Yooxanaa 17:3
Tanu waa nolosha weligeed ah inay ku gartaan, adoo ah Ilaaha runta ah oo keliya, iyo inay gartaan Ciise Masiix, kii aad soo dirtay.
Tanu waa nolosha weligeed ah inay ku gartaan, adoo ah Ilaaha runta ah oo keliya, iyo inay gartaan Ciise Masiix, kii aad soo dirtay.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
16Iyagu kuwa dunida ma aha, sidaanan kan dunida u ahayn.
17Iyaga quduus kaga dhig runta, ereygaagu waa rune.
18Sidaad dunida iigu soo dirtay ayaan anna iyaga dunida ugu diray.
19Oo aawadood ayaan quduus iskaga dhigaa, in iyagana xagga runta quduus lagaga dhigo.
20¶ Kuwan oo keliya kuu baryi maayo, waxaanse weliba kuu baryayaa kuwa igu rumaysanaya hadalkooda aawadiis,
21inay dhammaan mid ahaadaan, sidaad adigu, Aabbow, iigu jirtid, aniguna aan kuugu jiro, inay iyaguna inoogu jiraan, in dunidu rumaysato inaad i soo dirtay.
22Oo ammaantaad i siisay iyagaan siiyey, inay mid ahaadaan sidaynu mid u nahay.
23Iyagaan ku jiraa, adna anigaad igu jirtaa, inay mid ku dhan yihiin, in dunidu garato inaad i soo dirtay, iyo inaad iyaga u jeclaatay, sidaad ii jeclaatay.
24¶ Aabbow, kuwaad i siisay waan doonayaa inay ila joogaan meeshaan joogo inay arkaan ammaantaydii aad i siisay, waayo, adaa i jeclaa intaan dunida la aasaasin.
25Aabbaha xaqa ahow, dunidu kuma ay garanaynin, laakiinse waan ku garanayay; kuwanna waxay garanayeen inaad i soo dirtay.
26Magacaagaan iyagii garansiiyey, waanan garansiin doonaa, in jacaylkii aad i jeclayd uu ku jiro iyaga, anna aan iyaga ku jiro.
1¶ Waxyaalahaas Ciise ayaa ku hadlay, markaasuu indhihiisii kor u qaaday xagga samada oo yidhi, Aabbow, saacaddii way timid. Ammaan Wiilkaaga inuu Wiilku ku ammaano,
2sidaad amar ugu siisay dadka oo dhan inuu nolosha weligeed ah siiyo kuwaad isaga siisay oo dhan.
20Waxaynu og nahay in Wiilka Ilaah yimid, oo wuxuu ina siiyey garasho si aynu ugu garanno kan runta ah; innaguna waa ku jirnaa kan runta ah, oo ah Wiilkiisa ee Ciise Masiix ah. Kanu waa Ilaaha runta ah iyo nolosha weligeed ah.
6Markaasaa Ciise wuxuu Toomas ku yidhi, Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee.
7Haddaad i garateen, Aabbahayna waad garan lahaydeen. Hadda ka dib waad garanaysaan, waadna aragteen.
4Dhulka ayaan kugu ammaanay, anoo dhammeeyey shuqulkaad ii dhiibtay inaan sameeyo.
5Haddana, Aabbow, adiga qudhaadu igu ammaan ammaantaan kula lahaa intaan dunidu jirin.
6Magacaagaan u muujiyey dadkii aad dunida iga siisay. Kuwaagii bay ahaayeen, oo anaad i siisay, iyaguna ereygaagay xajiyeen.
7Hadda waxay garanayaan wax kastoo aad i siisayba inay xaggaaga ka yimaadeen.
8Waayo, erayadaad i siisay ayaan siiyey iyaga, wayna aqbaleen, run ahaan bayna u garteen inaan kaa imid, wayna rumaysteen inaad i soo dirtay.
9¶ Iyaga waan kuu baryayaa; kuu baryi maayo dunida, laakiin waxaan kuu baryayaa kuwaad i siisay, waayo, waa kuwaagii.
10Waxayga oo dhan adaa leh, waxaagana anaa leh, iyagana waan ku ammaanmay.
11Anigu dunida sii joogi maayo; kuwanuse duniday joogayaan, aniguna waan kuu imanayaa. Aabbe Quduusow, iyaga ku hay magacaagii aad i siisay, inay mid ahaadaan sideenna oo kale.
13¶ Waxyaalahan waxaan idiinku soo qoray, idinka oo rumaystay magaca Wiilka Ilaah, si aad u ogaataan inaad nolosha weligeed ah leedihiin.
13Haddana waan kuu imanayaa, oo waxyaalahan ayaan ku hadlayaa intaan dunida joogo inay haystaan farxaddayda oo ay ka buuxsanto iyaga.
15in mid kastoo isaga rumaystaa uu lahaado nolosha weligeed ah.
16¶ Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey Wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah.
46Ma aha in nin arkay Aabbaha, kii Ilaah ka yimid mooyaane. Isagu waa arkay Aabbaha.
47¶ Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii i rumaystaa, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah.
20Maalintaas waxaad garan doontaan inaan Aabbahay ku jiro, idinna aad igu jirtaan, anna aan idinku jiro.
39Qorniinka ayaad baadhaan, waayo, waxaad u malaynaysaan inaad nolosha weligeed ah ka helaysaan, waana iyaga kuwa ii marag furayaa.
19Sidaas aawadeed waxay ku yidhaahdeen, Aabbahaa xaggee buu joogaa? Ciise ayaa ugu jawaabay, I garan maysaan, Aabbahayna garan maysaan. Haddaad i garanaysaan, Aabbahayna waad garan lahaydeen.
2Nolosha waa la muujiyey, oo waannu aragnay, waanan u marag furaynaa, oo waxaannu idiinka warramaynaa nolosha weligeed ah, ta Aabbaha la jirtay oo lanoo muujiyey.
3Wixii aannu aragnay oo aannu maqalnay ayaannu idiinka warramaynaa, si aad idinkuna noo soo wehelisaan; oo wehelnimadeennu waa mid la jirta Aabbaha iyo Wiilkiisa Ciise Masiix ah.
18Ninna ma arkin Ilaah marnaba, Wiilka keliya oo laabta Aabbaha ku jira kaasaa inoo sheegay.
27¶ Aabbahay wax walbaba waa ii dhiibay; oo ninna Wiilka garan maayo Aabbaha maahee, oo ninna Aabbaha garan maayo Wiilka maahee iyo kii Wiilku doonayo inuu u muujiyo.
23in dadka oo dhammu Wiilka maamuuso siday Aabbaha u maamuusaan. Kii aan Wiilka maamuusi, ma maamuuso Aabbaha soo diray.
9Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ma intaas badan baan idinla joogay, oo aanad i garanaynin, Filibosow? Kii i arkay wuxuu arkay Aabbaha. Sidee baad u leedahay, Aabbaha na tus?
29Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Kanu waa shuqulkii Ilaah inaad rumaysataan kii uu soo diray.
11Maragguna waa kan, kaas oo ah in Ilaah ina siiyey nolosha weligeed ah, oo ay noloshanu Wiilkiisa ku jirto.
50Oo waanan garanayaa inuu amarkiisu yahay nolosha weligeed ah. Sidaa daraaddeed waxaan ku hadlayaa, sidii Aabbuhu igu yidhi, sidaasaan ku hadlayaa.
40Waayo, tanu waa doonistii Aabbahay in mid kasta oo Wiilka arka oo rumaysta uu nolosha weligeed ah lahaado, aniguna maalinta u dambaysa waan soo sara kicin doonaa.
3Oo wakhtiga cashada Ciise oo garanaya in Aabbuhu wax walba gacanta u geliyey iyo inuu Ilaah ka yimid oo Ilaah ku noqonayo,
31Laakiin waxyaalahan waxaa loo qoray inaad rumaysataan inuu Ciise yahay Masiixa, Wiilka Ilaah, iyo inaad nolosha ku lahaataan magiciisa idinkoo rumaysanaya.
55Mana aydnaan garan isaga, laakiinse anigu waa garanayaa, oo haddaan idhaahdo, Garan maayo isaga, sidiinna oo kalaan beenaaleh noqonayaa, laakiinse waan aqaan isaga, ereygiisana waan xajiyaa.
3Oo taas ayaynu ku garanaynaa inaynu naqaan isaga, haddaynu qaynuunnadiisa adkayno.
17in Ilaaha Rabbigeenna Ciise Masiix oo ah Aabbaha ammaanta uu ruuxa xigmadda iyo muujinta idinku siiyo aqoonta aad isaga taqaaniin.
3Oo waxay waxyaalahaas u samayn doonaan, waayo, waxaanay garanayn Aabbaha iyo aniga toona.
28¶ Ciise haddaba macbudkuu ka dhex qayliyey isagoo wax baraya oo leh, Waad i taqaanniin, waana og tihiin meeshaan ka imid; anigu qudhayda kuma aan iman, laakiin kii i soo diray waa run, kan aydnaan garanaynin.