Yoonas 4:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse maalintii dambe markii waagii beryay ayaa Ilaah diyaariyey dixiri, oo isna geedkii ubbada ahaa ayuu gooyay ilaa uu engegay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoel 1:12 : 12 Canabkii wuu engegay, oo berdihiina wuu dhaday, oo geedkii rummaanka, iyo geedkii timirta, iyo geedkii tufaaxa, iyo xataa dhirtii berrinka ku tiil oo dhammu way wada engegeen, oo farxaddiina way ka dhammaatay binu-aadmiga.
  • Ayuub 1:21 : 21 oo wuxuu yidhi, Anigoo qaawan baan uurkii hooyaday ka soo baxay, oo haddana anigoo qaawan baan halkaas ku noqon doonaa. Rabbigaa wax i siiyey, oo haddana Rabbigaa iga qaatay, ammaan waxaa leh magaca Rabbiga.
  • Sab 30:6-7 : 6 Aniguse intaan barwaaqaysnaa waxaan idhi, Weligay dhaqdhaqaaqi maayo. 7 Rabbiyow, raallinimadaada aawadeed ayaad buurtayda ka dhigtay inay si adag u taagnaato, Wejigaagaad qarisay, oo anna waan argaggaxay.
  • Sab 90:5-6 : 5 Waxaad iyaga u qaaddaa sida daadku wax u qaado, oo iyagu waxa weeye sida hurdo oo kale, Oo subaxdana waxay u baxaan sida doog oo kale. 6 Subaxda way cagaaraan, wayna soo baxaan, Oo fiidkana waa la jaraa, wayna engegaan.
  • Sab 102:10 : 10 Sababtuna waa dhirifkaagii iyo cadhadaadii aawadood, Waayo, kor baad ii qaadday, dabadeedna waad i xoortay.
  • Ish 40:6-8 : 6 Waxaa yeedhaya codka kan leh, Qayli. Oo isna wuxuu yidhi, Maxaan ku qayliyaa? Wax kasta oo jiidh lahu waa caws, oo wanaagsanaantiisa oo dhammuna waa sida ubaxa duurka oo kale. 7 Cawsku wuu engegaa, ubaxuna wuu dhacaa, maxaa yeelay, neefta Rabbigu way afuuftaa, sida xaqiiqada ah dadku waa caws oo kale. 8 Cawsku wuu engegaa, ubaxuna wuu dhacaa, laakiinse erayga Ilaaheennu weligiisba wuu waari doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yoon 4:4-6
    3 aayado
    85%

    4Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, War inaad xanaaqdid ma kuu wanaagsan tahay?

    5Markaasaa Yoonis ka baxay magaaladii, oo wuxuu fadhiistay magaalada dhankeedii bari, oo halkaasuu waab ka dhistay. Markaasuu hadhkii hoos fadhiistay ilaa uu arko waxa magaalada ku dhacaya.

    6¶ Kolkaasaa Rabbigu wuxuu diyaariyey geed ubbo ah, oo wuxuu ka dhigay inuu kor fuulo waabkii Yoonis, si uu hoos ugu noqdo, oo uu uga samatabbixiyo xaalkiisii xumaa. Sidaas daraaddeed Yoonis aad iyo aad buu ugu farxay geedkii ubbada ahaa aawadiis.

  • Yoon 4:8-10
    3 aayado
    82%

    8Oo kolkii qorraxdii soo baxday ayaa Ilaah diyaariyey dabayl kulul oo bari ka timid; qorraxdiina Yoonis ayay madaxa kaga dhegtay ilaa uu itaal darnaaday, oo isna wuxuu ku baryootamay inuu dhinto, oo wuxuu yidhi, Intii aan noolaan lahaa waxaa iiga roon inaan dhinto.

    9Markaasaa Ilaah wuxuu Yoonis ku yidhi, War inaad geedkii ubbada ahaa u xanaaqdid ma kuu wanaagsan tahay? Oo isna wuxuu yidhi, Haah, oo inaan cadhoodo way ii wanaagsan tahay xataa ilaa dhimasho.

    10Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Waxaad u jixinjixday geedkii ubbada ahaa oo aadan u hawshoon oo aadan korinin oo habeen iska soo baxay oo habeen ku baabba'ay.

  • 17¶ Oo Rabbigu wuxuu Yoonis u diyaariyey kalluun weyn oo isaga liqa; Yoonisna wuxuu kalluunka calooshiisii ku dhex jiray saddex habeen iyo saddex maalmood.

  • Yoon 4:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Laakiinse Yoonis taas aad buu uga calool xumaaday, wuuna xanaaqay.

    2Kolkaasuu wuxuu baryay Rabbiga oo ku yidhi, Rabbiyow, waan ku baryayaaye, sow kanu ma aha hadalkii aan idhi intaan weli dalkaygii joogay? Oo taas daraaddeed ayaan u degdegay si aan xagga Tarshiish ugu cararo, waayo, waan ogaa inaad tahay Ilaah nimco miidhan ah, oo raxmadu ka buuxdo, oo cadhada u gaabiya, oo naxariis badan, iyo inaad sharka ka noqotid.

  • Yoon 1:1-6
    6 aayado
    70%

    1¶ Haddaba waxaa Yoonis ina Amitay u yimid Eraygii Rabbiga oo sidan ku leh,

    2Kac, oo waxaad tagtaa magaaladaas weyn oo Nineweh, oo iyada ku qayli, waayo, sharkoodii wuxuu yimid hortayda.

    3Laakiinse Yoonis wuxuu u kacay inuu Rabbiga hortiisa ka cararo oo xagga Tarshiish u baxsado. Markaasuu Yaafaa u dhaadhacay oo wuxuu halkaas ka helay doonni Tarshiish tegaysa. Sidaas daraaddeed lacagtii nooliguu bixiyey, kolkaasuu gudaha galay, waayo, wuxuu doonayay inuu iyaga Tarshiish u raaco oo uu ka cararo Rabbiga hortiisa.

    4¶ Laakiinse Rabbigu wuxuu baddii ku soo daayay dabayl weyn, kolkaasaa waxaa baddii ka dhex kacay duufaan xoog leh, doonnidiina waxay ku dhowaatay inay burburto.

    5Markaasay raggii baxriyiinta ahaa aad u baqeen, oo mid waluba wuxuu u qayshaday ilaahiisii. Alaabtii doonnida ku jirtayna badday ku dhex tuureen, si ay doonnidu iyaga ugu fududaato. Laakiinse wuxuu Yoonis mar hore u dhaadhacay doonnida meesha ugu hoosaysa, oo halkaasuu seexday, wuxuuna ku jiray hurdo weyn.

    6Haddaba waxaa isagii u yimid naakhudihii doonnida, oo ku yidhi, Hurdahayow, maxaad u jeeddaa? Kac oo Ilaahaaga u qayli, waaba intaasoo uu inaga fikiraa inaannan halligmine.

  • Mark 4:6-7
    2 aayado
    70%

    6laakiin qorraxdu goortay soo baxday way gubteen, waana engegeen, waayo, xidid ma lahayn.

    7Qaar kalena waxay ku dhex dhaceen qodxan, qodxantiina waa soo baxday oo ceejisay, oo midho ma ay dhalin.

  • 23Markiiba ayaa malaa'igtii Rabbigu ku dhufatay, maxaa yeelay, Ilaah ma uu ammaanin; markaasaa waxaa cunay dixiryo, oo naftiina ka dhacday.

  • 6Subaxda way cagaaraan, wayna soo baxaan, Oo fiidkana waa la jaraa, wayna engegaan.

  • 10Markaasuu Rabbigu kalluunkii amray, kalluunkiina wuxuu Yoonis ku mantagay berriga.

  • 20¶ Subaxdii goortay ag marayeen, waxay arkeen geedkii berdaha ahaa oo xididdada ka engegay.

  • 9Waxaan idinku dhuftay beera-engeeg iyo caariyaysi, oo beerihiinnii badnaa, iyo beercanabyadiinnii, iyo dhirtiinnii berdaha ahayd, iyo dhirtiinnii saytuunka ahaydba waxaa wada laasatay koronkorrada, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.

  • Aam 7:1-3
    3 aayado
    68%

    1¶ Sayidka Rabbiga ahu wax buu i tusay, oo bal eeg, wuxuu sameeyey ayax markii fufkii dambe bilowday, oo bal eeg, waxay ahayd fufkii dambe markii boqorka cawskiisa la gooyay dabadeed.

    2Oo markay dhammeeyeen cunitaankii cawskii dalka ayaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, waan ku baryayaaye, na cafi, waayo, bal reer Yacquub sidee bay isu taagi doonaan? Waayo, iyagu waa yar yihiin.

    3Markaasaa Rabbigu taas ka soo noqday, oo Rabbigu wuxuu yidhi, Taasu ahaan mayso.

  • 4Wixii koronkorrada ka hadhay ayax baa cunay, oo wixii ayaxa ka hadhayna laddaa baa cunay, oo wixii laddaaga ka hadhayna diir baa cuntay.

  • Yex 17:9-11
    3 aayado
    68%

    9Waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Miyaa geedkaasu liibaani doonaa? Miyuusan xididdadiisa rujin doonin, oo uusan midhihiisa u googooyn doonin si uu u engego, oo caleemihiisa cagaarka ah oo dhammu ay u engegaan, in kastoo aan xoog weyn amase dad tiro badanu xididdadiisa rujin?

    10In kastoo la beeray miyuu liibaani doonaa? Oo miyuusan kulligiis engegi doonin markii dabaysha bari ay taabato? Meeshii lagu beeray wuu ka engegi doonaa.

    11¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 4Markaasaa Yoonis wuxuu bilaabay inuu magaaladii dhex galo in maalin socod ah, oo intuu qayliyey ayuu yidhi, Weli waxaa u hadhay afartan maalmood, dabadeedna Nineweh waa la afgembiyi doonaa.

  • Nax 3:15-16
    2 aayado
    68%

    15Halkaasaa dab kugu laasan doona, oo seef baa ku baabbi'in doonta, oo waxay kuu dhammayn doontaa sida koronkorro, bal isu badi sidii koronkorro oo kale, oo sidii ayax oo kale isu badi.

    16Baayacmushtariyaashaadii waxaad ka sii badisay xiddigaha samada, koronkorraduse intay wax cunto bay iska duushaa.

  • 12Intuu weli cagaarka yahay oo aan la gooyn, Wuu ka hor engegaa dhalatada kale oo dhan.

  • Yoon 1:14-15
    2 aayado
    67%

    14Markaasay Rabbiga u qayshadeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbiyow, waannu ku baryaynaa, oo waannu ku baryaynaaye, yaannan u halligmin nolosha ninkan aawadeed, oo annaga ha na saarin dhiig aan xaq qabin, waayo, Rabbiyow, waxaad samaysay sidii aad ku faraxday.

    15Sidaas daraaddeed Yoonis bay kor u qaadeen oo waxay ku dhex tuureen baddii, kolkaasay baddii joojisay cadhadeedii.

  • 1¶ Markaasaa Yoonis Rabbigii Ilaahiisa ahaa baryay, isagoo ku dhex jira calooshii kalluunka.

  • 11Maalintii aad beerto ayaad xeraysaa, subaxdiina waxaad ubax ka keentaa abuurkaaga, laakiinse beergoosadku wuxuu carari doonaa maalin murug iyo caloolxumo badan.

  • 46Oo weliba wixii u baxay wuxuu siiyey diir, Oo waxay ku hawshoodeenna wuxuu siiyey ayax.

  • 6Intee buu ka sii liitaa nin dirxi ahu! Iyo binu-aadmiga dirxiga ahu!

  • 6laakiin qorraxdu goortay soo baxday way gubteen, waana engegeen, waayo, xidid ma lahayn.

  • 39Waxaad beeran doontaan beero canab ah, waanad fali doontaan, laakiinse khamrina ma cabbi doontaan, canabna kama guran doontaan, waayo, waxaa cuni doona dixiri.

  • 1¶ Haddana mar labaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Yoonis oo ku yidhi,

  • 9Intaan dheryihiinnu qodxaha taaban, Ayuu kuwa qoyan iyo kuwa ololayaba ku kala firdhin doonaa dabayl cirwareen ah.

  • 40Oo Ilaahna sidii buu yeelay habeenkaas; waayo, waxaa engegnaa dhogortii keliya, oo dhulka kale oo dhammuna dharab buu lahaa.

  • 8Taas aawadeed dhar joonyad ah guntada, oo baroorta, oo qayliya, waayo, cadhadii Rabbiga oo kululayd nagama noqon.

  • 6Oo iyana way kortay, oo waxay noqotay geed canab ah oo fidsan laakiinse sarajooggiisu gaaban yahay oo laamihiisu xaggiisa u soo noqdeen, oo xididdadiisuna isagay ka hooseeyeen, oo saasuu geedcanab u noqday, oo uu laamo u soo bixiyey, oo uu caleemo cagaar ah u soo saaray.

  • 17Abuurkii la beeray wuxuu ku qalalay ciidda hoosteeda, oo maqsinnadiina way baabbe'een, oo bakhaarradiina waa la dumiyey, maxaa yeelay, hadhuudhkii baa qalalay.

  • 12Laakiinse iyadii cadhaa lagu rujiyey, oo dhulkaa lagu soo xooray, oo dabayshii bari ayaa midheheedii qallajisay, laameheedii adadkaana way jajabeen oo engegeen, oo dab baa iyagii baabbi'iyey.

  • 8Oo subaxdii dambe ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,

  • 11oo xiddigta magaceedana waxaa la yidhaahdaa Qadhaadh; oo biyihiina saddex meelood oo meel baa qadhaadh noqotay; dad badanuna wuxuu ku dhintay biyihii, maxaa yeelay, qadhaadh baa laga dhigay.