Yashuuca 10:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo markaasaa qorraxdii istaagtay; dayaxiina waa joogsaday, Ilaa ay quruuntii ka aarsatay cadaawayaashoodii. Tanu miyaanay ku qornayn kitaabkii Yaashaar? Oo qorraxdii waxay ku joogsatay samada dhexdeeda, umana ay degdegin inay hoos u dhacdo maalin dhan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Sam 1:18 : 18 oo wuxuu ku amray inay carruurta dalka Yahuudah baraan gabayga qaansada; oo bal eeg, kaasu wuxuu ku qoran yahay kitaabka Yaashaar.
  • Ish 38:8 : 8 bal eeg, waxaan dib u soo celin doonaa hooska derejooyinka, intuu hore uga socday toban derejo oo ah derejooyinkii Aaxaas. Sidaasay qorraxdu dib ugu soo noqotay toban derejo oo ay hore u dhaaftay.
  • Xab 3:11 : 11 Qorraxdii iyo dayaxiiba waxay istaageen rugtoodii, Markay fallaadhahaaga nuuraya lalayeen, Iyo markuu warankaaga dhalaalaya birbirqay.
  • Mat 5:45 : 45 si aad u ahaataan wiilashii Aabbihiinna jannada ku jira, waayo, qorraxdiisa wuxuu u soo bixiya kuwa xun iyo kuwa wanaagsan, roobna wuu u di'iyaa kuwa xaqa ah iyo kuwa aan xaqa ahaynba.
  • Mat 24:29 : 29 ¶ Laakiin dhibta wakhtigaas dabadeed, kolkiiba qorraxdu waa madoobaan doontaa, dayuxuna ma nuuri doono, xiddiguhuna cirka waa ka soo dhici doonaan, xoogagga cirkana waa la gariirin doonaa.
  • Luuk 18:7 : 7 Ilaahna miyaanu xaq siin doonin kuwuu doortay oo habeen iyo maalinba u qayliya; oo miyaanu u dulqaadan doonin?
  • Fal 2:20 : 20 Qorraxdu waxay u beddelmi doontaa gudcur, Dayaxuna wuxuu u beddelmi doonaa dhiig, Intaanay iman maalinta Rabbigu, Taas oo ah maalin weyn oo caan ah.
  • Muj 6:10 : 10 oo iyana waxay ku dhawaaqeen cod weyn iyagoo leh, Sayidkayaga quduuskaa oo runtahow, ilaa goormaadan xukumayn oo aadan dhiigayaga nooga aarayn kuwa dhulka jooga?
  • Muj 6:12 : 12 ¶ Oo haddana waxaan arkay markii uu furay shaabaddii lixaad, markaasaa waxaa dhacay dhulgariir weyn; oo qorraxduna waxay u madoobaatay sidii joonyad dhogor ah, oo dayaxii oo dhammuna wuxuu noqday sidii dhiig oo kale;
  • Muj 8:12 : 12 ¶ Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii afraad, markaasaa waxaa wax lagu dhuftay qorraxda saddex meelood oo meel, iyo dayaxa saddex meelood oo meel, iyo xiddigaha saddex meelood oo meel, in saddex meelood oo meeli ay gudcur noqoto, iyo in maalinta saddex meelood oo meeli aanay iftiimin, habeenkuna uu noqdo sidaas oo kale.
  • Muj 16:8-9 : 8 ¶ Oo tii afraadna waxay fijaankeedii ku shubtay qorraxda; oo waxaa qorraxdii la siiyey amar ay dadka ku gubto. 9 Markaasaa dadkii waxaa lagu gubay kulayl weyn, oo waxay caayeen magicii Ilaaha belaayooyinka u taliya, oo ma ay toobadkeenin inay isaga ammaanaan.
  • Muj 21:23 : 23 Oo magaaladuna uma baahna qorrax iyo dayax toona inay dusheeda ka iftiimaan; waayo, ammaanta Ilaah ayaa iftiin u ahayd, oo laambadeeduna waa Wanka.
  • Est 8:13 : 13 Oo warqaddii amarku ku qornaa naqilkeedii ayaa lagu faafiyey gobol kasta, oo waxaa loo sii dhiibay dadyowga oo dhan, taasoo leh, Maalintaas Yuhuuddu diyaar ha u ahaadeen inay ka aarsadaan cadaawayaashooda.
  • Sab 19:4 : 4 Codkoodii wuxuu dhex maray dhulka oo dhan, Hadalkoodiina wuxuu gaadhay dunida meesha ugu dambaysa. Oo dhexdooda wuxuu taambuug u dhigay qorraxda,
  • Sab 74:16-17 : 16 Maalinta adigaa iska leh, habeenkana adigaa iska leh, Oo adigaa diyaariyey iftiinka iyo qorraxdaba. 17 Adigu waxaad samaysay dhulka soohdimihiisa oo dhan, Oo adigaa sameeyey diraac iyo xagaaba.
  • Sab 136:7-9 : 7 Kan sameeyey iftiimmo waaweyn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. 8 Qorraxdu inay maalinta xukunto, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. 9 Dayaxa iyo xiddiguhuna inay habeenka xukumaan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
  • Sab 148:3 : 3 Qorraxda iyo dayaxow, ammaana isaga, Xiddigaha iftiinka oo dhammow, ammaana isaga.
  • Ish 24:23 : 23 Oo markaasaa dayaxu isku qasmi doonaa, oo qorraxduna way ceeboobi doontaa, waayo, Rabbiga ciidammadu boqor buu ku ahaan doonaa Buur Siyoon iyo Yeruusaalem, isagoo odayaashiisa hortooda sharaftiisa ka muujinaya.
  • Tir 21:14 : 14 Haddaba kitaabkii dagaalladii Rabbiga waxaa ku qoran, Waaheeb oo Suufaah ku taal, Iyo dooxooyinka Arnoon,
  • Tir 31:2 : 2 Reer binu Israa'iil uga aargud reer Midyaan, oo taas dabadeedna dadkaagaad ku darman doontaa.
  • Yash 10:11 : 11 Oo markay ka carareen reer binu Israa'iil, intay ku sii jireen dhaadhaca Beytxooroon, ayaa Rabbigu wuxuu iyaga samada kaga soo daayay roob dhagaxyo leh oo waaweyn ilaa Caseeqaah, oo way dhinteen; oo intii roobkii dhagaxyada lahaa ku dhimatay baa ka sii badnayd intoodii reer binu Israa'iil seefta ku laayeen.
  • Yash 10:14 : 14 Oo maalintaas maalin la mid ahu kamana horrayn, kamana dambayn, ee uu Rabbigu maqlay nin codkiis: waayo, Rabbigu wuxuu u diriray reer binu Israa'iil.
  • Xaak 5:2 : 2 Madaxdii baa reer binu Israa'iil hoggaamisay, Dadkiina iyagoo oggol ayay isbixiyeen, Taas aawadeed Rabbiga ammaana.
  • Xaak 16:28 : 28 Markaasuu Samsoon Rabbiga baryay, oo yidhi, Sayidow, Rabbiyow, waan ku baryayaaye, i xusuuso, oo waan ku tuugayaaye, markan keliya xoog ii yeel, Ilaahow, si aan reer Falastiin haddiiba uga magdhowdo labadaydii indhood.
  • Yoel 2:10 : 10 Oo hortooda dhulku wuu gariirayaa, samooyinkuna way ruxmanayaan, oo qorraxdii iyo dayaxiina way madoobaadeen, oo xiddigihiina iftiinkoodii way ceshadeen.
  • Yoel 2:31 : 31 Qorraxdu waxay u beddelmi doontaa gudcur, dayaxuna wuxuu u beddelmi doonaa dhiig, intaanay iman maalinta Rabbiga oo weyn oo cabsida badanu.
  • Yoel 3:15 : 15 Qorraxdii iyo dayaxii way madoobaadeen, oo xiddigihiina iftiinkoodii way ceshadeen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yash 10:9-12
    4 aayado
    90%

    9Oo sidaas daraaddeed Yashuuca ayaa ku soo kediyey iyagii, waayo, habeenkii oo dhan buu ka soo guuraynayay Gilgaal.

    10Oo markaasaa Rabbigu cabsi ku riday iyagii reer binu Israa'iil hortooda, oo Gibecoon agteeda ayuu aad ugu laayay, oo wuxuu u eryaday xagga jidkii kor loo baxo Beytxooroon, oo wuxuu ku laynayay ilaa Caseeqaah iyo tan iyo Maqeedaah.

    11Oo markay ka carareen reer binu Israa'iil, intay ku sii jireen dhaadhaca Beytxooroon, ayaa Rabbigu wuxuu iyaga samada kaga soo daayay roob dhagaxyo leh oo waaweyn ilaa Caseeqaah, oo way dhinteen; oo intii roobkii dhagaxyada lahaa ku dhimatay baa ka sii badnayd intoodii reer binu Israa'iil seefta ku laayeen.

    12¶ Markaasaa Yashuuca Rabbiga la hadlay maalintii Rabbigu reer Amor u dhiibay reer binu Israa'iil, oo wuxuu reer binu Israa'iil hortooda ka yidhi, Qorraxday, istaag Gibecoon korkeeda, Adiguna, Dayaxow, waxaad kor istaagtaa dooxada Ayaaloon.

  • 79%

    14Oo maalintaas maalin la mid ahu kamana horrayn, kamana dambayn, ee uu Rabbigu maqlay nin codkiis: waayo, Rabbigu wuxuu u diriray reer binu Israa'iil.

    15¶ Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku noqdeen xeradii ku tiil Gilgaal.

  • 11Qorraxdii iyo dayaxiiba waxay istaageen rugtoodii, Markay fallaadhahaaga nuuraya lalayeen, Iyo markuu warankaaga dhalaalaya birbirqay.

  • 27Oo kolkay qorraxdu dhacday ayaa Yashuuca amray in laga soo dejiyo geedihii, oo kolkaasay ku tuureen godkii ay markii hore ku dhuunteen, oo markaasay dhagaxyo waaweyn godkii afkiisii saareen, oo waa sidii ilaa maantadan.

  • 13¶ Oo markii Yashuuca joogay Yerixoo agteeda ayuu indhihiisa kor u taagay oo wax fiiriyey, oo wuxuu arkay nin isaga ka soo hor jeeda oo seeftiisii oo gal la' gacanta ku haysta. Markaasaa Yashuuca intuu u tegey ku yidhi, War ma annagaad nala gees tahay mise colkayagaad la gees tahay?

  • 13Oo Yashuucana seef afkeed buu ku jebiyey reer Camaaleq iyo dadkiisiiba.

  • 42Oo boqorradaas iyo dalkoodii oo dhan Yashuuca isku mar buu wada qabsaday, maxaa yeelay, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil baa u diriray reer binu Israa'iil.

  • 31Rabbiyow, cadaawayaashaada oo dhammu sidaas ha u halligmeen; Laakiinse kuwa Rabbiga jecel oo dhammu ha noqdeen sida qorraxda markay xooggeeda la soo baxdo. Oo dalkiina afartan sannadood wuu xasilloonaa.

  • 67%

    19laakiinse intiinna kale ha joogsanina; ee cadaawayaashiinna eryada, oo laaya intooda ugu dambaysa, oo ha u oggolaanina inay galaan magaalooyinkooda; waayo, Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa iyaga gacanta idiin geliyey.

    20Oo markii Yashuuca iyo reer binu Israa'iil ay dhammeeyeen layntii weynayd ee ay raggii laayeen, ilaa ay wada baabbi'iyeen oo firxadkii ka soo hadhayna ay galeen magaalooyinkii deyrarka lahaa,

  • 6Qorraxdu maalinta waxba kuma yeeli doonto. Habeenkana dayaxu waxba kuma yeeli doono.

  • 1¶ Oo boqorradii reer Amor oo dhan oo joogay Webi Urdun xaggiisa shishe oo galbeed, iyo boqorradii reer Kancaan oo dhan oo badda dhinaceeda degganaa, markay maqleen sida Rabbigu biyihii Webi Urdun u engejiyey reer binu Israa'iil hortooda ilaa aannu soo wada gudubnay, ayay wada dhalaaleen, oo xoog dambena kuma jirin, reer binu Israa'iil aawadood.

  • 15Oo maalintii toddobaad aroor horay keceen markii waagu beryay, oo sidii oo kale ayay magaaladii toddoba jeer ugu soo wareegeen; laakiin maalintaas ayay magaalada toddoba jeer ku soo wareegeen.