Yashuuca 10:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Markaasaa Yashuuca Rabbiga la hadlay maalintii Rabbigu reer Amor u dhiibay reer binu Israa'iil, oo wuxuu reer binu Israa'iil hortooda ka yidhi, Qorraxday, istaag Gibecoon korkeeda, Adiguna, Dayaxow, waxaad kor istaagtaa dooxada Ayaaloon.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Xab 3:11 : 11 Qorraxdii iyo dayaxiiba waxay istaageen rugtoodii, Markay fallaadhahaaga nuuraya lalayeen, Iyo markuu warankaaga dhalaalaya birbirqay.
  • Ish 38:8 : 8 bal eeg, waxaan dib u soo celin doonaa hooska derejooyinka, intuu hore uga socday toban derejo oo ah derejooyinkii Aaxaas. Sidaasay qorraxdu dib ugu soo noqotay toban derejo oo ay hore u dhaaftay.
  • Ish 60:20 : 20 Qorraxdaadu mar dambe ma dhici doonto, oo dayaxaaguna iftiinkiisa ma ceshan doono, waayo, Rabbigu wuxuu kuu ahaan doonaa iftiin weligiis ah, oo wakhtigii baroorashadaaduna wuu dhammaan doonaa.
  • Sharc 4:19 : 19 Ama waa intaasoo aad indhaha samada kor ugu taagtaan, oo markaad aragtaan qorraxda iyo dayaxa iyo xiddigaha oo ah ciidanka samada oo dhan, laydin jiitaa oo aad caabuddaan iyaga, oo aad u adeegtaan, kuwaasoo Rabbiga Ilaahiinna ahu u qaybiyey dadyowga samada ka hooseeya oo dhan.
  • Sharc 17:3 : 3 oo intuu taga u adeega ilaahyo kale, oo caabuda iyaga, ha ahaadeen qorraxda, ama dayaxa, amase ciidanka samada midkood, taasoo aanan anigu ku amrin,
  • Yash 10:13 : 13 Oo markaasaa qorraxdii istaagtay; dayaxiina waa joogsaday, Ilaa ay quruuntii ka aarsatay cadaawayaashoodii. Tanu miyaanay ku qornayn kitaabkii Yaashaar? Oo qorraxdii waxay ku joogsatay samada dhexdeeda, umana ay degdegin inay hoos u dhacdo maalin dhan.
  • Yash 19:42 : 42 iyo Shacalabbiin, iyo Ayaaloon, iyo Yitlaah,
  • Xaak 12:12 : 12 Oo Eeloon oo reer Sebulun ahaana wuu dhintay, oo waxaa lagu aasay Ayaaloon oo ku taal dalka reer Sebulun.
  • Ayuub 9:7 : 7 Wuxuu amraa qorraxda, oo iyana sooma ay baxdo, Xiddigahana wuu xidhaa.
  • Ayuub 31:26-27 : 26 Haddaan fiiriyey qorraxda oo dhalaalaysa, Ama dayaxa oo iftiin ku socda, 27 Oo markaas qalbigayga haddii qarsoodi loo sasabtay, Oo anoo caabudaya aan afkayga gacanta ugu dhunkaday,
  • Sab 19:4 : 4 Codkoodii wuxuu dhex maray dhulka oo dhan, Hadalkoodiina wuxuu gaadhay dunida meesha ugu dambaysa. Oo dhexdooda wuxuu taambuug u dhigay qorraxda,
  • Sab 74:16 : 16 Maalinta adigaa iska leh, habeenkana adigaa iska leh, Oo adigaa diyaariyey iftiinka iyo qorraxdaba.
  • Sab 148:3 : 3 Qorraxda iyo dayaxow, ammaana isaga, Xiddigaha iftiinka oo dhammow, ammaana isaga.
  • Ish 28:21 : 21 Waayo, Rabbigu wuxuu u soo kici doonaa siduu Buur Feraasiim ugu kacay, oo wuxuu u cadhoon doonaa siduu dooxada Gibecoon ugu cadhooday, inuu sameeyo shuqulkiisa, waana shuqulkiisa yaabka leh, iyo inuu falintiisa falo, waana falintiisa aan la fillayn.
  • Aam 8:9 : 9 Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalintaas waxaan ka dhigi doonaa in qorraxdu hadhkii dhacdo, oo dhulkana maalin cad baan gudcur ka dhigi doonaa.
  • Xab 2:20 : 20 Laakiinse Rabbigu waa ku jiraa macbudkiisa quduuska ah, haddaba inta dhulka joogta oo dhammu ha ku hor aamuseen.
  • Sak 2:13 : 13 Binu-aadmiga oo dhammow, Rabbiga hortiisa ku aamusa, waayo, isagu waa ka soo kacay hoygiisii quduuska ahaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 90%

    13Oo markaasaa qorraxdii istaagtay; dayaxiina waa joogsaday, Ilaa ay quruuntii ka aarsatay cadaawayaashoodii. Tanu miyaanay ku qornayn kitaabkii Yaashaar? Oo qorraxdii waxay ku joogsatay samada dhexdeeda, umana ay degdegin inay hoos u dhacdo maalin dhan.

    14Oo maalintaas maalin la mid ahu kamana horrayn, kamana dambayn, ee uu Rabbigu maqlay nin codkiis: waayo, Rabbigu wuxuu u diriray reer binu Israa'iil.

    15¶ Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku noqdeen xeradii ku tiil Gilgaal.

  • 11Qorraxdii iyo dayaxiiba waxay istaageen rugtoodii, Markay fallaadhahaaga nuuraya lalayeen, Iyo markuu warankaaga dhalaalaya birbirqay.

  • Yash 4:14-15
    2 aayado
    73%

    14Oo maalintaas Rabbigu wuxuu Yashuuca ku weyneeyey reer binu Israa'iil oo dhan hortooda; oo cimrigiisii oo dhanba way ka cabsadeen isagii, sidii ay Muuse uga baqi jireen oo kale.

    15¶ Markaasaa Rabbigu Yashuuca la hadlay, oo ku yidhi,

  • Yash 10:6-11
    6 aayado
    72%

    6Oo dadkii reer Gibecoon waxay u cid dirteen Yashuuca oo joogay xeradii Gilgaal, oo waxay ku yidhaahdeen, Gacantaadu yay ka raagin addoommadaada, noo soo dhaqso, oo na badbaadi, oo na caawi: maxaa yeelay, boqorradii reer Amor oo buuraha degganaa oo dhammu way isu kaayo urursadeen.

    7Sidaas daraaddeed Yashuuca wuxuu ka tegey Gilgaal isagoo ay la socdaan dadkii dagaalyahannada ahaa oo dhan iyo raggii xoogga lahaa oo dhammuba.

    8Oo markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Iyaga ha ka cabsan, waayo, iyaga gacmahaagaan kuu soo geliyey. Midkoodna isma kaa hor taagi doono.

    9Oo sidaas daraaddeed Yashuuca ayaa ku soo kediyey iyagii, waayo, habeenkii oo dhan buu ka soo guuraynayay Gilgaal.

    10Oo markaasaa Rabbigu cabsi ku riday iyagii reer binu Israa'iil hortooda, oo Gibecoon agteeda ayuu aad ugu laayay, oo wuxuu u eryaday xagga jidkii kor loo baxo Beytxooroon, oo wuxuu ku laynayay ilaa Caseeqaah iyo tan iyo Maqeedaah.

    11Oo markay ka carareen reer binu Israa'iil, intay ku sii jireen dhaadhaca Beytxooroon, ayaa Rabbigu wuxuu iyaga samada kaga soo daayay roob dhagaxyo leh oo waaweyn ilaa Caseeqaah, oo way dhinteen; oo intii roobkii dhagaxyada lahaa ku dhimatay baa ka sii badnayd intoodii reer binu Israa'iil seefta ku laayeen.

  • 13¶ Oo markii Yashuuca joogay Yerixoo agteeda ayuu indhihiisa kor u taagay oo wax fiiriyey, oo wuxuu arkay nin isaga ka soo hor jeeda oo seeftiisii oo gal la' gacanta ku haysta. Markaasaa Yashuuca intuu u tegey ku yidhi, War ma annagaad nala gees tahay mise colkayagaad la gees tahay?

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Yashuuca la hadlay, oo ku yidhi,

  • 71%

    41Oo Yashuuca wuxuu laayay iyagii ilaa Qaadeesh Barneeca iyo tan iyo Gaasa, iyo dalkii reer Goshen oo dhan, iyo xataa tan iyo Gibecoon.

    42Oo boqorradaas iyo dalkoodii oo dhan Yashuuca isku mar buu wada qabsaday, maxaa yeelay, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil baa u diriray reer binu Israa'iil.

  • Yash 3:7-9
    3 aayado
    71%

    7Markaasaa Rabbigu Yashuuca ku yidhi, Maantaan bilaabayaa inaan kugu weyneeyo reer binu Israa'iil hortooda, inay ogaadaan in sidii aan Muuse ula jiray, aan adigana kuula jiri doono.

    8Oo waa inaad amartaa wadaaddada sanduuqa axdiga sida, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markii aad gaadhaan biyaha Webi Urdun qarkooda waa inaad Webi Urdun isdhex taagtaan.

    9¶ Markaasaa Yashuuca wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Kaalaya halkan, oo maqla erayada Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • Yash 7:7-8
    2 aayado
    70%

    7Markaasaa Yashuuca wuxuu yidhi, Way, Sayidow, Rabbiyow, ma waxaad dadkan Webi Urdun uga soo gudbisay inaad nagu riddo gacmaha reer Amor iyo inaad na halligto? Waxaa noo wanaagsanaan lahaa inaannu degno Webi Urdun shishadiisa oo halkaas raalli ku ahaanno.

    8Sayidow, maxaan idhaahdaa mar hadday reer binu Israa'iil cadaawayaashoodii dhabarka u jeediyeen?

  • 10Markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Sara joogso, maxaad sidaas wejigaaga isugu tuurtay?

  • Yash 11:6-7
    2 aayado
    70%

    6Markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Ha ka cabsan iyaga, waayo, berri hadda oo kale ayaan reer binu Israa'iil gacanta u gelin doonaa, iyagoo la wada laayay. Oo waa inaad fardahooda boqno gooysaa, oo gaadhifardoodkoodana waa inaad dab ku gubtaa.

    7Markaasay Yashuuca iyo raggii dagaalyahannada ahaa oo dhammu biyihii Meeroom agtooda kaga soo kediyeen oo weerareen iyagii.

  • 1¶ Oo boqorradii reer Amor oo dhan oo joogay Webi Urdun xaggiisa shishe oo galbeed, iyo boqorradii reer Kancaan oo dhan oo badda dhinaceeda degganaa, markay maqleen sida Rabbigu biyihii Webi Urdun u engejiyey reer binu Israa'iil hortooda ilaa aannu soo wada gudubnay, ayay wada dhalaaleen, oo xoog dambena kuma jirin, reer binu Israa'iil aawadood.

  • 25Markaasaa Yashuuca wuxuu iyagii ku yidhi, Ha cabsanina, hana qalbi jabina; xoog yeesha oo aad u dhiirranaada; waayo, Rabbigu sidaasuu u geli doonaa cadaawayaashiinna aad la diriraysaan oo dhan.

  • 10Oo Yashuuca wuxuu dadkii ku amray oo ku yidhi, Waa inaydnaan qaylin, codkiinnana waa inaan la maqlin, afkiinnana eray qudh ah yaanu ka soo bixin, ilaa maalintii aan idinku amro inaad qaylisaan; oo markaas waa inaad qaylisaan.

  • 27Oo kolkay qorraxdu dhacday ayaa Yashuuca amray in laga soo dejiyo geedihii, oo kolkaasay ku tuureen godkii ay markii hore ku dhuunteen, oo markaasay dhagaxyo waaweyn godkii afkiisii saareen, oo waa sidii ilaa maantadan.

  • 1¶ Oo markii quruuntii oo dhammu ay ka wada gudubtay Webi Urdun, ayaa Rabbigu Yashuuca la hadlay, oo ku yidhi,

  • 13Oo Yashuucana seef afkeed buu ku jebiyey reer Camaaleq iyo dadkiisiiba.

  • 13Markaasay diyaariyeen dadkii oo dhan, xataa ciidankii magaalada xagga woqooyi ka xigay oo dhan, iyo kuwoodii gaadmada ugu qarsoonaa magaalada xaggeeda galbeed, oo Yashuucana habeenkaas wuxuu dhaxay dooxadii dhexdeeda.

  • 10Kolkaasaa Yashuuca yeelay sidii Muuse ku yidhi, oo wuxuu la diriray reer Camaaleq. Markaasaa Muuse iyo Haaruun iyo Xuur waxay koreen ilaa buurta dusheedii.

  • 6Qorraxdu maalinta waxba kuma yeeli doonto. Habeenkana dayaxu waxba kuma yeeli doono.

  • 9Oo Yashuuca wuxuu laba iyo toban dhagax qotomiyey Webi Urdun dhexdiisa, taasoo ah meeshii wadaaddada sida sanduuqa axdiga ay cagahoodu istaageen; oo ilaa maantadan weli meeshii bay jiraan.

  • 1¶ Maalmo badan dabadood, markii Rabbigu reer binu Israa'iil ka nasiyey cadaawayaashoodii ku wareegsanaa, Yashuucana da' weynaa, gabowna la dhacay,