Yooxanaa 6:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaba markay seeb ku wadeen qiyaas shan iyo labaatan ama soddon istaadiyon, waxay arkeen Ciise oo badda ku dul socda oo doonnida u soo dhowaanaya, wayna baqeen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mark 6:47-49 : 47 Goortii makhribkii la gaadhay, doonnidii waxay joogtay badda dhexdeeda, isaguna keligiis ayuu dhulka joogay. 48 Wuxuu arkay iyagoo wadidda ku dhibtoonaya, waayo, dabaysha ayaa ka gees ahayd. Wakhtigii gaadhka afraad oo habeenka ayuu u yimid isagoo badda ku dul socda, wuuna iska dhaafi lahaa. 49 Laakiin goortay arkeen isagoo badda ku dul socda, waxay moodeen inuu muuqasho yahay, markaasay qayliyeen.
  • Ayuub 9:8 : 8 Isagoo keliya ayaa samooyinka kala bixiya, Oo wuxuu ku dul socdaa hirarka badda.
  • Sab 93:4 : 4 Biyaha badan codkooda, Iyo mawjadaha badda oo waaweynba Waxaa ka sii xoog badan Rabbiga sare.
  • Yex 27:26 : 26 Kuwii seebab kuugu kaxaynayay waxay ku geeyeen meel biyo badan, oo dabayshii bari ayaa badda dhexdeeda kugu jebisay.
  • Yoon 1:13 : 13 Habase yeeshee nimankii aad bay seeb doonnidii ugu wadeen oo ugu dadaaleen inay xeebtii ku soo noqdaan, laakiinse way kari waayeen, maxaa yeelay, badda duufaankeedii oo ka gees ahaa aad iyo aad buu u sii weynaaday.
  • Mat 14:25-26 : 25 Wakhtiga gaadhkii afraad oo habeenka ayuu u yimid isagoo badda ku dul socda. 26 Oo xertiisii goortay arkeen isagoo badda ku dul socda, way nexeen oo waxay yidhaahdeen, Waa muuqasho, oo baqdin bay la qayliyeen.
  • Sab 29:10 : 10 Rabbigu wuxuu dul fadhiyaa daadka, Haah, oo Rabbigu wuxuu weligiisba u fadhiyaa sida boqor oo kale.
  • Luuk 24:36-39 : 36 ¶ Intay waxyaalahaas ku hadlayeen, isaga qudhiisa ayaa dhexdooda taagnaa, oo wuxuu ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto. 37 Laakiin way argaggexeen oo cabsadeen, waxayna u maleeyeen inay ruuxaan arkeen. 38 Markaasuu ku yidhi, Maxaad u naxaysaan? Fikirro maxay qalbigiinna uga kacayaan? 39 Gacmahayga iyo cagahayga arka inaan anigu isagii ahay, i taabta oo arka, waayo, ruuxaan jiidh iyo lafo ma leh sidaad igu arkaysaan inaan leeyahay.
  • Yoox 11:18 : 18 Haddana Beytaniya waa u dhowayd Yeruusaalem, oo waxay u jirtay qiyaas shan iyo toban istaadiyon.
  • Yoox 14:18 : 18 Idiinkama tegi doono agoonnimo, ee waan idiin imanayaa.
  • Muj 14:20 : 20 Oo canabkiina waxaa lagu tuntay magaalada dibaddeeda, oo waxaa macsaraddii ka soo baxay dhiig, wuxuuna gaadhay tan iyo fardaha xakamahooda, ilaa kun iyo lix boqol oo istaadiyon.
  • Muj 21:16 : 16 Oo magaaladuna waxay u dhisnayd afar gees, oo dhererkeeduna wuxuu le'ekaa ballaadhkeeda; oo markaasay waxay magaaladii ku qiyaastay cawsduurkii, oo waxay noqotay laba iyo toban kun oo istaadiyon; oo dhererkeeda iyo ballaadhkeeda iyo sarajooggeeduba waa isla ekaayeen.
  • Luuk 24:13 : 13 ¶ Laba ka mid ah iyaga waxay maalintaas qudheeda ku socdeen tuulo la odhan jiray Emma'us, tan Yeruusaalem u jirtay lixdan istaadiyon.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yoox 6:20-22
    3 aayado
    87%

    20Laakiin wuxuu ku yidhi, Waa aniga ee ha baqina.

    21Sidaa aawadeed waxay doonayeen inay doonnida ku qaadaan, oo markiiba doonnidu waxay joogtay dhulkay u socdeen.

    22¶ Maalintii labaad dadkii badnaa oo badda dhankeeda kale taagnaa, waxay arkeen inaan doonni kale joogin mid maahee, oo aan Ciisena taas la fuulin xertiisii, laakiin in xertiisii keligood baxeen.

  • Mark 6:47-51
    5 aayado
    86%

    47Goortii makhribkii la gaadhay, doonnidii waxay joogtay badda dhexdeeda, isaguna keligiis ayuu dhulka joogay.

    48Wuxuu arkay iyagoo wadidda ku dhibtoonaya, waayo, dabaysha ayaa ka gees ahayd. Wakhtigii gaadhka afraad oo habeenka ayuu u yimid isagoo badda ku dul socda, wuuna iska dhaafi lahaa.

    49Laakiin goortay arkeen isagoo badda ku dul socda, waxay moodeen inuu muuqasho yahay, markaasay qayliyeen.

    50Waayo, way wada arkeen, wayna nexeen. Markiiba wuu la hadlay oo ku yidhi, Kalsoonaada, waa aniga ee ha baqina.

    51Markaasuu doonnidii iyaga ugu tegey, dabayshuna waa joogsatay. Aad iyo aad bay u nexeen oo ula yaabeen.

  • Mat 14:24-27
    4 aayado
    85%

    24Doonniduse durba wax badan ayay dhulka ka fogaatay oo hirarku waa dhibeen, waayo, dabaysha ayaa ka gees ahayd.

    25Wakhtiga gaadhkii afraad oo habeenka ayuu u yimid isagoo badda ku dul socda.

    26Oo xertiisii goortay arkeen isagoo badda ku dul socda, way nexeen oo waxay yidhaahdeen, Waa muuqasho, oo baqdin bay la qayliyeen.

    27Markiiba Ciise waa la hadlay oo ku yidhi, Kalsoonaada, waa aniga ee ha baqina.

  • Yoox 6:16-18
    3 aayado
    83%

    16¶ Markii makhribkii la gaadhay ayaa xertiisii badda u baxday.

    17Waxayna fuuleen doonni, oo badday ka tallaabayeen ilaa Kafarna'um. Oo markiiba gudcur bay ahayd, Ciisena weli uma uu iman.

    18Badduna way isku kacday, dabayl weyn oo dhacday aawadeed.

  • Mark 4:35-41
    7 aayado
    78%

    35¶ Maalintii qudheedii, goortii makhribkii la gaadhay, wuxuu iyaga ku yidhi, Dhanka kale aan u gudubnee.

    36Goortay dadkii badnaa direen, isagay wadeen intuu doonnidii ku jiray, oo doonniyo yaryar oo kalena way la jireen.

    37Waxaa kacay duufaan weyn oo dabayl ah, hirarkiina doonniday ku dhaceen ilaa ay doonnidii buuxsamaysay.

    38Isaguna wuxuu joogay xaggii dambe ee doonnida isagoo barkin ku hurda. Markaasay toosiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, miyaanay waxba kula ahayn inaynu lunno?

    39Kolkaasuu kacay oo dabayshii canaantay, oo badduu ku yidhi, Aamus oo xasil. Markaasaa dabayshii degtay oo xawaal weyn baa dhacday.

    40Goortaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Maxaad sidaa ugu baqaysaan? Sidee baydnaan weli rumaysad u lahayn?

    41Aad bay u baqeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Haddaba yuu yahay kan xataa dabaysha iyo badduba yeelaan?

  • Mat 14:29-30
    2 aayado
    78%

    29Wuxuu ku yidhi, Kaalay. Oo Butros markuu doonnida ka degay ayuu biyaha ku dul socday inuu Ciise u tago.

    30Laakiin goortuu dabayshii arkay ayuu baqay, oo markuu bilaabay inuu dego ayuu qayliyey oo ku yidhi, Sayidow, i badbaadi,

  • Luuk 8:22-25
    4 aayado
    77%

    22¶ Maalmahaas middood waxaa dhacay inuu doonni fuulay isaga iyo xertiisiiba, wuxuuna iyaga ku yidhi, Dhanka kale oo badda aan u gudubno, goortaasay dhaqaaqeen.

    23Laakiin intay socdeen ayuu seexday, oo waxaa baddii ku soo dhacay duufaan weyn oo dabayl ah; doonnidiina ayaa buuxsamaysay, oo halis bay ku jireen.

    24Markaasay isaga u yimaadeen oo intay toosiyeen ayay ku yidhaahdeen, Macallimow, Macallimow, waa lumaynaaye. Kolkaasuu kacay oo canaantay dabayshii iyo hirarkii biyaha. Goortaasay degeen oo xawaal baa dhacday.

    25Markaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Rumaysadkiinnii meeh? Iyagoo baqaya oo yaabban waxay isku yidhaahdeen, Haddaba yuu yahay kan amra xataa dabaysha iyo biyaha oo ay yeelaan?

  • Mark 6:53-54
    2 aayado
    77%

    53¶ Oo markay gudbeen waxay yimaadeen dalka Gennesared, oo doonnidiina xeebtay ku xidheen.

    54Goortay doonnida ka soo degeen, kolkiiba dadku way garteen isaga.

  • Yoon 1:12-13
    2 aayado
    77%

    12Oo isna wuxuu ku yidhi, Kor ii qaada oo badda igu dhex tuura, sidaasay baddu idiinku degi doontaaye, waayo, waxaan ogahay in duufaankan weynu daraadday idiinku soo kacay.

    13Habase yeeshee nimankii aad bay seeb doonnidii ugu wadeen oo ugu dadaaleen inay xeebtii ku soo noqdaan, laakiinse way kari waayeen, maxaa yeelay, badda duufaankeedii oo ka gees ahaa aad iyo aad buu u sii weynaaday.

  • Mat 8:26-27
    2 aayado
    77%

    26Kolkaasuu wuxuu ku yidhi, Maxaad u baqaysaan, rumaysadyarayaalow? Markaasuu kacay, oo canaantay dabaysha iyo badda, oo xawaal weyn baa dhacday.

    27Haddaba nimankii waa yaabeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Waa nin caynkee ah kan xataa dabaysha iyo badduba yeelaan?

  • Mat 8:23-24
    2 aayado
    76%

    23¶ Goortuu doonnida fuulay, xertiisii ayaa raacday.

    24Oo waxaa badda ka kacay duufaan weyn, ilaa ay hirarku qariyeen doonnida, laakiin isagu waa hurday.

  • Mat 14:32-34
    3 aayado
    76%

    32Oo markay doonnida fuuleen, dabayshu waa joogsatay.

    33Kuwii doonnida ku jirayna way caabudeen isaga, oo waxay ku yidhaahdeen, Runtii, waxaad tahay Wiilka Ilaah.

    34¶ Oo markay gudbeen waxay yimaadeen dalka Gennesared.

  • 8Laakiin xertii kale waxay ku yimaadeen sixiimadda yar (waayo, kama ay fogayn dhulka, laakiin waxay u jireen qiyaastii laba boqol oo dhudhun), waxayna jiidayeen shabaggii kalluunka.

  • Luuk 5:6-7
    2 aayado
    75%

    6Goortay waxaas yeeleen waxay ku qabteen kalluun tiro badan, shabagyadooduna way kala dillaaci gaadheen.

    7Markaasay u gacan haadiyeen wehelladoodii doonnida kale ku jiray inay yimaadaan oo caawiyaan. Wayna yimaadeen, oo waxay buuxiyeen labadii doonniyood, sidaa darteed ayay u dhowaadeen inay degaan.

  • 6Markaasuu ku yidhi, Shabagga ku tuura dhinaca midigta ee doonnida, waadna heli doontaane. Haddaba way tuureen, oo ma ayna karin inay soo jiidaan, kalluunka faro badnaantiisa aawadeed.

  • 37Laakiin way argaggexeen oo cabsadeen, waxayna u maleeyeen inay ruuxaan arkeen.

  • 24Markii dadkii badnaa arkeen inaan Ciise halkaas joogin iyo xertiisiiba, waxay fuuleen doonniyihii, wayna yimaadeen Kafarna'um, iyagoo Ciise doondoonaya.

  • 9Maxaa yeelay, isaga iyo kuwii la jirayba, waxay la yaabeen kalluunkii badnaa oo ay qabteen.

  • 4Laakiin markii waagu beryay Ciise wuxuu taagnaa xeebta, xertiisiise ma ay garanaynin inuu Ciise yahay.

  • 28kolkaasay moolkii badda qiyaas ka qaadeen, oo waxay heleen inuu yahay labaatan baac, oo haddana kolkay in yar socdeen ayay mar kale qiyaas qaadeen, oo waxay heleen inuu yahay shan iyo toban baac.

  • 1¶ Waxaas dabadeed Ciise wuxuu u kacay dhinaca kale oo badda Galili oo ahayd baddii Tiberiyas.

  • 21¶ Markii Ciise haddana dhanka kale doonnida ugu gudbay ayaa dad faro badan u soo ururay, isaguna badda agteeda ayuu joogay.