Yoonas 1:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse Yoonis wuxuu u kacay inuu Rabbiga hortiisa ka cararo oo xagga Tarshiish u baxsado. Markaasuu Yaafaa u dhaadhacay oo wuxuu halkaas ka helay doonni Tarshiish tegaysa. Sidaas daraaddeed lacagtii nooliguu bixiyey, kolkaasuu gudaha galay, waayo, wuxuu doonayay inuu iyaga Tarshiish u raaco oo uu ka cararo Rabbiga hortiisa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yash 19:46 : 46 iyo Meey Yarqoon, iyo Raqoon, iyo soohdinta ka soo hor jeedda Yaafaa.
  • Bil 4:16 : 16 Qaabiilna Rabbiga hortiisuu ka tegey, oo wuxuu degay dalkii la odhan jiray Nood, oo xagga bari oo Ceeden ku yiil.
  • Fal 9:36 : 36 ¶ Haddaba waxaa Yaafaa joogi jirtay naag xer ah oo la odhan jiray Tabita taasoo micneheedu yahay Dorkas. Naagtaas waa camal wanaagsanayd, sadaqooyinna waa bixin jirtay.
  • Ish 23:1 : 1 ¶ Kanu waa warka culus ee Turos ku saabsan. Doonniyaha Tarshiishow, baroorta, waayo, way baabba'day, guri iyo irid la galo midna ma leh, waxaana iyaga looga muujiyey dalka Kitiim.
  • Ish 23:6 : 6 Tarshiish xaggeeda u gudba. Kuwiinna gasiiradda degganow, baroorta.
  • Ish 23:10 : 10 ¶ Reer Tarshiishow, bal dalkaaga dhex mar sida Webi Niil oo kale. Innaba wax ku celiya oo dambe ma jiraan.
  • Yoon 4:2 : 2 Kolkaasuu wuxuu baryay Rabbiga oo ku yidhi, Rabbiyow, waan ku baryayaaye, sow kanu ma aha hadalkii aan idhi intaan weli dalkaygii joogay? Oo taas daraaddeed ayaan u degdegay si aan xagga Tarshiish ugu cararo, waayo, waan ogaa inaad tahay Ilaah nimco miidhan ah, oo raxmadu ka buuxdo, oo cadhada u gaabiya, oo naxariis badan, iyo inaad sharka ka noqotid.
  • Luuk 9:62 : 62 Ciise ayaa ku yidhi, Ma jiro nin gacantiisa mixaraatka saara oo dib u eega, oo u qalma boqortooyada Ilaah.
  • Bax 4:13-14 : 13 Isna wuxuu yidhi, Rabbiyow, Waan ku baryayaaye, dir kaad doonaysid inaad dirtid. 14 Markaasaa Rabbigu u cadhooday Muuse, oo wuxuu ku yidhi, Sow ma joogo walaalkaa Haaruun oo ah reer Laawi? Waan ogahay inuu isagu si wanaagsan u hadli karo. Oo bal ogow, wuu u soo socdaa inuu kula kulmo, oo markuu ku arko, qalbigiisuu ka farxi doonaa.
  • Ish 60:9 : 9 Hubaal gasiiraduhu anigay i sugi doonaan, oo doonniyaha Tarshiish ayaa marka hore iman doona inay wiilashaadii meelo fog ka keenaan iyagoo lacagtoodii iyo dahabkoodiiba wata, oo waxay u iman doonaan magaca Rabbiga ah Ilaahaaga iyo Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil aawadiis, maxaa yeelay, isagu wuu ku ammaanay.
  • Yer 20:7-9 : 7 ¶ Rabbiyow, waad i khiyaanaysay, oo waa lay khiyaaneeyey, adigu waad iga xoog badan tahay, oo waad iga adkaatay. Maalin kasta waa laygu qoslaa, oo mid kastaaba waa i yaraystaa. 8 Waayo, mar alla markaan hadlaba waan qayliyaa, oo waxaan ku dhawaaqaa, Waa dulmi iyo kharribaad, maxaa yeelay, eraygii Rabbigu wuxuu ii noqday sabab ay maalinta oo dhan igu caayaan oo iigu qoslaan. 9 Oo haddaan idhaahdo, Isaga ka hadli maayo, oo mar dambe magiciisa wax ku sheegi maayo, waxaa qalbigayga ku jira wax dab ololaya la moodo oo lafahayga ku dheggan, oo waxaan la daalay hadalka.
  • Yex 3:14 : 14 Sidaasuu ruuxii kor iigu qaaday oo meel fog ii waday, oo anna waxaan ku tegey dhirif qadhaadh iyo naftaydoo kulul, oo gacantii Rabbigaa igu kor xoog badnayd.
  • Yex 27:12 : 12 Tarshiish waxay ahayd tii kula baayacmushtari jirtay hodantinimadaadii badnayd ee cayn kasta ahayd aawadeed, oo waxay alaabtaadii kaga baayacmushtari jirtay lacag, iyo bir, iyo qasacad, iyo alxan.
  • 1 Boq 19:3 : 3 Oo isna markuu saas ogaaday ayuu kacay oo naftiisii la cararay, oo wuxuu yimid Bi'ir Shebac oo dalka Yahuudah ka mid ahaa, markaasuu midiidinkiisii halkaas kaga tegey.
  • 1 Boq 19:9 : 9 Oo intuu halkaas yimid ayuu god iska galay, oo halkaasuu baryay, oo bal eeg, waxaa isagii u yimid Eraygii Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi, Eliiyaah, maxaad halkan ka samaynaysaa?
  • 2 Taar 2:16 : 16 Oo annana in alla intaad u baahan tahay oo alwaax ah ayaannu Lubnaan kaaga soo jaraynaa; oo Yaafaa xaggeeda ayaannu badda kuu soo sabbaysiinaynaa, markaasaad Yeruusaalem u qaadan doontaa.
  • Ayuub 1:12 : 12 Markaaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Bal eeg, wuxuu haysto oo dhammu gacantaaday ku jiraan, laakiinse isaga nafsaddiisa waa inaadan far saarin. Markaasaa Shayddaan Rabbiga hortiisii ka tegey.
  • Ayuub 2:7 : 7 Markaasaa Shayddaan Rabbiga hortiisii ka tegey, oo wuxuu Ayuub tin iyo cedhib ku dhuftay boogo xunxun.
  • Sab 139:7-9 : 7 Bal xaggee baan ruuxaaga ka tagaa? Xaggee baanse wejigaaga uga cararaa? 8 Haddaan samada koro, halkaasaad joogtaa, Haddaan sariirtayda She'ool dhex dhigtona, bal eeg, halkaasna waad joogtaa. 9 Haddaan qaato baalasha subaxda, Iyo haddaan dego badda darafyadeeda ugu shisheeyaba, 10 Xataa halkaas gacantaada ayaa i hoggaamin doonta, Oo midigtaada ayaa i soo qaban doonta. 11 Haddaan idhaahdo, Hubaal gudcurkaa i qarin doona, Oo iftiinka igu wareegsanu habeennimuu noqon doonaa, 12 Xataa gudcurku igama kaa qariyo, Laakiinse habeenku wuxuu u iftiimaa sida maalinta oo kale, Gudcurka iyo iftiinku waa isugu kaa mid.
  • Ish 2:16 : 16 iyo doonniyaha Tarshiish oo dhan, iyo taswiiro la jecel yahay oo dhan.
  • Fal 9:43 : 43 Waxaana dhacday inuu maalmo badan Yaafaa la joogay nin la yidhaahdo Simoon oo megdeeye ah.
  • Fal 15:38 : 38 Laakiin Bawlos waxaa la wanaagsanaatay inayan kaxaysan isaga kaasoo iyaga kaga tegey Bamfuliya oo aan shuqulkii iyaga u raacin.
  • Fal 26:19 : 19 ¶ Sidaas daraaddeed, boqor Agribbow, kuma aan caasiyoobin riyadii samada ka timid;
  • 1 Kor 9:16 : 16 Waayo, haddaan dadka injiilka ku wacdiyo, wax aan ku faano ma aha, waayo, wax baa i qasbaya, maxaa yeelay, waa ii hoog haddaanan dadka injiilka ku wacdiyin.
  • 2 Tes 1:9 : 9 Waxaa lagu ciqaabi doonaa halaag weligiis ah, oo waxaa laga gooyn doonaa Rabbiga hortiisa iyo ammaanta xooggiisa,
  • Bil 3:8 : 8 Oo waxay maqleen codkii Rabbiga Ilaaha ah, isagoo beerta dhex socda kolkii maalintu qaboobayd: oo ninkii iyo naagtiisii way iska qariyeen Ilaah, oo waxay ku dhuunteen geedihii beerta dhexdooda.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yoon 1:1-2
    2 aayado
    85%

    1¶ Haddaba waxaa Yoonis ina Amitay u yimid Eraygii Rabbiga oo sidan ku leh,

    2Kac, oo waxaad tagtaa magaaladaas weyn oo Nineweh, oo iyada ku qayli, waayo, sharkoodii wuxuu yimid hortayda.

  • Yoon 1:4-17
    14 aayado
    82%

    4¶ Laakiinse Rabbigu wuxuu baddii ku soo daayay dabayl weyn, kolkaasaa waxaa baddii ka dhex kacay duufaan xoog leh, doonnidiina waxay ku dhowaatay inay burburto.

    5Markaasay raggii baxriyiinta ahaa aad u baqeen, oo mid waluba wuxuu u qayshaday ilaahiisii. Alaabtii doonnida ku jirtayna badday ku dhex tuureen, si ay doonnidu iyaga ugu fududaato. Laakiinse wuxuu Yoonis mar hore u dhaadhacay doonnida meesha ugu hoosaysa, oo halkaasuu seexday, wuxuuna ku jiray hurdo weyn.

    6Haddaba waxaa isagii u yimid naakhudihii doonnida, oo ku yidhi, Hurdahayow, maxaad u jeeddaa? Kac oo Ilaahaaga u qayli, waaba intaasoo uu inaga fikiraa inaannan halligmine.

    7¶ Oo wuxuu midba midkii kale ku yidhi, Kaalaya aynu saami ridannee si aan u ogaanno kan aawadiis belaayadanu inoogu dhacday. Sidaas daraaddeed saami bay riteen, oo saamigiina wuxuu ku dhacay Yoonis.

    8Markaasay waxay isagii ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye noo sheeg kan aawadiis belaayadanu inoogu dhacday. Waa maxay shuqulkaagu? Oo xaggee baad ka timid? Waddankaagu waa kee? Dadkaaguna waa ayo?

    9Oo isna wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaan ahay Cibraani, oo waxaan ka cabsadaa Rabbiga ah Ilaaha samada, oo ah Kan abuuray badda iyo berrigaba.

    10Markaasay nimankii aad iyo aad u cabsadeen, oo ku yidhaahdeen, Waa maxay waxa aad samaysay? Waayo, waxay ogaadeen inuu Rabbiga hortiisa ka soo cararay, maxaa yeelay, isagaa u sheegay.

    11¶ Markaasay ku yidhaahdeen, Si baddu noogu degto aawadeed haddaba bal maxaannu kugu samaynaa? Waayo, badda duufaankeedii aad iyo aad buu u sii weynaaday.

    12Oo isna wuxuu ku yidhi, Kor ii qaada oo badda igu dhex tuura, sidaasay baddu idiinku degi doontaaye, waayo, waxaan ogahay in duufaankan weynu daraadday idiinku soo kacay.

    13Habase yeeshee nimankii aad bay seeb doonnidii ugu wadeen oo ugu dadaaleen inay xeebtii ku soo noqdaan, laakiinse way kari waayeen, maxaa yeelay, badda duufaankeedii oo ka gees ahaa aad iyo aad buu u sii weynaaday.

    14Markaasay Rabbiga u qayshadeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbiyow, waannu ku baryaynaa, oo waannu ku baryaynaaye, yaannan u halligmin nolosha ninkan aawadeed, oo annaga ha na saarin dhiig aan xaq qabin, waayo, Rabbiyow, waxaad samaysay sidii aad ku faraxday.

    15Sidaas daraaddeed Yoonis bay kor u qaadeen oo waxay ku dhex tuureen baddii, kolkaasay baddii joojisay cadhadeedii.

    16Markaasay nimankii aad iyo aad Rabbiga uga cabsadeen, oo waxay Rabbiga u bixiyeen allabari, nidarrona way galeen.

    17¶ Oo Rabbigu wuxuu Yoonis u diyaariyey kalluun weyn oo isaga liqa; Yoonisna wuxuu kalluunka calooshiisii ku dhex jiray saddex habeen iyo saddex maalmood.

  • Yoon 3:1-6
    6 aayado
    79%

    1¶ Haddana mar labaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Yoonis oo ku yidhi,

    2Kac, oo waxaad tagtaa magaaladaas weyn oo Nineweh, oo waxaad iyada ku wacdidaa wacdiska aan kuu sheegayo,

    3Sidaas daraaddeed Yoonis wuu kacay oo wuxuu tegey Nineweh siduu eraygii Rabbigu ku amray. Haddaba Nineweh waxay ahayd magaalo aad iyo aad u weyn, oo waxay isu jirtay intii saddex maalmood loo socdo.

    4Markaasaa Yoonis wuxuu bilaabay inuu magaaladii dhex galo in maalin socod ah, oo intuu qayliyey ayuu yidhi, Weli waxaa u hadhay afartan maalmood, dabadeedna Nineweh waa la afgembiyi doonaa.

    5Markaasaa dadkii Nineweh Ilaah rumaysteen, oo waxay ku dhawaaqeen in la soomo, oo kii ugu wada weynaa ilaa kii ugu yaraa inta ka dhex leh waxay wada xidheen dhar joonyad ah.

    6¶ Oo warkiina wuxuu gaadhay boqorkii Nineweh, oo isna intuu carshigiisii ka kacay ayuu dharkiisii quruxdasanaa iska bixiyey, oo wuxuu huwaday dhar joonyad ah, dambasna wuu ku fadhiistay.

  • Yoon 4:1-10
    10 aayado
    76%

    1¶ Laakiinse Yoonis taas aad buu uga calool xumaaday, wuuna xanaaqay.

    2Kolkaasuu wuxuu baryay Rabbiga oo ku yidhi, Rabbiyow, waan ku baryayaaye, sow kanu ma aha hadalkii aan idhi intaan weli dalkaygii joogay? Oo taas daraaddeed ayaan u degdegay si aan xagga Tarshiish ugu cararo, waayo, waan ogaa inaad tahay Ilaah nimco miidhan ah, oo raxmadu ka buuxdo, oo cadhada u gaabiya, oo naxariis badan, iyo inaad sharka ka noqotid.

    3Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow, waan ku baryayaaye naftayda iga qaad, waayo, intii aan noolaan lahaa waxaa iiga roon inaan dhinto.

    4Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, War inaad xanaaqdid ma kuu wanaagsan tahay?

    5Markaasaa Yoonis ka baxay magaaladii, oo wuxuu fadhiistay magaalada dhankeedii bari, oo halkaasuu waab ka dhistay. Markaasuu hadhkii hoos fadhiistay ilaa uu arko waxa magaalada ku dhacaya.

    6¶ Kolkaasaa Rabbigu wuxuu diyaariyey geed ubbo ah, oo wuxuu ka dhigay inuu kor fuulo waabkii Yoonis, si uu hoos ugu noqdo, oo uu uga samatabbixiyo xaalkiisii xumaa. Sidaas daraaddeed Yoonis aad iyo aad buu ugu farxay geedkii ubbada ahaa aawadiis.

    7Laakiinse maalintii dambe markii waagii beryay ayaa Ilaah diyaariyey dixiri, oo isna geedkii ubbada ahaa ayuu gooyay ilaa uu engegay.

    8Oo kolkii qorraxdii soo baxday ayaa Ilaah diyaariyey dabayl kulul oo bari ka timid; qorraxdiina Yoonis ayay madaxa kaga dhegtay ilaa uu itaal darnaaday, oo isna wuxuu ku baryootamay inuu dhinto, oo wuxuu yidhi, Intii aan noolaan lahaa waxaa iiga roon inaan dhinto.

    9Markaasaa Ilaah wuxuu Yoonis ku yidhi, War inaad geedkii ubbada ahaa u xanaaqdid ma kuu wanaagsan tahay? Oo isna wuxuu yidhi, Haah, oo inaan cadhoodo way ii wanaagsan tahay xataa ilaa dhimasho.

    10Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Waxaad u jixinjixday geedkii ubbada ahaa oo aadan u hawshoon oo aadan korinin oo habeen iska soo baxay oo habeen ku baabba'ay.

  • Yoon 2:9-10
    2 aayado
    74%

    9Aniguse codka mahadnaqidda ayaan allabari kuugu bixin doonaa; Wixii aan nidrayna waan bixinayaa. Badbaado waxaa leh Rabbiga.

    10Markaasuu Rabbigu kalluunkii amray, kalluunkiina wuxuu Yoonis ku mantagay berriga.

  • Yoon 2:1-2
    2 aayado
    74%

    1¶ Markaasaa Yoonis Rabbigii Ilaahiisa ahaa baryay, isagoo ku dhex jira calooshii kalluunka.

    2Oo wuxuu yidhi, Dhibaatadayda aawadeed ayaan Rabbiga ugu yeedhay, Isna wuu ii jawaabay. Waxaan ka dhex qayliyey She'ool uurkiisa, Adna codkaygaad maqashay.

  • 24Oo waxaa badda ka kacay duufaan weyn, ilaa ay hirarku qariyeen doonnida, laakiin isagu waa hurday.

  • Mat 12:40-41
    2 aayado
    67%

    40Waayo, sida Yoonis saddex maalmood iyo saddex habeen caloosha nibiriga ugu jiray, sidaasuu Wiilka Aadanahuna saddex maalmood iyo saddex habeen caloosha dhulka uga jiri doonaa.

    41Nimanka Nineweh waxay xisaabta isla taagi doonaan dadka qarnigan, wayna xukumi doonaan, waayo, waxay ku toobadkeeneen wacdigii Yoonis, oo bal eeg, mid Yoonis ka weyn ayaa halkan jooga.

  • 23Kuwa badda doonniyaha ku mara, Oo shuqulkooda ku sameeya biyaha badan,

  • 6Tarshiish xaggeeda u gudba. Kuwiinna gasiiradda degganow, baroorta.

  • 2oo markaannu helnay doonni Foynike u sii dhaafaysa ayaannu fuulnay oo ku dhoofnay.

  • 8Laakiinse Nineweh waxay tan iyo waagii hore ahaan jirtay sidii balli biya ah, habase yeeshee way cararayaan. Waxaa lagu qayliyaa, War jooga, jooga! laakiinse ninna dib uma eego.

  • 37Waxaa kacay duufaan weyn oo dabayl ah, hirarkiina doonniday ku dhaceen ilaa ay doonnidii buuxsamaysay.

  • 30Oo baxriyiintii ayaa waxay damceen inay doonnida ka baxsadaan, oo waxay badda qarsoodi ugu dejiyeen huurigii sidii iyagoo barroosinno ka tuuraya doonnidii xaggeeda hore.

  • Fal 27:40-41
    2 aayado
    66%

    40Markaasay barroosinnadii badda ku xooreen oo badda ku sii daayeen, oo isla markaasba waxay fureen xadhkihii shukaanaha ku xidhnaa, oo intay shiraaqii dabaysha u sii daayeen, ayay xeebta ku hagaageen.

    41Laakiin waxay ku dhaceen meel laba badood isaga darmadaan, markaasaa doonnidii dhulka ku dhufatay; oo dhankeedii hore ayaa meel ku liimbaaday oo waxay noqotay wax aan la dhaqdhaqaajin karin, laakiin dhankii dambe wuxuu bilaabay inuu ku burburo mawjadihii xooggooda.

  • 36oo wuxuu isagii kula heshiiyey inay samaystaan doonniyo Tarshiish u dhoofa, oo doonniyihii waxay ku samaysteen Cesyoon Geber.

  • 25Oo wuxuu soo celiyey soohdintii dalka Israa'iil tan iyo meesha laga galo Xamaad iyo tan iyo badda Caraabaah, taasuna waa siduu ahaa Eraygii Rabbiga ah Ilaaha dadka Israa'iil ee uu kaga hadlay addoonkiisii ahaa Nebi Yoonis ina Amitay oo ahaa reer Gad Heefer.

  • 7Oo waxay noqon doontaa in kuwa ku fiiriya oo dhammu ay kaa cararaan oo ay yidhaahdaan, Nineweh waa la baabbi'iyey, bal yaa iyada u barooran doona? Xaggee baanse kuwa u tacsiyeeya uga doonaa?