaasha, ama xataa sida cashuurqaadahan. 12 Toddobaadkiiba laba kol ayaan soomaa, waxaan haysta oo dhanna toban meelood ayaan meel ka bixiyaa. 13 Laakiin cashuurqaadihii meel fog ayuu ka istaagay, ma uuna doonaynin inuu indhihiisa cirka u qaado, laakiin laabtiisa ayuu garaacay isagoo leh, Ilaahow, ii naxariiso anigoo dembi leh.
  • Yoox 16:32 : 32 Ogaada, saacaddii baa imanaysa, waana timid, kolkaad u kala firdhi doontaan mid kasta xaggiisa, anna keligay baad iga tegi doontaan, oo weliba keligay ma ihi, waayo, waxaa ila jooga Aabbaha.
  • Room 1:9 : 9 Waayo, Ilaah, kan aan ruuxayga ugu adeego xagga injiilka Wiilkiisa, ayaa markhaati iiga ah sidaan maalin walbaba joogsila'aan baryadayda idiinku xusuusto,
  • Room 8:15 : 15 Waayo, ma aydnaan helin ruuxa addoonnimada inaad mar kale cabsataan, laakiinse waxaad hesheen Ruuxa carruur idinka dhigay, kan aynu ku qaylinno Aabbow.
  • Yash 24:14 : 14 Haddaba Rabbiga ka cabsada, oo daacad iyo run ugu adeega; oo iska fogeeya ilaahyadii awowayaashiin ugu adeegi jireen Webiga shishadiisa, iyo dalka Masar dhexdiisa, oo idinku waxaad u adeegtaan Rabbiga.
  • 1 Sam 12:24 : 24 Laakiinse idinku Rabbiga ka cabsada, oo si run ah qalbigiinna oo dhan ugu adeega; waayo, bal ka fiirsada waxyaalaha waaweyn oo uu idiin sameeyey.
  • 1 Taar 29:17 : 17 Weliba waan ogahay, Ilaahayow, inaad qalbiga imtixaantid, oo aad qummanaanta ku faraxdid. Oo aniguna iyadoo qalbigaygu qumman yahay ayaan waxyaalahan oo dhan bixiyey anigoo raalli ah, oo haddana farxad baan ku arkay dadkaaga halkan jooga oo wax bixinaya iyagoo raalli ah.
  • Sab 17:1 : 1 Rabbiyow, xaqa maqal, oo qayladayda u jeeso, Oo baryadayda dhegta u dhig, taasoo aan ka bixin bushimo khiyaano leh.
  • Sab 32:2 : 2 Waxaa barakaysan ninkii aanu Rabbigu dembi ku tirin, Oo ruuxiisa aanay khiyaano ku jirin.
  • Sab 51:6 : 6 Bal eeg, waxaad uurka ka jeceshahay run, Oo meesha qarsoon waxaad iga ogeysiinaysaa xigmad.
  • Sab 147:11 : 11 Rabbigu wuxuu ku reyreeyaa kuwa isaga ka cabsada, Iyo kuwa naxariistiisa rajada ka qaba.
  • Maah 15:8 : 8 Allabariga kuwa sharka lahu Rabbiga waa u karaahiyo, Laakiinse kuwa qumman baryadoodu isagay ka farxisaa.
  • Hees 2:14 : 14 Qoolleydayda qararka dillaacyadooda iyo meelahooda qarsoon ee dalcad ah ku jirta, Bal jaahaaga i tus, oo codkaaga i maqashii, Waayo, codkaagu wuu macaan yahay, oo jaahaaguna wuu surad wacan yahay.
  • Ish 1:10-15 : 10 ¶ Taliyayaasha Sodomow, Rabbiga eraygiisa maqla, dadka Gomorow, sharciga Ilaahayaga dhegta u dhiga. 11 Rabbigu wuxuu leeyahay, Allabaryadiinna tirada badanu bal maxay ii yihiin? Waan ka dhergay qurbaanno guban oo wanan ah iyo xoolo buurbuuran baruurtood, kuma farxo dhiigga dibida, iyo ka baraarka iyo ka orgida toona. 12 Markaad u timaadaan inaad i hor istaagtaan, bal yaa weyddiista inaad barxadahayga ku joogjoogsataan? 13 Mar dambe ha ii keenina qurbaanno aan waxtar lahayn, fooxu waa ii karaahiyo, bilaha cusub, iyo maalmaha sabtida, iyo isuyeedhidda shirarkaba uma aan adkaysan karo, oo xataa shirka weyn waa dembi. 14 Bilihiinna cusub iyo ciidihiinnaba naftaydu way neceb tahay, waa ii culays, inaan u adkaysto waan ka daalay. 15 Oo markaad gacmihiinna ii soo hoorsataanna indhahayga waan idinka qarinayaa, oo markaad tukasho ku noqnoqataanna idin maqli maayo, waayo, gacmihiinnu waa dhiig miidhan.
  • Ish 10:20 : 20 ¶ Oo waxay maalintaas noqon doontaa in kuwa dadka Israa'iil ka hadhay iyo intii dadka Yacquub ka baxsatayba ayan mar dambe ku tiirsan kii iyaga wax ku dhuftay, laakiinse waxay si run ah ugu tiirsan doonaan Rabbiga ah Kan Quduuska ah oo dadka Israa'iil.
  • Ish 26:8-9 : 8 Rabbiyow, annagu waxaannu kugu sugaynay jidka xukummadaada. Oo naftayaduna waxay xiiso u qabtaa magacaaga iyo xusuustaada. 9 Habeenka naftaydu adigay kuu xiisootay, oo ruuxa gudahayga ku jira ayaan aad kuugu doondooni doonaa, waayo, markii xukummadaadu ay dhulka joogaan ayaa dadka dunida degganu xaqnimo bartaan.
  • Ish 29:13 : 13 ¶ Haddaba Sayidku wuxuu yidhi, Dadkanu way ii soo dhowaadaan, oo afkooda iyo bushimahooda ayay igu maamuusaan, laakiin qalbigooda way iga fogeeyeen, oo cabsida ay iga qabaanna waa amarka dadka laga bartay,
  • Ish 43:21 : 21 oo ah dadkaan abuurtay si ay ammaantayda u muujiyaan.
  • Ish 48:1-2 : 1 ¶ Reer Yacquubka magaca Israa'iil loogu yeedho, oo biyihii Yahuudah ka soo baxay, oo magaca Rabbiga ku dhaarta, oo soo magacaaba Ilaaha Israa'iil, iyagoo aan run iyo xaqnimo toona ku xusuusanaynow, bal waxan maqla. 2 Waayo, iyagu waxay isugu yeedhaan kuwii magaalada quduuska ah, oo waxay isku halleeyaan Ilaaha Israa'iil, oo magiciisa la yidhaahdo Rabbiga ciidammada.
  • Ish 58:2 : 2 Laakiinse iyagu maalin kasta way i doondoonaan, oo waxay jecel yihiin inay jidadkayga ogaadaan. Sidii quruun xaqnimo samaysay oo aan innaba amarkii Ilaahooda ka tegin waxay i weyddiistaan amarro xaq ah, oo waxay aad u jecel yihiin inay Ilaah ku soo dhowaadaan.
  • Ish 58:8-9 : 8 Oo markaas iftiinkaagu wuxuu u soo kaahi doonaa sida kaaha waaberi, oo bogsiintaaduna dhaqso bay u soo bixi doontaa, oo xaqnimadaaduna way ku hor socon doontaa, oo ammaanta Rabbiguna way ku daba socon doontaa. 9 Markaasaad dhawaaqi doontaa, oo Rabbiguna waa kuu jawaabi doonaa, waad u qayshan doontaa, oo isna wuxuu ku odhan doonaa, Waa i kan. Haddaad dhexdaada ka fogaysid harqoodka, iyo farta fiiqiddeeda, iyo hadlidda sharka ah, 10 oo haddaad ka gaajaysan quudkaaga siisid, oo aad nafta dhibaataysan dherjisid, markaas iftiinkaagu gudcur buu ka soo dhex kaahi doonaa, oo madowgaaguna wuxuu noqon doonaa sida hadh cad oo kale. 11 Oo Rabbiguna had iyo goorba wuu ku hoggaamin doonaa, oo iyadoo abaar ah ayuu naftaada dherjin doonaa, lafahaagana wuu adkayn doonaa, oo adna waxaad noqon doontaa sida beer la waraabiyey, iyo sida il biya ah oo aan innaba biyeheedu gudhin. 12 Oo kuwaaga ayaa meelihii hore oo burburay dhisi doona, oo waxaad sara kicin doontaa aasaasyada qarniyada badan, oo waxaa laguugu yeedhi doonaa Jabniinkabe, iyo kan jidadka cusboonaysiiya si loo dego. 13 Haddaad sabtida cagtaada ula hadhid si aadan maalintayda quduuska ah damacaaga u samayn, aadse sabtida ugu yeedhid farxad, iyo tan quduuska ah ee Rabbiga, oo sharafta badan, iyo haddaad sabtida sharaftid, adigoo aan siyaalahaaga samaynayn, ama aan damacaaga daba galayn, ama aan hadalkaaga ku hadlayn, 14 markaasaad Rabbiga ku farxi doontaa, oo anna waxaan ku marsiin doonaa meelaha sarsare ee dhulka, oo dhaxalkii awowgaa Yacquub ayaan kugu quudin doonaa, waayo, afkii Rabbiga ayaa saas ku hadlay.
  • Ish 66:1-2 : 1 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Samadu waa carshigayga, dhulkuna waa meeshaan cagaha saarto. Guri caynmaad ii dhisi doontaan? Oo maxay tahay meeshaan ku nastaa? 2 Waayo, waxyaalahan oo dhan gacantaydaa samaysay, oo waxyaalahan oo dhammuna way wada ahaadeen, ayaa Rabbigu leeyahay, laakiinse ninkan waan fiirinayaa kaasoo ah miskiin, ruuxiisuna jaban yahay, eraygaygana ka gariira.
  • Yer 3:10 : 10 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Walaasheedii Yahuudah oo sirreyda ahayd in kastoo ay waxyaalahaas oo dhan aragtay haddana qalbigeeda oo dhan iiguma ay soo noqon, laakiinse waxay iigu soo noqotay si isyeelyeelid ah.
  • Yer 4:2 : 2 Oo haddaad si run iyo caddaalad iyo xaqnimo ah ugu dhaarataan, Rabbigu waa nool yahay, de markaas quruumuhu isagay ku ducaysan doonaan, oo isagay ku faani doonaan.
  • Yer 7:7-9 : 7 de markaas waxaan idinka yeeli doonaa inaad degganaataan meeshan, oo ah dalkii aan waa hore awowayaashiin u siiyey inay weligood lahaadaan. 8 Bal eega, idinku waxaad isku hallaysaan erayo been ah oo aan waxba idin tari karin. 9 Intaad wax xaddaan, oo dhiig daadisaan, oo sinaysataan, oo been ku dhaarataan, oo Bacal foox u shiddaan, oo ilaahyo kale oo aydaan aqoon daba gashaan, 10 miyaad i hor imanaysaan, oo gurigan laygu magacaabay gudihiisa soo istaagaysaan, oo odhanaysaan, Annaga waa nala samatabbixiyey, si aad haddana karaahiyadan oo dhan u sii samaysaan? 11 Gurigan laygu magacaabay ma wuxuu hortiinna ku noqday god tuugo? Bal eega, Rabbigu wuxuu leeyahay, Aniguba waan arkay. 12 Laakiinse haatan bal taga meeshaydii Shiiloh ku oolli jirtay, oo aan markii ugu horraysay magacayga dejiyey, oo bal soo arka wixii aan ugu sameeyey xumaantii dadkayga reer binu Israa'iil aawadeed.
  • Yex 22:30 : 30 Oo anigu waxaan dhexdooda ka doondoonay nin heeraarka kor u dhisa oo hortayda ku soo istaaga meesha dunsan dalka aawadiis, si aanan u baabbi'in, laakiinse midna ma aan helin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yoox 4:24-25
    2 aayado
    90%

    24Ilaah waa Ruux, kuwa caabudaa isagana waa inay ku caabudaan ruuxa iyo runta.

    25Naagtii waxay ku tidhi, Waa ogahay Masiixu inuu imanayo (kan Kiristoos la yidhaahdo); oo markuu yimaado, wax walba ayuu noo sheegi doonaa.

  • Yoox 4:20-22
    3 aayado
    79%

    20Awowayaashayo buurtan ayay ku caabudi jireen, idinkuse waxaad tidhaahdaan, Yeruusaalem waa meeshii la leeyahay in lagu caabudo.

    21Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Naag yahay, i rumee, saacaddu waa imanaysaa markii aydnaan Aabbaha ku caabudi doonin ama buurtan ama Yeruusaalem midnaba.

    22Idinku waxaad caabuddaan waxaydnaan oqoon, annaguse waxaannu caabudnaa waxaannu naqaan, waayo, badbaadintu waxay ka timaadaa Yuhuudda.

  • 17Iyaga quduus kaga dhig runta, ereygaagu waa rune.

  • 21Laakiinse kii runta falaa, nuurkuu yimaadaa si shuqulladiisu u muuqdaan in Ilaah laga sameeyey.

  • 32Oo waxaad garan doontaan runta; runtiina waa idin xorayn doontaa.

  • 1¶ Waxyaalahaas Ciise ayaa ku hadlay, markaasuu indhihiisii kor u qaaday xagga samada oo yidhi, Aabbow, saacaddii way timid. Ammaan Wiilkaaga inuu Wiilku ku ammaano,

  • 20Waxaynu og nahay in Wiilka Ilaah yimid, oo wuxuu ina siiyey garasho si aynu ugu garanno kan runta ah; innaguna waa ku jirnaa kan runta ah, oo ah Wiilkiisa ee Ciise Masiix ah. Kanu waa Ilaaha runta ah iyo nolosha weligeed ah.

  • 31Waannu garanaynaa inaan Ilaah dembilayaashii maqlayn, laakiin wuxuu maqlaa kii Ilaah caabuda oo doonistiisa sameeya.

  • 23in dadka oo dhammu Wiilka maamuuso siday Aabbaha u maamuusaan. Kii aan Wiilka maamuusi, ma maamuuso Aabbaha soo diray.

  • 19Oo aawadood ayaan quduus iskaga dhigaa, in iyagana xagga runta quduus lagaga dhigo.

  • 17waxaa weeye, Ruuxa runta ah oo aanay dunidu qaadan karin, waayo, ma aragto, garanna mayso, idinkuse waad garanaysaan, waayo, wuu idinla jiraa, wuuna idinku jiri doonaa.

  • 3Tanu waa nolosha weligeed ah inay ku gartaan, adoo ah Ilaaha runta ah oo keliya, iyo inay gartaan Ciise Masiix, kii aad soo dirtay.

  • 25Waxyaalaha qarsoon ee qalbigiisa waa la muujiyaa, oo taa aawadeed wejigiisuu u dhici doonaa oo Ilaah ayuu caabudi doonaa isagoo odhanaya, Runtii Ilaah waa idin dhex joogaa.

  • 6Innaguna kuwa Ilaah baynu nahay; ka Ilaah yaqaan waa ina maqlaa; oo ka aan kan Ilaah ahaynna inama maqlo. Taasaynu ku garanaynaa ruuxa runta ah iyo ruuxa qaladka ah.

  • 25Waxyaalahaas ayaan masaallo idinkula hadlay. Waxaa imanaysa goortii aanan mar dambe masaallo idinkula hadli doonin, laakiin aan bayaan idiinkaga warrami doono Aabbaha.

  • 17Laakiin Ciise wuxuu ugu jawaabay, Aabbahay tan iyo imminka ayuu shaqeeyaa, aniguna waa shaqeeyaa.

  • 66%

    10Miyaadan rumaysan inaan Aabbaha ku jiro, Aabbuhuna uu igu jiro? Erayadaan idinkula hadlayo, anigu iskagama hadlayo, Aabbahase igu jira ayaa shuqulladiisa sameeya.

    11I rumaysta inaan Aabbaha ku jiro, oo Aabbuhuna aniga igu jiro, haddii kale shuqullada aawadood ii rumaysta.

  • 32Haddaba Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Muuse samada idinkama siin kibistii, laakiin Aabbahay baa samada idinka siiya kibista runta ah.

  • 4Waa inaan samayno shuqullada kii i soo diray intay maalin tahay; habeen baa imanaya mar aan ninna shaqayn karin.

  • 9Si aan micne lahayn ayay ii caabudaan, Iyagoo dadka wax ku baraya amarrada dadka.

  • 46Ma aha in nin arkay Aabbaha, kii Ilaah ka yimid mooyaane. Isagu waa arkay Aabbaha.

  • 36Waa maxay hadalkan uu yidhi? Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona ma iman kari doontaan.

  • 28Sidaas aawadeed waxay ku yidhaahdeen, Maxaannu yeelnaa si aannu shuqullada Ilaah u samayno?

  • 8¶ Laakiinse markii aydnaan Ilaah garanayn, waxaad addoommo u ahaydeen kuwo aan ilaahyo ahayn xagga dabiicadda.

  • 13¶ Ruuxiisuu ina siiyey oo taasaynu ku garanaynaa inaynu ku sii jirno isaga, isaguna inagu sii jiro.

  • 1 Yoox 5:6-7
    2 aayado
    65%

    6¶ Kanu waa kii biyo iyo dhiig ku yimid, oo ah Ciise Masiix; biyo keliya kuma iman, laakiin wuxuu ku yimid biyo iyo dhiig.

    7Oo waa Ruuxa kan maragga furaa, waayo, Ruuxa waa runta.

  • 26¶ Laakiin markuu yimaado Gargaaraha oo aan xagga Aabbaha ka soo diri doono, isagoo ah Ruuxa runta oo xagga Aabbaha ka soo baxa, ayuu ii marag furi doonaa.

  • 23Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Haddii nin i jecel yahay, ereygayguu xajin doonaa, Aabbahayna waa jeclaan doonaa, oo waannu u iman doonnaa, waanna la joogi doonnaa.

  • 39Qorniinka ayaad baadhaan, waayo, waxaad u malaynaysaan inaad nolosha weligeed ah ka helaysaan, waana iyaga kuwa ii marag furayaa.

  • 17Rabbigu waa Ruuxa, oo meeshii Ruuxa Rabbigu joogana, waxaa jira xorriyad.

  • 16¶ Miyaanaydin garanaynin inaad tihiin macbudkii Ilaah oo uu Ruuxa Ilaah idinku jiro?

  • 21Isaguse wuxuu ka hadlayay macbudka jidhkiisa ah.

  • 20¶ Kuwa wakhtiga iidda u kacay inay Ilaah caabudaan, waxaa ku dhex jiray qaar Gariig ah.

  • 4Wuxuu doonayaa in dadka oo dhammu badbaado oo ay runta gartaan.

  • 25Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Saacaddu waa imanaysaa, waana joogtaa, markii kuwii dhintay codkii Wiilka Ilaah ay maqli doonaan, oo kuwa maqlaana way noolaan doonaan.

  • 44Sidee baad u rumaysan kartaan, idinkoo dhexdiinna ammaan iska aqbalaya, oo aydnaan doonayn ammaanta ka timaada Ilaaha keligiis ah?

  • 19Sidaas aawadeed waxay ku yidhaahdeen, Aabbahaa xaggee buu joogaa? Ciise ayaa ugu jawaabay, I garan maysaan, Aabbahayna garan maysaan. Haddaad i garanaysaan, Aabbahayna waad garan lahaydeen.

  • 1¶ Anigu waxaan ahay geedka canabka ah oo runta ah; Aabbahayna waa beerfalaha.

  • 41Waxaad samaysaan shuqullada aabbihiin. Markaasay ku yidhaahdeen, Annagu kuma aannu dhalan sino. Aabbe keliya ayaannu leennahay oo waa Ilaah.

  • 34Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona iman kari maysaan.

  • Yoox 14:6-7
    2 aayado
    64%

    6Markaasaa Ciise wuxuu Toomas ku yidhi, Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee.

    7Haddaad i garateen, Aabbahayna waad garan lahaydeen. Hadda ka dib waad garanaysaan, waadna aragteen.

  • 30waayo, quruumaha dunidu waxaas oo dhan ayay doondoonaan; laakiin Aabbihiin waa og yahay inaad waxaas u baahan tihiin.

  • 8Sidaa darteed ha ahaanina sidooda oo kale, waayo, Aabbihiin waa og yahay waxaad u baahan tihiin intaanad weyddiin.

  • 27Waayo, Aabbaha qudhiisu wuu idin jecel yahay, maxaa yeelay, waad i jeclaateen, oo waadna rumaysateen inaan xagga Ilaah ka imid.