Yoonas 1:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kac, oo waxaad tagtaa magaaladaas weyn oo Nineweh, oo iyada ku qayli, waayo, sharkoodii wuxuu yimid hortayda.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 10:11 : 11 Dhulkaas wuu ka tegey oo wuxuu galay Ashuur, wuxuuna dhisay Nineweh, iyo Rexobod, iyo Kaalah,
  • Nax 1:1 : 1 ¶ Kanu waa warka culus oo Nineweh ku saabsan. Oo waa kitaabkii waxa Naxuum kii reer Elkosh la tusay.
  • Yoon 3:2 : 2 Kac, oo waxaad tagtaa magaaladaas weyn oo Nineweh, oo waxaad iyada ku wacdidaa wacdiska aan kuu sheegayo,
  • Yoon 4:11 : 11 Haddaba sow iima eka inaan u jixinjixo magaalada weyn oo Nineweh, taasoo ay gudaheeda ku jiraan dad ka badan boqol iyo labaatan kun oo qof oo aan kala garan karin gacantooda midig iyo gacantooda bidix, iyo weliba xoolo badan?
  • Saf 2:13-15 : 13 ¶ Oo isagu gacantiisuu u fidin doonaa xagga woqooyi, oo dalka Ashuur wuu wada baabbi'in doonaa, oo Ninewehna cidla buu ka dhigi doonaa iyo lamadegaan engegan. 14 Oo waxaa dhexdeeda jiifsan doona xoolo iyo xayawaanka quruumaha oo dhan, oo cantalyaaga iyo caanaqubtuba waxay ku dhex hoyan doonaan tiirarkeeda. Cod baa ka gabyi doona daaqadaheeda, oo waxaa marinnada joogi doona abaar, waayo, isagu wuu soo bandhigay shuqulkii qoriga kedarka ah laga qabtay. 15 Tanu waa magaaladii faraxa badnayd oo feyigla'aanta ku degganayd, oo qalbiga iska tidhi, Anigaa ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jirto. Waxay noqotay cidla iyo meel dugaag ku hoydo! Mid kasta oo agteeda soo maraaba wuu ku foodhyi doonaa oo gacanta quudhsasho la ruxi doonaa.
  • Muj 18:5 : 5 waayo, dembiyadeedii waxay gaadheen xataa samada, oo Ilaahna wuu xusuustay xaqdarradeedii:
  • Bil 18:20-21 : 20 Rabbiguna wuxuu yidhi, Qaylada Sodom iyo Gomora way badatay, dembigooduna aad buu u weynaaday. 21 Haddaba waan degi doonaa, oo waxaan arki doonaa inay wada sameeyeen sida qayladu ii soo gaadhay iyo in kale; haddaanay wada samaynna, waan ogaan doonaa.
  • 2 Boq 19:36 : 36 Markaasaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur intuu tegey Nineweh ku noqday oo degay.
  • Ish 58:1 : 1 ¶ Aad u qayli, oo waxba ha iskula hadhin, codkaagana sida buun oo kale kor u qaad, oo dadkayga xadgudubkooda u sheeg, oo reer Yacquubna dembiyadooda u sheeg.
  • Yer 1:7-9 : 7 Laakiinse Rabbigu wuxuu igu yidhi, Ha odhan, Dhallinyaraan ahay, waayo, waa inaad u tagtaa qof kasta oo aan kuu diri doono, oo wax alla wixii aan kugu amri doonoba waa inaad ku hadashaa. 8 Iyaga ha ka baqin, waayo, anigu waan kula jiraa inaan ku samatabbixiyo, ayaa Rabbigu leeyahay. 9 Markaasaa Rabbigu gacanta soo fidiyey, oo afkayguu taabtay, kolkaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Bal eeg, Anigu erayadaydii ayaan afka kuugu riday. 10 Bal eeg, maantadan ayaan kaa kor yeelay quruumaha iyo boqortooyooyinkaba, inaad rujisid oo aad dumisid, iyo inaad baabbi'isid oo aad afgembidid, iyo inaad dhistid oo aad beertid.
  • Yex 2:7 : 7 Oo adigu waa inaad erayadayda iyaga u sheegtaa, hadday maqlaan iyo hadday diidaanba, waayo, iyagu waa kuwa aad iyo aad u caasiyoobay.
  • Yex 3:5-9 : 5 Waayo, laguuma dirin dad hadal qalaad oo afkoodu adag yahay, laakiinse waxaa laguu diray reer binu Israa'iil. 6 Laguumana dirin dadyow badan oo hadal qalaad oo afkoodu adag yahay, oo adaan erayadooda garan karin. Hubaal haddaan iyaga kuu diri lahaa, way maqli lahaayeen. 7 Laakiinse reer binu Israa'iil dooni maayaan inay ku maqlaan, maxaa yeelay, dooni maayaan inay aniga i maqlaan, waayo, reer binu Israa'iil oo dhammu waa dad weji adag oo qalbi qallafsan. 8 Bal eeg, wejigaaga waan ka sii adkeeyey wejigooda, oo foolkaagana waan ka sii adkeeyey foolkooda. 9 Oo foolkaaga waxaan ka dhigay sidii dheemman dhagax ka sii adag oo kale. Ha ka cabsan iyaga, oo aragtidoodana ha ka baqin in kastoo ay reer caasiyoobay yihiin.
  • Cesr 9:6 : 6 kolkaasaan idhi, Ilaahayow, waan ka xishoonayaa oo waan ka yaxyaxayaa inaan wejigayga xaggaaga u soo jeedsho, waayo, Ilaahayow, xumaatooyinkayagii ayaa nagu batay, oo dembilahaanshahayagiina wuxuu kor ugu baxay samooyinka.
  • Miik 3:8 : 8 Laakiinse sida runta ah aniga waxaa iga buuxa xoog iyo caddaalad iyo itaal uu Ruuxa Rabbigu i geliyey si aan reer Yacquub xadgudubkiisa ugu sheego, oo aan dadka Israa'iil dembigiisa ugu sheego.
  • Nax 2:1-3 : 1 ¶ Kii wax burburinayay waa u soo baxay hortiinna. Qalcaddiinna dhawra, oo jidka ilaaliya, oo guntiga isku giijiya, oo xooggiinnana si weyn u adkeeya. 2 Waayo, Rabbigu sharaftii reer Yacquub wuu u soo celinayaa sidii sharaftii reer binu Israa'iil oo kale, waayo, kuwii wax dhici jiray ayaa dhacay, oo laamahoodii canabka ahaana way wada baabbi'iyeen. 3 Oo raggiisa xoogga badan gaashaankoodiina waa la caseeyey, oo ragga dagaalyahanka ahuna waxay xidhaan dhar guduudan, oo maalintii isdiyaarintiisana gaadhifardoodyadu waa bir widhwidha, oo warmihiina waa loo ruxay si cabsi badan.
  • Mat 10:18 : 18 Oo waxaa aawaday laydiin hor geeyn doonaa taliyayaal iyo boqorro inay marag ku noqoto iyaga iyo dadka aan Yuhuudda ahayn.
  • Yac 5:4 : 4 Shaqaalayaashii beerihiinnii idiin gooyay mushahaaradoodii aad dulmiga uga reebateen way dhawaaqaysaa, qaylooyinkii kuwii beerihii gooyayna waxay galeen dhegaha Rabbiga Saba'ood.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yoon 3:1-8
    8 aayado
    91%

    1¶ Haddana mar labaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Yoonis oo ku yidhi,

    2Kac, oo waxaad tagtaa magaaladaas weyn oo Nineweh, oo waxaad iyada ku wacdidaa wacdiska aan kuu sheegayo,

    3Sidaas daraaddeed Yoonis wuu kacay oo wuxuu tegey Nineweh siduu eraygii Rabbigu ku amray. Haddaba Nineweh waxay ahayd magaalo aad iyo aad u weyn, oo waxay isu jirtay intii saddex maalmood loo socdo.

    4Markaasaa Yoonis wuxuu bilaabay inuu magaaladii dhex galo in maalin socod ah, oo intuu qayliyey ayuu yidhi, Weli waxaa u hadhay afartan maalmood, dabadeedna Nineweh waa la afgembiyi doonaa.

    5Markaasaa dadkii Nineweh Ilaah rumaysteen, oo waxay ku dhawaaqeen in la soomo, oo kii ugu wada weynaa ilaa kii ugu yaraa inta ka dhex leh waxay wada xidheen dhar joonyad ah.

    6¶ Oo warkiina wuxuu gaadhay boqorkii Nineweh, oo isna intuu carshigiisii ka kacay ayuu dharkiisii quruxdasanaa iska bixiyey, oo wuxuu huwaday dhar joonyad ah, dambasna wuu ku fadhiistay.

    7Oo wuxuu sameeyey naado, oo Nineweh gudaheeda ayaa lagu faafiyey amarkii boqorka iyo saraakiishiisa oo leh, Dad iyo duunyo, lo' iyo ido toona, yaan midna wax dhadhamin, oo yaanay wax cunin, biyona cabbin.

    8Laakiinse dad iyo duunyoba dhar joonyad ah ha la wada huwado, oo Ilaah xaggiisa aad ha loogu qayliyo; oo mid kastaaba ha ka leexdo jidkiisii xumaa iyo dulmiga gacmihiisa ku jira.

  • 1¶ Haddaba waxaa Yoonis ina Amitay u yimid Eraygii Rabbiga oo sidan ku leh,

  • Yoon 1:3-8
    6 aayado
    85%

    3Laakiinse Yoonis wuxuu u kacay inuu Rabbiga hortiisa ka cararo oo xagga Tarshiish u baxsado. Markaasuu Yaafaa u dhaadhacay oo wuxuu halkaas ka helay doonni Tarshiish tegaysa. Sidaas daraaddeed lacagtii nooliguu bixiyey, kolkaasuu gudaha galay, waayo, wuxuu doonayay inuu iyaga Tarshiish u raaco oo uu ka cararo Rabbiga hortiisa.

    4¶ Laakiinse Rabbigu wuxuu baddii ku soo daayay dabayl weyn, kolkaasaa waxaa baddii ka dhex kacay duufaan xoog leh, doonnidiina waxay ku dhowaatay inay burburto.

    5Markaasay raggii baxriyiinta ahaa aad u baqeen, oo mid waluba wuxuu u qayshaday ilaahiisii. Alaabtii doonnida ku jirtayna badday ku dhex tuureen, si ay doonnidu iyaga ugu fududaato. Laakiinse wuxuu Yoonis mar hore u dhaadhacay doonnida meesha ugu hoosaysa, oo halkaasuu seexday, wuxuuna ku jiray hurdo weyn.

    6Haddaba waxaa isagii u yimid naakhudihii doonnida, oo ku yidhi, Hurdahayow, maxaad u jeeddaa? Kac oo Ilaahaaga u qayli, waaba intaasoo uu inaga fikiraa inaannan halligmine.

    7¶ Oo wuxuu midba midkii kale ku yidhi, Kaalaya aynu saami ridannee si aan u ogaanno kan aawadiis belaayadanu inoogu dhacday. Sidaas daraaddeed saami bay riteen, oo saamigiina wuxuu ku dhacay Yoonis.

    8Markaasay waxay isagii ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye noo sheeg kan aawadiis belaayadanu inoogu dhacday. Waa maxay shuqulkaagu? Oo xaggee baad ka timid? Waddankaagu waa kee? Dadkaaguna waa ayo?

  • Yoon 4:1-2
    2 aayado
    76%

    1¶ Laakiinse Yoonis taas aad buu uga calool xumaaday, wuuna xanaaqay.

    2Kolkaasuu wuxuu baryay Rabbiga oo ku yidhi, Rabbiyow, waan ku baryayaaye, sow kanu ma aha hadalkii aan idhi intaan weli dalkaygii joogay? Oo taas daraaddeed ayaan u degdegay si aan xagga Tarshiish ugu cararo, waayo, waan ogaa inaad tahay Ilaah nimco miidhan ah, oo raxmadu ka buuxdo, oo cadhada u gaabiya, oo naxariis badan, iyo inaad sharka ka noqotid.

  • Nax 3:6-8
    3 aayado
    75%

    6Oo wasakh baan korkaaga ku tuuri doonaa, oo ceeb baan ku saari doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa wax lagu dhaygago.

    7Oo waxay noqon doontaa in kuwa ku fiiriya oo dhammu ay kaa cararaan oo ay yidhaahdaan, Nineweh waa la baabbi'iyey, bal yaa iyada u barooran doona? Xaggee baanse kuwa u tacsiyeeya uga doonaa?

    8Bal adigu miyaad ka wanaagsan tahay Noo Aamoon, taasoo webiyada dhexdooda ku jirtay, oo ay biyuhu ku hareeraysnaayeen, oo dhufayskeedu u badda ahaa, derbigeeduna u badda ahaa?

  • 41Nimanka Nineweh waxay xisaabta isla taagi doonaan dadka qarnigan, wayna xukumi doonaan, waayo, waxay ku toobadkeeneen wacdigii Yoonis, oo bal eeg, mid Yoonis ka weyn ayaa halkan jooga.

  • 32Nimanka Nineweh waxay xisaabta isla taagi doonaan dadka qarnigan, wayna xukumi doonaan, waayo, waxay ku toobadkeeneen wacdigii Yoonis, oo bal eeg, mid Yoonis ka weyn ayaa halkan jooga.

  • Yoon 1:14-17
    4 aayado
    75%

    14Markaasay Rabbiga u qayshadeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbiyow, waannu ku baryaynaa, oo waannu ku baryaynaaye, yaannan u halligmin nolosha ninkan aawadeed, oo annaga ha na saarin dhiig aan xaq qabin, waayo, Rabbiyow, waxaad samaysay sidii aad ku faraxday.

    15Sidaas daraaddeed Yoonis bay kor u qaadeen oo waxay ku dhex tuureen baddii, kolkaasay baddii joojisay cadhadeedii.

    16Markaasay nimankii aad iyo aad Rabbiga uga cabsadeen, oo waxay Rabbiga u bixiyeen allabari, nidarrona way galeen.

    17¶ Oo Rabbigu wuxuu Yoonis u diyaariyey kalluun weyn oo isaga liqa; Yoonisna wuxuu kalluunka calooshiisii ku dhex jiray saddex habeen iyo saddex maalmood.

  • 8Laakiinse Nineweh waxay tan iyo waagii hore ahaan jirtay sidii balli biya ah, habase yeeshee way cararayaan. Waxaa lagu qayliyaa, War jooga, jooga! laakiinse ninna dib uma eego.

  • Yoon 2:1-2
    2 aayado
    74%

    1¶ Markaasaa Yoonis Rabbigii Ilaahiisa ahaa baryay, isagoo ku dhex jira calooshii kalluunka.

    2Oo wuxuu yidhi, Dhibaatadayda aawadeed ayaan Rabbiga ugu yeedhay, Isna wuu ii jawaabay. Waxaan ka dhex qayliyey She'ool uurkiisa, Adna codkaygaad maqashay.

  • 1¶ Kanu waa warka culus oo Nineweh ku saabsan. Oo waa kitaabkii waxa Naxuum kii reer Elkosh la tusay.

  • Yoon 4:4-6
    3 aayado
    73%

    4Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, War inaad xanaaqdid ma kuu wanaagsan tahay?

    5Markaasaa Yoonis ka baxay magaaladii, oo wuxuu fadhiistay magaalada dhankeedii bari, oo halkaasuu waab ka dhistay. Markaasuu hadhkii hoos fadhiistay ilaa uu arko waxa magaalada ku dhacaya.

    6¶ Kolkaasaa Rabbigu wuxuu diyaariyey geed ubbo ah, oo wuxuu ka dhigay inuu kor fuulo waabkii Yoonis, si uu hoos ugu noqdo, oo uu uga samatabbixiyo xaalkiisii xumaa. Sidaas daraaddeed Yoonis aad iyo aad buu ugu farxay geedkii ubbada ahaa aawadiis.

  • 10Markaasuu Rabbigu kalluunkii amray, kalluunkiina wuxuu Yoonis ku mantagay berriga.

  • 17Haddaba sidaas daraaddeed guntiga dhexda ku giiji oo sara joogso, oo waxaad iyaga u sheegtaa wixii aan kugu amro oo dhan, oo yaanan hortooda kugu nixine innaba wejigooda ha ka nixin.

  • Yoon 4:8-11
    4 aayado
    70%

    8Oo kolkii qorraxdii soo baxday ayaa Ilaah diyaariyey dabayl kulul oo bari ka timid; qorraxdiina Yoonis ayay madaxa kaga dhegtay ilaa uu itaal darnaaday, oo isna wuxuu ku baryootamay inuu dhinto, oo wuxuu yidhi, Intii aan noolaan lahaa waxaa iiga roon inaan dhinto.

    9Markaasaa Ilaah wuxuu Yoonis ku yidhi, War inaad geedkii ubbada ahaa u xanaaqdid ma kuu wanaagsan tahay? Oo isna wuxuu yidhi, Haah, oo inaan cadhoodo way ii wanaagsan tahay xataa ilaa dhimasho.

    10Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Waxaad u jixinjixday geedkii ubbada ahaa oo aadan u hawshoon oo aadan korinin oo habeen iska soo baxay oo habeen ku baabba'ay.

    11Haddaba sow iima eka inaan u jixinjixo magaalada weyn oo Nineweh, taasoo ay gudaheeda ku jiraan dad ka badan boqol iyo labaatan kun oo qof oo aan kala garan karin gacantooda midig iyo gacantooda bidix, iyo weliba xoolo badan?

  • 30Waayo, sida Yoonis calaamo ugu noqday reer Nineweh, sidaas oo kale ayuu Wiilka Aadanahu calaamo ugu ahaan doonaa qarnigan.

  • 11¶ Markaasay ku yidhaahdeen, Si baddu noogu degto aawadeed haddaba bal maxaannu kugu samaynaa? Waayo, badda duufaankeedii aad iyo aad buu u sii weynaaday.

  • 12¶ Haddaba haatan waxaa Rabbigu leeyahay, Qalbigiinna oo dhan iigu soo jeesta, idinkoo sooman, oo ooyaya, oo barooranaya.

  • 1¶ Aad u qayli, oo waxba ha iskula hadhin, codkaagana sida buun oo kale kor u qaad, oo dadkayga xadgudubkooda u sheeg, oo reer Yacquubna dembiyadooda u sheeg.

  • 1¶ Oo haddana eraygii Rabbigu waa ii yimid, isagoo leh,

  • 20Rabbiguna wuxuu yidhi, Qaylada Sodom iyo Gomora way badatay, dembigooduna aad buu u weynaaday.

  • 1¶ Markaasuu dhegahayga cod weyn ugu qayliyey, isagoo leh, Kuwa magaalada u taliya soo dhowee, iyadoo ninkood kastaaba uu hubkiisa uu wax ku baabbi'iyo gacanta ku haysto.

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 11Haddaba sidaas daraaddeed tag, oo waxaad la hadashaa dadka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem deggan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu masiibaan idiin qabanqaabinayaa, oo hindisaan idiin hindisayaa. Haddaba midkiin kastaaba jidkiisa sharka ah ha ka soo noqdo, oo jidadkiinna iyo falimihiinnaba wanaajiya.

  • 1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad u dhaadhacdaa guriga boqorka dalka Yahuudah, oo halkaas eraygan kaga hadal,

  • 9Oo isna wuxuu igu yidhi, Sii gal, oo bal fiiri waxyaalaha karaahiyada iyo sharka ah oo ay halkan ku samaynayaan.